Sunday, January 3, 2016

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB Q/ 1-aad 2016


Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)


Saadaasha xidiguhu waa mid lagu falan-qeeyo isbedelada cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha, sidoo kalena ku dhaqan saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka  bulshaweynta, kuwaasoo u  sahamiya beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba.

Mar uu kaga maansoonaayey abwaan Xassan Xaaji Cabdilaahi “Gannay”  Maansadiisii Duufaan,  taasoo dhaqanka iyo cilmiga xidigiska uu adeegsanayey dhinaca xoolaha iyo nooloha kale, gaar ahaan xiliga sumalka lagu daro idaha, waxaanu yidhi,  “Dabtuurkoo arbaca galay idahayga dayrtii, darbanah shakaalani, danbarsamaha ma afuro, oo waxaan dib ugu dhigay, falaggaan dabci aqaan, xilligii uu di’I jiray inuu roob ka daba maray, waydaarshay daydana, waxaan uga danleeyahay, markuu cawl xilli u dayay dhadiguu dul-saarnaa, anniguna dadbaan ahay jiilaalna waa daah” Maansadan oo aan ka soo xigtay buugga “Bad Macaan” ee uu qoray Maxamed Ahmed Xassan (Qodax).

Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan, cawlku wuu u xidiga tiriyaa wakhtiga uu u tagayo lamaanihiisa, haddase, waxa ay ogaadeen saynisyahanadu in ay jiraan dhadig ka mid ah noolaha duur-joogta ahi,  ay dib u dhigi karaan xilliga foosha haddii, ay soo wajahdo xaalad abaareed.

Garasho Eebbaa iska leh,  isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna  waxay ku joogtaa  amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay  wax kooban, Inkastoo arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyo dad khibrad gaar  ah  u leh  aqoonta saadaalinta.

Haddana Aadamuhu  ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka,  waxaanay  aad u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, laakiinse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah,  uma adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo fool leh noloshooda  saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin ogaanshahooda.

Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2016,  haddaynu  male aadame ku male’awaalno,  waxay odhan jireen “ dadka ku xeel -dheerayaasha cilmiga odoroska xidiguhu:-  Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus Jimcaad waxa  loo nisbeeyaa  ka labaad ee sawra  waana burjiga dibiga oo ku aadan mudada u dhaxaysa 20/4-20/5,  waa dhadig, waa laba maalinle, maalin axadeed buu leeyahay, godadka dayaxa uu ku leeyahay  Laxmar, Agaali-cad,  oo ku began xilliga badhtamaha gu’ga, waana arliyo, waxaana lala xidhiidhiyaa,  Xamaasad iyo dareen kicineed leh,  raadinta farxada,  dul-qaadka, samirka badan,  kuna  dadaalaya ammaanka dhinaca dhismaha  dhulka  oo aan ka istaagin,  aamin ah, oo leh baahi xoogan dhinaca ammaanka, isla markaana jecel oo  joogteeya  xalinta khilaafaadka xasaasiga ah, tayada go’aanka, sifaha loo nisbeeyo waxa lagu tilmaamaa,  ku tiirsanaanta, xeerka, ficil celinta.

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  Afar waji, Wajiga Hore wuxuu ku leeyahay,  Quruxda, quruxda labiska, rayraynta, riyaaqa, rabitaan, faraxa,  jacaylka, kaftanka guurka, qoysnimada, haweenimadda, shaashaarida, dharka dumarka,  galmada, lacagta, qalabka qoob-ciyaareedka,  dheel-dheelka, maaweelada, dhaqankii hore, iskaashiga, wada-noolaanshaha, xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, Macsiyada, farshaxanka, caddaaladda,.
 Wajiga Labaadna waxa loo eegaa:- Isbedelka, aragtida, riyooyinka,  walaaca, caafimaadka, midho-dhalka, dhameystirka, hooyonimada, haweenka, qoyska, dhalmada, dareenka, hibada-dareenka,  lacagta, ilmada, fahamka deg-dega ah ee  dareenka bulshada, fikradaha guud ee dadweynaha, baaxa-dega,  Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, dadka caadiga ah, darajooyinka uu maro liska caanaha, taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta, dareerayaasha, kal-kaalinta, dadka-guracan, go’aan qaadasho la’aan dhanka rayiga iyo fulinta, cabsida, tayadda maskaxda, dadnimada, caadaysiga dareenada dadka ku abuura khayaalka, dareenada khaldama ee  keena kama’a humaag maskaxeedka.
 Wajiga saddexaadna:- ciidammada, budhcad badeeda, dagaalka, dilka, dhiigga, halyeeyada, muranka, tamarta, gaadiidka, farsamo-yaqaanka dhismayaasha, hiliblayaasha, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadale, cayaaraha, qalliinka.
Wajiga Afaraadna:- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel- kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca,  dhacdo uguba oo aan hore  loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.

Wuxuu si gaara  u khuseeyaa dhinaca Awoodaha-:  In la Joogteeyo dulqaadka iyo la xisaabtanka.
Arrimaha gaarka ahna :-   wuxuu inagula talinayaa in ahmiyad-weyn la saaro dhinaca arrimaha dibada oo aanay noqonin mid  madax-adayg, ka hor inta aanay sii kordhin caqabadah inagga horiman doona.
Wuxuu jecel yahay: barwaaqada, Lacagta, Cuntada wanaagsan, iyo cabitaanka, raaxada, daryeelaka xoriyada nolosha, dareemidaasi waxay haysataan jaar badan, xarrago, alaabta guriga u qurux badan, katiifadaha, jawi habboonaanta.
Waxaanu necebyaha:-  Is-bedelka deg-dega ah, kuwa laxaadka la’a iyo Heehaabka.
Noolahana dadka (Insaanka) wuxuu ku sugan yahay waxa loo nisbeeyaa:-  Xasillooni, kana maarmi Karin dareenkoodu xiisaha  nolosha,  waxay leeyihiin dabeecado deg-dega uu ku jiro oo fudud,  haddana waa kuwo si fudud u hela farxad,  sababtoo ah maaha qaar tartama, dabeecadooda dabacsan iyo dareenkooda guud ayaa u horseeda inuu ku hoggaamiyo  dhinaca fulinta, waa kuwo leh samir-joogteyn ah,  dadaalkana xooga saara, lehna adkeysi  dhinacyo badan ah, waa kuwo degan oo leh habka fikir gaabis ah, laakiin waa kuwo markay hadlayaan bedela maskaxa-aadamaha, waxay nacaan isbedelka guud ahaaneed  iyo go’aanada waaweyn ee dhinaca wadada-nolosha.
Jidhka Oogaddiisana wuxuu ka khuseeyaa qoorta, guddaha jidhkana waxa loo eegaa  hunguriga iyo wixii la xidhiidha.
Cuduradana wixii la xidhiidha dhego-xanuun, fiixaha ka soo baxa cunaha ee la yidhaahdo  (Goutres),  barar ku yimaada qanjidhada qoorta,  qanjo- xanuunka, macaanka, qalalka, cayilka “Buurnida”  calool- istaaga.
Midabadana, wuxuu ku leeyahay midabka cagaarka, basaliga, huruuda iyo midabka buluuga ah,  Macdantana,  Dhaymanta “ diamond”  Emarolka “ Emerald”  Luulka iyo dhagaxaanta  dahabiga ah ee la yidhaahdo “topaz iyo coral” , Dhagaxa, birta iyo cusbadana  wuxuu ku leeyahay, Jaandiga, kaalshimka iyo sulphate potassium.
Dhanka shaqada waxa loo nisbeeyaa:- isbedelka nolol dhameystiran, khabiirka barwaaqada, Sidii  loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah. Si loo gaadho hiigsiga iyo in dadka kale la siiyo  awood si ay u  helaan nolol,  Xirfadahana:- waxay noqdaan cunto-kariyaha, farshaxnaka,wakaaladaha qaranka, wakiilada guryaha, shaqaalaha kaydka lacagaha, saxeexayaasha, fanaaniinta.
Mandaqadana dalalaka : Switzerland, jasiiradaha Giriigga, Ireland, Cyprus, Iran. Russue, Caasimadahana: Dublin, Palermo, Parma, Luzern, Mantua, Leipzig, Saint Louis, Ischia, Capri.
Xayawaanka: Geeslayda Loda,  Geedaha Cuntada: tufaaxa, canabka, baaradhada, midhaha la miiro, Digita, baderka, hadhuudhka, canbe-caadka,  geedaha cuntada lagu iidaamo, caleenta shaaha,  Geedahana kuwa uduga ee beenyada, ubaxa,  Dhirtana kuwa laga sameeyo daawada, cuntadana waxa u wanaagsan in la isticmaalo cuntooyinka faa'iidada leh, sida , digirta  Runtana Allaa Og.

Sannadkan cusub ee 2016, wuxuu Dayuxu ku curtay burjiga 9-aad ee liifato oo ah naari, waxaana la odhan jiray wuxuu lee yahay,  Adkeysi jidheed iyo mid maskaxeed,  waxaana loo baahdaa  heshiis wanaagsan iyo waxqabad firfircoon,  had iyo jeerna waxay jidhka iyo maskaxduba u baahdaan inay si xoriyad ah u dhex-mushaaxaan rabitaankooda.

Inkastoo bulshadu aanay kala garan karin, dareenada xamaasada leh ee rajadeedu aadka u sareyso iyo kala duwanaanshahooda dhabta ah ee ay leeyihiin  xafiiltanka iyo xiqdiga aadamuhu, wada-xidhiidhka dadkuna waxay la kulmaan erayo la buubuuniyey, hab-dhaqanka wanaagsani iyo fur-furnaanshaha waxa ay horseedaan  kasbashada saaxiibo badan oo ku xiiseeya, inkastoo, saaxiibadaada dhabta ahina ay noqdaan wax yar oo kooban.

Mararka qaarkood waxa la dareemi doonaa in baahi loo qabo dhaqdhaqaaqa ama ururo kooxeed  ka sameysma dareen shaqsiyadeed, waxaana haboon in la ogaado shaqsiyaadkaasi meesha ay ka socdaan iyo halka ay u socdaan, inkastoo,  haddana lagu tilmaamo in waxoogaa isbedelo ah oo illaa xad aan wanaagsanaynin uu  ku yimaado maskaxaha aadamaha, gaar ahaan,  madaxda iyo rajooyinka, kuwaasoo soo jeedin doona  in ay wadaan wax fiican,  isla-markaana la aamino, wixii ay wadeena,  waxaad ka dhex-arkaysaa dahaadhka lacagta daruur kasta gudaheehada

Wax kastoo dib u dhac innagu keenaa,  maaha mid sahlan ka soo kabashadiisa in  isla-markiiba si fudud dib ugu soo bilawdo, nasiib-darro’se,  waxa inta badan ku guul-dareysta, waa kuwa aan waxbaba ka baran khaladaadkii hore, runtii in dareenkaagu wax fahmaa waa mid sax ah, laakiinse waxa haboon, ka hor inta aanay waxaasi dhicin wixii malahaaga ah inaad ka hadasho,


Waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu  fadhiyey, waxaana la odhan jiray;-  haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin. . Runtana Allaa Og...  La soco Qaybta 2-aad

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)