Wednesday, November 16, 2016

Xafiiltanka Siyaasaddu Ma’laha Xiqdi, Xin iyo Xassad

11/16/16, 10:29 PM

Hore dunida  ugamay dhicin in wargeys ka mid ah wargeysyada madaxabannaan uu duqeeyo waddankiisii uu ka difaaci lahaa cadowga lidka ku ah qarannimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, laakiise, nasiib-darro, taasi maanta waxa ay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah in uu ka qaybqaato illaalinta iyo dhowrida siyaasadda dibadda,  guddaha, nabad-galyadda, midnimadda,  waxa kale oo iyana jirta,  wax xaq  u siinaya qof kasta oo muwaadin ah inuu ka dhiidhiyo, ka dagaalamo, kana hadlo, oo uu ka jawaabo wax kasta oo lid ku ah qaranimadda dalkiisa iyo dadkiisaba, amaba ha noqoto war lagu baahiyey wargeysyada madaxabannaan ee ka soo baxa gudaha iyo dibaddaba oo lagu wiiqayo horumarka waddanka iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka dib, markii laba wargeys oo ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ay ku baahiyeen ra’yi qof oo ku cabbiray malahiisa sida ay ula muuqatay, kaasoo  ku qoray baraha internet-ka, in ay u soo qaataan war ahaan, iyagoo ka dhigay warka koowaad iyo ka afaraad ee bogga ugu horeeya wargeyska Foore iyo Somalilandtoday, caddadkoodii soo baxay 14 November 2016, arrintaas oo ay ciwaan uga dhigeen;  “Madaxtooyada Somaliland oo Donald Trump u dirtay warqad ka arradan anshaxa diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.”;'

Labada wargeys waxa ay doonayeen inay naqdiyaan qoraal hambalyo ah oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u diray Madaxweynaha 45-aad ee loo doortay dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, warqaddaas Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay 9- November- 2016, waxayna sheegeen in qoraalkaasi ahaa mid ka aradan anshaxa diblomaasiyadda, isla markaana ay ka muuqatay in madaxtooyada Somaliland ay farogalisay arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo kula taliyey Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu mideeyo dadkiisa ku kala qaybsamay doorashada.'

 “Inaad ka talo bixiso arrimaha gudaha ee dal wayn oo sida Maraykan ah iyadoo aan wax talo ah lagaa waydiin ayaa ah arrin aad u hoseeya marka la eego cilmiga diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.” Sidaa waxa lagu yidhi maqaalka ku soo baxay labada wargeys ee Foore iyo Somaliland Today.
Annigoo tixgalinaaya waxyaabo badan, haddana waxaan ogahay in mucaaridnimada iyo diblomaasiyaddu aanay ahayn mid ka shaqeysa munaafaqad ay kala dhex-dhigta bulshadda rayid ah iyo wadammada jaarka ah, mana aha diblomaasiyadda caalamku mid beenta caleemo-saarta, oo qosol badan iyo muran joogto ah ku dhaqanta, laakiinse, dhowrsanaanta diblomaasiyadeed caalamku waa mid ku  dhaqanta runta, runtana caleemo saarta, waana tii ay ka turjumaysay warqaddii hambalyada ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  u diray dhigiisa ku guulaystay jagada Madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, Doland Trump, taasoo xambaarsanayn fariinn sax ah oo haba yaraatee aan waxba u dhimayn sumcadda Somaliland, balse aan aaminsanahay inay sare u qaadi karto diblomaasiyadda dalkeenna.
Warqadaas waxa ay ahayd mid hab-qoraaleedkeedu waafaqsanaa hambalyada Madaxweynayaashu iskugu hambalyeeyaan, wakhtiga ay doorashada ay ku guulaystaan, taasoo xambaarsanayd, kal-gacal, naxariis, tallo iyo dardaaran.'

Inkastoo,  Aadamuhu waligoodba dhinaca ra’yiga isku maan-dhaafi jireen, oo ay isku qaban jireen, haddana, waxa la raaci jiray ra’yiga loo yara bato, kii hadhayna waxa la gudboonaan jirtay in uu caarido, isla markaana uu yidhaa, wallee ra’yigaas ayaan meel lagu gaadhin, laakiinse, haddii ra’yigaygii la qaadan waayey, wallee kana socon maayo, oo waxa jirraana jiri maayaan, taasi maaha mid qabata qarankan umadani ay ku wada nooshahay ee ay wada illaashanayaan sharafkiisa iyo magaciisaba, isla markaana, la garto, lana kala saaro xafiiltanka siyaasadda, xiqdiga, xinka iyo xasadka.'

Waxa aan u soo jeedin lahaa in ururka saxaafadda in ay tallaabo ka qaado, isla markaana ay fiiro gaar ah u yeeshaan wax kasta oo khatar ku ah qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti




Wednesday, November 9, 2016

Waxaan Daawaday Ciyaar Socotay 125-Sannadood

                                                                                                                                         11/9/16, 8:05 PM

Marka laga yimaado dhawaaqa codka dawanka leh iyo xamaasaddihii xawliga ku socday ee xawaarihiisu uu gaadhay heerarkii ugu sareeyey ee ay sameeyaan taageerayaashii taageersanaa, hadba, labada-kooxood ee kuwada ciyaarayey garoonkaasi.


Haddana, Goolku waxa uu ahaa kubadd lagu tuuray Laba-gacmood ama gacan kaliya oo dhex-gashay kollay laga sameeyey shabag yar oo lagu xidhay bir-goobo leh oo ka soo laalaada bir dhererkeedu uu yahay  3.048 mitter,  inkastoo, haddana ay kala duwanaayeen tirsiga dhibaha goolashu, taasoo marka ciyaartoygu uu goolka ka dhaliyo kubadd uu ka tuuray meel ka danbeysa xariiqda saddexaad, ay noqonaysay tirsiga dhibcaha goolkaasi, Saddex-dhibcood,  halka, marka kubad uu ka tuuray gudaha xariiqda saddexaad ay ka dhalato goolka kooxda kale ee ka soo horjeed, ay ahayd Laba-dhibcood.


Waxa aan xaqiiqsaday in ciyaarta kubadda kolaygu ay ka duwan dhamaan ciyaaraha kale ee kubaddaha, waxa kale oo aan ogaaday in ciyaartoyga kubadda kolayga iyo farshaxannada sawir gacmeedka sameeyaa uu jiro xidhiidh dahsoon oo ka dhaxeeya, sababtoo ahayd,  mudadii aan daawanaayey ciyaaraha  ka socota garoonka Timacade, waxa ay isticmaalayeen ciyaar-yahanaddu  farsamooyin xeelladeysan oo ay  iskugu dhiib-dhiibayeen kubad -gacmeedkaas,  mararka qaarkoodna,  waxa ay tuuryo dheer kula beegsanayeen kubadda goolka kooxda kale ee ka soo horjeeda, marar badana, waxa ku xiiso-galinaayey habab-farsameysan oo weerar-yahanadu ay ku dhaafayeen difaaca iyo qaababka ay u dhaafinayeen kubadda difaacayaasha labada- kooxood ee wada-ciyaarayey.

Waxa ay lahayd wada-tashi kooxeed oo koox-kasta loo ogolaa 2-illaa iyo 4-jeer oo wada-tashi, isla-markaana, ay ku yara nasanayeen ciyaar-yahanddoodaasi, waxa kale oo ay lahayd, Saddex siidhi walle, Saddex-garsoore, Saddex-dhibcood, Saddex-daqiiqadood, saddex xariiqood iyo saddex nasasho.

Koox-kasta waxa u safnaa 12-ciyaar-yahan,laakiinse, marka la bilaabayo ciyaartaasi koox-kastaaba waxa ay iska soo xulayeen 5-ciyaar-yahan (line up) oo wada-ciyaarayey, waxa ay ka dhiganayeen ciyaar-yahannadooda kuwa ugu dhaa-dheeraa weerar-yahano, halka, kuwa ugu xooga badana ay uga ciyaarayeen dhexda, marna waxa ay si wada-jir ah u qaadayeen weerar, hal-marna waxay difaacanayeen goolkooda 5-ciyaar-yahan, taas oo ku xidhnayd habka farsamo (technical and tactical) ee uu isticmaalayey tababaraha kooxda hogaaminayaa, kaasoo, mararka qaarkoodna isticmaalayey habka fool ka foolka ah ee (man-to-man), amaba habka loo yaqaano difaaca xidhan (zone defense),  inkastoo, haddana ay ahaayeen ciyaarihii ugu wanaagsanaa, marka kooxihii wada-ciyaarayey ay weerar-yahannadoodu ahaayeen, ciyaar-yahanada ugu yar ama ugu gaabnaa.


Dhanka kale, waxay ahaayeen garsoorayaashu kuwo khibrad iyo waayo arragnimo dheer u lahaa sharciyadda u dajisan kubadda kolayga, halka ay  dhex-cararayey labada-baal iyo badh-tamaha garoonka saddex-siidhi wale, oo isha ku hayey khaladaadka ay sameynayaan ciyaartoygu, kuwaasoo marka aad daawanayso, aad aad u la yaabayso, Af-garashada  dhaqdhaqaaqa jidheed ee gacmahooda iyo farahooda (sign language communication) ay sameynayeen, uguna sheegayeen khaladka dhacay, nooca uu yahay iyo ciyaar-yahanka galay, iyagoo u gudbinayey saddexda garsoore ee fadhiyey miiska garsoorayaasha.



Garsoorayaashaas oo kala ahaa  garsoore illaalinaayey wakhtiga ciyaarta, mid qorraayey dhibcaha goolasha iyo garsoore ururinaayey xogta ciyaaraha iyo khaladaadka ay sameeyaan kooxda ama ciyaartoyguba, ha ahaado mid shaqsiyaddeed ama mid ku imanayey khalad farsamo, haddana, waxa ay ku qiimeynayeen, hadba khaladku nooca uu yahay.


Taasoo, marka lagu khaldamo weerar yahan la dhex-gallay kubadd saddexda-xariiqood, oo doonaya in uu dhaliyo gool, waxa uu hellayey ciyaar-yahan kaasi laba-tuurasho oo ah tuurashada- xorta ah (free throw), in uu ku tuurto kubadda goolka kale ee kooxda ka soo horjeeda,  haddii uu ka dhaliyo goolkaas, waxa loo qorayey hal-dhibic, taasoo waliba, ciyaar-yahankii khaldamayna loo qorayey khaladkii uu sameeyey, ka dibna, haddii uu gaadho khaladkiisaasi  5-khalad, waxa uu ka baxayey ciyaartaasi (disqualified).
Waxa iyana aad iigu xiiso badnayd oo aan ka dareemaayey in aanay aqoon badan u lahayn ciyaarta kubadda kolayga, qaar ka mid ahaa taageerayaashii jibaysanaa ee xamaasadda jiibta iyo jaanta isla-hellayey, Erayaddii ay ku dhawaaqayeen ee ahaa  “ Siidhi-walle Cadaaladda, Siidhi-walle Cadaaladda, Siidhi-walle Cadaaladda,” .
Inkastoo, ay ahayd xad-gudubyadii ku dhacayey khaladaadkii ay sameeyeen ciyaar-yahannadu mid aad u koobneyd, marka laga yimaado, laba–ciyaartooy oo ay ganaaxeen gudida anshax-marinta ciyaaraha kubadda kolaygu (Ethics Committee of Somaliland basketball federation).


wallow ay ahaayeen xad-gudubyadii ku dhacayey khaladaadka farsamona, kuwo aad u yaraa, laakiinse, waxa dhacayey mararka qaarkood, sida, ciyaar-yahan sameeyey socod, isagoo, kubadda gacanta ku haysta ama dhaqaaqayey (Travel or walk) iyo ciyaar-yahannada saddex-daqiiqadood (3 second violation) taagnaanayey birta kolayga hoosteeda amaba (free throw zone).
Waxa kale oo garsoorayaashu xasuusinayeen tababarayaasha in aanay dhaafin inta uu u ogol-yahay sharcigu wada-tashiga laba-kooxood (time out),  halka iyana garaacida gacanta ciyaar-yahanka ay ahayd hal-mar oo kaliya.
Waxa ay ii ahayd wakhtigii iigu horeeyey ee aan nasiibka u yeesho in aan daawado ciyaar ka socotay Aduunka 125-Sannadood, taasoo ay ahayd mudadii aan daawanayeyna tartanka Ciyaaraha kubadda kolayga  wadarta guud ee tirsiga dhibcaha goolasha 1080 , habeenkiina tiiyoo ay maskaxdayda ka sii dhex-guuxayso ““ Siidhi-walle Cadaaladda” ayaan gam’i jiray.
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti