Sunday, April 7, 2024

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/6aad


Haddana kuma koobna oo kaliya godadka dayaxa, balse, waxa lala akhriyaa bisha uu ka dhashay tirsi-qoraxeedka, moorada,  maalinkaa ama habeenkaa uu dhashay,  burjigiisa, waxaanna la odhan jiray hebel waa Naari, ama waa Hawaai ama waa Arliyo ama waa Maai oo ah luuqadda afka-carabiga oo macnaheedu yahay Dabka, Hawada, Dhulka iyo Biyaha.

Dabku waa walax u socota kor oo gaadhi karta daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer-kulka joogoodu aad u sareeyo, haddana, run ahaantii dabkaas lama garan karo sida uu u eeg yahay.

Dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, dabkuna waa mid wax baabiiya oo dhalan rogga, Dabka ciidamadda waxaynu dareenaa isagoo dhex maraaya hawada in uu wax walba uu baabiiyo,  biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxaantana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya.

Dadka burjigoodu uu yahay Naariga, waxa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin hal adayg, dhageysi iyo firfircooni shaqsiyadeed, inkastoo ay leeyihiin rooxaan sare.

Dadka burjigoodu uu yahay Naariga, waxa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin hal adayg, dhageysi iyo firfircooni shaqsiyadeed, inkastoo ay leeyihiin rooxaan sare, isla-markaana leh arragti-fog, hoggaamin shaqsiyadeed, isku kal-sooni badan, tamar, farxad, fur-furnaan, xiise, jaceyl, dareen daacadnimo, deeqsinimo, dabeecad iyo niyad wanaagsan, waxa kale oo ay ka dhigaan mashaariicaha tamar diiran oo iftiimiya, inta badan waxa ay u baahdaan heshiis wanaagsan iyo xorriyadd ay ku muujiyaan  arragtidooda gaar ah,  oo ay soo  bandhigaan fikiradahooda, inkastoo, ay leeyihiin fikrado badan oo dadka soo jiita iyo saaxiibo badan, haddana, maaha kuwo ka fiirsadda fikraddaha caqli-galka ah ee wax-ku oolka u ah bulshadda.

Waxa kake oo ay awood u leeyihiin kicinta dareenka dadka, waxaannay qiimeeyaan waqtiyadii hantidoodu fiicanayd, waxaannay  rumaysan yihiin in dhinaca kartida, arragtida iyo awooddaba lagu gaadhi karo guul-darro, taasi macnaheedu maaha, in aanay dadka kale  siinin waxa ay ka mudan yihiin, balse, waxa laga yaabaa inay hoos u dhigaan fikradahooda iyo waxa ay aaminsan yihiin, xataa haddii aad doonayso in aad u qabato shaqo fiican, waxa ay u qabaan in aad naftaada u qabatay.

Si kastaba ha ahaatee, waa kuwo ka tirsan kooxaha leh awooddaha  dhiiri-galinta Madax-weynayaasha iyo hoggaaminta dabiiciga ah ee Madaxnimo, taasoo u horseedi karta in ay dagaalka xaga-hore ka galaan, balse, aanay ka muuqanin safka hore ee hoggaaminta, kamana fikiraan xaqiiqdii talaaba kasta oo ay qaadayaan in ay kala tashadaan dadka kale, inta badan waa kuwo u taagan in la aqoonsado heerka liibaantooda ay gaadhsiisan tahay iyo guullahooda.

Isla-markaana, aaminsan in ay sharaftu ka muhiimsan tahay qanninimada, iskana indho-tira waxa badan oo dhaawac ku keeni lahaa dareenkooda, waxaannay si toos ah u jecel yihiin caruurta.

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/5aad


Dayuxu waa meere loo cayimay xilli mudeysan jid uu maro iyo meel uu deggo, ma'na laha iftiin u gaar ah, balse waxa uu keydsadaa falaadhaha iftiinka Qoraxda oo ku dhaca oogada sare ee dayaxa, marka dayuxu ka danbeeyo qoraxda waxa aad arkaysaa halka uu kaga beegan yahay, dayaxii oo dhanna uu ifayo, dhanna uu mugdi yahay, waxaannu dayuxu ku meer-wareegaa dhulka saddex iyo toban jeer sannadkiiba.

Waanna walax biyo ah, dabcigiisuna waa qabow iyo qoyaan, waxaannu u kala dab-qaadaa maluugta intooda kale, dhulkana wuxuu u yahay dayax-gacmeed muujinaya xagasha ay kaga jiraan meerayaasha kale.

Dhinaca goddadka dayuxu uu maro waxa la yidhaahdaa naftaadana Naaf u dhalo, tolkaana Tar u dhalo, Wiilka Naaf-dhaladka ah ee dhasha habeen Dayuxu fadhiyey godka Naaf-madoobaha waxa uu noqdaa hoggaamiye ama wiil sharaf badan, haddii timihiisu madow yihiinna maal-qabeen buu noqdaa baa la yidhi,  Inanta Naaf-madoobe dhaladka ah inta sharaf dumar lagu sheego oo dhan bay yeelataa, laakiinse, haddii uu dhasho habeen dayuxu la fadhiyey Naaf-caddaha, waxa la yidhaahdaa talaabo kasta oo uu qaadayo waa in la iska hubiyaa, ka noqoshuu leeyahay, waana qof labac-labac badan, taran iyo tigaatina ma'dhigo, Inanta Naaf-cadde dhaladka ahina reerkeeday baabiisaa baa la yidhi.

Wiilka Tar-dhaladka ah ee dhasha habeen dayuxu uu fadhiyey godka Koxdin-tar, waxa la yidhaahdaa waa qof tolka u wanaagsan oo taran badan, Inantuna sidoo kale, halka, Wiilka Godan dhaladka ah ee dhasha habeen dayuxu fadhiyey godka Godan la yidhaa, waxa uu noqdaa  macangag wixii arrin iyo tallo ah ee loola yimaado, wuu ka hor yimaadaa, Inanta Godan dhaladka ahina waxay noqotaa Inan madax-adag, waanay guur-beeshaa,

Wiilka Dirir dhaladka ah ee dhasha habeen dayaxu fadhiyey godka dirirka loo yaqaan,  geeliisa Ayaan buu ku soo dhacsadaa baa la yidhi, Wiilka Bayaxow dhaladka ahi geeliisa Buruuj buu ku soo dhacsadaa baa la yidhi, Wiilka Garbo dhaladka ahna, geeliisa Waran buu ku soo dhacsadaa baa la yidhi,
Wiilka Gudban  dhaladka ahina geeliisa Af-buu ku soo dhacsadaa baa la yidhi, oo habaarkiisa iyo ducadiisaba labadaba waa la aqbalaa.

Raggii hore waxa ay yaqaanneen habeenka ay u tagayaan ee uurka u qaadayso ooridoodu, maadaama, sagaalka billood ee sidka ilmaha uurka hooyada ku jira loo tiriyo tirsi-dayaxeedka si ilmaha habeenkaa u calool galay uu ugu beegmo mid ka mid ah godadka dayaxu uu ku nasto, sababtoo ah waxa ay iska illaalin  jireen in uu ku beegmo ilmaha dhalanayaa goddod ka mid ah goddadka dayuxu uu maro oo caruurta dhalataa ay noqdaan, kuwo cuntada gacanta laga qabto oo aan garan karin inay dheregsan yihiin iyo in kale, kuwo hamo badan oo loo sameeyo cunsur-guuris oo aan waxbaba dhaafin, kuwo taran yar, xoolo yar,  karti yar, garaad yar, fahmo yar, macangag ah, kuwo gocor ah aan tolka aan u wanaagsaney, kuwo dagaal badan iyo qaar kale oo la mida

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/4aad


Waxa kale oo loo eegi jiray magac bixinta dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen, xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu ku dhashay, habeenka uu dhashay dayaxu godka uu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa.

Waxaanna la odhan jiray Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana amaba lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixin jiray Dirir, wiilka dhasha dayaxa oo fadhiya Koxdin cawo, waxa loo bixiyaa Cawaale, ama Ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq, ama Doobiro.

Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi, waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na loo bixiyo illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda, Kaaha ama Iftin, wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushahayna waxa loo bixiyaa Suudi ama Xagaa ama Kaliil, haddii ay rooban tahayna Rooble, haddii roobku biyo dhigana Gabax ama Xareed.

Haddii reerku guurayana wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Nageeye, Inanta Nagaad, marka reeku geeddi dheer uu ku jiro wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Geedi ama Hayaan ama Kaynaan, goor habeenimo ah oo la guurayo wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Guurre, labada fiidyo cawl ka danbe Gabal, inantana habeenkaa dhalatana Galabo.

Wiilka dhasha maalin Jimcaad waxa loo bixiyaa Jimcaale, Inanta dhalata maalin Isniinana waxa loo bixiyaa Isniino, Axaddana Axado. 

Marka labada waalid ay is'hayaan ee uu dhex maro xurguf ama xafiiltan midba midka kale uu ku diidan yahay, wiilka xilligaas dhasha waxa loo bixiyaa Colaad, haddii gar lagu jirana Guddi.

Wiilka yar ee naaska hooyaddii aan laga gudhin ee wali jaqa waxa loo bixiyaa Caanonuug, ka aan jiqina Caaganne, halka wiilka yar ee gaaxda naaska hooyadii jaqay ee ay ku dhalmo deysana, Gaaxnuug ama Goofaadhi, wiilka ishinkiisa dhaafana waxa loo bixiyaa dubad, haddii hooyadu muddo dhali weydo, ka dibna uu wiil u calool galo markuu dhasho ayaa loo bixiyaa Raage, halka Inantana loo bixiyo Daaha, taas oo ah Qof la sugayey oo la raagsaday.

Inanta kulansata qurux, wanaag iyo garasha dheerna waxa loo bixiyaa Baxsan, Jamaad, Indho-deeq, Saxarla, Baar, Maandeeq, Haweeya, Midhifla, Xadiyo, Saluugla, Cawrala, ama Dahabo oo ah Shimbir yar oo garbaha ka madow, baalashana ka dahabiya, caddadhuuni, ama Siraad, Dhool oo ah fooda sare ee fadka daruuraha cadcad ee ugu soo hooraya, Wiilashana waxa loo bixiyaa Maydhane, Qorane, Xalane, Miigane ama Hufane,.

Dhinaca midabka wiilka dhasha ee midabkiisu basaliga xiga'na waxa loo bixiyaa Xoosh, Cadaawe, Cawl, sidoo kale, waxa loogu magac daraa cawlka lab, Wiilka ku dhasha midabka madow waxa loo bixiyaa Gadiid, Sugulle, Meygaag, Quulle, Haybe, Geydhe, Inantana Yusur ama Jinow

Inanta loo bixiyo Hibo waxa loola jeedaa galad aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo, Deeqana waa galad aan deyn ahayn oo aad u baahnayd oo lagu siiyey, Inanta aan la qawadin waxa loo bixiyaa saluugla, Ceebla inkastoo ay tahay eray af-carabiya oo la macno ah bayuurla, Cosob'na waxa loogu magac daraa waa goob naqeedii aan wali la'daaqin, halka Ruunna ay tahay meel deegaan ku haboon.

Fillashada wiilka aqoonta badan ama fahmo badan ee wanaagsanna waxa loo bixiyaa Buuni, Samatar, Samotalis, Samakaab, Shar-ma'arke, Inantana waxa loo bixiyaa Samawada, Qumman ama Dhuuxo.

Wiilka ku soo dhasha miisaankiisa oo hooseeya waxa loo bixiyaa Dogox, weyd, inantana waxa loo bixiyaa gaasira, Wiilka soo dhasha isagoo faraxsan oo qoslayana waxa loo bixiyaa Bulxan, ka nugulna, Cabanne, ka qeylada iyo oohinta badanna Qowdhan, ka cadhada badanna Cartan, marka reerka wiil ka baxo ee wiil kale'na u soo kordho, waxa loo bixiyaa Cawil, 

Wiilka ku soo dhasha bar ku taala jidhkiisa meel ka mid ah, waxa loo bixiyaa Barre, Beyle, Inantana Barlay, wiilka ku dhasha buro ku taalla wejigiisa ama jidhkiisa kalena Buraale, ka xaadda badan ku soo dhashana xaad, Inantana xaadsan, haddii timahiisu dib u faydan yihiina Xeyd, wiilka ku soo dhasha mandheerta oo ku marmarana Shaqalle, Inantana Shaqlan. 

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/3aad

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taasoo loola jeedo laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, maahmaahdanni waxay tilmaamaysaa in haddii ragga Gar-cadaawe dhexmarto ay ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo, waxaanna laga yaabaa inay dad gacal ahaa ama tol ahaa kala irdhoobaan.

Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax, marka uu isqabad yimaado waxay ku taliyaan inay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, oo aan hoos wax loo sii qod-qodin, iyadoo ay Somaliduna ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin".

Waxa dhacday in ay Laba Nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dib waxay goor barqo ah iskula tageen Nin Xidaariya (Garyaaq), dabadeed waxa uu geeyey geed hadh-subaxeedkii, waxaannu ku yidhi, Galabta haynoo ahaato halkaasna sii fadhiya.

Ka dib, hadhkiibaa wareegay markii qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiinse, labadii Nin ayaa mid ka mid ahi halkii la sii fadhiisiiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka ninkii kalena kolba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey.

Markii ay gaadhay galabnimadii ayuu u yimid Odaygii guurtida ahaa, waxaannu arkay labadii Nin oo midna hadhkii faxaaxsanayo, midna midna halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo silic u dhamaaday, Odaygii Xidaariga ahaa ee ay ku yidhaahdeen nakala saar ayaa yidhi, Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye, waayo buu yidhi, Ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, Ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayey sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go'aan qaadan maayo, sidaas buu Ninkii xidaariga ahaa labadii Nin uu ugu garnaqay. 

Sidoo kale, xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha iyo hab-dhaqanka meertada nololleed ee xoolaha nool ayey ku sargooyeen qaabkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, waxaannay ku tiraabi jireen, waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir'laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax, iyagoo u eegaaya dhinaca xidigiska maalmaha foolka ku soo hayaa waxa ay riman yihiin, inkastoo, iduhu gaar-ahaan wanka sumalka ahi wuu ka duwan yahay baar-qabka ama qoodha xoolaha kale dhinaca taranka.

Xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha ee way u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan, marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka), waxaannay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday.

Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, waxay ku beegi jireen 25-ka caano maal ee ka danbeeya xiliga uu curtay gu’gu inay nayluhu dhashaan dhulkii oo rooban oo baad iyo biyo’ba leh, maadaama Laxaha sidkoodu uu yahay 147- habeen illaa iyo 150-habeen, halkaas ayey xoolo-dhaqatadu kaga go’aan qaadan jireen geedi-socodka noloshooda la xidhiidha hayaanka iyo isbedelka cimilada (roobka, abaaraha iyo dabaylaha).

Gu'ga roobku inta aanu curan waxa laga saadaalin jiray geeduhu in ay manka daadiyeen ama caleenta ay daadiyeen, amaba labadaba ay daadiyeen iyo inkale, waxa kale oo loo eegi jiray moorada ama maalinka gu'gu uu curtay, jihada uu ku curtay, dabeysha uu watay, xawaaraha dabeyshu ku socotay, aminta ama goorta uu roobku curtay, sidaas bay dadkii hore uga saadaalin jireen gu'ga soo socdaa waxa uu rimay yahay barwaaqo iyo abaar....La soco...



Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/2aad

Dhaqanka reer guuraanimada ee Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu haysan biyo iyo baad uu ku noolaado, Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta.

Dhinaca xidigiskana xoolo dhaqatadii hore waxa ay odhan jireen, xidigta habarteed waa waabariis, waabay ku bilatayoo, ama weysha qalo bay ku odhan way tibaaq dhigiye, ama weelka culo bay ku odhan iyo wacad Eebe.

Waanna sababtii ay ku soo baxday Maahmaahdan Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi, waxa la yidhi, Laba nin oo lo'lay ah oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ayaa waxa soo food saartay abaar aad u xumeyd, labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan labada Sac, isla markaana, ay ku sidkaan weysha hadhay labada Sac ee irmaan, markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan.

Isla markaana ay weyshii yareyd qurux badnaatay ayey labadii nin isku qabsadeen, waxaannay iskula tageen nin xidaariya oo garyaqaan ah in uu u garnaqo, nooca gartan garyaqaankanni uu isticmaalay waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, had iyo goorna marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin.

Ninka garta naqayaana wuxuu yaqaanay nooca gartu noqonayso iyo waxa ay ku dhamaanayso, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", taasoo loola jeedo, maadaama garuhu ay badan yihiin, in dhibaato walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon.

Ninkii xeerbeegtida ahaa ayaa weyshii yareyd ee labada nin isku qabteen ku soo xidhay keyn ku taalay gebi ka durugsanaa doox xilli cirku uu rimanaa, labadii sacna ay daaqayeen gebiga dhinaciisa kale, markii uu dooxii soo rogmaday ee ay biyihii yaraadeen, ayey weyshii yareyd muuso nowday, labadii Sac mid ka mid ahi wuu iska daaqayey, sacii kale'na markuu codkii weysha uu maqlay, ayuu u soo kicitimay dhankii uu dhawaaqa ka maqlayey, ka dibna, dooxii oo uu daadkii socdo ayuu isku dhex tuurtay.

Ninkii xidaariga ahaa baa yidhi, murtidan noqotay maahmaahda, Sidiggi daad kama talowdo.

Gartan uu u isticmaalay xal u helisteeda waxa la yidhaahdaa Gar-kala dareeris, maaha mid loo eego caddaalad, laakiinse, waxa ay u eeg tahay xal ama Garta loo yaqaano Gar muslax, isla markaana Ragga had iyo goor Garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa, waa Ragga ku sifooba Sammotalisnimada, maadaama oo aynu hore u soo sheegnay in noocyada garuhu ay badan yihiin oo mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeelan karto ee ku haboon.

Ninkaa xidaariga ahaa ee labada nin u gar-naqay, haddii garta uu ka dhigi lahaa Gar-muslax may noqoteen, sababtoo ah, Gartan marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey waxa uu yahay, markaas weyshii yareyd laba umay qeybsanteen, sidaa awgeed, isagoo xalka ka eegaaya ayuu u isticmaalay Gartan loo yaqaano Gar-kala dareeris, inkastoo la yidhaahdo Gar-muslax dabeecadaha ay leedahay waa mid aan keennin wax caqiibo-xumo ah, oo aan dhantaalin toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada iyo saaxiibtinimada.

Dhaqanka iyo Guurguurka Xiddigaha

Qormadeenan taxanaha ah waxa aynu ku soo qaadan doonaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtideenii, Dhaqanka iyo Guurguurka Xiddigaha.

Dadka reer Somaliland waxay hodan ku ahaayeen dhinaca xiddigiska,  dhaqanka iyo hawraar ku salaysnayd tix-suugaaneed, tiraab ku qotontay hiddo-samida dhaqankooda suuban, weedho iyo murti hal-muceedkeedu ku dhisan yahay nuxur kana hooseeya tixaha la tiriyo, kana sareeya hadalka af-maalmeedka ee la yidhaahdo,, Odhaahda, iyo sidoo kale,  Hal-ku-dhegyo, Hal-qabsiyo, Hal-haysyo Hal-muceed, Halxidhaalayaal, Googaalaysi, Carabjalaqsi, Sheekooyin dhaqan iyo Maahmaahyo leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku socota hannaan iyo hab-dhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku duugani ay xambaarsanaayeen muuqaallo dhab ah, kuwaasoo u jeedooyinkooduna ay ku sar iyo jaan go’naayeen, waayo-aragnimo aqooneed ee ay ka soo dhaxleen geeddi-socodkii ged-gedoonka hayaanka waayihii nololeed ee ay soo mareen waagaas.

Haddana, Dhaqanka kuma koobnayn oo kaliya, fanka, dharka, falsamida, qoraaladda, caadooyinka, suugaanta, ciyaaraha hiddaha iyo hagayaasha lagu tilmaansado sooyaalka taariikheed ee soo jiray, balse, dhaqanku waa tiir ka mid ah tiirarka nolosha iyo xuquuqda hab-nololleedka aasaasiga ah ee qofka bani'aadamku uu leeyahay.

Waxaannu  qeyb ka ahaa dhaqanka  nolosha reer guuraanimada iyo beerqodatada, kuwaasoo xilliga ay hawl qabanayaan ama guri ay dhisayaan ama ceel ay shubayaan ama beer ay falayaan'ba, waxay is weydaarsadaan oo ay darandoorriyaan hees hawleedyo ay isku illowsiinayaan daalka, xilliga ay timaado baahi guur raggu waxa ay ku cabiraan guux, halka haweenkuna  ay ku cabiraan buraanburka, marka reer cusub aroos loo yagleelayo'na waa loo mashxaraddaa, waxaanna lagu soo galbiyaa heellooyin iyo ciyaaro,  Ilmaha sebiga ahna hees baa lagu sabaa oo lagu seexiyaa, afartan-bixiisana heesbaa lagu gardaadiyaa, xilliga colaadda iyo dagaalkana lagu jirana geeraar iyo gabay baa gulufka lagu kexeeyaa,  xilliga Barwaaqada  iyo badhaadhahana ciyaarbaa lagu muujiyaa.

Marka la xidhanayo heshiis iyo nabadna,  hadalka waxa  lagu furaa  geeraar, haddii waano iyo dardaaran noqotana dhegguhu waxay u nugul yihiin in ay maqlaan gabayada iyo heesaha, taasi waxa ay ina hoggo  tusaysaa mudnaanta qeybaha kala duwan ee heellooyinka, ciyaaraha dhaqanka, tixaha iyo murtidu inteeda kale ay u leeyihiin nolosha aadamaha.

Fankuna waa qaamuuska kaliyaata ee dhaqanka iyo luqadda aynu leenahay inoo keydiyey, si  bulshadu jiilba jiil ay iskaga sii dhaxasho,  marna waa muraayadda lagu cabirro himilada aynu hiigsanayno,  doonisteena,  diidmadeena, xaaladda taagan, tagtada iyo timaaddaada inagu soo fool leh ee dhinaca  nolosha...La soco....