Tuesday, March 31, 2020

Jiqluhu Waa Wareer Iyo Wed Wadajira


Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Mr. Ubama iyo Madaxweyne hadda haya talada dalka mareynkanka Mr. Trump,  waxay kala aaminsanaayeen laba fikradood oo aad u kala durugsanaa, fikradahaas oo ahaa dhinaca ka hortaga cudurada faafa iyo bani’aadannimada, Madaxweynihii hore ee dalka Mareynkanka Mr.Ubama waxa uu ugu deeqay deeq lacageed oo gaadhaysay 4.64- bilyan oo dollarka mareykanka ah, in lagaga hortago xakameynta cudurka Ebolla ee ka dilaacay wadamada Guine, Zaire, Liberia, Congo Brazzaville, Republic Democratic of Congo, Uganda, South Sudan, Gabon, si aanu ugu faafin cudurkaas wadamada Aduunka.
Cudurkaas waxa lagu qiyaasay in uu aafeeyey dad tiradoodu gaadhaysay 28,610,- qof, halka ay u dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 11,308,-qof, ka dib, waxa lagu xakameeyey cudurkaas dadaalkii uu muujiyey Madaxweyne Ubama oo ahayd Indheer-garadnimo (Proactive Leaders),  fikirkaas ayaa sabab u ahaa xakameynta cudurka Ebolla, kaasoo qaatay muddo aad u koobneyd.
Halka Madaxweyne hadda tallada dalka haya Mareynkanka ee Mr. Trumb, waxa uu u arkayey aragti taas ka duwan oo ahayd danno dhaqaale iyo in cudurka Jiqluhu ee afka qalaad loogu yeedho Covid 19 ay waxyeeladiisu ku koobnaan doonto dadka u dhashay dalka Jaynaha oo kaliyaata, kaasoo markiiba ku tilmaamay in cudurkaasi uu yahay Fayraskii Jaynaha ( Chine Virus), marnaba kamuu fikirin Madaxweyne Trumb in dhibta iyo waxyeelada cudurkaas ay ku faafi doono  203- wadan oo ka mid ah Dunnida.
Cudurka Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), waxa uu maanta halleelay dad tiradooda gaadhayso  828,305.- qof waxaanu sahayday dad tiradooda lagu qiyaasay 40,733,- qof, kaasoo aan la saadaalin karin inta uu sii socon doono cudurkaas, waxay arrintaasi ku tusinaysaa in had iyo goor fikradaha indhow-garadnimada ahi (Reactive leaders) ay sababto in ay waxyeelooyin soo gaadhsiiso, dhinaca kobaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo nollosha aadamaha.
Haddaba, waxa xuusuus gaar ah igaliye maalin maalmaha ka mid ah annagoo guddanayna  hawl maalmeed shaqo oo aanu ku qiimeynayney goobaha adeegyadda caafimaadka ee uu ka socdo mashruuca SHINE ee Gobolka Awdal.
Maalinkaas markii aanu soo dhameynay hawl-maalmedkayagii shaqo ee aanu ku soo aadaneyn magaalo madaxda Gobolka Awdal,  kooxdayadaas oo  marayey  magaalada kalabeydh, ayuu si kadis ah ugu soo booday xannnuunka xiiqda loo yaqaan ee afka qalaad loogu yeedho “ Asmathics”, dhakhtarad ka mid ahayd kooxdii aan ka tirsanaa ee kormeeraysay mashruucaas.
Firkanaxii iyo naxdintii ayuu wadihii waday gaadiidkii ay saarneyd uu ku kordhiyey xawliga xawaarihii uu jarayey markii hore, ka dib markii wax ka yar 10-daqiiqadood gudahood ay ku yimaadeen  Cusbitaalka Boorama, Dhakhtaradaas oo hawo qaadashadeedu ay dhib ku ahay, ayaa haddana la waayey shaqaalihii ku qornaa qaybta hawo qaadashada ee Cusbitaalka Boorama, waxa haddana si kadis ah loola cararay  cusbitaal ka mid ah cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Boorama, cusbitaalkaas oo uu yaalay qalabka keydka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaala badbaadinta dadka neef qabatimooba, isla markaana, sidaas ayaa lagu badbaadiyey inantii dhakhtarada ahayd ee ka tirsaneyd kooxdii aan ka tirsanaa.
Kama tagana cudurka Jiqluhu neef-qabatimow, kaasoo hawl-gab ka dhigaya tamarta awooda hawo qaadashada sambabada qofka, isla markaana qofka uu halleelo cudurkaas waxa dhib ku noqonaysa awoodda hawo qaadashada, sambabada, waxaanu qofku u baahan yahay in uu hello qalabka hawda qaadashada macmalka ah ee lagula tacaalo badbaadinta dadka neef qabatimooba, laakiinse, haddii uu waayo hawadaa macmalka ah muddo Lix ilbidhiqsi ah, waxa ku imanaya neef-qabatimow uu ku naf-waayayo qofku,  .taasaana sabab u ah  dadka u dhimanaaya cudurkan Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19-ka).
Haddaba, marka aynu eegno dhinaca siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxay dhigaysaa, in bulshadu Somaliland ay hellaan daryeel caafimaad oo hufan oo ay awoodi karayaan, isla markaana, si loo  yareeyo xannuunada , si ay bulshada u noqoto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan cudurada faafa iyo kuwa aan faafin, kuna noolaadaana  deegaan nadiif ah,
Waxa maanta inoo muuqata qaabka ay u wajaheen ka hortaga cudurka Jiqlaha  in aanay jirin qorshihii xeeladdeed ee lagaga hortagaayey cudurkan iyo nidaamkii diyaar-garowga ka hortaga faafitaanka cudurka Jiqlaha ee aafeeyey wadamo badan oo ka mid ah Aduunka.

Waxa muhiim ahayd in diiradda la saaro kor u qaadida awooda qaybinta agabka ka  hortaga cudurkaas,  si degdeg ahna loo sameeyo goobaha shaybaadhka lagu baadhayo dadka laga shakisan yahay in ay qabaan cudurkaas oo ah heer tuulo, heer degmo iyo heer gobol, in la hello qalabka shaybaadhka ee PCR iyo Coronavirus rapid test, lana sameeyo goobaha adeegyadda caafimaadka ee  lagu karatinimeynayo qofka xannuunku ku cusub yahay, isla markaa ay  goobahaasi ahaadaan qolal kala gaar gaar ah, qolal kaas oo yaalaan qalabka ugu haboon ee ka hortaga cudurka, lana hello qalabka hawo qaadashada macmalka ah ee loogu tallo galay in lagula tacaalo dadka neef-qabatimooba  (Oxygen) iyo xirfadlayaal caafimaad oo lagu tababaray ka hortaga cudurka Jiqlaha,  xeeladdaas waa habka ugu haboon ee lagu samoto bixin karo badbaadada dadka uu cudurkaas ku dhaco, lana dajiyo siyaasadda iyo xeerarka lagu hagaayo ka hortagaayo cudurada faafa.


Marka aynu ka nimaadno xeeladdahaas lagaga hortagaayo cudurka Jiqlaha, haddana,  waxa jirta arrin aan aad loo lafa-gurin go’aan qaadashadeeda taasoo ahayd, go’aankii lagu qaatay in dad bukaan jiif ah oo yaalay cusbitaalka qaaxada ee caasimadda Hargeysa looga saaray dadka soo bukoon doona ee uu ku dhici doono cudurka Covid-19-ka.

Inkastoo ay wali jiraan 16-bukaan jiif ah oo ku jira qaybta karantiimada dadka la qabatimay daawada  cudurka qaaxadda ee (MDR-ka),  balse, waxa la kala diray 81- bukaan jiif ahaa iyo 522 – bukaan socod ahaa oo la siiyey muddo 30-cisho daawadii in ay u qaataan guryahoodii, dadkaas oo ah dadka ugu nugul haddii uu halleelo cudurka dunida ku faafay ee Covid 19-ka.

Dhinaca kale, marka aynu eegno talaabo kasta oo go’aan qaaasho leh,  waxa haboon in aad looga taxadiro, lana qiimeeyo saameynta ay yeelan doonto iyo faa’iidada ay leedahay, isla markaana lagu sameeyo isbarbardhiga faa’iidada iyo khatarta ay leedahay, ka dibna, la qaato haddii ay faa’iidadu badan tahay oo aanay khatareedu yar tahay.

Haddaba, marka aynu eegno arrintan  waxa badan khatarta ay leedahay in cusbitaalkii qaaxada laga dhigo cusbitaalkii karantiimada cudurka  Jiqlaha ee afka qalaad loogu yeedho (Covid 19), sababtoo ah, maaha cusbitaal ku haboon in la dhigo dadka uu ku dhici doono cudurkaas, waxaanu ku yaala badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Waxa  khatar kale ah,   603- bukaanka ah in  ku dhawaad 214-qof ayaa ahaayeen kuwo laga hellay  xaakadooda cudurkaas, kuwaa aanay is badelin xaakadoodu ee ku laabtay qosaskooda, waxay si fudud  ugu gudbin karaan xannuunkii, waxaana dhici karta in cudurkii qaaxaduu sidaas uu ku sii fido korodhka dadka qaba cudurkaas, waxa kale oo iyadu khatar kale ah dhamaan bukaankaas haddii ay si toos ah u qaadan waayaan 30-kaa maalmood daawadii la siiyey, waxay arrintaasi sababi doontaa in uu sii kordho dadka la qabatimay daawada qaaxada ee Multi-drug resistant (MDR). 

Cudurka qaaxadu waxa uu ka mid yahay cudurada la iskugu gudbiyo hawo qaadashada, ee afka qalaad loogu yeedho  (Air-bone disease) waxanu gaar ahaan waxyeeleeyaa sanbabada,  kaasoo sii gaadhsiiya  waxyeellooyin  kale, maskaxda, qanjidhada, kalyaha, lafaha iyo kala-gooysyada, waxaana lagu qiyaasaa celcelis ahaa in 100,000-ba  ay qabaan 324-qof oo ay da’doodu u dhaxeyso 15-jir  illaa iyo 34- jir  dadka   Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Faarax Qoti