Wednesday, January 1, 2020

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2020-ka Q/2-aad


Nayruuska Sannadkan 2020-ka, waxa uu ku curtay Maalin arbacaad oo Hawaa’I ah,  waxa la odhan jiray maalin arbacaad, waxa ay u wanaagsan tahay  arrimaha isgaadhsiinta, hal-abuurka, bogsashadda, xikmadda, arrimaha sharciga, habaarka, cilmi dhagool, waxbarashada.  dalxiiska, fikirka,  la tacaalida walaalaha, caafimaadka.

Sannadkan cusub ee 2020-ka, Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, waxa kale oo loo eegi jiray xaaladaha khuseeya tarbiyadda nafta, waxaana la gaadhaa nidaamka iyo shaqada la hiigsanayo, mustaqbalka shaqooyinka, in laga taxadiraa wixii ka dhalan kara awooda aynu u arragno in aanay wanaagsaneyn, waxay keeni kartaa nidaam-xumo, ganacsatada, dareenka shaqaaluhu wuu awood badan yahay,  waa in la isticmaala feejignaan, marka si ixtiraam leh loogu yeedhaayo qaarkood in ay ka qayb qaataan badbaadada qaranka,  ganacsatadau ma’laha hadalkoodu raxmad badan, waxa kale oo intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada,  Allow mid khayr qaba nooga dhig.
Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2020-ka,  Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga  Maa’I ah ee xuudka, waa burjiga jacceylka iyo guurka, waxaanu leeyahay wajiyo badan Samafalka, dabacsanaanta, riyooyinka, hadyadaha, rooxaaniga, darajooyinka,  aaminaanta fikradaha, jaceylak, kicinta,  ismaandhaafka, shaqooyinka, asalnimada, jiho-wareerka,  khiyaamada,  aragtida fog, nagaanshaha, mala-awaalka, hal-abuurka, wardoon badan,  xishoodka, sadaqada,  eedaynta, qeexitaanka, dhexdhexaadinta, xeel-dheerida, xiisaha,  muuqashada.
Dadka habeenkaas dhasha waxa la odhan jiray, riyooyinkaa ku badan, waxay leeyihiin awood ay iskaga difaacaan fayruska, waa kuwo ku faraxsan shaqada, waxay ahmiyad gaar ah siiyaan oo ay jecel yihiin  fayo-qabka . way  naxariis badan yihiin,  waa kuwo muraayad u ah hawlgalada la sameeyo .

Dhanka wanaaga:  Waa kuwo farshaxan ah, waji furan,  aragti fog, dareen badan, dareen baadhitaan, fahmo badan, dhexdhexaadnimo, faan badan, naxariis badan, awood u leh jacaylka dhabta ah ee aan shuruuda ku xidhneyn, dareen qoto-dheer, dareen xooggan oo ay ka gu’I kara dadka kale, hillaadiye, aqoon yahan,  Diin leh, Alle-bari badan, hellid og waxyiga, damiye, baabiiyaha waraaqaha dacwadaha, xannaaneeyayaasha bukaanka,  waxay muujiyaan calaamadaha bukaanka, waxay leeyihiin dhibaatooyin lagu qeexo xudduudaha u dhexeeya xaqiiqadda dhabta iyo waxyaabaha mala-awaalka ah.

Dhanka mugdiga : Dadka dhiban,  shahiida,  bad-baaddiyayaal, ill-bax, dhiiri-galiye, maan-gaab, damaaci, habowsan, waallan, macangag, xidh-xidhnaan, qalafsanaan, xadgudba, khayaali, jiho-wareersan, kuwa ka warwareega runta inay sheegaan, farshaxannada sameeya nashqaddaha, beennaalayaasha, feejignaan la’aan, tabar daran, illowshiyo badan, khiyaamo badan, akhlaaq xun, khamriyahan iyo caadeystayaasha dhaqamada xun-xun. , 

Dayax todobaad waxa la odhan jiray waa  xilli soo jiidasho leh, cibaaddada, dhinaca wanaagsana waxa is-bedel ku yimaadaa jaceylka, nasiibka wanaagsan, koritaanka, waana wakhti ay billaabmato fikraddo kala duwan.
Hawlaha wanaagsan: Xog-ururinta xoggaha, sameynta qorshayaal wax ku ool ah,  aassaasska mashaariicaha hoose,  dareenka, bilowga isbeddelada, waana xilli dib u dhalasho,  wax-tar weyn buu u leedahay dhinaca jidhka,  isla markaana,  si dhib yar buu wax u soo nuugaa ha wanaagsanaato ama ha xumaatee,
Hadafka:- Soo ururinta kheyraadka dabiiciga ah, ka midho dhalinta xogaha loo baahan yahay ee la xidhiidha ururinta iniinyahay cuntada la beerto,  abuurida wax-qabadka iyo qorshayaasha, inkastoo inta badan ay dhacdo wax-yar oo bar billow ah.
Dhanka wanaagsan:-  Gabood la’aanta, taranka,  jinsiyadda,  dhiiranaanta, dhiirigalinta,  dib u cusboonaysiinta, saaxiibtinimada, Nasiibka, sii wadidda taranka cusub, dareenka rabbaaniga, dareenada fahamka ee dhinaca garashada,  cadaadiska xad-dhaafka ah ee qorayaasha, waxa kale oo lala  xidhiidhiyaa  bilaabida abuurka biqilka curdinka ah, dadaalka koritaanka  abuurida iniinyaha carrada madow, waana wakhtiga ugu fiican go’aanada,  dheelitirka, taxadirka goobaha iyo albaabada laga baxo,

Dadka habeenkaas dhashaa waxa la odhan jiray, waa kuwo wax hillaadiya, naxariis badan, xeel-dheer, aragti fog, ama sidoo kale waxa ay noqdaan  kuwo bood-bood badan, xamaasad badan, jiho-wareersan, hamo-been ah leh.

Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2020-ka, 

Sannadka 2020-ka waxa ay ku curteen Burjiga Biciidka, Meerayaasha kala ah, Mariikh, Cir-jiidh, Jilboole, Meeraha illi-maqabatiga ah iyo dayaxa, waxaana la odhan jiray waxa yimaada,  iskudhacyo badan dhinaca ciidamadan cirka, burjigaas wuxuu xidhiidhinayaa hayaddaha dowladaha, kala sarreynta, dhaqaalaha iyo xukumaddaha, goobaha ay noloshoodu ay aadka u adag tahay, waa in la doorbidaa in la iska dhaafo wixii la soo dhaafay, lana jeexo dariiq cusub oo ah, dhinaca awoodaha xukumadaha iyo in la hello dareenka amniga.
Meeraha Cir-jiidh iyo Meeraha Jilboole eek u soo aadan Burjiga Dallow, waxa la fillan jiray in ay dib u soo celin doonnaan dimuquraadiyadda, sinnaanta xuquuqda si siman in looga wada-qayb qaato,  kala guurkii  hore ee sababay jaangooynta  qaab dhismeedka tartanka bulshada ugu gudbayeen,  gaar ahaan,  samafalka, wadajirka, dhaqanka wadajira, dhamaanteen waxaynu dareemi doonaa xididdada hoosta kawada xidhiidhsan.

Meeraha Mushtar wuxuu saameynayaa xeeraraka, diinta iyo safarka, marka uu u soo gudbo Burjiga Dallow Bisha Dambarsame, 19-keeda Sannadka 2020-ka, halka, Meeraha Jilboole’na uu  saameyn ku yeelan doono dhinaca caddaaladda iyo dhaqaalaha dowladdaha, marka uu galo Burjigaas, Bisha Dambarsane ee Sannakan 2020-ka,  Maalmo ka dib,  xilliga jiilaalka Sannadka 2020-ka, labadaa meere si isku mid ah ayey u wada xidhiidhiyaan si ay u dakeeyaan awooddooda.

Curashadii dayaxa ee cadceed badoobaadka Bisha Dambarsame 25-26-keedii Sannadka 2019-ka, waxa la odhan jiray, waxa uu dhiirigalinayaa hal-abuurka iyo kacdoonka, Meeraha Raage ee ku jira Burjiga Dabooje,   Qorax madoobaadkaas waxa uu keenayaa fikraddo cusub oo lagu xakameynaayo qaabkii hore, gaar ahaan ku lug leh  nidaamka dowladdaha iyo siyaasaddaha maaliyadda, iftiinkaas waxa uu raadinayaa si loo hello xalka, dadka sida xad-dhaafka ah u adeegsanaaya awooddaha xukumadda, waxay la kulmi doonaan iska caabin, waxaana ka hor imannaya kuwa awooddooda dowladdeed ay yar tahay, illaa ay is dheeli tirayaan labadaas.
Dayax-shan iyo tobnaad ee ku jir Burjiga Baciidka iyo Xaar-walwaalka Bisha Daallalo, 10-keeda, Sannadka 2020-ka, waxay wada-xidhiidhayaan Meerayaasha  Jilboole iyo Meeraha illi-maqabatiga ah ee ku jira Burjigaas, kulankaas oo qaadanaya laba caanno-maal, dayax badoobaadkaasi waxa la rajeeyaa in si dhakhso ah is-badeli ku yimaado Siyaasada Maaliyaddaha xukumaddaha,  Arimaha Sirdoonka, ( Dhaqaalaha, ciidamada, Dareenka bulshada)  Dhaqaalaha ayaa kor looqaadayaa lagu bixiyo sirdoonka iyo Amniga.
Curashada Dayaxa Cusub waxa mar-labaad la fillan jiray Dayax-Madoobaad, marka uu gallo burjiga Baciidka iyo Xaar-walwaalka Bisha Samo-laho 20-21-keeda, waxa dib u soo cusbooneysiin lagu sameynayaa arrimihii uu ku hawlanaa qaboobihii Bishii Dambarsame ee 25-26-keedii Sannadka 2019-ka,  sidoo kalena, waxa dib looga fiirsanayaa dhacdooyinkii soo ifbaxay badhtamihii Sannadkii 2001-kii.  Qiimaha amniga marka loo eego xuquuqda lacageed ee shaqsiyaadka laga qaado, waxaana si wada-jir wacyigelineed loo xaqiijin doonnaa,  Baahida, qiimaha xorriyadda iyo xuquuqaha shaqsiyadeed.
Dayax shan iyo tobnaad ee ku jir Burjiga  Biciidka iyo Xaar-walwaalka Bisha karanneed, 4-5-teeda Sannadka 2020-ka,  waxa la dhaqaajinayaa qodobbadii ugu dambeeyay ee la ansixiyey Sannadkii 2001-dii..
Xidhiidhka Labada Meere ee Jilboole iyo Meeraha illi-maqabatiga ahi waxay kulmaan 34-kii Sannadoodba hal-mar, laga soo billaabo Sannadihii 1914-15-kii, 1947-48-kii, iyo 1982-83-kii, waxa fursad loo hellayaa dheelitirka wadamada aduunka, nollosha dadka, Goboladda hadhku fuushan yahay ayaa hellaya iftiin, fulinta hawlaha ayaa dib loo hagaajinayaa ee u socday qaabka khaldan, hoos u dhaca dhaqaalaha, qiimaha ribada, maaliyada, qaababkaas meerayaashu waxay muujinayaan in ummaddu ay mari karto kacdoon labaad, ama in dib u eegis lagu sameeyo dhammaystirka billowgii hore.

Waxa la odhan jiray wuxuu sameynayaa arrimihii la aasay, qasnadihii qarsoonaa, dhinaca, awooddaha hoose, dowladdaha, xukumadaha iyo damaca in lagaga gudbi karo qaab xaddidan,  waqtigan xaadirka ah, waxqabadka dowladda waaweyn waxa baabiinaya khiyaamada, farriimaha jahwareerka ah ee intooda badan ka imanayaan shaqsiyaadka mucaarad ka ah,  waxaana la arki jiray awoodo badan oo dabiiciya oo u qulqulaaya heer hoose, marka ay xaaladdu dhabaqdo  dad badan waxay ka ku war-helayaan, dhinaca hadhku ka saaran yahay dowladnimadooda, daryeel la’aanta ayaa fursad u siineysa in ficil la sameeyo.

Ugu danbeyn, qof waliba waxa uu iska xil-saarayaa masuuliyadda sidii loo xakameyn lahaa waxyaabaha wiiqaya qaab-dhismeedka dowladnimo, taasoo hore loogaga soo bartay waayo-arragnimo, xirfaddaha maamulka, sidoo kale, waxa si  wadajir ah loogu dhaqaaqayaa qaabkii loo wanaajin lahaa xidhiidhka wadamada daraska ah, gudaha iyo dibadaba, waxa jira qaabab badan oo aynu ku gor-gortami karno, ku illaalin karno, heerkan aynu gaadhsiisan nahay

Meerayaasha Cir-jiidh iyo Jilboole Sannadkii 1802-kii, waxa laga hawlanaa shaqooyinka dhisitaanka qaab-dhismeedka, agabka, xaqiijinta miisaaniyada, Sannadkan waxa uu ku jiraa Burji arliya ah ee Dallow, waxa la odhan jiray waxa awooda la saarayaa tayeynta hawada, dhinaca xukumadahana waxa waxa uu awooda saari doonaa qalabka miiisaaniyad, waxa xakameyn doonaa wixii saameyn ku yeeshay hirarka hawada, hirarka wayfiska taawarad, xisaabaadka isgaadhsiinta, shabakada xuubka caarada ee Internetka, isgaadhsiinta dibada, diyaaradaha, diyaaradaha xamuulka, satellites iyo waxyaabaha shaqada ku leh hawada sare, tayeynta hawada, wasakhowga hawada, iyo in dib loo hagaajiyo khasaarihii ku yimid deegaanka, wacyi galinta,

Marka la tayeeyo wacyi-galinta ogaanshaha xididada jidhkeena ee ku saabsan qaab-dhismeedka, dhaqaalaha, maalka, iyo waxayaabaha kale ee jidh ahaaneed, waxa la ogaan doonaa fikro badan, waxa la arki doonaa hawo khal-khal galinaysa xaqiiqada isbarbar dhiga  jidhka, nafta iyo ruuxda. waxa si dhab ah loo arki doonaa tayeynta dareenka fikradahaas, gaar ahaana, tayeynta jacaylka ka soo baxa qalbiyada waxa uu badellayaa qafkasta hab-nolloleedkiisa,  iyo waaya-aragnimadiisa.

Waxa la odhan jiray marka uu hello tamar Burjiga Dallow, Waxa la odhan jiray, waxa wakhti lagu hawlan yahay habkii dib loogu dhisi lahaa xeerarka iyo qaab-dhismeedka nidaamka dowladnimo, qaab-dhismeedka hagayaasha, hab-dhaqannada, dabeecadaha, qaababka dareenada fikradaha,  arimahaas oo dhan ayaa dib loo qiimeyn doonnaa, waxyaabo badan oo ah qaab-dhismeedka dibada iyo gudaha ayaa lagu sameyn doonnaa xog-ururin, qiimeyn, iyo fallaqyn  lagu sameyn doonnaa.
Bisha Daallalo 8-deeda Sannadka 2020-ka, Kulanka labada meere ee Cir-jiidh iyo Dayaxa waxay kuwada kulmi doonnaan Burjiga Baciidka ah, waxa la filan jiray in nidaamka dowladaha ay ku yimaadaan shaqo la’aan. Runtana Allaa Og.
Bisha Todob 25-keeda Sannadka 2020-ka, Meeraha Mariikh iyo Dayaxa ayaa kulan wada-xidhiidh ku dhex marayaa Burjiga Baciidka, waxaana la odhan jiray hadallada tiraabta ah ee sida fudud loo yidhaa ayaa saameyn yeesha, haddaba, waxa muhiim ah inta aan la sameyn jawaabta cellin, waa in la isweydiiyaa muuqaalka sawirka ka danbeyn donna muuqaalka uu bixin doonno, Runtana Allaa Og.
Bisha Seerma-weydo 5-teeda Sannadka 2020-ka Meeraha Mushtar iyo Meeraha Illi-maqabatayga ee kullanku kuwada-dhex mari doonno Burjiga Baciidka, waxaana la odhan jiray, xaaladda nolloleed ee qarsoon ayaa sababaysa in muddaharaadku sii xooggaysto, waxaana la arki doonnaa wax badan oo qarsoon, waxa si geesinimo leh loogaga hortagayaa shaqsiyaadka wajiyadoodu qarsoon yihiin, marka la xaqiijiyana waa la daaweynayaa.

Bisha Dirir-sagaale, 5-illaa iyo 6-deeda 2020-ka, waxa la fillan jiray in uu dhaco Dayax-madoobaad, kaasoo laga arki doono wadamo badan oo ka mid ah wadamada Yurub, Afrika, Aasiya, Ustareeliya, marka uu dayaxu gallo Burjiga Mataanaha iyo Burjiga Laabka iyo Qaansada, waxa la odhan jiray,  waxa su’aalo badan la iska weydiinayaa qaanka isgaadhsiineed, ama in badan ha’lagu hadlo amaba in yarba ha lagu hadlee, ama aad ha u muujiyaan ama ha dhalan rogaan runta, daacadnimadu waa imtixaanka qaabka wada-xidhiidheed, ha la sameeyo iswaafajin. 

Bisha Dirir-sagaale, 20-illaa iyo 21-deeda 2020-ka, waxa la fillan jiray Qorax-madoobaad, marka uu uu gallo Burjiga Xaar-walwaalka, waxa la odhan jiray, waxaa suuragal ah in qofkastaaba uu isku dayo in uu naftiisa u hurro  sidii uu u helli lahaa xoriyad amni, waa in la isku dayaa in la hello dheelitir cusub, waxaad amni hellaysaa marka aad xor tahay.

Bisha Samo-laho 4-illaa iyo 5-deeda 2020-ka, waxa la fillan jiray in uu dhaco Dayax-madoobaad, marka uu gallo dayaxu Burjiga Sardaan iyo Burjiga Biciidka, Waxa la filan jiray in dhamaan qalab loo adeegsado xidhiidhka illaalinta amnigu in aan la adeegsan, waa in laga feejignaada oo isha lagu hayaa xidhiidhka saaxiibtinimada iyo dareenka amniga.

Bisha Deyr-habis 29-30-keeda 2020-ka, waxa la fillan jiray in uu dhaco Dayax-madoobaad, marka uu Dayaxu gallo Burjiga Leebka iyo qaansada iyo Burjiga Mataanaha, waxa la odhan jiray, waxa muhiim ah in aan laga mashquulin waxyaabaha muhiim ah.
Bisha  Dambarsame 14-keeda 2020-ka, waxa la fillan jiray Qorax-madoobaad, marka uu ku gallo Burjiga Leebka iyo qaansada, waxa la odhan jiray, haddii aad hayso fikir weyn, gaar ahaan, waa haddii ay la xidhiidho ka hadalka diimaha, la tasho qofka kale oo ku siiyaa tallo yar.

Meeraha nasiibka wanaagsan ee Cir-jiidh ee ka tagaya Burjiga Biciidka ee u socdaalaya Burjiga Dallow Bisha Dambersame 19-keeda Sannadka 2020-keeda, halkaas oo uu ku sii nagaan doonno Bisha Dambersame 28-keeda, 2021-ka,  waxa la odhan jiray, waxa xoogaysanaya saameynta ay ku yeelanayso dadka qalabka isgaarsiinta casriga ah, awooda ciidamada cirka, dayax-gacmeedka, waxa kale oo isbadel ku imanayaa aaladaha korontodada.
Bisha Dambarsame 21-keeda 2020-ka xidhiidhka  dhex maridoona meeraha Mushtar iyo jilboole ee ku jira burjiga  Dallow, waxa la odhan jiray,  waa in wax kasta loo diyaariyaa qaab furfuran, aqbalaad iyo kalgaca



Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2020-ka


 

Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidiggaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2020-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Moorada Sannadkan 2020-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Arbacaad, waxa loo nisbeeyo astaanta lixaad ee burjiga dabooje, waxay ku Aadan tahay muddada u dhaxaysa 23/8-22/9,  godadka dayaxu uu mara waxay ku leedahay  Koxdin-cawo  iyo Garbo dirir, waa xilliga madhtamaha xaggaaga, waa burji arliya ah, waana dhadig, habeenle ah, waa qabow iyo dheel engagan, jihadiisu waa waqooy.

Waxa loo eegaa xaaladdaha qiimeynta hawlaha, go’aan qaadashadda, caafimaadka, muuqaalka hawlaha waxqabadka gaar ahaan, xoollaha nool iyo beeraha, rabitaanka nadiifinta wasakhowga hawada,  nadiifinta deegaanka, isku xidhnaanshaha xidhiidhka saaxiibtinnimo, isticmaalka feejignaanta iyadoo la isku dayaayo qiimeynta waxyaabaha kale, waxa laga yaabaa in ay ka soo gudbaan xadka wax badan oo aan macno’ba  lahayn.

Dhinaca Siyaasadda: waxa la saadaalin jiray in la arko isbeddelo siyaasadeed oo ku yimaadda habka hoggaaminta, qaab-dhismeedka dowladdaha madaxabannaan waxa dibaddaha kaga yimaadaan maamul ay wadaan wadamo kale, rumeysashada isgaadhsiinta, isla-weynida,  xilligaas marka uu billaabmo dhaqdhaqaaqaasi ayey u iftiimi doontaa hoggaamiyayaasha, waxaana haboon in ay ka foggaadaan danta gaarka ah, kana shaqeeyaan danta guud iyadoo ay wehelinayso dabacsanaan badan,  waxa kale oo la arki jiray, hufnaan iyo isla xisaabtan dhexmara hoggaamiyeyaasha dowladdaha, iskudhacyo badan oo ah dhinaca ciidamadan cirka, xidhiidhka hayaddaha dowladdaha,  kala sarreynta, dhaqaalaha, xukuumadaha, goobaha ay noloshoodu ay aadka u adag tahay, waa in la doorbidaa in la iska dhaafo wixii la soo dhaafay, lana jeexo dariiq cusub oo ah, dhinaca awoodaha xukumadaha iyo in la hello dareenka amniga.


Sidoo kalena, wakhtigan waxa la odhan jiray, dowladuhu waxay ku beegmaan xilli uu jiro kacdoon dowladdeed iyo iffafaalo carqaladeed, dhinaca doorashooyinka Sannadkan 2020-ka, waxa suuro-gal ah in uu jahwareerkaasi isku beddelo  daruuro  lama filaan ah oo wata ceeryaamo jahwareer oo sababa khilaaf,

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah: Waxa lala xidhiidhiyaa in la taageeri doonaa soo saarista qaab-dhismeedka ka qarsoon bulshada, isla markaa loo iiftiimiyo wixii ka qarsoonaa si ay u ogaadaan, la arkee wadajir qarsoodiya, waxa laga yaabaa in ay saameysay waxyaabihii hore ee dad badani sameyn jireen, sababtoo ah, waxa saameyn ku yeeshay fikirkoodii ama aamuskoodii ay ka aamuseen aragtiyihii aan loo soo bandhigin bulshada xilliyadii la soo dhaafay, waxa furmi doonna albaabo badan oo si gaar ah u xidhnaa,  waxay taasi iftiiminaysaa ujeedooyin wanaagasan,  waa xilligii la isdaahirinaayey, cibaaddada iyo ficilladii wanaagsanaa ee ay baabiiyeen mugdigii hore ee qarsoonnaa.

Geedi socodka qulqulka iftiinkaasi waxa uu inoo muujin doonaa wadajirka bulshada,  waxaanay fursad siin doonataa awood wada-jirta in wax lagaga qabto wixii la arko, ha noqoto mid shaqsiyadeed ama wadareedba,  waxa laga yaabaa in awoodaas lagu tijaabiyo xeerarkii hore ee la jabiyey in lagu hagaajiyo,  ugu danbeynta, dhamaanteen waxa aynu ogaan doonaa awoodaha dhabta ee ku dhex-jira xidhiidhka nafteena iyo ruuxdeena, taasoo si wada-jir ah u feydi doonta caqabadaha dibada innaga haysata,  waxa iman doonta marka jihada quman lagu soo noqdo, in uu qofkastaaba ogaado in tamartii wanaagsanayed wax baabiisay, ayey aduunku dib uga faalloon doonaa, dhinaca xidhiidhka is-fahamka iyo  wacyi galinta.

Waxa kale, oo dad badani isku xil-qaami doonnaan in ay wax ka badelaan xassadka, iimaan la’aanta nafta iyo ruuxda. sababtoo waxa ay dhaawacaysaa dareenka xassiloonida, dareenka caddaaladda iyo dareenka garsoorka, waayo, waxa jira dad ficilladoodu kicin doonnaan dareenka dadka, waa kuwa sameystay dhismayaasha dhaadheer ee  lamaanaha  ah, sidoo kale’na,  dhalin yaro badan ayaa xooga saaraysa (sida caadaysiga ciyaaraha kombiyuutarka), had iyo goor arrimahaas waxa lagu gartaa dadka aan dhameyn "autistic."

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa Afartan waji ee kala ah:-
wajiga koowaad:  Safarka-hawada, wax is dhaafsiga, qorayaasha, buuggaagta, karaaniyayaasha, huga, ganacsiga, ka-ganacsiga qalabka wax lagu qoro, aftahannimada, garaadka,  maan-galnimada, dhalinyarada, taariikhda, nadaafadda, neerfaha, Neefta, dabaylaha, hadalka, luuqaddaha, waraaqaha, qoraalada, tifatirida, fariimaha, xayeysiiska,  wacyigalinta, fariimaha waraaqaha, seenyaalaysiga, isgaadhsiinta, teebabka, macdanta meerkuriga (biraha), gaaddiidka,


Wajiga labaad :-  Muqaddasnimada, Jahwareerka, jabka, waxyaabaha qallafsan, cabitaanka maan-dooriyaha , khiyaamada qotoda-dheer leh, musuqmaasuq,  af-duubka, sumowga badaha, fikraddaha khiyaaliga ah, xasilooni-darro, waxa qarsoon, kala-diridda, riyada, badaha, qoob ka ciyaarka, qiiqa, hantiwadaagga, debacsanaanta, xaddeynta, xijaabka, biyaha, Hillowga , dib u habaynta, hadafka, isbedelka, farshaxannimada


Wajiga saddexaadna:-  Shuuciyadda, dabaaldegyada, rajada, kuliyadaha, ammaanta, maxkamadaha sharciga, xeerarka, dhakhaatiirta, ballaarinta, cagaha, Kaamamka xoolaha wadamada shisheeyaha, gluttony, grand, kaftan, damaca badan, joviality, waaweyn, nasiibka, codka dheer, sixirka qotoda dheer leh, baayac mushtarka , mudnaanta, maal-qabeennimada, goobaha lagu cibaadaysto, falsafadda, wacyigalinta, sharafka, aqoon yahanada,  wadaaddada, faa'iiddada, qudbooyinka, diinta, cilmiga waxbarashada noollaha,  gaadiidka bada, guusha, safarka, safarka dibada, runta, xigmadda , bawdyaha, sharciga, maxkamadaha iyo cadaaladda, daabacaadda,

Wajiga Afaraadna :- Dheel-dheelka, maaweelada, farshaxanka, quruxda, jacaylka, guurka, qoysnimada, haweenimadda, dharka dumarka, dhaqanka soo jireenka ah, rayraynta, riyaaqa, faraxa,  galmada, lacag, music, wadanoolaanshaha, xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, bulshooyinka, quruxda labiska, haweenka, iskaashiga, wixii hore,kaftanka, Macsiyada, qoysnimada, caddaaladda, shaashaarida, naxaas ah, nac-naca, qoob ka ciyaarka, rabitaan, daadka, qoolleyda, dhagaxyo sumurud la yidhaahdo,  ubaxa, canabka.

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah: waxay noqdaan dadku kuwa digtoon, shaqo adag, xishoo badan, wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamin, nadiif ah, oo leh himilo mustaqbal, maskax-furanaan, wax fahmi kara, oo leh karti, dareen feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u lafa gura, macquul ah oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka,  laakiin sidoo kale dareema cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn, wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.
Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: in dusha laga eego shaqo-wanaaga, habka iyo dariiqa loo maro nidaamka shaqada.
Arrimaha Gaarka ahna: Farshaxanka dhadhanka, jacaylka, dareenka, qiimaha-dumarka, dareenka-dheer, farshaxanka shucuurta akhlaaqda iyo dhaqanka bulshada.
Wuxuu jecel yahay: Amarka, saxsanaanta, fikirka, cadeynta, isku-gaynta, talo-bixinta, dahabka,  axdiga  ujeeddada, qiimeynta dadka kale.
Wuxuu neceb yahay:-  Waxyaabaha aan la kala saari karin, hawl-galka, xag-jirnimada, dhexdhexaadnimada, fudeydka deg-dega ah, dayaca nafta, doqonnimada.

Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa rumaysashada nafta, ogolaansho la’aan in lawada shaqeeyo,  amar dabagal ah in lagu sameeyo waxyaabihii la aassaassay..
Xirfaddaha:- Xisaabiyayaasha, xoghaymaha, qorayaasha, saynis yahanada qalabka casriga ee lagu shaqeeyo,  kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:  Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa xiidmaha,Cudurada: Hargabka,  oof-wareenka , daal ku yimaada habdhiska neefsashada, shilalka ( Inta badan soo noqnoqota,  laakiinse wax-yeelladeedu fududahay) 

Midabkana wuxuu ku leeyahay: bunniga, midabka badda, dooga, huruudda . tirooyinka wuxuu ku leeyahay tirada saddex iyo shan. Macdantana: Dhagaxaanta birta ah, jiimstoonka, safeeriga, cusbadda, macdanta dareeraha ah, meerkuriga, ciida.

Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Dalalka Greece, Turkey, Brazil, Caribbean, Uruguay,  Galbeedka hindiya,  mareykanka Yugoslavia, Mesobotamiya, Caasimaahana wuxuu ku leeyahay:  Paris, Boston, Athens, Lyon, Corinthia, Heidelberg,


Xayawaanka: Eyda, bisadaha iyo dhamaan xayawaannada oo dhan, Cuntadana: Khudaarta, Xididka dabacasaha, Baradhada, Liinta, Midhaha laqalajio, waxa ugu fiican in la cunno cuntooyinka faa'iidada leh, khudaarta cagaaran ee tayaddoodu wanaagsan tahay, sida, saladhka. Geedahana: Dhirta, Beenyada, Khamuunta, Mara-boobta,  Lowska, Ubaxa ka baxa dooxyada, ubaxa midabada badan, dacarta,  gaar ahaana kuwa buluuga iyo huruuda, . La soco ……….

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)