Friday, October 2, 2015

War-farxad leh: Khuuraddii oo Daawo loo Helay


 12/ August/2014 

Dadka intooda badani ma helaan hurdo ku filan habeenkii, halka kuwo kale oo  badanina ay hurdo diidaan taas maaha  macnaheedu in aanay si fiican u shaqeynnaynin marinka neef-sashadu,  laakiin in ka badan malaayiin dad ah waxa ku dhaca hurdo yaraan, taasina waxay ku tusinaysaa inay u tahay astaan xaalad khatar caafimaad darro oo ku timaada qofka.


In ka badan boqol jeer ayey hurdada ka toosaan dadka qaba Xanibaada neefsashada hurdada (OSA),  ka dib aroortii marka ay dadku toosaan waxay dareemaan sidii qof aan helin hurdo ku filan,  xaqiiqdii taasi waa dhab,  oo may helin hurdo ku filan, mana aha oo kaliya inuu tabanayo jidhkiisu daal badan, balse waxaynu odhan karnaa waa dadka  khuuriyee inay halis caafimaad darro ay ku keeni karto naftiisa, sida hadda la xaqiijiyey khuuradu waxay dadka ku keentaa sida;- Wadne-xanuun,  Madax-xanuun, qalalka, xusuuta oo lunta,  dheecaanada dheefshiidka oo ku noqota, kaadida oo  kugu badata iyo macaanka, Inkastoo dadka uu ku yimaado daalka, dhiig-karka iyo  madax xanuunka  aan la garanaynnin,  ay  calaamadahaas oo dhami ay ka yimaadaan  qulubka  hurdada ee ay sababto xanibaada neef-sashada hurdada ee  afka qalaad loo yaqaan (OSA) Obstructive sleep apnea.

Inkastoo Adduunku aanu  ku guuleysan sannaddihii ina soo dhaafay  daawooyin lagula tacaalo dadka uu haleelay xanuunka  khuurada  ee afka-qalaad loo yaqaano apnea,  mudooyinkaasi waxa dadkaa soo  wajahay  dhaqaalo burbur kaga-baxayey sidii ay mar-uun u  heli-lahaayeen daawo ka kaxaysa khuurada,  dadka qaliinada lagu sameeyey ka sokow waxay qaarkoodna kula tacaali jireen in ay guryahooda ku isticmaalaan  qalab u fududeeya helitaanka hawada  xilliyada ay hurdaan,  waxaana ka mid ahaa qalabkaasi qaaliga ahaa sida,  continues positive airway pressure (CPAP)  Special  Bi-Level mac hine, Pro vent therapy, oral Appliances, Adaptive servo ventilation (ASV), Nasal Bellow Mask,  Components of a Mask, Styles of Masks. 

Haddaba waxay is weydiintu tahay,  Maxaa sababa xanibnaanta neef-sashada hurdada maadaama dadku ay habeen kasta ay u baahan yihiin hurdo?  taas jawaabteeda waxa laga yaabaa inaad la yaabto, sababtoo ah, waa  khuuradee !
Khuuradu waxay dadka ku keentaa  inuu kac-kaco habeenkii oo dhan,  halka dadka qaarna ay ooyaan habeenkii una baahdaan cid-caawisa waa marka ay neefsan kariyaan hurdada habeenkii,  haddana  khuurada inteeda badani waa  mid aad u sahlan,  taasina waxay ku xidhan qaab jiiftsashada oo ah mid aan ku haboonayn inuu  jidhkaagu uu hello neefsasho wanaagsan oo aad ku raaxaysato.

Habka kaliyaatee lagu joojin karro istaagida neefsashada ay  tahay in muruqayada daamanka  Afka  oo la  isku qabtaa ay si fiican inoogu sahasho  in marinka hawadu inoo furanto,  isla markaana  si dhib-yaraana ay u sii marto  hawo-qaadashadii  hunguriga cad.
Nasiib wanaag hadda waxaas oo dhami way is badelaan , waxa hadda la helay  marro isku haynaysa afkaaga iyo madaxaaga si aanad afkaagu u furmin inta aad hurudo, maradaasi waxay kaa taageeraysaa si dhib yar inay hawadu u mari-karto qaybta hawo mareenka ee hunguriga cad.


Dr. Mohamed Farah Qoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid