Tuesday, June 26, 2018

Cabashadda Madaxweynaha Maalinkaas, Maaha Fiicnaantii Madaxweynihii Shalay



Cabashadda laga muujiyo Madaxweynaha xilka haya maalinkaas, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii Madaxweynihii shalay, sirta halkaas ku jirtaa, waa faham la’aanta hab-dhaqanka dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku maareyn jiray xaaladdaha qaar ee la soo darsa, ama fahan la’aanta wanaagii lagu jiray maalinkaas.

Haddii aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa, kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, si aanay barri u wiiqmin kobacii is daba joogay midho dhalkaas, waa in wax laga bartaa  hab-dhaqanada dabeecadaha hoggaamineed iyo habkii hoggaamineed ee ay ku maareeyeen xaaladdihii kala duwanaa ee ay soo mareen muddadii ay hayeen xilka Madaxweynenimo.

Marka aynu eegno  Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cali oo aanan maanta jili karin muuqaalka hab-dhaqankiisii hoggaamineed ee uu ku soo maareeyey, wakhtigii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Halka Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalna uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta Hillaadinta (Visionary Leadership), taas oo uu u sii marin jiray dhamaan dadka talaabooyinka iyo nidaamka geedi socodkiisii hoggaaminneed wakhtigii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaamiyayaasha ugu muhiimsan ee ku guuleystaana waa kuwa leh arragti fog iyo jiho hillaadineed, kuwaasoo badanaaba kaga dhabbeeya himmiladii ay hiigsanayeen.

Waxa ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Hoggaaminta Sinaanta (Laissez-faire Leadership) waxaanu awood siin jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha dhexe ee dawladda, taasoo lagu ogaaday cilmibaadhis qaadatay muddo dheer in ay tahay habka ugu wax-tarka badan ee  ay kuwada wada-qanacsan yihiin aduunkoo dhami.

Waxa kale oo ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Tababare hoggaamiye (Coach Leadership), taasoo ahayd mid ay shaqadeedu aad u sareysay, isla markaana fadhiyey goobta natiijada laga hagaajinaayey ee hawlaha  waxqabad ee loo baahnaa laga fulinaayey, run ahaantii, sida aynu wada-xasuusan nahay, Madaxweyne Cigaal hoggaamintiisii waxa gacan weyn ka geystay taageerayaashiisii oo soo saaray  horumarinta xirfaddiisii, taasoo siinaysay Niyad, Dardar-galin iyo Dhiirigalin dheeraad ah.

Waxa intaasi uu sii dheeraa abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaamin Kooxeed ( Team Leadership), oo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga lagu gaadhayey himiladdiisa ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

Waxa ay ka shaqeysiinaysay dhamaan wixii ku lug lahaa wadnaha iyo maskaxda xukuumadii uu hoggaamiyaha ka ahaa, sida la wada-garowsan nahay kumay lug yeelanin wadashaqeyntiisii aaminaada iskaashigii saaxiibtinimo, waxaana laga fillaayey caqabadihii ugu badnaana ee ka hor yimid in uu ku guuleysan doono, inkastoo, laga yaabaa guuldarrada ku timaado hoggaamintani ay keento tayada hoggaamineed ee  liidata, balse, waxay ahayd mid ay sareyso tayadeeda hoggaamineed.

Waxa sidoo kalena uu u isticmaali jiray xaaladda qaarkood Hoggaaminta sharciga (Autocratic Leadership), taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana uu gacanta ku hayey dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto,  manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, inkastoo ay yar tahay  taageeridoodu.

Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin’na uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta sharciga (Autocratic Leadership),  taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana, gacanta uu ku hayen jiray dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto,  manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, laakiinse, ay yar tahay  taageeridoodu.

Halka, uu ka isticmaali jiray abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaaminta Kooxeed ( Team Leadership),  taasoo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga himiladdiisa lagu gaadhayey ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

Madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta go'aan qaadashada awoodeedu hooseyso ee Hoggaaminta tallo-wadaaga ah (Democratic Leadership),  manaanu jeclaysan jiray in uu gacanta ku dhigo dhamaan masuuliyada  xukunka dowlada, inkastoo uu lahaa go’aan mas'uuliyadeed oo kama dambeys ah, inkastoo lagu yaqaano hoggaamiyaha tallo-wadaaga ah  in uu awooda xukunka dowlada u wakiisho dadka kale, ka go'aamiyaan mashaariicda shaqo.

Haddana, muuqaalka gaarka ah hoggaamintiiisii ee ugu muhiimsaneyd, ayaa ahayd mid leh xidhiidhin firfircoon oo aad u sareysay, ama ugu hooseysay, kaasoo tixgalinaayey hab-xisaabeedka, waxaanay ka mid tahay kuwa la doorbido, laakiise, waxay u baahataa caddaalad, karti, hal-abuur, geesinimo, daacadnimo iyo aqoon xirfaddeed.

Waxa kale oo uu lahaa Hoggaaminta Curinta Isbeddeldoonka (Transformational  Leadership), taasoo ku dhiiri-galinaysay dadku inay sameeyaan qorshayaal ka badan sidii markii hore loogu tallo-galay qorsheyaasha, iyadoo waliba in badan laga fikiray suurto-galnimaddeeda, isla markaana laga filan karo qorsheyaashaas in lagu gaadhi karo wax-yaabo badan oo aad u sareeya wax-qabadkeedu.

Xoggogaal ahaan, hoggaaminta waxay u eeg tahay mid haysata go’aano badan iyo taageerayaal badan oo leh awood aad u sareysa.

Halka uu ka isticmaali jiray xaaladdaha qaar Hoggaaminta Ganacsi (Transactional Leadership),  ee lala xidhiidhiyo dayactirka is bedelka geedi-socodka hawlaha, oo siinaysay abaal marino degdeg ah taageerayaashiisii raacsanaa, iyadoo lagu fulinaayo amarka hoggaamiyahaas, taasoo noqon karta dhawaaqyada heshiisyada aassaassiga ah ee diiradda lagu saarayo wax is-dhaafsiga.

Halka, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’na uu leeyahay sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaamin muujinaysa kacdoon awoodeed ee Hoggaaminta Socodka (Charismatic Leadership) taas macnaheedu maaha isbeddel anshaxeed, xaqiiqdii waxay astaan u tahay isbeddelka ay aaminsan yihiin taageerayaashiisii, hoggaamiyayaasha hoggaamintan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid madax-bannaan oo ka soo jeeda asal ahaan hoggaamiyeyaashii hore,
Laakiinse, haddii aanu u diyaarsaneyn in uu wax ka beddelo wixii sababaya hab-dhaqanka iyo dabeecadaha oo uu talaabo sharciya ka qaado, gaar ahaan,  qaab-dhismeedka dabeecadaha, waxa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan  dabeecadaha gaarka ah ee  ay  kala duwan yihiin ujeedooyinkoodu.
Waxa kale oo uu leeyaahay sifaha Hoggaamin xeeladdeed, (Strategic Leadership)  marka loo eego bilowga cusub iyo in baahi loo qabo wixii suuro-gal ah dhameystirkeeda, iyadoo loo maraayo hab-qoraaleed xulasho sare leh oo tifatiran, wax-tarkeeduna waxay keentaa  koboc dhaqaale, marka loo eego dabeecadaha laga fisho inay ku yimaadaan ururada xilliyada isbedelka hoggaamineed,  taasoo ku lug yeelata fikradahaa xeeladdeysani boqolkiiba shan iyo koton (55%) .

Halka uu ka isticmaalo Habka Hogaaminta Fududeynta (Facilitative Leadership) ee ku tiirsan hadba natiijada cabirka qiyaaseedka baahid ka jirta dalka, run ahaantii, maaha xirfad, laakiinse, waxay dhalisaa xirfad aad u sareeysa, wax-tarkeeduna wuxuu toos ula xidhiidhaa sida ay u socdaan hawlaha wax-qabad, haddii ay kooxdu tahay mid ay aad u sareeyso shaqadeedu,  waxa uu u  isticmaalaa gacan iftiimaysa habka geeddi-socodka hawlaha, laakiinse, haddii uu  hoos u dhac ku yimaado shaqadana, wuxuu noqdaa hoggaamiyahaasi  mid  siinaaya dardar-galin dheeraada  kooxdiisa, kana caawiya sidii ay u hirgalin lahaayeen hawlaha ay qabanayaan.
Wax-tarkeedu waa mid ku lug leh habka kormeerida dhaqdhaqaaqa kooxdiisa, kaasoo bixinaaya tallooyin ku saabsan qaabka nidaamka hawluhu ay u socon lahaayeen iyo talaabooyin ka caawinaaya, sidii ay u sii jiri lahaayeen hawlaha waxqabadka ee ay ku hawlan yihiin.

Haddii aynu dib u milicsano luuqadii dublamaasiyadeed ee uu ku sii sagootiyey kumanaankii kun ee ku sii sagootiyey gegida diyaaradaha London International Airport, ka dib, markii ay u soo dhamaatay booqashadii gaabneyd ee uu ku joogay dalka Ingiriiska (UK), Madaxweynihii hore ee dalka koonfur Africa, Nelson Mandela,   bishii July, 9-keedii sannadkii 1996-kii.

Madaxweyne Nelson Mandela, oo la hadlaayey qurbo joogtii ku sugnayd dalka Ingiriiska, waxa uu ku yidhi: “Haddii maanta aan xidhnaan lahaa koodh weyn oo jeebado waaweyn leh, waxa aan idinku guri lahaa jeebadahaa waaweyn, ka dibna, waxaan idinla raaci lahaa diyaaradda illaa iyo dalkeenii”  hadalkaas oo dad badan ku kiciyey ladhkii xiisaha iyo xamaasada badnaa ee ay u hayeen, kaasoo, markii danbena isku badaley inay ilmo ka tibiq layso indhaha dadkii sii sagootiyayey Madaxweyne Nelson Mandela.

Inkastoo laga dheehan karo hadalka Madaxweyne Nelson Mandela in uu ku abuuray rajooyinkii ay ku gaadhi lahaayeen guushii ay ku soo hooyn lahaayeen hadafkiisii uu ku horumarin lahaa dadka iyo dalka koonfur Africa. 

Halka, Madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi’na uu ku sii sagootiyey khudbad uu ula jeeday shaqsiyaad qurbo joog ah oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Midnimadda iyo Horumarka ee  Kulmiye, kuwaasoo quuddareynaayey xilalka dowlada cusub ee uu soo magaacibi doono, markii uu ku guuleysatay jagada Madaxweynenimada  Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi:  “Waxaydun eersan doontaan fartiina”,

Fariintaas oo ku abuurtay niyad jab boqolaal kun oo aan iyaga loola jeedin oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo filanaayey dheggahooda inay soo gaadhaan hadalo dublamaasiyadeed oo aan xanaf lahayn,  oo ku abuurta niyad fiican iyo ididiilo wanaagsan.

Dhacdadaas oo ay bwaanadu ka curiyeen midhaha heestan la magac baxday Teyga oo ay ku luuqeyn doonaan hobolo aan wali magacyadooda la shaacin.
 
Magaalooyinkaan tegay
Iyotuulo waxaan maray
Gaadhiga taraarsani
Wuxuu tiiro illa koray
Ama taayir ii baxay
Anoo tiigso idhi meel
Wuxuu turusku  ii go’ay
Dhul aan laydhku wali tegin
Anoon haysan tellefoon
Waxaan  taar ka soo diray
Iyo tellekas laga baxay
Sidii aad u tagi lahayd
Taashkiyo kursiga dheer
Waxaan tacab u soo maray

Kolkaad gaadhay taadii
Haddii aan xil la ii tirin
Sow la iguma tacadiyin
Haddii aan xil loo tirin
Sow laguuma tacadiyin

Waxaan tiriyey heesaha
Saarleyda loo tumo
Tubta waxaan ku soo riday
Kumanyaalo kaa tagay
Waxaan teeyo iibsaday
Iyo suudhadh lay tolay
Anigoon ku talo galin
Waligay inaan tago
Wixii aan tog iyo dhagax
Tafay buuro dhaadheer
Tabca iyo ka baxay dow
Sidii aad u tagi lahayd
Taashkiyo kursiga dheer
Waxaan tacab u soo maray

Kolkaad gaadhay taadii
Haddii aan xil la ii tirin
Sow la iguma tacadiyin
Haddii aan xil loo tirin
Sow laguuma tacadiyin

akhriste bal fahan maanta aad barri garatide

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

















Thursday, June 21, 2018

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha : Qaybtii : 3-aad

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV), Chikungunya,  Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii.

Akhriste, muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, 7-jeer kuna tuftaan biyo nadiif ah, isla markaana ay ku rusheeyaan goobta ay ku jiraan, iyagoo  isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu nabad gali, aynu kaga badbaadayno  ciy’deeda iyo qaniinyadeeda kaneecadan aynu ka seexan kari weynay, taasoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka intooda badan  markii ay tijaabiyeen way ka nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.

Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7) su’aalood oo ay ka xannaaqi jireen, shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu saarneyn haddii la weydiiyo, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi,  korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo?  Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.
Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga shirkad  cusub  oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta mandaqada geeska Africa,  kaasoo noqday mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska maraakiibta.
ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii (Cruise) markabkaas, waxa ka mid ahaa.
Sidii dayax soo baxoo
Intuu sagal roob dhex-galay
Cadeeda sagootiyaay
Siraad ii nuurayaay
Adaa sadrigayga galay
Wadnaha ku dulseexdayoo
Naftiiba adaa sitee
Waxaan sugayaa annigu
Inuu Alle innagu simo
Aroos loo sacab tumee
Kalsooni naftaada sii .

Aduunyadu waa silsilad
Salaamo wareegayoo
Subaxba waabaa baryoo
Saadaal kheyrlaan arkaa
Sursuur waa laga baxaa
Sabool waa laga dhaqdaa
Sedkaagu hadduu yar yahay
Iimaanbaa lagu sedkaa
Hadday inna seegtay tallo
Sideed Saddex iyo Todoba
Khaldkii waataan saxnee
Allow samo nooga yeel.

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf. …………. La soco………

Qalinkii/ Mohamed  Farah Qoti


Tuesday, June 5, 2018

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii : 2-aad




Shaqaalihii diyaaradii  ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,  suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka  cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,  sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabku.

Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, kana soo hor baxo dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii  markabka,  waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu qabanaayaa waxa ay tahay.
 
Nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo  ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, in aynu halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday markabkaasi, waxa muhiim ah  marka aynu dooneyno wax ka badelka  xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet),  inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,  oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito,  balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah,  Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , Chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, …………. La soco………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti