Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)
Habeenka curashada Sannadka cusub ee 2016, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje oo arliyo ah:- wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah.
Dayax labaatanaad waxa la filan
jiray dayax madoobaad, waxa kale oo la
filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib
u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la
hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga,
furniinka, walaaca, dhaleeceynta iyo
caadooyinka xun ee aan loo baahnayn,
waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go'aan qaadashada, ka
hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn,
daaweynta, ka fikirka dariiqooyinkii
gaboobay oo la qabto.
Yoolkeedu waa:
In billowga shaqo oo laga saaro
caqabaaha hortagagan, loona mahad-naqo wixii aad aad ku gaadhay hadafkaas ee la
xidhiidhay koritaanka dhirta ka baxday beerta.
Dadka habeenkaa dhasha
waxa la odhan jiray, waa kuwo digtoon,
shaqo adag, xishood badan, wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamina, nadiif ah, oo
leh himilo mustaqbal, maskax-furanaan, wax fahmi kara, oo leh karti, dareen
feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u lafa gura, macquul ah
oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka,
laakiin sidoo kale dareema cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn,
wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.
Dhanka wanaaga:- Waa
kuwo had iyo jeer jecel in aan lala wadaagin sheekada, oo hamuun u qaba
illaalinta iyo dhawritaanka deegaanka, isla-markaana leh falanqayn fiican iyo
caqli wanaagsan.
dhanka mugdiga ah:- Waxay
noqdaan kuwo leh qab, isla-weyni, gorfeeye, takoore, dawlad, suuban,
saxane, oo gaadha guul la taaban karro,
inta badan isticmaala fikiradaha takoorka ah, isla-markaana ah kuwo horumariya
xirfadda naftooda.
Waxaanay
noqdaan : Xisaabiye, xoghaye, qorsheeyayaasha, saynisyahanada
qalabka casriga ee lagu shaqeeyo,
kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.
Burjigan waxa kale oo
uu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca
dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka
ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Runtana Allaa Og.
Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah,
waana maalinta Lixaad, waxaana la odhan jiray maalin Jimcaad waxay leedahay,
waa maalin u fiican in lagaga faa'iideysto wixii ku lug leh jacaylka,
saaxiibtinimada, kalgacal, wada noolaansho, dib u heshiisiinta, , quruxda,
is-dhexgalka bulshada, waana maalin u fiican lacagta, farshaxanka, quruxinta
shaqada
Sannadkan Cusub waxa kale loo eegi jiray dhinaca hawlaha, awoodaha
waxaana soo gaadha waxyeelooyin, isla-markaana waxa haboon in la
iswaafajiyo inta u dhaxeysa dib u cusboonaysiinta uu ku noqonayo meeraha raage burjiga fushade iyo meeraha illi
ma’qabatiga ee uu u socdaali doono burjiga
habar-adhi, wuxuu si dhaqsaha u
sii wadi doonaa, isla-markaana la dareemi
doonaa inay sii xoogeystaan muranada shaqsiyeed ee dhinaca hiigsiga himilada dhabta
ee shaqsi kastaaba uu doonayo inuu gaadho, dhamaana dadka ku xeerani waxa ay ku hawlan yihiin sidaas oo kale,
waxaana laga yaabaa in midkoodba midka kale uu u yahay wax-qarxaya, amaba mid
waliba midka kale uu lid ku yahay oo uu rabash kagala soo horjeedo, isagoo u
maraya dariiqooyin kala duwan.
Warka wanaagsanina waa kaas
uu midba midka kale aanu la rabin wanaag, marka laga reebo dadka in yar oo ka
mid ah ayuun baa caqabadahaa adag si fudud ugaga gudbi karta oo uu Alle
garansiiyey, sidoo kalena, lagama yaabo in la dareemo, waxa wanaagsan ee jira.
Inkastoo natiijadu ay tahay
mid wanaagsan, haddana isbedelada ficil celinta shaqsiyeed ee hawada lagu isku
marin doonaa, waxay amakaag ku abuuri doontaa hirarka ku xeeran garaadka
Aadamaha, waxaanay awoodahaasina ay sababi doonaan awood dheeraada oo ka weyn ka
heerka lagu cabiro Aduunka.
Isbedelada tamarta waxay noqon
doontaa dheecaamada shahwaadka, taas macnaheedu, waxa weeyi in wax-kasta laga
dareemi doono dhaq-dhaqaaq xawligiisu uu
aad uga sareeyo, ka kasocda garoonka dhexdiisa, laga yaabee in la
dareemo wax-badan oo la jecel yahay”
Haddii la dareemo diiramaad ama qabow, iffafaalaha cimilada dabiiciga ah ee u dhexeeya
dhalashada xag-jirka, waxa la dareemi
doonaa diirimaad badan iyo qabow badan, sidoo kalena, haddiiba ay hawada iyo dabeyshu noqoto qoyaan,
waxa la dareemi doonaa qoyaan aad u
badan.
Sida
ay umuuqato dhinaca siyaasada, waxa la saadaalinayaa, in
shaqsiyaadka awoodda lihi, ay isticmaali doonaan awood badan, kuwa
dhibanayaasha ahina waxay dareemi doonaan in lagu muquuniyey awood daradooda, suntaas daawada kaliyaata
ee lagaga hortagi karaana waa naxariista.
Taageerida qof jacleysigu waxay noqon doontaa
tayada qiimaheedu, mid ay ka dhalan karto qas, waxa kale oo la filan jiray
falalka nasiibka, naxariista iyo inay
rag badani ay xoog wax ku doonaan, arrintani waxay ahmiyad gaara u leedahay isku dheeli-tir,
waxa kale oo falalku noqon doonaan nasiibka argagaxisada, rabshadaha iyo
culeyska xad-dhaafka ah ee awooda dawladeed soo wajihi doona. Runtana Allaa Og..
Ugu danbeyntii, xalka kaliyaataa waa in dib loogu
noqdo dheeli-tirka qiimeynta mushkilada ruuxiga ah ee aan dheeliga tirnayn ee
soo if-baxay, waxaana haboon jaceylka, raxmada, naxariista, daacadnimada,
cibaadada iyo qiyamka oo la weyneeyaa ay noqon doonto ta kaliyaata ee lagaga
fogaado xumaha iyo wixii macno darada ahaa ee soo gaadhay garaadka Aadamaha.
Taas maaha macnaheedu inay tahay oo qudha in dhacdooyinka
wargeysya, mareegaha wararku inay
ahaadaan qaar xasilooni ku sugan iyo in falanqeynta tayada wanaagsan ee
shaqsiyadaadu abuurtaa ay aad u jeclaysan doonaan dunidan kugu xeeran
wakhtigan, sidoo kalena, qofka aadamaha ah ee aad badeshaa ama aad jihaysaa,
waa mid faa’iido weyn u leh oo ay ka
timaado xasiloonida deganaansho dhex-dhexaadka ahi, dhinaca kalena, marka laga
eego talaaba kasta oo horre loo qaadaa waa wax wanaagsan oo la gaadhay.
Sannadkan waxa laga yaabaa inay had iyo jeer
ay u muuqato xallinta shaqooyinka,
farsamooyinka, dhaqanadii hore ee salaadiinta iyo dhaqanada ruuxiga ah, fikrado
badan oo deg-deg iyo fudeyd ku jiro, kuwaasoo maxsuulka ka soo baxa loo arko
mid wanaagsan ama kuwo xanuun reebaya, marka lagu darro nidaamka caadeysiga
fikradaha iyo afkaaraha sida wada-jirka ah ee dadaalka badan loogu jiro.
Sidaa daraadeed, waxa haboon inaynu wax badan
ka fikirno, kaasoo ku saabsan, “ Inaynu
ka fikirno waxa aynu doonayno, in ka badan waxa aynaan dooneyn ” sababtoo ah, waxyaabihii xumaa ee ina soo
maray ee soo dhacay, way kugu dhici doonaan mustaqbalka, haddii aan wax-badan
laga fikirin.
Maxaa yeelay , haddii lagu cel-celiyo fikradaha xun-xun, waxay
abuuraan inay ku sii xoogeysataan, ka dibna ay tamar ku sii yeeshaan, waxa ay
ahmiyadu tahay in maskaxda lagu hayo inaynu Rabigeen ugu shugrino natiijooyinka wanaagsan, inta aynu jeclaysan
lahayn wax badan oo ah dhinaca
mustaqbalka nollosha.
Shaki
kuma jirro in la gaadhay wakhtigii la dedejin lahaa horumarka inta aanu
isbedel ku imanin, haddaba tani waxay
muujiniysaa in la weyneeyo nabada iyo wada-noolaanshaha Sannadka 2020, waxaanay
Isbedelladaasi ku lug yeelan doonaan dhinaca darajooyinka, sinaanta,
dhaqan-dhaqaale iyo qarankaba.
Sannadkan
waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca dawladaha, in ay qalabka
farsamada casriga ee isgaadhsiintu ay si fudud inoogu sahleen in la
gaadho burburkii ku yimid qaab
dhismeedkii iyo nidaamkii dowladeed ee jiray,
haddii ay noqon lahayd , mid dhaqaale,mid iskaashi, dhamaan adeegyaddii
arimihii bulshada iyo xidhiidhadii
badnaa ee hayduhu la lahaayeen xukumadaha, dhacdooyinkii soo jireenka ahaa ama
soo xidhiidhsanaa, sidaa awgeed, waxa ay
u muuqataa in si wanaagsan loo xalin doono, isla-markaana, si wadajir ah oo
fir-fircoon loogaga qayb qaadan doono, haddii Alle yidhaa. Runtana
Allaa Og.
Kulanka Meeraha nasiibka iyo jilboole waxay
badeli doonaan wadahadalka meeraha gobonimo doonka iyo xoriyada ee Raage iyo meeraha Illi maqabatiga ah waxay si qoto dheer
isku badeli doonaa meeraha Pluto bisha saddexaad, shanaad,
lixaad, sagaalaad iyo ta laba iyo tobnaad ee Sannadkan, waxaanay noqon doonaan bilahaasi kuwo ugu wax qabadka badan.
Waxaana haboon in wax wanaagsan in la qabato, isla-markaana, aad
loo xoojiyo qiimaha jacelyku u leeyahay, nabada, wada-noollaanshaha, tanaasulaadka,
naxariista, farsamooyinka ruuxiga ee fikradaha wanaagsan, xaqiijinta iyo
xoojinta rajooyinka nasiibka kadiska ah ee naxariista badan.
Dhinaca saadaasha
waxa gun dhig u ah kala fadhiga
meerayaasha uu ku curtay Sannadkan cusub
ee 2016. Dib u noqoshada meeraha libdhe wuxuu
dib u eegis iyo dib u sixid ku sameyn doonaa, hoos u dhicii ku yimid
wakhtiyadii la soo dhaafay, wixii uu ka bartay casharadii hore, dhaqaaluhu ma xuma, inkastoo ay isgaadhsiintu
yaraato.
Mudo ka dib wuxuu
dib ugu noqon doonaa burjiga sowra, wuxuu ku dadaali doonaa curinta fikrado
waaweyn oo xeeladaysan dhinaca fikirka iyo dulqaadka, meel kasta oo la joogana
waxa la arki doonaa xikmado badan, waxa
haboon in la xoojiyo oo la sameeyo dabacsanaan, waa haddii lagugu
madax-adkaado.
Mar-kale wuxuu isku
dayidoonaa in aanu wax-badan diirada saarin oo aanu faah-faahinin, ka dib marka
uu u socdaali doono burjiga dabooje, talaabadaa uu dib u qaadayna, waxa la arki
jiray qorax madoobaad ka dhaca wadamada Africa bisha sideedaad, kowdeeda ee
Sannadkan 2016, waxaana la saadaalinayaa
inay isgaadhsiintu yaraato, dhaqaaluhu
fiicnaado, waxaana la filan jiraj, Bisha
saddexaad 8/9 ee Sannadka 2016-ka, Qorax-madoobaad laga arko wadamada koonfurta
bari ee aasiya, waqooyi galbeed ee Australia,
iyo baweynta hidiya iyo Pacific,
waxaana soo if baxda,
isla-markaana samada isku shareeri doonta xaalad dawaakhaadeed oo nafeed. Runtana
Allaa Og.
Meeraha mushtar iyo
meeraha illi maqabatiga ah, waxay ku dadaali doonaan in wax-kasta oo la
qabanayo loo yeesho adkeysi iyo go’aamin, ka dibna, uu dib u xalin doono xaaladii soo
if baxday marka ay kulmaan meeraha Jilboole, oo ay sameyn doonaan aassaasska
xidhiidhka shaqooyinka gudaha, ururada, dhismaha, dhaqamada.
Labada siyaariin ee
mushtar iyo Raage oo ku kulmi doona jiho toosan, waxa la saadaaliyaa in Fikradaha
xagjirka ah la aqbalo iyo inay sii xoogeystaan riyooyinka cusub ee mustaqbalku.
— 23-ka bisha saddexaad waxa la
saadaalinayaa, Dayax madoobaad in lagu arki doonaa penumbral waqooyiga iyo koonfurta America, Asia, Australia, badaha
Pacific, Atlantic iyo badweynta hindiya, Arctic and Antarctica.
Runtana Allaa Og.
Maluugta Mariikh oo saddex xaggal u mari doonaa burjiga naariye
ee qows, wuxuu ku dadaalayaa inuu dhameystiri doono
mashaariicihii hore loo bilaabay,
waxaana la sugi doonaa illaa iyo inta uu maluugaasi si toosa ugu
noqonaayo bisha lixaad, 29, Sannadkan, ka hor inta aanu bilaabmin halista
isbiimayntu, burjiga caqrabka, wuxuu doonayaa in hore loo sii
dhaqaajiyo mashaariicdii dib u dhacu ku yimid
iyo in hore looga sii socdo natiijada wanaagsan ee ka soo baxda midhaha
wax-qabad.
18-ka bisha August, waxa la saadaalinayaa in mar-labaad Dayax
madoobaad laga arki doonaa Waqooyiga iyo Koonfurta America iyo
Australia, waxaana laga yaabaa inay soo if-bixi doonaan ururo kala qaybsan, waa xilli
loo baahan yahay koox ay dadku jeclaystaan maskaxdooda kuwaasoo ku haboon
marxaladan hadda la joogo, oo aan isbedbedalin,
Wareega kulanka
labada meere ee jilboole iyo meeraga Illi maqabatayga ag, waxay ku dadaalayaal ka fikirka sidii kor
loogu qaadi lahaa cibaadaysi, Alle bariga iyo qaabkii loo sameyn lahaa xasaanad,
waxa kale oo ay ku hawlan yihiin, illaalinta, Xad-gudubyada dhinaca mabaadi'da ruuxiga
ah.
16-ka bisha
sagaalaad ee Sannadkan waxa la saadaalinayaa in dayax
madoobaad lagu arki doonaa wadamada, Europe, Africa, Asia, Australia,
badda Pacific, Atlantic, iyo badweynta
hindiya, Arctic iyo Antarctica, waa xilli loo tafaxaytay in la wajaho xaqiiqad,
aad bay u fududahay in heshiis la aaminsan yahay la gallo oo qodobadooda.
Runtana Allaa Og.
Meeraha Jilboole oo wareega saddexaad kula
kulmi doona meeraha Uranus , waa wakhti
aan la rumaysan karrin wax-qabadka qaab-dhismeedadu ay bixiyaan. Runtana Allaa Og.
Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist