Friday, March 24, 2017

Qamaamkii Dahabka Magaalada Dawson iyo Marsada Berbera Maxay Wadaagi doonaan!

16th bishii August  sannadkii 1896-kii,  maalin axadeed ayaa markii uu waagu baryey ee uu toosay aroornimadaasi ayey indhihiisu halacsadeen war lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo The White Pass Chronicle, cadadkiisii 11-aad,  kaasoo ciwaankiisu uu ahaa “War ka yimid Klondike “ oo laga hellay Dahab,Dahab, Dahab, Dahab.

John Griffith Chaney "Jack" markii uu wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi ayuu jaleecay Aygiisii la odhan jiray “Buck” oo hareertiisa  taagnaa, waxaanu ku yidhi: Haddii aad akhiriyi lahayd ama aad ogaan lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska The White Pass Chronicle, sidaas umaad faraxsanaanteen ee waad murugoon lahayd.

Waxaanu warkaasi ka diyaariyey qormo taxane ahayd oo uu ciwaankeedu uu ahaa,  “Gold Rush” oo macno ahaan noqonaysay “Qiiradii Dahabka” , waxaanu qoraagu uu aad ugu dheeraaday oo uu ka sheekeeyey hab-nololeedkii  iyo marxaladiihii kala duwanaa ee uu soo maray ka dib markii la xaday  Buck oo ahaa Aygiisa, dabayaaqadii sannadkii 1897-kii.
Fahamka ujeedada qormadaa taxanaha ahayd  ayaa noqotay tii ugu adkayd ee ay ku mashquuleeyn bulshada Canada,  ka dibna, arrintaasi waxa ay dhalisay inay dad badan oo ah aqoon-yahano, qorayaal ay isku dayaan soo ururinta dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay caasimada Dawson ee waqooyiga galbeed ee dalka Canada.

Sida ay taariikhdu sheegtay ka hor intii aan lagu qamaamin dahabkii laga hellay klondike, waxa lagu qiyaasay ku dhawaada 100,000 oo qof in ay ka tahriibeen caasimada Dawson ee uu maro wabiga Klondike ee gobolka Yukon ee ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka Canada sannadihii 1896 illaa iyo 1899, taasoo lagu sababeeyey in ay jirtay dhinaca duruufaha nolosha dadka oo aad u hooseeyey iyo cimilada oo ahayd mid aad u barafa, xiliyada qaarna ay aad u sareeysay  kulka qoraxdu, waxaanay cadceeda heli jireen 4-saacadood , wakhtiyada qaarna  21-saacadood.

Ka dib markii qiiradii dahabku ay gaadhay in ka badan 100,000 oo qof oo intooda badani ay ahaayeen, kuwa dhanka wanaagsan ka eegayey, halka kuwo kalena ay rumaysnaayeen inay ka taajiri doonaan, waxaana halkaasi ku qamaamay walaxda huruuda ah ee dahabka,  kumanaan qof oo si nabad-galyo ah ku gaadhay goobtaas, halka boqolaal qof oo kalena ay ku qar-qameen, isla-markaana,  waxa ay noqdeen  kuwo ku haligmay oo naftooda ku waayey iyo qaar uu dhaawac ka soo gaadhay safarkii dheeraa ee ay ku marayeen buuralayda barafka badan ee  St. Elias Mountain Range.

Waxaana arrintaasi loo aaneeyey inay sabab u ahay qalabka dadku ay u isticmaalayeen cimilada barafka oo ahayd mid aad u liidatay, sidoo kalena aanay  jirin u diyaar garoow iyo qaab-dhismeed fiican oo loogu tallo-galay dadka u safraayey magaalada Dawson. 

Dhinaca kale, dad lagu qiyaasay ku dhawaad 60,000 oo qof oo ahaa muwaadiin u dhashay deegaankaas ayaa ka soo horjeestay dadkii khayraadka deegaankooda laga hellay ku soo duulay, kuwaasoo sameeyey sawaxan dheer oo ay ku diidanaayeen in la gurto dahabka ku daadsan buuralayda u dhow wabiga Klondike, hase yeeshee, xukumadii wakhtigaas ka talinaysay dalka Canada ayaa soo saartay sharci iyo awaamiir adag oo ku abuuray cabsi dadkii mudahaaradayey ee deegaankaasi, waxa kale oo ay isku arkayeen kuwo markoodii horeba la dayacay oo ku noolaa nolol aad u liidata, halka qaar kalena ay rumeysnaayeen  inay arrintani tahay mid lagu faydayo khayraadka ku duugan barriga iyo bada hoosteeda ee isir ahaan ka dabar go’ay dunida inteeda kale.

Dawson muddo laba sannadood ah ka dib, waxa ay noqotay magaalo caasimad ah oo  aad u balaadhan oo dhinac walba u fiday, isla-markaana ay ka muuqato horumar badan oo laga sameeyey, taasoo ay sabab u ahayd khayraadkii laga hellay deegaankoodaasi, balse, nimco waliba nusqaanteed lehe, horumarka khayraadka laga hellay deegaankaas waxa uu sababay inay magaalada Dawson noqoto caasimadii fusuqa iyo qanniimada.

Muddo ka dib, magaaladaas waxa asiibay masiibooyin uu  Alle (SW) u ku saliday, ka dib markii uu ku dhalaalay baraf gaadhayey joogiisu saddex mitter, kaasoo ay ku nafwaayeen kumanaan kun oo qof oo ku noolaa caasimadaas, iyadoo wakhtigan  xaadirka ah dadka ku nool, ay ka badan yihiin Aydu.

Dhacdooyinka mudadii ugu danbeeyey ka taagnaa soomaaliland ee la xidhiidha arrimaha mashaariicda maal-gashi iyo kuwa khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan,  magaalada marsada Berbera, waxa ay i xasuusiyeen sheekadii ka dhacday magaalada Dawson ee waqooyi galbeed ee dalka Canada, Sannadkii 1896-kii.


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Sunday, March 19, 2017

Mar Waan Farxay, Marna Waan Naxay.

Waxa aan aad ugu farxay markii aan arkay  dhisme cusub oo loogu tallo-galay Qaybta Daaweynta Gargaarka Degdega ah ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).  
Waxa uu wax tar weyn u yahay dadka bukaanka ah ee u baahan in ay helaan gargaarka degdega ah, sababtoo ah, waxa ay ahayd goobtii hore meel aad u cidhiidhiya oo ay yaaleen 8-deed sariirood oo kaliya, oo aanay saxadeeduna wanaagsanayn.
Laakiinse, maanta waxa ay helli doonaan goob nafis ah, oo nadiif ah, oo aan saameyn taban ku yeelan doonin fayo-qabkooda, oo ay yaalaan 50-sariirood oo bukaan jiifka loogu tallo-galay iyo shaqaale si hufan u maareyn doona dadka bukaanka ah ee u baahan in ay hellaan gargaarka degdega ah.
Marka laga yimaado Qaybta Daaweynta Bukaan Socodka, haddana, Qaybtan Daaweynta Gargaarka Degdega ah waxa lagu maareyn doonaa dhamaan bukaanada nooc kasta oo ay daaweyntoodu tahay in lagula tacaalo hab-xeeladaysan, sida, qaliinada, cudurada iyo dhaawacyada, kuwaasoo qaata in ay ku nagaadaan goobtaasi, wax ka yar qadar saacado gudahooda ah, isla-markaana, ay ka hawl-gali doonaan koox nidaamsan oo takhakhusaad gaar ah u leh baadhitaanada calaamadaha cudurada iyo maareynta xanuunada cusub ee xaaladdaha degdega ah.
Kuwaasoo maareynta dadka bukaanka ah maalin kasta kala kulma caqabado badan oo ay ka mid yihiin xawliga shaqada adag ay leedahay iyo maareynta dadka bukaanka ah ee ku jira xaaladdaha adag, oo ay qaarkood naftu kaga baxdo hortooda iyagoo arkaaya, halka, in badanina ay saameyn togan ku yeelato noloshooda.
Inkastoo haddana ay jirto wakhtiga ugu horeeya in ay shaqaaluhu xiiseeyaan Qaybta Daaweynta Gargaarka Degdega ahi, taasoo, danta gaarka ah ee ay ka leeyihiina ay tahay in ay ka korodhsadaan khibrado badan oo kala gaar-gaar ah, marka danbana way iskaga tagaan, taasoo, sababtay in ay aduunku aqoonsadeen in la sameeyo koox aad loogu tababaray habka maareynta dadka bukaanka ee ku jira xaaladda gargaarka degdega ah.
Waxa aan ka naxay markii uu soo dhex-galay hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo u muuqday inuu u qaadan waayey heerka tirada dadka bukaanka ah ee Agaasimaha Cusbitaalka u sheegay inay yimaadaan bil kasta, sideed kun (8,000) oo bukaan ahi cusbitaalka Hargeysa, waxa uu ku yidhi: Ma sideed kun (8,000) oo qof?

May sahlanayn arrintaas ka yaabisay madaxweynaha sababtoo ah, ka hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta, waxa kale oo ay ina tusinaysay hoos u dhaca weyn ee ku yimid siyaasadii iyo qorshihii ay lahayd wasaaradda caafimaadka intii uu hormoodka uu ka ahaa Wasiir Wasaaradda Caafimadka mudane. Dr. Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) , isla-markaana, aanay jirin fayo-dhowrkii, baraarujintii caafimaad, ka hortaga cudurada sidii loogula tacaali lahaa in la yareeyo, siyaasaddii iyo qorshihii loogu tallo-galay 5-sanno ee soo socota 2018-2022.
Waxa intaasi sii dheer oo ay arrintaasi ka turjumaysay heerka maanta ay marayso ee ay ahayd in la yareeyo xanuunadda,dadkuna ay hellaan daryeel caafimaad oo wanaagsan oo ay awoodi karayaan, bulsho caafimaad qabta oo ka fayow cudurada, kuna noolaata deegaan nadiif ah oo ay ku noolaadaan dhamaan bulshada  Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa iyana naxdin labaad igu ahayd markii aan arkay dhamaan wargeysyadda madaxa banaan ee ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland oo intooda badan ay dhigeen warkii madaxweynaha xaga ugu hooseysa bogga koowaad ee ugu horeeya, taasoo, ay sabab u ahayd in uu ku beegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiiladu Baashe Maxamed Faarax, dhacdadii xaasaasiga ahayd ee uu dhex keenay gollaha wakiiladu in ay gacan taag ku taageeraan wadahadalka u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, taasoo ahayd qaran dumisnimo iyo in uu doonayey inuu dhaawac soo gaadhsiiyo haykalka dowaladnimo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti



Wednesday, March 8, 2017

Inta Aan La Shaashaynin Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo….

  


Somaliland waxa ay leedahay  nidaam dowladnimo iyo dhaqan soo jireen ah oo ka fac-weyn qaar ka mid ah dhaqanada dunida maanta inteeda kale ka jira, kaasoo ay ku faanaan haybada iyo sharafta uu leeyahay dhaqanka af-kooda hooyo ee qaniga ah,  hibada suugaanta, fanka, farshaxanka iyo cuntada, kaasoo waafaqsanaa dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan.

Madax-weynaha sharafta mudan ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu ogaaday in aanu gaadhin heerkii qorshaha bartilmaameedka u ahayd, isla-markaana uu ku yimid hoos u dhac weyn dhinaca dhaqanka iyo dalxiiska oo ah bar ka mid ah baraha ugu waaweyn Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

ka dib, waxa uu wareegto ku soo saaray  wasaarad cusub oo uu ugu magac daray  wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, isla-markaana, waxa uu u magacaabay wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Khadar X.  Yuusuf Cabdilaahi, markay taariikhdu ahayd 03-dii bishii December sannadkii 2016-kii.

Waxa inta badan ka hor yimaada hawl kasta iyo shaqo kasta oo la yagleelayo turunturooy caqabad ku noqda dhaqaajinta hawlaha qaranku u baahan yahay in si hufan loo qabto, isla-markaana, ay haboon tahay in lagu sameeyo qiimeyn iyo dabagal,  sidii  loo fuliyey siyaasaddii iyo qorshihii nidaamka maamulka dowladnimo.
Haddaba, waxa  isweydiin mudan sababta ay  Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaruhu u fulisay wareegtadii uu madax-weynuhu ku magacaabay wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska,  wasaaradaas oo iska badashay loogadii hore ay u isticmaali jireen,  halka, ay wasaaradda warfaafintu illaa iyo hadda ay ka tahay wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka.

Arrintaas ka sokow, hadda waxa maanta caasimadda Hargeysa aad ku arkaysaa boodhadh waaweyn oo ay ku  xardhan yihiin Xarunta Dhiraynta, Dhaqanka iyo Xidigiska oo daahfuri doona tirsi qoraxeedka soomaalida, waxaana ka soo qayb-gali doona ergooyin ka kala socda wadamada Kenya, Djabuuti, Somaliya iyo Itoobiya, waxaana maal-galinaysa wasaaradda maaliyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Akhriste muuqaalkani miyaanu u eekayn mid lagu burburinaayo nidaamkii dowladnimo, sababtoo ah wasaarada maaliyadu maaha hayad siisa  mashaariicda ururada wadaniga ah, tiiyoo wasaaradihii loo igmaday  hawlahaasi shaqo ay hawl la’aani hayso, sida, wasaaradda deegaanka oo shaqo ku lahayd dhiraynta, wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasaaradda beeraha, dhirta iyo daaqa oo shaqo ku leh saadaasha cimilada iyo hawada, isla-markaana la afariirsan arrintan ay wasaaradda maaliyadu dabada ka riixayso.

Gabagabdii waxaan u soo jeedin Madax-weynaha ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  mudane,  Cabdirahamaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) in uu arrintaasi saxo, ka hor inta aan la shaashaynin Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti