Sunday, September 22, 2019

Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera


Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera



Mudane, Douglas Basil Hall markii uu la wareegay maamulka xukunka talada dalka British Protectorate of Somaliland, taariikhdu markay ahayd 11 July 1959 illaa iyo 26 June 1960.
Wakhtigaas oo ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub, wakhtigaas waxa jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, oo ahaa nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan, firfircooni iyo deganaansho badan, kaasoo markii danbena shaqo ka hellay  xafiiska cunto karinta Qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane. Douglas,  markii uu soo galay xafiiskaas waxa uu arkay cunto-kariyihii, mudane, Douglas oo taagan oo wajigiisa ay ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaanu ku yidhi Douglas:- fadlan soo fadhiiso, isla markaana, waxa uu weydiiyey, waa maxay sababta keentay dhawaanahan in ay cuntadu wakhtigeedii ka daahdo iyo waxa sababay in dhadhanka cuntada is bedesho labadii todobaad ee ugu danbeeyey?.

Cunto kariyihii waxa uu ugu jawaabay,”- Meertada Nolosha Aadamuhu waxay soo martaa afar-nollolood oo lababa ay isku eeg yihiin hab-nololeedkoodu, waana  Nolosha uurka iyo Nolosha iilka (Barsakha), halka labada nololood ee kalena ay yihiin, Nolosha ifka iyo Nolosha ugu danbeysa ee Janada iyo Cadaabta , laakiinse, waxaan kale oo aan soo arkay laba nololood oo kale oo u eeg mid ka mid ah labadaa nololood ee ugu danbeeya, Labadaa nololood oo ah Cusbitaalada lagu daweeyo dadka caadeysta danbiyada (Xabsiyada) iyo Cusbitaalada kale ee lagu dabiibo dadka jiran ee Bukaan jiifka ah, labadaa nololood ee aan soo arkay xusuusashadoodu waxay igu reebeen raad igu keenay  xannuunka loo yaqaano Maqanaha-jooga.
Waxaan cunto kariye u ahaa xabsi ay ku jireen kumanaan kun oo maxaabiis ah, waxaan arkay kuwo caafimaad qabay markii xabsiga la keenay oo uu ku dhacay xannuunka afka-qalaad loogu yeedho, Post traumatic stress disorders (PTSD), kuwo maskaxda ka jiran, kuwo kale oo qaba cudurada la kala qaado iyo kuwo badan oo caafimaad qaba oo kuwada jira makhsin kaliyaata, marka ay hadlaana waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin wax loogu yeedho Jidh-diid, waxaana lagu abaal mariyaa ciqaab lagu ogolaysiinaayo qofkii qabay cudurkaas ee garab jiifay, waxaana ku dhaca xannuunada shakiga ee afka-qalaad loogu yeedho, “ Pathophobia, Mysophobi, .
Isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi cunto-kariyihii,”  Marka aanu u qaybinayno cuntada maxaabiistaasi iyo marka ay xaajo qabatadaba waxay u gali jireen kayuu-dheer.
Mudane, Douglas, waxa uu yidhi:- kayuuyaa?

Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iskaba daaba taasoo, markay ay afka galiyaan cuntadadaas way  tufi jireen, sababtoo ah waxa ka buuxay cuntadaas saxar iyo ciid.
Mudane, Douglas  ayaa mar-labaad yidhi:- Ciiddaa?

Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iska daaba taasoo, marka mid ka mid ah maxaabiistaas ku timaado xaalad caafimaad daro ee loo geeyo dhakhtarka ku qoran goobtaas,  waxa uu yidhaahdaa ma kanbaa xannuunsanaya, ka dibna, laag ayuu ku dhuftaa, bukaankii oo dhagaha nabaya ayaa toos u gala makhsinkii laga soo saaray.
Mudane, Douglas Basil Hall  ayaa haddana yidhi:- Laaggaa ?
Waxa uu ugu jawaabay cunto kariyihii, iska daaba taasoo, marka mid ka mid ah maxaabiistaas ku timaado geeridu ee ay u soo galaan askartu, isla markiiba katiinad ayey ku xidhaan qofkii dhintay ee maydka ahaa.
Mudane, Douglas Basil Hall  ayaa haddana yidhi:- Katiinaddaa? waa in aan sameeyaa hayada kormeerka iyo  Illaalinta Xuquuqda Maxaabiista, iyo Hayada Kormeerka iyo Illaalinta Xquuqda Dadka Jiran, isla maalintii uu qorsheystay in uu la qadeeyo maxaabiista ku jirta xabsiyada, illeyn waa riyo-beenoo markaas uun baan soo baraarugay. 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
Hargeysa/ Somaliland



Friday, September 13, 2019

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin


Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada  Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood.

Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee hadba laan cugsanayee.

Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa.
Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa jiray sadex- heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Sumal yahow Darbani, naylaha duduuc, oo dacawadii dabada hunbulneyd yey kaa daldalan, heesta labaad ee tidhaahda, Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaadee… iyo Heesta saddexaad ee tidhaahda, Siyaasadii dibadiyo, Dalkiyo tii tiil gudaha..

Isla wakhtigan uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa jiray afar heesood oo aan laga baahin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, korneyladii dhaartayow, dharaar yaable baad baxdeen, dhulkiinaad u hiiliseeneey dhurta, walaalayaal dhurtoo midhkaa dhacay ha guranina iyo heesta labaad ee tidhaahda.
Aduunbaan wax dhaadinee
Anba dhibaha jilaal
Xilliyadaan is dhalan rogey
Dhibta kaa illaashee
Dhaxanta iyo abaaraha
Kaa dhowrey adigoo
Dhito subag lo\'aadiyo
Ku cabsiiye dheydoo
Yey dhicin intaan lahaa
Dhugan waayey teydoo
Dheel-dheeli awgaa
Igu dhaafey maalmuhu
Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey baad tahay
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.
Sidoo lay dhiijaan wali
Kugu dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aadee
Dhillow yahan sidiisii
Intaan kugu dhaloollaa
Dhexda kugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujo
Ammaa aan dhulkaba qodo
Dhirtaa ii magooshaa
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa
Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa,

Dhabaduu u seexdaan
Dhibanaha iska qaadoo
Dhulka kaa jiraan ahay
Dhaxan tiyo dugaago
Anoo dheel arooryaad
Dharabtiisa igu taal
Dhab markaa u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo
Dhaxal kayga uma helo
Sidaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayda
Dhagartaada weeyoo
Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.
Marka aynu ka nimaadno labadaa heesood ee aynaan halkan ku xusin iyo labadan Xisbi ee kala ah, Xisbiga tallada dalka haya ee Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) oo afka-qalaad loogu yeedho Peace, Unity and Development Party (PUD) Xisbigan oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaasay bishii May Sannadkii 2002-dii iyo Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) oo afka qalaadna loogu yeedho Justice and Welfare party (JWP) xisbigan siyaasiga ah oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaassay 18-kii bishii Siddeedaad ee Sannadkii 2001-dii.
Waxa kale oo ku lamaanaa Xisbi siyaasadeedka WADDANI ee aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, Xisbigaas oo la aassaassay taariikhud markay ahayd 6-dii bishii 10-aad Sannadkii 2011-kii.
Mudadaasi waxa jiray heeso ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada dalabaadka heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda,
Waa loo dhashaa wadani
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani
Kuwii ku dhaantee
Gobonimada dhowra
Xilka dhabarka saaray
Kuwa dhuuni raaca
Dhadhamo raaca
Haddana is dhuuba
Sideebaa, dhakhso, loogu, kala, gartaa.
Waa loo dhashaa wadani
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani
Ruuxii dhulkiisaa u dhaarsanaayee
ee u soo dhibtooda, u soo dhibtooda
Ee dhaqaalihiisaa iyo dhaxal galkiisaa
Waligii dhisaayee dheeliga u diidoo
Dhidiba u adkeeya Iyo kii dhankiisaa
Guryaha dhexdeena ku dhuumanaaya
Waa dhowr wajiilaha
Waa dhunkaal qudhqudhiya
Waa dhiig ku naaxaha
Ay dhimashadiisuu
Noloshiisu dhaantoo
Labadaba Dhulkaa og
Dhirtaa og, Dhagaxaa og
Dhoobadiyo ciidaa og
Dharkeysitaan iyo dhuunigay cunaan

Haddaba dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa dadweynaha inta badan xiiseeya akhriska qormooyinka lagu baahiyo Wargeysyada madaxabanaan iyo Baraha Xuubka Caarada, Waa kuwee  Afartaa heesood ee hadhay?

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
Hargeysa/ Somaliland