Wednesday, January 25, 2017

Illayn Geel-didisna kama Darro

                                                                                           







                                                                                    
Hoggaaminta iyo Maareyntu waxa ay ku saleysnaayeen dhaqanka hiddahheenii hodanka ahaa ee miyiga iyo reer guuraanimada, gadh-wadeenka reerku waxa uu ahaa hoggaamiyaha qoyska, halka ay affadiisuna ka ahayd maareeyaha qoyska.

Inkastoo hawlaha uu qaban jiray gadh-wadeenka reerku ay ahaayeen, hillaadinta, sahaminta, arriminta, illaalinta, garta, beerista, kaydinta, dhaanka, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa ay qori jireen, qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, koorta iyo waranka, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn hoggaamintoodu, balse, waxa kale oo la qiimeyn jiray hab-dhaqanka iyo qaabka hoggaamineed ee uu leeyahay gadh-wadeenka reerku, waxaanay xoolo-dhaqatadu u kala saari jireen laba-qaab oo kala ahaa sidan.

Mid casarka gaaban ka daba tagi jiray geelii saaka la foofiyey, isagoo u kuur-galaya xaaladda ay ku sugan yihiin xoolihii iyo caruurtii geela jirtay, ka dib, marka uu ogaado inay nabad qabaan, isla-markaana, ay dhan yihiin xoolihiina, ayuu caruurtii la soo qaban qaabin jiray, oo uu la soo anbabixin jiray geellii, hab-dhaqanka gadh-wadeenka reerkan, waxa afka-qalaad loogu yeedhaa “Proactive Leaders”.

Sidoo kalena, waxa lagu tilmaami jiray gadh-wadeenka reerkaasi inuu yahay indheer-garad leh maan firfircoon iyo xilkasnimo, waxaanu xilka masuuliyaddeed ee saran u raadiyaa sidii uu u qaabeyn lahaa Aayahooda mustaqbal iyo hiigsigooda nololeed, lagumana sheegi jirin in lagu shareysto xaaladdaha adag ee ay duruufuhu keenaan, waxa kale oo ay ahaayeen, kuwo ka fikira in ka badan ceebaha ama caqabadaha adag ee ka hor yimaada inay qiimeeyaan xaaladdahaas inay ku dhamaanayso si wanaagsan, isla-markaana halkaasi aanay ka sii gudbin karrin.

Ka labaadna, waxa uu ka hor-tagi jiray gabal dhaca geelii saaka la foofiyey, kaasoo inta uu ku sii socdona, marka ay kuwada kulmaan dhabada geelii soo caraabayey ayaa ka didijiray sanqadhiisa, waxaanay caruurii geella soo caraabinaysayna u qaadan jireen in uu geellu ka diday bahal, dabadeedna, waxay isku darri jireen qaylo iyo dhawaaq dheer oo ay keentay naxdintaasi, ka dibna, waxa uu odhan jiray. “ Aabo waa annigii, Aabo waa annigii, ” marka uu u soo dhawaado ayuu weydiin jiray geellu inuu dhan yahay iyo in kale, haddii, markaasi ay u sheegaan inuu dhan yahay, wuu la soo hoyn jiray, haddii kale’se, waxa ay u sheegi jireen neefafka lumay magacyadooda, halkaas ayuu habeenkaas oo dhan ku baadi-goobi jiray neefafkii lumay oo uu ku soo helli jiray ama uu ku waayi jiray oo uu waraabuhu ku cunni jiray neefafkii baadida ahaa. hab-dhaqanka gadhwadeenka reerkan ee geel-didiska ah, waxa afka-qalaad loogu yeedhaa “Reactive Leaders”

Gadh-wadeenkan oo lagu tilmaamo inuu yahay, kuwa ka fal-celiya marka ay dareemaan dhibaatadu amaba ay saameyso, marka ay cimiladdu fiican tahayna, waxa ay dareemaan fiicnaansho, haddii aanay u wanaagsanayna waxay wax-yeeleeyaan dabeecadaha qaabka hawlahu u socdaan iyo deegaanka bulshadu ku nooshahay.

Haddaba, akhriste marka gadh-wadeenka reerku aanu ahayn labadaa gadh-wadeen ee aynu kor ku soo xusnay, waxa la soo gudboonaan jirtay hooyadii dhashay ubadkaasi, isla-markaana, waxa ku abuurmi jiray wer-wer aad u badan iyo cabsi ay ka qabto soo guryo noqoshada xoolaha iyo caruurtii geella jirtay, waxaanay hooyadaasi odhan jirtay “Illayn Geel-didisna kama darro”  



W/Q: Maxamed Faarax Qoti

Telephone number: 063-4426743

Tuesday, January 24, 2017

Maxaa ka jira in Miishiinkii Weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta Cusbitaalka Hargeysi uu fadhiistay?.

                                                                                                                    23rd. Januery.2017


Muddo haatan laga joogo 12-Sannadood ka hor ayaan booqday dhisme weyn oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka degmada saylac, wakhtigaas, waxaan ku arkay dhismahaas oo hoy u noqday Ay’da ku nool degmadaas.

Annigoo arrintaas aad ulla yaaban ayaan weydiiyey oday ka mid ahaa deegaankaasi, sababta keentay in dhisme weyn oo aad u qurux badan oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka, in uu hoy u noqdo nooc ka mid ah xayawaanada ku nool deegaankan.
Waxa uu iigu jawaabay odaygaasi, bulshada ku nool deegaankani wax aqoon ah u malaha sida loo dabaasho iyo sida bada looga kaluumaysto midnaba,  mana jirto cid u fidisay xirfadii ay kula soo bixi laahaayeen khayraadka bada ku jirta iyo cid ku caawisay qalabkii ay ku kaluumaysan lahaayeen, markaa dhismaha weyn ee halkan laga bineeyey waxa ka horeeya dadka oo la barro habka loo kaluumaysto, taasaa sabab u ah in ay maanta dhismahaa qaaliga ahi uu u noqdo hoy Ay’da ku nool degmada Saylaca,  ayuu iigu jawaabay Odaygaas.

Haddaba, marka aad eegto xukuumaddii hore iyo xukumaddan maanta tallada haysaa waxa jira faraq –weyn oo u dhaxeeya dhinaca gaadiidka qaada dadka bukaan jiifka ee loo yaqaano Ambulance’ka, kuwaasoo, xukumaddiii hore ay tiradoodu ahaayeen 26-Ambulance oo kaliya, halka xukumaddan maanta tallada haysaa ay ku kordhisay 181-Ambulance oo ka hawl-galla dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa ay isweydiintu tahay dhamaan gaadiidkaasi ma’laha qalabka Oksajiinta ee loogu tallo-galay qofka bukaanka ah, ama dhaawac ku yimaado ee lagu soo qaado gaadiidkaas in la rakibo, isla-markaana, inta qofka dhaawaca ah, ama bukaaanka  lagu soo wado cusbitaaladda, waxa suuro-gal ah in ay u dhintaan  Oksajiin la’aan,  inkastoo dhinaca xukumaddu ay sameysay dadaal badan, haddana halkaasi waxa laga dareemayaa cidii dhameysitkeeda lahayd in aanay iska xil-saarin.

Marka laga yimaado arrimahaas oo dhan, waxa maanta ayaan darro ah in mishiinkii weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta cusbitaalka weyn ee caasimada Hargeysa  uu u fadhiistay dayac-tir la’aan muddo laba todobaad ah, kaasoo, lagula tacaali jiray dadka bukaan jiifka  ah  ee yaala cusbitaalka weyn ay soo wajahday war-war weyn  iyo dadka aqoonta dheer u leh caafimaadka oo ku tilmaamay in ay arrintaasi keeni doonto xaaladd  khatar oo gaadhi karta illaa heer dhimasho,  dadka  bukaanka ah ee aan awoodin  in uu jidhkoodu sameeyo hawo qaadasho iyo dadka xaaladoodu ay ku jirto miyir-doorsoonku ee lagula tacaali jiray oksajiintaas macmalka ahayd ee uu soo saari jiray mishiinkaas.

Mishiinkan oo ay innagu  caawisay hayadda laan-qayrta cas ee imaaraadka carabtu sannadkii 2009-kii,  waxaanu ahaa mishiin  qiimihiisu uu aad qaali u ahaa, waxaanu qayb laxaad leh ka qaadan jiray badbaadada dadka ay ku yar tahay, hawo qaadashada, dadka lagu sameynayo qaliinada, dadka ku soo dhaawacma shilalka gaadiidka ee ay ku jira xaalad miyir-doorsoon,  dadka qaba xanuunadada neef-qabatowga, isla-markaana, waxa uu cusbitaalku, hadda kula tacaalayaa mishiin yar oo gacanta lagu qaado, kaasoo tiradoodu ay aad u yar tahay, waana mishiinadda yar yare e ku shaqeeya laydhka ee soo saara Oksajiinta badhxan ee aan fiicnayn.

Gunaanadkii qormadaydan waxaan u soo jeedin lahaa  Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  in uu arrintaas iyo arrimo kale oo badan oo aan loogu soo gudbinin war-bixino ka turjumaya xaqiiqada dhabta ah ee  ka jira Wasaaradda Caafimaadka.
Madax-weyne waxaan Alle kaaga rajeynayaa inuu kula garab qabto, hawlahaas iyo hawlaha kale ee ku sugaya.

W/Q:  Maxamed Faarax Qoti

Telephone:  063-4426743 

Saturday, January 21, 2017

Wax kasta oo la Qasaaba, Way kala miirmaan…..




Waxaan aad u jeclaystay in aad mar-labaad nala wadaagtaan sheekadan oo lagu baahiyey mid ka mid ah wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Habka farshaxanimada leh ee qoraagu uu inoogu soo gudbiyey bahdeena wax akhrida, hab-qoraaleedka sheekadaas oo ahayd mid aad u iftiiminaysay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigaasi ka taagnaa dalkeena, waxa kale oo uu qoraagu si ladifan inoogu soo gudbiyey in wax wal oo la qasaaba ay kala miirmaan , marka qaska laga daayo.

Waxaanu qoraalka qormadiisaasi uu ciwaan ugaga dhigay, Sheeko kale: Way Qasayaan, taasoo uu ku bilaabay qoraagu sidan:-  

Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena, waxaana lagu baran jiray  Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraaga ah, oo kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen.
Waxa kale, oo ay Xertu ahayd kulliyad guuraysa oo  dadka reer miyiga ah yar iyo weynba  bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Carabida, sidoo kalena, waxa ay reer miyiga  u maamuli jireen dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta, isla-markaana, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo.
Wakhti wakhtiyada ka mid ah, Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray baligii oo ku yidhi, “Biyo inoo soo dhaamiya.”
Markay ardaydii baligii tageen, waxay arkeen baligii oo xoolo badani ka cabayaan, biyihiina la qasay oo ay xareediina aad u dhooqowday.
Ardaydii markii ay ku soo noqdeen sheekhii, waxay ku yidhaadeen, “Sheekh, way qaseen! Biyihii way qaseen! Dadkii xoolaha waraabinayay biyihii way qaseen!”
“In yar iska suga. Biyaha iyo dhooqadu ha kala miirmeene,” ayuu Sheekhii ardaydii ku yidhi.
ka dib, markii xoolihi baligii ka dareereen, ayuu sheekhii u diray ardaydii, waxay arkeen biyihii oo kala miirmay oo saafi ah,  waanay soo dhaamiyeen.
Ardaydii markay biyihii keeneen  degmadii xertu degenayd, ayaa Sheekhii weydiiyay, “ Ka warama biyihii?”
“Sheekh, way kala miirmeen,” ayay ugu jawaabeen.
“Ogaada, wax wal oo la qasaaba, way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!!” ayuu ku yidhi sheekhii.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
“ Xigasho : Waxa Qoraalka sheekadan lagu baahiyey Wargeyska Jamhuuriya ee madaxa-banaan ee ka soo baxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana qoray,  Prof. Cabdisalaam Yaasiin.”




Sunday, January 15, 2017

Saddexdii Kiish ee Wasiiradda Iyo Boqorka !



“Sheeko Gaaban: “ Boqor Iyo Saddexdii Kiish ee Wasiiraddiisa “


Boqor ka mid ahaa  Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 16-aad ee la soo dhaafay,  inkastoo, Boqorkaasi lagu tilmaami jiray inuu lahaa  karti, aftahannimo, hal-adayg iyo wax-qabad toosan oo lagu ma’jeerto, haddana,  dadka indheer-garadka ah ee ka soo hor-jeeda siyaasaddiisa, waxa ay qabeen arragti taa ka duwanayd, waxaanay ku dhaliili jireen  maamulkiisa inay ka jirto cadaalad darro, eex, hufnaan la’aan iyo musuq-maasuq baahsan, taasoo ay sabab ugaga dhigi jireen, la’xisaabtan la’aanta gollihiisa wasiiraddiisa.

Boqorka waxa lagu xaman jiray inuu dabeecad u  lahaa isagoo soo jeeda inuu khuuriyo, waxaanay taasi sababtay inay soo baxaan goddaloolooyin dhinaca maamul ee xukumadiisaasi, isla-markaana, gacan yarayaashiisiina ay uguga faa’iideysteen wax-badan  nidaamkii dowliga ahaa ee boqortooyadaas.

Boqorku waxa uu amar ku siiyey saddex wasiir oo ka mid ahaa Gollahiisa wasiirada inay tagaan dhul-beereed uu ka bixi jiray geedaha midhaha khudaarta ah ee la cunno, waxaanu u dhiibay saddex kiish oo madhan inay ka soo buuxiyaan  khudaar.

Mid ka mid ah wasiiraddaasi waxa uu ka soo buuxiyey kiishkiisii, midho khudaara oo aad u wanaagsanaa, halka, wasiirkii labaadna, uu ka fikiray, maadaama uu  Boqorku soo jeedka ku khuuriyo, kolayba in aanu eegidoonin kiishka waxa ku jira, isla-markaana, waxa uu ka soo buuxiyey kiishkii wax-kasta oo ay gaadhi karaysay gacantiisu, kuwaasoo iskugu jiray midho wanaagsan iyo midho khaayisay, wasiirkii saddexaadna, waxa uu kiishkiisii ka soo buuxiyey caleemo la qalajiyey iyo carradii boodhka ahayd, isagoo ka fikiraayey inuu Boqorku u eegi doono kiishkasta cufnaanta uu leeyahay.

Ka dib markii ay ku soo laabteen Boqorkii, iyagoo sita kiishashkii ay ku jireen khudaartu, Boqorku, isagoo aan eegin wixii ay sideen, ayuu amar ku bixiyey in loo taxaabo jeelka, laguna xidho meelo kala duwan, muddo saddex billood ah, isla-markaan, aan loo ogolaanin in la siiyo wax cunto ah,  balse, loo ogolaado kiishashka ay sitaan oo kaliya,  ayuu yidhi Boqorku, isagoo ixtiraamayey saddexdii wasiir.

Wasiirkii ugu horeeyey ee soo gurtay midhaha wanaagsan, waxa uu  cunaayey saddexdii billood ee uu xabsiga ku jiray, wasiirkii labaadna waxa uu kaga baxay macaluushii wakhtigii yaraa ee uu cunayey midhihii wanaagsanaa, markii ay ka dhamaadeen midhihii wanaagsanaa, waxa uu cunnay midhihii khaayiska ahaa, kaasoo markii danbena, ka qaaday xunnuun halis galiyey nolloshiisa intii ka hadhsanayd.

Halka kii saddexaadna, markii uu waayey wax uu cunno ayey soo gaabatay cimrigiisii nolloleed ee ifka.

Arrintan waxa ay dadka u iftiimisay  inuu Boqorku uu ahaa nin soo jeeda oo is gamaarinaya, waxaanay arrintaasi la yaab ku noqotay kuwii dhaliili jiray nidaamkiisa hoggaamiyenimo ee uu ku xukumi jiray Boqortooyadaasi.


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti





Wednesday, January 4, 2017

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2017-ka



Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.


Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.


Haddaba, waxa aynu male aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2017-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Nayruuska Sannadkan 2017-ka, waxa uu ku curtay Maalin Axadeed oo Naariya, waxa la odhan jiray maalin Axadeed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha labka, hamiga, hadafka, mustaqbalka, caafimaadka, awoodaha, badbaadinta, cibaadaysiga iyo guusha.

Sannadkan cusub ee 2017-ka, wuxuu Dayaxu ku curtay burji hawaa’iga ah ee dalow, haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Hawaa’i ah, waxa la odhan jiray dabaylaha ,shimbiraha iyo ayaxuba way bataa, dhinaca awooddaha salaadiinta, ganacsiga iyo kalluunkana wuu yaraadaan, waxa kale oo la odhan jiray burjigan waxa uu ku farxaa qaabka bani’aadanimada, siyaasadda, sahaminta shiidaalka dhulka, seerayaasha, duur-joogta, qorayaasha, cilmi dhagoolka iyo in talaabo laga qaado wax-barashada, Runtana Allaa Og.

Waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxaana la odhan jiray:-  haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow, kulayl, abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin.

Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2017-ka, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga arliyada ah ee baciidka, waxaanu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca xaaladaha tarbiyada nafta, nidaamka iyo in la gaadho shaqooyinkii la hiigsanayey mustaqbalka, waxa muhiim ah in aynu u lahaano taxadir weyn, wixii ka dhalan kara awoodaha aynu u arragno in ay fudud yihiin, taasoo ay keento marka qaranku ku jiro xaalad dawakhaadeed, isla-markaana aanay jirin sharci iyo xukun la raaco, dhinaca dareenka shaqada baayac mushtarku waa mid aad u awood badan wakhtigan, waa in fiiro-dheer loo yeeshaa, iyadoo la isiticmaalayo feejignaan, lana ixtiraamo marka loogu yeedhayo qaarkood inay ka qayb-qaataan badbaadada qaranka,  sababtoo ah, waa kuwo aan lahayn hadalkoodu raxmad badan.
Dayax-shanaad waxa la fillan jiray, filasho wacan, waxa kale oo lala kulmi jiray iska hor-imaadyo la iskaga soo hor-jeedo u jeedooyin badan, dunida waxa ka dhici jiray kacdoon, riyooyin ujeedooyin badan leh, qorshayaal marka la tijaabiyo wajiyadoodu ay noqdaan kuwo xaqiiq ah, waxa kale oo lala kulmaa cadaadis badan oo dhaliya guusha oo jabiya wax-kasta oo ku ahaa caqabad, dariiqa kaliyaata ee ugu fiicana waa in lala qabsadaa.
Sidoo kalena, Dayax shanaad, waxa lala xidhiidhin jiray, cadhada, himiladda, dhiiranaanta, socodka, hadhka, kibirka, xaqa, cadhada dhow, gefka degdega ah, caaqilada, ciidamada, wana daaqad u furan fursadaha oo ay tahay in talaabo la qaado iyo in la dhameystiro wixii la soo qabtay, waana in wax laga bartaa ruwaayadaha ku hoos jira, war-war la’aanta, doorashada labka iyo dhadiga, waxa lagama maar-maan ah in la xalliyo khilaafaadka iyo in maseyrka laga gaadho midho-dhal waara. Runtana Allaa Og.
Hawlaha wanaagsan:- Waa xilliga billowga qorshayaasha cusub, koritaanka, jaceylka, dib u cusboonaysiinta, dib u dhalashada, mahad naqa, joojinta caadeysiga xun-xun, bilaabida bashaariicda, abuurida fikradaha rajada leh, helida shaqooyinka, sameynta xidhiidhka qorshayaasha fog.
Hadafkiisu waa :- Xilli la dhigo hadaf cusub, dib u eegisna lagu sameeyo wakhtiga dhow iyo wakhtiga fog ee la xidhiidha siidka beeraha.
Dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray,  waa kuwo cajiib ah, oo qabow, xasiloon, qalafsan, gaabis, fudeyd,digtoon, arxan daran, habacsan, niyad wanaagsan, oo leh akhlaaq, dulqaad, han iyo adkaysiba, ishana ku haya  fikradaha, ka gudba shaqooyinka adag, daacad ah, masuul ah, macquul ah, shaqsi ku adag wax kasta oo lagu kalsoonaan karo, laakiin, waxaa laga yaabaa inay hadaladoodu ay noqdaan kuwo wax xisaabiya iyo inay wax-walba ka shakiyaan.
Dhanka wanaagsan:- Waxa ay noqdaan Dadka macquulka ah, wax-qabadka badan, hamiga badan, http://www.lunarliving.org/moon/images/star10.gifnidaamiyayaasha, joogteyna leh
Dhanka mugdiga ahna :- Waxay noqdaan kuwo aan shaqada ka nasan, habacsan, madax-adayg, dhibka yar,  hadalka badan.
Dhinca xirfadaha:- Waxa ay noqdaan, siyaasiyiinta, cilmi-baadhayaal, suxufiyiinta, saynisyahanada, maamulayaasha, farsamayaqaanada.

Burjigan waxa kale oo uu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dareenada wax-qabsasho, hadhid, kibirsanaan, hami dadka oo gaadha meelaha ugu sareeya, mudahaaradka. Runtana Allaa Og.

Sannadkan Cusub ee 2017-ka, Dhinaca hawalaha oo laga saadaalin jiray in uu hirdan dhex mari doono kuwa daacada ah iyo kuwa damaca badan, kuwa ogol in lala noolaado iyo kuwa daneystayaasha ah ee xasidka ah, wixii gaboobay iyo waxa cusub, kala qaybsanaan badan oo u dhexeysa qaabka fikirka iyo dadka, waxaana run ah in lala kulmi doono fikradaha curdinka ee la rumeysan karro, mana aha in lagu qiimeeyo oo kaliya amar soo qabasho ah, wax kasta oo aan run ahayn ama aan la xaqiiqsan karin, taas  waxa ka fiican in la iska dhaafo, lagana eego dusha sarre xaaladdaha iskaashi ee lagu tar-tamayo, waxaana laga helli-karaa gudaha ujeedooyinkooda, waxa muhiim ah inaynu joogteeyno, Alle bariga, cibaaddada, daryeelka, isku-naxariisashada, isku-tudhida iyo deeqsinimadda, la arkee inaynu arragno naxariista  Alle (SWT).

Sida ay umuuqato dhinaca siyaasadda waxa loo eegi jiray, in aanay wax-baba ahayn mabaadiida siyaasadeed ee gaarka innoo ahi, isla-markaana aynu Alle (SWC) ka barino in uu wanaajiyo oo aanu ka yeelin mid ay ku timaado burbur iyo khilaaf siyaasadeed dunnidan aynu ku nool-nahay, marka uu noqdo hogaanku shaqsi kaliya ama koox qudha oo ujeedo kaliya leh, waa in heer-qaranimo oo aad u sareysa, oo miyir-qab ah, oo dheeli-tiran loogu eegaa xalka dhibaatadaasi sidii loogaga bixi lahaa.

Dhinaca awoodaha dabiiciga ah ee ugu waaweyn waxa ay la socodaan heerarka gudaha, marka ay khatartu dadka wada-gaadho, waxa ay noqdaan kuwo ka warqaba dhinaca hadhku ka saaran yahay dowladooda, danayn-la’aanta, arxandaradda ahi waxa ay inoo jeexi doontaa dariiqii iyo habkii aynu wax-kaga qaban lahayn.

Shaqsiyaadkana waxa la filan jiray inay yimaadaan shaqsiyaad badan oo xirfad  buuxda u leh nidaamka dowliga ah, isla-markaa, si wadajir ah loogu dhaqaaqo, habkii lagu helli-lahaa xidhiidhkii wanaagsanaa ee inaga dhaxeeyey wadamada jaarka ah, xidhiidhka gudaha iyo dibadaba, sababtoo ah, waxa laga yaabaa inay jiraan waxoogaa in lagu dabaqo qaab-dhismeedka heshiisyadii taagnaa in la illaaliyo.

Waxaana loo baahan yahay in imtixaanada runta laga sheegno oo loo cadeeyo bulshada, laguna qiimeeyo anshaxa iyo qofnimadda ruuxiga ah, taasi waa iskaashigii aynu u baahnayn ee aynu ku ururin lahayn fikiradaha, sidoo kalena, arrimaha siyaasadda ee hadda socdaana waa mid si cad inoogu muuqata in daawaduhu ay u baahan yihiin isbadel

Ugu danbeyntii, qofkastaaba waxa uu masuul ka yahay oo ugu weyn waa hogaaminta masuuliyadda naftiisa iyo in uu naftiisa ka xakameeyo ficilladda aan wanaagsanayn, sababtoo ah, waxa hore u daciifiyey nidaamkii iyo qaabkii dowladnimo shaqsiyaad aan aamin ahayn. . Runtana Allaa Og.
Sannadkan dhinaca awoodaha waxa lala xidhiidhiyaa Awood darrooyinka nidaamka dowladnimo, waxa uu noqon doonaa mid sii socda illaa iyo inta uu badelayo shaqsi awood badan u leh shaqsiyaadka, kaasoo wakhtiga fooda innagu soo haya dabooli doona wax badan, innagoo waliba haysana wixii aynu ku gaadhi lahayn fursaddaasi, taasi, waa xaqiiqadda dhabta ee ku jirta maskaxaha iyo qalbiyadda aadamaha, mana aha kuwa kugu hareeraysan ee kugu xeeran oo kaliya.
Marka aynu eegno qaabka uu u socda isbadelka horumarka aduunku, waxa soo bixi doona kulamo iyo doodo lagaga soo horjeedo arrimaha horumarka, mudooyinkaa lagu guda jiro dhacdooyinkaas marka ay dhamaadaan, ka dib, waxa ay inagu hogaamin doontaa maskax caafimaad qabta, xitaa haddii jihadaasi ay u muuqato in ay tahay mid dib-usocod ah xilligaasi.
shaqsiyaadka khibrada iyo waayo arrragnimada u lahaa 30-kii sannadood ee aynu soo dhaafnay, waxa ay yihiin kuwa leh awood xalineed oo khuseeya mowduucyadaas heerarkoodu aadka u sareeyo, inkastoo laga yaabo inay dad badani dareemaan rajo wanaagsan oo isku dhafan, baqdin iyo cabsi ku saabsan sida ay ula  muuqato  jihada dunnidu u dhaqaaqayso. Runtana Allaa Og..

Dhinaca saadaasha  waxa  gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2017-ka , warsidaha xanbaarsan sawiradda aadka u balaadhan ee ka tarjumaya waxa ka socda dunidan aynu ku uuman nahay iyo saameynta uu ku yeelan doono heshiiska weyn ee uu la galay meeraha illimaqabatiga ahi, wada-jirkii wacyi-galineed ee horseedka u ahaa geedi socodka isbadelka wanaagsan, waxa ay waxyeelanaysaa halkii ay maskaxdeenu ay ku jihaysnayd ee aynu diirada ku haynay, waxa ay bulshadeenu haysataa korodhka awoodeed oo aad u sareeya.
Waxa kale oo Meerahan illi-maqabatayga ah oo  ku jira burjiga baciidka, uu ku hawlan yahay heegan dowladnimo iyo in la xadido oo laga soo jeedsado wacyi-galinta, isla-markaana, la tayeeyo kartida hogaaminta dowladnimo.
Inkastoo Meerahaasi uu hawlo shaqo u joogay burjigan, Sannadihii aynu soo dhaafnay ee 2008-kii, illaa iyo wakhtiga uu ka socdaali doono Sannadka soo socda ee 2024-ka, waxa dalka jamhuuriyadda Somaliland ka jiri doona  wacyi-galin badan oo aan qaan-gaadh ahayn, waxaana loo baahan yahay in dib-udhis  lagu sameeyo, wax badan oo ku taxaluqa nidaamka dowladnimo, ee ku lug leh heerka miyir-qabka, illaa iyo inta aduunku ka gudbaayo caqabadahaas.
Tamarta meerahani waxa ay ina tusinaysaa, in dhinac hadh-kasaaran yahay awoodaha xukunka iyo nidaamka dowladnimo, la xadeeyo damaca hunguriga ah wakhtigaas, taas macnaheedu waxa weeyaan in ay tahay dariiqa ugu fiican ee lagaga bixi karo caqabadahaas, waxa kale, oo wax-tarka iyo wax-qabadka dowladaha waaweyn wiiqi doonta aamin-la’aantooda, fariimaha khal-khalsan ee haddana isku-murugsan iyo shaqsiyaad badan oo badankoodu ay yihiin mucaarid oo haddana xillal waaweyn ka haya xukuumadaha, taasoo aan si cad ugu muuqan Karin qofka waayeelka ah, isla-markaana, habac-sanaantiisaasina  aanu ku kala hufi Karin wax-yaabahan sii kordhaya.

Xidhiidhkan dawakhsan ee ka dhaxeeya meerahan illi-maqabatiga ah iyo kacdoonka meeraha raage ee ku jira shaqsinimada burjiga fushadaha ah sanaddkii 2011-kii illaa iyo 2019-kii, inta aanu bilaabmin kacdoonkaasi, waxa fiican in la horumariyo fikradaha midho-dhalka in ka badan hab-dhaqanka daneysinimo ee qofeed , hoggaamineed iyo go’aan qaadashada hab-nololeedka, waxa laga yaabaa in muddo gaaban la arko dadka oo intooda badani naftoodu ku milmaan arrimahaas, waxaana haboon inta aynu ku hayno isha gudaheena aynu ku hayno wax badan isha arrimaha dibada ee aduunka, talaabada aynu hore u sii qaadnaa waa mid wanaajinaysa xidhiidhadeena, nafteena, isla-markaana, la sii xoojiyo, lana qiimeeyo talaabo kasta oo hore loo qaaday. Runtana Allaa Og.
.

Meeraha libdhe oo saddex xagal kula kulmi doona burjiga dibiga ah, waxa uu ku hawlan yahay, sidii wax loogaga baran lahaa lacagihii iyo deeqihii fiicnaa, ee aan sida fiican u gaadhin halkii loogu tallo-galay iyo dadkii caydhoobay. Runtana Allaa Og..

Waxa kale, oo laga yaabaa inuu dayax-madoobaad uu dhaco bisha labaad-10/11 ee sannadkan, waxaana la odhan jiray waa in dheeli tir lagu sameeyo xaalada dibada, xaqiiqadana la dhiiri-galiyo, waxaana la filan jiray inuu yimaado, isbadel weyn oo dhaqaajiya wax-yaabihii yar-yaraa ee taagnaa, waxa kale oo laga yaabaa in mar-labaad uu dhaco dayax-madoobaad bisha sideedaad todobadeeda, waxaana haboon in dib dheeli tir loogu sameeyaa xidhiidhka iyo awooda, Runtana Allaa Og..

Moorada Sannadkan 2017-ka waxa uu ku beegmay Moorada Nayruus Axadeed, oo loo nisbeeyo astaanta 5-aad ee burjiga Asad, godadka dayaxu uu marana waxa ku leedahay Koxdin-mijin iyo Koxdin-awr, waana xilliga badhtamaha xaggaaga, waa burji naariya oo lab ah, laba maalinle iffa, nuura, waa kuleyl iyo hanfi, wuu toosan yahay,  jihadiisu waa bari, waxaana lala xidhiidhiyaa dhinaca Dowladaha, Guurtida, xidhiidhka bani’aadanimada, horusocodka asxaabta, waxa kale oo lala xidhiidhiyaa  wax-yaabaha aan salka iyo raadka toona lahayn, xornimodoonka, abuurid cusub, hiigsiga, himiladda, macquulnimadda, bani’aadanimada, saaxiibtinimadda, assalnimadda, illowga, qaska, kalinimadda, ku meel gaadhka, dadnimo-la’aanta, ixtiraam-la’aanta, hubsasho-la'aanta,  hami-la’aanta, kala-noolaanshaha, korontoda, Kacdoonka, fallaagada, deg-dega,  abuurida fikradaha cusub, xornimadda ruuxiga ah, go’aan qaadasho aan ku dhisnayn tallo-wadaag, soo bandhigida wax-yaabaha aan caqli-galka ahayn, aan la saadaalin karin, aan la mideyn karrin, aan laguna qanci karin, wadanoolaanshaha aadamaha iyo in dadku isku raacaan meesha kaliya oo ah mustaqbalka ay hiigsanayaan.

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  shanta waji ee kala ah, wajiga koowaad:  waxa loo eegaa dastuurka, aqoonsiga, geesinimada, deeqsinimada, hal-abuurka, sharafta, barwaaqo, hamiga,himiladda, koboca, awoodaha, qoyska boqortooyada, boqoradda, carruurta, lacagta birta ah, maroorsiga, tamarta, xogta wararka, aabonimada, diirranaan, gubashada, ololka, dabka, khamaarka, kibirka, caafimaadka, maamuuska, dumarka ragooda ku kulul, qofnimada, wax-yaabaha la isku qurxiyo, nasabka fiican, wanaaga, Jacaylka, farxadda, faanka, qosolka, nolosha, iftiinka, dahabka, caannimadda, buuqa, xog la’aanta, dardaaran la’aanta, lafdhabarta, madaxa, ruuxda, xooga,  libaaxa, daayeerro,

Wajiga labaad :- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel- kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca,  dhacdo uguba oo aan hore  loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.
Wajiga saddexaadna:-  Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, waayo-arragnimada, adeegga arrimaha bulshada, xasiloonida, maamulka, amarka, saldanada, dhaqanka, miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashooyinka xadeysan, wakhtiga gabal-dhaca, wixii tagay, daalka-badan, xakameynta nafta, nashqadaha, lafaha xoolaha, saanta, taariikhda, xiliga da’da aabaha, dhulka,  dhulka hoostiisa, carmasha,
Wajiga Afaraadna : - Hanti-wadaaga, kacdoonka, isbeddelka, dambi baadhayaasha, sirta, garashada xeelka dheer leh, miyirka,cilmi nafsiga, dembiyadda, sixirka, caadooyin sixirka, bogsashada, carqaladaha, wiiqitaanka qarsoodiga, khasabka, shakiga, dhimashada, arrimaha qotoda-dheer leh, gudcurka, tamarta nukliyeerka, dhul-gariirka, hoos u dhaca, dib-u dhalashada, dib u warshadaynta, dib u habaynta, dib u cusboonaysiinta, dib u soo noolaynta, dabiibka isku-ekaysiinta, taranka, galmada, wax-yaabaha aan laga hadli karrin, aakhirada.
Wajiga Shanaad:- Safarka hawada, wax is dhaafsiga, buugaagta, qorayaasha, tifaftirayaasha, karaaniyayaasha, dhalinyarada, aftahanka, caqliga, maskaxda, taariikhda, nadaafadda, neerfaha, Neefta, seenyaalaysiga, luuqaddaha, hadalka, muxaadarooyinka, caqli-galka, ganacsiga, meerkuriga, huga, gaadiidka kumbiyuutarada, telefoonadda, teebabka, qoraalada, waraaqaha, fariimaha, xayeysiiska,  goobaha waraaqaha la dhigo, dabaylaha, Wednesday,
Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: - in la muujiyo dareen xoog badan oo dhinaca dibadaha ah, waxaanay taasi jidhka u saamaxaysa inuu dib u soo bilaabo wax cusub.
Arrimaha Gaarka ahna :- Waa in aan lagu dhaqmin caadifadaha faa’iido darada ah ee had iyo jeer uu soo tabiyo damiirka dadku, xataa haddii ay leeyihiin  balan-darro.
wuxuu jecel yahay: Sharafka, samafalka, jagooyinka sare, dabaasha, maalka, ifftiinka, sida, raaxada, sasabashada, caddaalada, kibirka-lab, ruwaayadaha, awood aha xukunka dowladaha.
 Wuxuu neceb yahay:-  Xanuunada, naafada, dhaleecaynta, macno-darada,  fulaynimo, mu'aamaraad, khiyaamada.
Noolahana dadka Insaanka ah:-  Gaar-ahaan waa kuwo ay ka buuxa isku-kalsooni awood badan, waxa ay hoggaamiyayaashu kaga ambabaxaan awooda amarka Eebe iyagoo wadankooda ixtiraamaya,  u hogaansanaanta, sharciyada aan laga doodin,   Kartidu waa ta innagu abuurta in aynu si joogto ah uga soo bilaabmanto sharafta iyo haybada shaqsiga, meel kasta oo ay tagaana kuma yimaado dhalan rog.

Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa : -  Waxay ku dadaalaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen wax-kastoo ay ku heli-karaan amaan, isla-markaana ay noqdaan kuwo caan ah amaba in ay noqdaan hoggaamiyeyaal la illaaliyo.
Xirfadaha :-  Waxa lala xidhiidhiyaa; Jilayaasha, Maareeyayaasha, xirfadlayaasha sawiradda farshaxanka, dahablayaasha, muruqmaalka, tusaale ahaan, dab-damiyeyaasha….iwm.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:  wadnaha dhabarka iyo indhaha
Cudurada:- Dhabar xanuunka, suuxdinta, wadno xanuunka,  xanuunada keena qandhada, dawakhaada iyo wareerka uurlayda .
Midabkana:  Midabka liinta, huruuda iyo buluuga,  Macdantana: ruby, diamond, Dhagaxaanta, birta iyo Cusbadana : dahabka, luulka, magnesium iyo phosphate sodium.
Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Talyaaniga, Romania, Sicily, Czech Republic, Slovakia, Iraq, Lebanon, Southern France. Cities: Rome, Prague, Bombay, Madrid, Philadelphia, Chicago, Los Angeles, Bath, Bristol, Portsmouth, Syracuse, Damas.
Xayawaanka: libaaxa iyo guduudanaha,
Cuntadana: liinta, tufaax, rumaanka, cuntooyin fudud iyo in la cunno cuntooyinka  faa’iidada leh ee la miiro, sida, Liinta iyo digirta
Geedaha: Timir, saytuunka, liin-macaanta, iyo kuwa leh midhaha leh, Dhirta iyo Ubax: marigolds, sunflowers, celandines,. Runtana Allaa Og..



Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)