Monday, December 31, 2018

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Q/2-aad



Nayruuska Sannadkan 2019-ka, waxa uu ku curtay Maalin Salaasaad oo Naariya, waxa la odhan jiray maalin Salaasaad, waxa ay u wanaagsan tahay in wax laga qabto arimaha ganacsiga, shaqooyinka, gardaradda, iska hor imaadka, iskaashiga, illaalinta amniga, Hamada, dhiiranaanta, beeraha, geesinimada iyo kalgacalka.

Dayaxu wuxuu ku curtay Sannadkan cusub ee 2019-ka, Burji Nariya ee Leebka iyo qaansada, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaa dayaxu uu joogo burji naariya, waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, dhimasho badan, shisheeyaha oo soo bata, Cadceeda oo kululaata, madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha oo bata, socdaalka oo bata, uurayda oo daasha, gaajo iyo cuduro badan, haddii habeenkaas dayaxu uu fadhiyo Burji Maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu fadhiyo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og.

Dayaxu wuxuu fadhiyey habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2019,  Burji  Maa’I ah ee Alleelaalaha,  waxaanu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca Xaaladdaha ku lug leh qaraabada, dhaqaalaha iyo dareenka fahamka  degdega ah, kaasoo udub-dhexaad u ah xallinta khilaafaadka, go’aan qaadashada iyo baadhitaanada.
Marka la qaato Kalsoonida go’aamadaasi  waa in la isticmaalaa taxadir badan,  waxaana  la dareemi doonaa wax-yaabo  badan oo dabiiciya,  marka la eegaayo tabashooyinka dareenka leh ee aan u muuqan karin sida fudud,  kuwaas waxba lagama qaban karo, mana’lihin wixii lagu xakameyn la’haa  heerarka isku-dhacyada qalafsan, balse, waxaynu jelaan lahayn in aynu haysano wixii lagu xakameyn lahaa. Runtana Allaa Og.

Dayax 23-aad: Todobaadka sadexaad ee Dayaxa:- waa qabow, wuxuu  ka turjumayaa ciqaabta, sii deynta, dib u eegista, xilligan waxa faafa caadooyinka xunxun iyo la qabsiga waxa xun, waxa burbura xidhiidhadadii qadiimiga ahaa, waxaana la qabtaana waa cabir-ciqaabeed, waxaanay ku dhamaataa wadanoolaanshuhu xumaan,  waana xilli-dareen aad u badan loo yeesho, lana qeexo wakhtigaas,
Dhinaca Hawlaha wanaagsan:-  Waxa loo eegi jiray ururinta hawlaha shaqo ee la qabtay iyo kuwa socda, beertihii baxay in dib loo baaqbaaqo, oo dib u cusboonaysiin lagu sameeyo ama dib loo eego lana saxo wixii khaldamay.
Hadafka:- Waa xilligii lagu sameyn lahaa dib u eegis wixii khaldamay, lana hagaajin lahaa ficilada, six al loogu hello xallinta muranadii jiray, wakhtigan, waxay qayb ka tahay billowga la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta aan loo baahnayn, caadooyinka xun-xun, go'aan qaadashada, ka hortagida dareenka kicinta leh, saameynta waxyaabaha aan la rabin, xaaladdaha aan loo baahnayn,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la sameeyo iyo daaweynta.
Waana xilli ku wanaagsan isdhexgalka, lagana baxo xaaladdaha ku imanaya hab-nololeedka iyo wadanoolaanshaha, caadeysiga, sii xoogeysiga xidhiidhka midhaha beeraha,  waa xiili wax kastaaba ay sababaan cadaadis, lagamana yaabo inay sii daba dheeraadaan, waa xilli ku wanaagsan xiiritaanka timaha, qiimeynta qofeed, dhex-dhexaadinta.
Hiigsiga: Billowga shaqooyinka waa in laga saaraa caqabaaha hortaagan, waana in Alle (SW) loogu mahad-naqo sidii lagu gaadhay hadafkaas la xidhiidhay, koritaanka dhirta ka baxday beeraha iyo midhihii ka soo go’ay saracii la beeray.
Dadka habeenkaa dhasha: Waxay noqdaan kuwo wax- qariya, awood leh, maroorsade,  adkaysi leh,, dareen leh, tilmaaman,  xoog wax ku muquunsha,  dareen badan,  hal abuur leh, madax-bannaan,  deeqsi, daacad ah, hawl-kar,  kibirsan, dagaal badan, wel-welsan, burburiye, madax-adag, kali-taliye, maseyr badan, hamo-badan. Runtana Allaa Og.

Dhanka wanaagsan:- Waxay noqdaan kuwo dareen kicineed leh, cilmi baadhayaasha, leh dareen garasho, qurux soo jiidasho leh iyo xusuus badan.
Dhanka mugdiga ahna:- Waxay noqdaan kuwo leh ee wax-qariya, faduuli, kaligii-taliye, wax-khasba, ay yar tahay wax bixintiisu. Runtana Allaa Og. 

Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2019-ka.

Bisha Janeury 6-deeda sannadka 2019-ka, Waxa la fillan jiray Qorax madoobaad, waxaana la odhan jiray waxa laga yaabaa inay saameyn taban ku yeelan doonto kala badh dowladaha, waxaana laga arki doonaa  bariga Aasiya iyo koonfurta Alaska. Runtana Allaa Og.
Bisha Januery 9-keeda sannadka 2019-ka, meeraha Cir-jiid oo saddex xagal kula kulmi doona meeraha Illi-maqabatiga ah, wuxuu talaabo degdeg ah ka qaadi doonaa xaqiiqada u dhaxeysa xuduudaha iyo qaab nidaameedka ay shaqsiyaadku ka rumaysan yihiin kuwo ka indha la’a,  midba midka kale waayo-aragnimadooda la xidhiidha dareenkooda..
Bisha January 21-keeda Sannadka  2019-ka, marka Dayaxu uu buusamo,  waxa la fillan jiray dayax madoobaad, laga arki doonaa wadamada Yurub, Aasiya,  Afrika, Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika.
Bisha February 19-keeda sannadka 2019-ka, Marka Dayaxu uu gallo Burjiga Mataanaha, waxa la odhan jiray, waxay saameyn ku yeelan doontaa koradhka xamaasaddaha dareenka leh.
Bisha March 5-teeda  illaa iyo 28-keeda sannadka  2019-ka,  Meeraha Libdhe oo saddex xagal u mari doona burjiga xuudka, waxa la filan jiray nasasho, dib u eegid, dib u cusboonaysiin.
Meeraha Raage oo dib ugu soo laaban doona burjiga Dibiga, Bisha, March 6-deeda sannadka  2019-ka illaa iyo bisha April 26-keeda sannadka  2026-ka, meerahan waxa ugu danbeeyey burjigan sannadkii  1934-kii illaa iyo sannadkii  1942-kii, iyo mar uu si gaaban uu u soo booqday bishii May 15 illaa iyo November 6, sannadka 2018-ka, waxa la fillan jiray in uu curyaamiyo nidaamka dhaqaalaha iyo in ay sabab u tahay isbedelka qiimaha qalabka lagu iibinayo, biraha qaaliga ah, qalabka jimicsiga iyo hantida maguurtada ah.
Bisha March 20-keeda sannadka 2019-ka, Qoraxdu marka ay gasho xilliga gu’ga  burjiga fushade,  waxa la filan jiray tamar qoraxeed oo aad u badan, waana u diyaar garowga bilowga hawlaha cusub.
Bisha March 21-keeda iyo  bisha April 19-keeda sannadka 2019-ka, Waa dhacdooyinka aan la arkin inta badan in Dayuxu Hal-bil gudaheed uu caddo gallo laba jeer, isagoo ku jira moorada Miisaanka, waxaana la odhan jiray, dhinaca, waana fursad aad u qaaliya dhinaca dheeli-tirka, cadaalada, sinaanta. nabad iyo wada-noolaanshaha.
bisha July  2-deeda sannadka 2019-ka, marka ay iska horyimaadaan bilashada dayaxa cusub ee burjiga Naaf iyo  meeraha meeraha jilboole ee ku jiri doona burjiga Biciidka, Dayax madoobaad, waxaana la dohan jiray, wuxuu dhiirigalinayaa in badan dib u celinta, iibsashada, iibinta guryaha, waxaana laga arki doonaa koonfurta Ameerika.
Bisha July 7 - August 1-deeda sannadka 2019-ka, Meeraha Libdhe oo saddex xaggal kula kulmi doona burjiga asadka  iyo Naafaha  —Waa wakhtigii dib loo hagaajin lahaa isku-xidhka fikradaha dadka..
Bisha July 16-keeda sannadka 2019-ka,  Waxa la fillan jiray, marka Dayaxa uu buuxsamo in uu isbadel ku sameeyn doona meeraha illi-maqabatiga ah ee ku jira burjiga Biciidka, isla markaana, qayb ka mid ah Dayaxu uu madoobaado, waxaana la odhan jiray waxa ku yimaada isbedel, dhinaca, doodaha xaqiiqa raadiska, awoodaha shaqada iyo guryaha, waxaana laga arki doonaa wadamada Yurub, Aasiya, Ustareeliya, Afrika,  Koonfurta Ameerika.
Bisha December 2-deeda sannadka 2019-ka,  Meeraha Mushtar ee galaya burjiga leebka iyo qaansada waxa uu taageero kal helli doonaa meeraha Illi-maqabatiga illaa iyo Sannadka 2026-ka,  waxaana la odhan jiray, waxa laga  shaqeyn doonaa  dhiiri-galinta adeegyada iskaa wax u qabso, xoojinta  isku-dabaridka nadaafadda.
Waxaana iman doonta guul-weyn, marka si  daacadnimo ah shaqsi kasta loogu kalsoonaado in uu u sixi karo waxa khaldan oo ay ka hor tagi karto wixii dhici lahaa, 
Waxa suuro gal ah in dayactir iyo dib u cusboonaysiin  lagu sameyn doono iskuuladda sare, ka dib,  waxaana muhiim ah in tamartaas si daacadnimo ah oo heerkeedu aad u sareeyo loogaga faa’ideysto, haddii tamartaas la sahashado waxay isku badeli doonaan in hawl-qabadkaasi iyo fikraddaha maskaxahaas ay isku dhacaan.
Fikirka wanaagsan iyo fikirka qalooca waxay noqon doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh.
Bisha Sebtembar 21-keeda sannadka 2019-ka, meeraha mushtar oo wareeg kula kulmi doona meeraha illi-maqabatiga ah, waxa la odhan jiray, dhinaca Xaqiiqooyinka u dhaxeeya xuduudaha shaqsiyaadku waxay ka rumeysan yihiin nidaamka xuduudaha iyo waayo-aragnimaddii hore ee la laga soo dhaxlay hab-dhaqadadii hore ee jiri-jiray, ayaa la isku- xidhi doona.
Bisha  December 26-keeda sannadka  2019-ka, Marka Dayaxa cusub uu galo burjga Biciidka, waxa la fillan jiray Dayax madoobaad, kaasoo, laga arki doonaa wadamada bariga Yurub, bariga Afrika, Waqooyi-galbeed ee dalka Ustareeliya. Runtana Allaa Og 
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)



Sunday, December 30, 2018

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka


ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2019-kaQoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)    


Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban, duniduna waxay ku joogtaa awooda amarka Eebe, cidina lama wadaagto, isagaanay u sugnaatay qadarkiisa iyo maamulkiisa xukunka kownkan,

Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Dhinaca ku dhaqanka saadaasha xidiguhu, waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida iyo dowladaha.

Haddaba, waxa aynu malle aadame ku male’awaali doonaa, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2019-ka, Waxaanay odhan jireen dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin”.

Moorada Sannadkan 2019-ka, wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Salaasaad oo loo nisbeeyo astaanta sideedaad ee moorada Alleelaalaha, godadka dayaxu uu marana waxa ku leedahay Libcas iyo Mareeg-dheer, waana xilliga kala badha badhtamaha Deyrta, waa burji Maa’I ah, waa dhadig mugdiile balaadhan oo aamusan, waa cabqari qabow,  jihadiisuna waa Koonfur,  haddii ay xigto dhinaca qorax ka dhaca waa nuxuus iyo sidci isku jira,.

Mooradan waxay ku lug-leedahay dhinaca, dabeecaddaha caqli-galka ahi inay saameyn ku yeeshaan dhiirigalinta cadhada degdega ah ee ku salaysan isbedelka awoodaha khuseeya xaalad kasta oo jirta, waa in aad sii wadaa halgankaas adigoo naftaada u sheegaaya,  kamana hor-joogsan kartid tijaabooyinkaas, hadalna wax’ba lagagama joojin karo, sababtoo ah, waxa kaaga imanaya dhaawac, laakiin, waa inaad si fiican u ogaataa ficiladda kaaga soo noqonaya.
Nolosha iyo dareenka noloshu waa waayo-aragnimada loo maro kacdoonka iyo xiisaddaha kacsanaanta,  hab-dhaqanka dabeecaddaha dagaalka badan waa mid khuseysa khiyaamada inta badan soo noqnoqota , ka aamusida, lagana qariyo dhalin yarada aqoonta leh waxa ay arkayaan ee u muuqda,  fikradaha qotoda dheer leh ee ka soo burqanaaya maskaxdaada, ayaa ku abuuraaya in ay dadka kale ka cadheysiiso illaa iyo xad hab-dhaqankaaga in lala yaabo.
Waxa kale oo lala xidhiidhiyaa xaaladaha adag, dareenadda xooga badan, su'aalaha iskhilaafsan  ee had iyo jeer iska horyimaada ee loogu yeedho ruuxiga, daldaloolinta dhiirri-galinta dareenka cabiraadda, cuntada, khamriga iyo galmada.
Waxaana muhiim ah in la iska illaaliyo qalliinka is-gooysyada, xubnaha taranka, qanjirada, xiidmaha mindhicirka weyn, kalyaha iyo  kaadi mareenka.
Dhinaca Dowladaha:- Waxa la odhan jiray,  waxa si bani’aadanimo ah hoos loo eegi doonaa in la aqoonsado xuduudaha, iyadoo la qeexaayo  asalka halka ay ka soo farcan tay,  Inkastoo dawladaha qaarkood ay u muuqdaan inay iska caabinayaan arintaas, haddana, waxa suuro-gal ah in ay ku dhamaato nabadda iyo isafgarad buux, ugu danbeyntiina ciidamada waa kuwo ka xoog badan sharciyada dadka doonaaya nolol xadidan oo ay ku noolaadaan, kama dambaystana, dareenkoodu waxa uu  heli doonaa nolol raaxo leh oo ay ku qanacsan yihiin habdhaqanka ruuxiga iyo adeega waxbarashada.
Dhinaca Siyaasadda: Wakhtigan waxa inta badan jiri doonta isticmaalka diidmada xaqiiqda dhabta, isticmaalka tamartaasi waxay daboolaysaa xaqiiqadu siday tahay, waxaana haboon in la raaco fikraddaha soo gaadhaya qaybaha xog ururineed ee kaydka maskaxaha ee ay aadka u sareeyso xaqiiqaddoodu.
Tani waa mid inaga caawineysaa maalinkasta oo inagu baraarujinaysa ahmiyada ay leedahay jiritaanka nabadda iyo farxaddu, si aad u aqbasho xaaladda wakhtigasta taagan, taasoo, ugu danbeyntiina inoo horseedi doona heerka miyir-beelka la qabsiga quusta, dhacdooyinka maalinlaha ah ee isku –dheeliga tiran  aynu la kulano wakhti kasta awooddoodu ay sumeysan tahay.
Dhinaca wanaagsan marka aynu ka eegno, "dagaal yahanaddii iftiinka," waa in aad isku daydaa wax ka qabashada ficillada iyo go'aamadda masuuliyaddeed, si kastaba ha ahaatee, waa in la muujiyaa u diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo isku-xidhnaantooda, haddiise, ay arrimahaasi sii fogaadaan, waxay horseeddi karaan inay ka sii xumaato xaaladda awooddeed ee la rajeynaayey.
Ujeedada ugu muhiimsan waa in la eegaa maalin kasta jihada loo socdaa in ay tahay jihadii la rabay iyo in kale, isla markaana la sii wadaa iyadoo la hubinaayo inay si caddaan ah, oo sax ah loo arki karo,  la iskuna dayaa si taxadir leh in loo hello wararka suurto-galka ah ee xaqiiqaddooduna ay  dhabka yihiin ama  muuqaalkoodu uu dhab yahay.
Sidoo kale, waxa la arki jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo,  waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la  tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, aad ku kalsoonaato naftaada, kuna sii socoto xikmaddaha muga- weyn leh, waa in si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa in aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,  waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya  lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.
Dhinaca kale, fikraddihii ku jiray maskaxaha muddada dheer, waxay isku badeli doonaan kuwo midho-dhala, waxaana si fiican u qabsoomi doonta iskuxidhka qorshayaal ay shaqsiyaad badanina  dabada ka  riixayaan,  waa haddii si wadajir ah qofkastaaba uga shaqeeyo hawlahaas wax-qabad ee lagu hawlan yahay.
Ugu danbeyntiina, waxa aad loo taageeri doonaa si miyir-qab la’aan ah, oo aan tooska ahayn loo horumariyo, kuwaasoo, fikiradaha xagjirka ahina waxay kala qaybin doonaan tamartaasi inay ku hoggaamiyaan carqaladdo, xafladdo dhalanteed ah iyo khiyaamooyin, isla markaana, ay soo dhex-galli doonaan kuwa ay u jeedadoodu aad u sareyso, kuwaasoo aan haysan meello kale oo ay gabood ka dhigtaan, ay ka faa’ideystaan tamartaas. Runtana Allaa Og..
Dhinaca Diimaha : Waxa soo badan doona kiniisado ku faafin doona wacyigalin diimeed  mareegaha iyo  baraha bulshadu ay ku kulmaan ee xuubka caarada,  waxa kale oo sii xoogaysan doonta tayeynta faracyadda faraha badan ee  diimaha, waxa hoos u dhac ku iman doonaa xaqiiqada dhex-dhexaadimeed, taasoo keenaysa in la iswaafajiyo midnimadda tafaraaruqa diimaha, waxaana jiraysa wacyi-galin badan oo hoos u dhigaysa xaaladda taagan inay ku dhamaadaan si hagaagsan, inkastoo, ay arintaasi halisteeda leedahay ooh al-gan lagaga iman doono, sidii loo mideyn lahaa sannadka soo socda.
Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah:  waxa lagu tilmaamaa Maan-dooriyaha iyo dawooyinka aan wanaagsanayn ay ku keeni doonaan xanuunka dhimirka, xaqiiqdii dhamaantood waa kuwo laga sameeyey walxo macmal ah oo saameyn ku yeelaynaya  heerka xaaladda  miyir-tiraha nafta,  waxaanu saameyn ku yeelan doonaan isbedelka jiritaanka nolosha,   dadku waxay noqon doonaan laba dhinac oo xag jir ah  oo aad u kala fog, kuwo maskaxdoodu diidan tahay wacyi-galinta oo ka dhacsan nolosha, kuwo jecel xafladdaha, waxaana baadhitaanaddaas lagu ogaan doonaa maskaxaha la qabatimoomay walxaha maandooriyayaasha ah iyo kuwo kale oo ay ku wax-yeelowday maskaxdoodu.

Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kor u kaci doona wax-qabadka qorshayaasha aad u tiro badan in laga gaadho guullo waaweyn, ka dib, marka ay dhexdhexaad noqoto koboca qiyamka ruuxiga ahi iyo isku xidhka hawlaha dhiiri gelinta dib-u-hagaajinta hiigsiga ujeedooyinka  nolosha ee ku wajahan hawlaha cibaadaysiga iyo firfircooni ruuxiga ah.

Guud ahaan, kuwo aan aqoonsan isku xidhnaanshaha bini'aadanimada, xayawaanka, dhirta iyo meertada nolosha, waxa macquula in loo jiidi doono dhinaca cidhiidhiga iyo maalkooda, illaa iyo inta laga gaadhayo natiijooyin wax ku ool ah oo xalkooda lagu farxo.  Runtana Allaa Og..

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  shanta waji ee kala ah:-
wajiga koowaad:  Hanti-wadaaga, tamarta nukliyeerka, kacdoonka ah, dembiyadda, dagaalka,  carqaladaha,  baadhista dambiyada, isbeddelka, khasabka,  dhimashada  qoto dheer leh, dhacdooyinka ugubka, masiibooyinka dabiiciga ah ee dhulka dhul-gariirka, cilmi nafsiga, caadooyinka sixirka,  naafadda, shakiga,  sirta, gudcur, taranka, miyir-tiraha, dabiibka, bogsashada, galmada, ah,  dib-u dhalashada, dib u warshadaynta, dib u habaynta, dib u cusboonaysiinta,  dib u soo noolaynta iyo hoos u dhaca.

Wajiga labaad :-. Ciidammada, hiliblayaasha, budhcad badeedka, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka,  farsamo-yaqaanada dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada,  cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha,  qalabka lagu jaro timaha............La soco....................

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti 

Sunday, December 16, 2018

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 13-aad



Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa lagu qiyaasaa in ka badan 14,000-kun oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeel wanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad iyo mushahar aan ku filneyn nolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaqaale isku mid ah oo  darajadooduna ay ahayd  “A” , oo haddana,  midna  Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd,  5,000,000./ milyan oo shillin (Shan millyan oo shillinkooda ah), oo u dhiganta $ 500 oo dollarka Mareykanka ah, halka ka kalena uu ka qaadanaayey musharka,  9,80,000/ Sh ( Sagaal boqol iyo Sideetan kun oo shillin), oo u  dhiganta  $ 98 oo dollarka Mareykanka ah.

Haddana, waxay u guddanayeen waajibaadkooda shaqo si hufan oo o ay ku dheehnayd, daacadnimo, xilkasnimo  iyo waayo arragnimo qoto-dheer oo ay ka dhaxleen muddadii dheerayd ee ay ku hawlanaayeen hiigsiga himiladdii uu markabkaasi hiigsanaayey.

Waxa kale oo ay lahaayeen luuqad u gaar ahayd, isku af-garan jireen marka ay ku timaado xaalad ka duwan xaaladdihii hore ee jiray, si aanay u fahmin haddii ay ka wax-khaldamaan ama ay jirto dhibaato soo wajahda dadka markabka saarai, waxaana ka mid ahaa af-garashadaas, erayada, “Alpha” oo macnaheedu uu ahaa, gurmadka daaweynta degdega ah, “Bravo”’na uu ka ahaa gurmadka dabdamiska dabka,  marka ay codsanayaan soo gudbinta war-biximaha dhacdooyinka maalinlaha ahna ay u isticmaalayeen “Kilo” halka,  marka ay dalbanayaan qalabka dayactirka nadaafadda uu ahaa A "30-30", taasoo, aan ku ogaaday mar aan ku wargaliyey shaqaalaha markabkaas dhowr jeer oo ay ka dhaceen Matag goobo ka mid ah goobaha bar kulanka u ahaa “PVI” (Public vomiting incident) dadkii saarnaa markabkaas.

Naakhuudaha markabkaasi mar uu laeshay kulan wada-xaajood ah shaqaalaha caafimaadka ka hawl-galayey goob lagu daryeelo caafimaad bukaan jiifka, halkaas oo uu ka jeediyey hadal kooban oo taabanaayey dhinaca hab-dhaqanka iyo anshaxa shaqaalaha caafimaadka looga baahan yahay in ay kula dhaqmaan la daryeelayaasha u baahan adeeg caafimaad, isla markaana, marka la daaweynaayo dhamaan dadka bukaanka ah ee soo booqda goobahaas loo sameeyo cadaalad, sinaan iyo daacadnimo,

Waxaanu intaas ku daray mabaadiida khuseysa kalsoonidu in ay tahay, in la tixgaliyo qofka marka la go’aaminayo habka loola tacaalayo daaweyntiisa iyo in uu hello dawooyinkiisa qofka bukaanka ahi,  waana in la ixtiraamaa rabitaankiisa xitaa marka aanad raali ka ahayn iyaga laftigooda, waa inaad u muujisaan daacadnimo, oo aad illaalisaan ballanqaadkooda ku saleysan dareenka la daryeelayaasha, waana inaad daryeeshaan idinkoo u naxariisanaaya, oo qaadaaya  talaabo wanaagsan oo aad ugu gargaaraysaan dadkaas, idinkoo raacaya rabitaanka dhinaca waxqabadka wanaagsan, gabagabadiina, waxa uu yidhi, haddii ay jirto war-biximaha hadda la tuhunsan yahay in ay yihiin in aydaad si fiican ugu shaqeynin dadka bukaanka ah, haddii ay jirto arintaas waa xadgudub.

Mar la weydiiyey shaqaalahaasi siday u arkaan kulankii uu la yeeshay naakhuudahoodaasi, waxay ku tiraabeen, waxa aanu ka rajeynaynay fikrado waxtar leh oo ku dhisan aragti abuuraysa dhiiri-galinta mustaqbalka himiladda la hiigsanaayo, isla markaana, shaqaaluhuna ay kula shaqeyn doonaan  himiladdaas uu hiigsanaayo markabkaas.
Dhinaca kale,  Badmaaxayaasha  inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama maarmaanka u tahay mid diiradda saaraysa ahmiyada ugu muhiimsan ee dhinaca baahida nolosha,  aragtida waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen  raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka……………….La soco……………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


Saturday, December 15, 2018

Geba-gabadii Guusha hiil la eeday baa jiray

Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, ka dib, markii uu ku guulaystay jagada Madaxweynaha, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, dad badan oo naawilayey in mudnaanta koowaad uu siin doono in ay la daadahayn doonaan waxqabadka xukumaddiisa cusub ee uu soo dhisi doono balse uu hungow nagu dhacay, ayaan ka curiyey sheekadan male awaalka ah.

Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu,  Nin reer  Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray  Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u  soo  safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga ee ku yaalay faras-magaalaha suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan.

Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”,  Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa,  Ninkii reer miyiga ahaa, ugu jawaabay”, Haa.

Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, isla markaana, markii uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, ayuu ka ambabaxay una socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo uu ku raran yahay raashin,  wakhti ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo baxaysay, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro, oo ay dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasanaa neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala hawdka magaalada Hargeysa.

Ninkii reer miyiga ahaa markii uu maraayey meel u dhaweyd soohdinta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Itoobiya, ayey ka go’day kab ka mid ahayd cago-gashigii uu xidhnaa ee uu ka soo iibsaday Magaalada,  waxaanu sudhay kabtii ka go’day ushii garabka u saarneyd, isagoo, kabna xidhan, midna tunka ku sita, ayey mar-labaad, ka go’day kabtii labaad ee uu xidhnaa, kabtii labaadna waxa uu sii dul-sudhay ushii garabka uu ku sitay.

Markii ninkii reer miyiga ahaa oo caggaagan uu soo gaadhay reerkiisii uu safarka kaga maqnaa dhawrka caanamaal, waxay arintaasi ku noqtay qoyskiisii mid lama filaan ah, odaygii reerka oo caggaan,waxaanay  affadiisii  weydiisay odaygii, ee maxaa ku caggo tiray?.

Waxaanu ugu jawaabay saygeedii ” , Markii aan magaalada aaday, waxaan ka soo iibsaday cago-gashi aan safarka ku soo galay, intii aan safarka ku soo jiray, ayey labadii kaboodba iga soo go’een, wallow wiilkii kabaha iga gadayey uu ii sheegay in ay  yihiin caag, oo aanu  khaladkaasi isagu lahayn, laakiinse, annigaa khaldanaa oo aan weydiinin, Kabbuhu waxay ka caagan yihiin?

Run ahaantii, waxaanu uga go’leeyahay, muu khaldaneyn hoggaamiyihii hore ee ku tuhunsanaa in uu leeyahay khibradda xirfadda qarsoon ee hoggaamiyenimo,  isaga laftigiisana wax-baa seegay, laakiinse, waxa khaladkaasi lahaa taageerayaashiisii, taasoo sabab u ahayd,  khaladkaasi farsamo ee dhacay, laba arimood oo kala ahaa.

Mid ka timid, dhinaca kala xulashada xirfadda tayada hoggaamineed ee ay lahaayeen musharaxiintii la tartamaysay iyo  in aanay taageerayaashiisu marnaba aanay isweydiinin markii la baacsanayey, ka rida mooyaane, maxaa lagu eryanayaa?

Waayo, waxa jira mid ka mid ah hiilka, oo la yidhaahdo, Hiil la eeday, kaasoo ka turjumayey weedhii  hal-ku dhaga u ahayd lib-gadkii sagootiga  gebo-gabadii guusha,  inkastoo, lib-gadku leeyahay xeer dhaqan oo lagu qaado, haddana, waxa ayaan darro ku ah, hoggaamiyaha ay ka siibtaan taageerayaasii uu ku gaadhay guushan uu ku naaloonayo.

Gebo-gabadii qormadaydan waxaan ugu hoggol tusaaleyn  lahaa taageerayaasha, hal-ku dhegan odhanaya, Inta aad ka tiiraanyoon lahaydeen samo-falkiinii dadkii idiinka abaalka daray,  marka horeba fillo abaal ka darka.   

(Fiiro-gaara ah.  Aad ha isku laabraacinin  taageeriddooda siyaasiyiinta, adigoo u xeebanaaya hab qabiil ama hab xeeladdeed ama xirfaddiisa hoggaamiyenimo ama mid caashaqba ha'noqotee, waxa hubaal ah in dhaawac maskaxeed ama jidheed ku soo gaadhi doono, sida maanta inooga muuqata Jaamac Shabeel iyo Anigaba.)

Monday, December 10, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 12-aad



Marka aynu ka nimaadno dhinaca dhaqanka tixaha iyo tiraabta ay lahaayeen, haddana waxa aad u layaab badnaa dadkaasi in aanay u kala socdaali jirin markabka gudihiisa, haddii dayuxu uu yahay tirsigiisu bil-saddex ama bishu ay ku dhamaaneyso maalin arbacaad ama maalinku uu yahay maalin axadeed,   balse, waxa taasi ka sii layaab badneyd, weedhan dhameyska tiran ee “Shimbirka aan duulin maalinta Jimcaha”, taasoo, aan aad ulla dhacay, ka dib, markii aan ogaaday in loogu magac daray,  Wargeysyada wararka madaxa-banaan ee maalinlaha ah ee uu soo saari jiray markabkaasi, oo aan haba-yaraatee soo bixi jirin maalinka Jimcaha.  
Markabkaas waxa uu lahaa himillo fog oo ay udub dhexaad u ahayd hiigsigii lagu gaadhi lahaa horumarka rajada nolosha iyo in uu yeelan doono qaybo ka mid ah markabka guddihiisu illeyska qoraxda maalintii, kaasoo, dadka maqaarka jidhkooduna uu ka helli doono caafimaad wanaagsan, isla markaana, ay helli doonaan hooy nadiif ah, noocyada cuntooyinka badda ee kala duwan  iyo  farsamooyin casriya oo leh muuqaalo kala duwan oo aan marnaba la illaawi doonin muuqaaladooda quruxda badan ee ku jiri doona daaqadaha markabka  badda aan dhamaadka lahayn.
Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa oo lagu qiyaasaa in ka badan 14,000  oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeel wanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad iyo mushahar aan ku filneyn nolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaqaale isku mid ah oo  darajadooduna ay ahayd  “A” , oo haddana,  midna  Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd,  5,000,000./ milyan oo shillin (Shan millyan oo shillinkooda ah), oo u dhiganta $ 500 oo dollarka Mareykanka ah, halka ka kalena uu ka qaadanaayey musharka,  9,80,000/ Sh ( Sagaal boqol iyo Sideetan kun oo shillin), oo u  dhiganta  $ 98 oo dollarka Mareykanka ah.

Haddana, waxay u guddanayeen waajibaadkooda shaqo si hufan oo o ay ku dheehnayd, daacadnimo, xilkasnimo  iyo waayo arragnimo qoto-dheer oo ay ka dhaxleen muddadii dheerayd ee ay ku hawlanaayeen hiigsiga himiladdii uu markabkaasi hiigsanaayey.

Waxa kale oo ay lahaayeen luuqad u gaar ahayd, isku af-garan jireen marka ay ku timaado xaalad ka duwan xaaladdihii hore ee jiray, si aanay u fahmin haddii ay ka wax-khaldamaan ama ay jirto dhibaato dadka markabka saarani, waxaana ka mid ahaa af-garashadaas, erayada, “Alpha” kaasoo ahaa gurmadka daaweynta degdega ah, “Bravo”’na uu ka ahaa gurmadka dabdamiska dabka,  marka ay codsanayaan soo gudbinta war-biximaha dhacdooyinka maalinlaha ahna ay ka isticmaalayeen “Kilo” halka,  marka ay dalbanayaan qalabka dayactirka nadaafada uu ahaa A "30-30", taasoo, aan ku ogaaday mar aan ku wargaliyey shaqaalaha dhowr jeer oo ay ka dhaceen Matag goobo ka mid ah goobaha bar kulanka u ah “PVI” (Public vomiting incident) dadkii saarnaa markabkaas...........la soco

Sunday, December 9, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 11-aad



Gar-jileed:  Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,  si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan.
Gar dad-ban:   Gartan dadku ma’moodo, inay tahay garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,  waxa jirta Murti tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin haddii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo.

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
maahmaahbaa tidhaada, “Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay”
Dhinaca kale ee suugaanta gabayada, heesaha ee ku aroora garaha, waxa ka mid ahaa sida,”  “Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.
“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadaadiyo feeniyeen odaya loo qaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa,  gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba,  go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, haddaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale............la soco...........



Saturday, December 8, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 10-aad




Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn oo aan ka hadhi jirin illaa iyo sagaal awoow isaga iyo ubadkiisaba, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto,” nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.

Marka qof dhibaato loo gaystay wakhti hore, haddana mar labaad la dhibaateeyo,  waxay  yidhaahdaan hadimotalisyada meeshaasi joogaa  "maantana miyaa laguu noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin",  ka dib, dadkii kale ee soo dhex-galay ayaa yidhaahda Maahmaahdan "Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha". 

 “Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", waxa loola jeedaa, maadaama  garuhu ay badan yihiin noocyaddoodu, isla markaana, mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, garahoo daasi waxa ka mid ahaa, sida,:-   
Gar-kala dareeris:  waxa loo eegi jiray si cadaalad ah, laakiinse, waxay ahayd mid u eeg xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana  ragga had iyo goor garta caynkaasoo kale ah,  raga wax ka qabtaa waxay ku sifoobmi jireen samatalisnimo.

Gartan waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagula dhaqmaa cidii wax-gaysatay, wax loogu yeedho”  Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro, waxa jirta murti "Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta murit kale oo iyana tidhaahda "Walaalkaa haddii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.
Ninka  markhaati been ah kuu furay, waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisii iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray  murtidan "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha,  oo  looga qaateen ma aha’,  waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga tagtaa.


Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax  caqiibo-xumo , mana dhantaasho  toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka  baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.........la soco.................

Friday, December 7, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 9-aad



Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida inteeda kale, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega,  Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", Waxa loola jeedaa laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo, hibasho iyo hiirtaanyo , waxaana laga yaabaa taasi in dad gacal ahaa ama tol ahaa ay kala fogeyso.

Had iyo goor marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin, isla markaana,  aan wax la sii  qod-qodin, ayaa loogu maahmaahaa, maahmaahdan, "Lafahana gur xarogana haka tegin",  Nin aan garaw baranin, garna ma barran, Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado, Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa, Fadhi iyo fuud yicibeedba laysla waa, Raqayo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo, Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.

Oday gar loo xilsaaray, waa carrab ilko dhex yaal, Maahmaahdan waxa loola jeedaa ninka  xidaariga ah ee laba nin u gartanaqayaa, kolayba labada nin kii garta laga hellaa, waxa laga yaabaa in uu cadaawad u qaado ama xumaan.

Nin aan garaw baranini gar ma barran", Maahmaahdan waxa loola jeedaa dhinacayada garnaqsanayaa in ay gartooda banaanka ay ku soo akhristaan, isla markaana, ay si fiican u ogaadaan cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ku ah ee ay sitaan, maxaydun gar u leedihiin, maxaydunse gar u lahayn,  waa in ay talo ku daraan  oo ayna galin marka ay arkaan in laga gar helayo,  si aanay ugu ceeboobin,  ka dibna, haddii ay gar darran yihiina ay garawsadaan.

Sidoo kalena waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale ahaan, marka soddoggaa ama seedigaa kaa soo horjeeddo amaba ay arrini idin dhexmarto qof xil kugu leh oo aanad afka ku kala waaxi karin, sidaa darteedna lagaaga toosan yahay odhaahdiisuna ay af cid kale ku wanaagsan tahay. ayaa la  tidhaahdaa  Maahmaahdan "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".

Marka dhowr nin oo ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay ku maahmaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.
Ninka ka hor-dhaca ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray  "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug". 

Waxa kale oo iyana jirta Ergo, waa dad si toos ah ugu taga cida ay wax u sheeganayaan , waxaanay noqotaaa ergadu mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la diido oo la yidhaahdo, “ waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”,  soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa  “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.

Marka ninka wax laga tirsanayaa uu yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waa inuu ninkii wax tirsanayey uu garnaqsado, haddiise uu ninkii laga cabanayey garaabi-waayo, waxa haboon inuu ka ergoodo oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo haddii aanad odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax sameyso arrintaas waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay, waxaad lumisay migihii iyo sharaftii aad lahayd, cidina hadhow kuu garaabimayso, waxaana kugu filan miyaad nagu sintay, ayaa lagu maahmaahaa “May tidhina waa kayd rag”............la soco............


Wednesday, December 5, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 8-aad




Gar dabadeed, guu- guu baan nacay”  maahmaahdan, waxay tilmaamaysaa in marka laba nin loo kala garnaqo, ninkii gar lahaana gartiisa la siiyo, ninkii garta laga hellayna uu garwaaqsan waayo, ka dibna, meelahaas kaga hadlo erayo xanaf leh oo aan ku munaasib ahayn xeer-beegtidii garta goysay, ayaa loogu maahmaahaa. 

Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka, iyo Hal ku dhega, sidaAqoon la'aani waa iftiin la'aan, Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa, Aroos lagumana raago, lagamana raago, Si xun wax u sheeg sixir ka daran, Aan wada hadalno waa aynu heshiino, Riyuhu lugtooday, shallow ku doontaan. Tallo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, War xumi dugsi ma fadhiisto, Hadal waa dheh ama dhagayso, Cagtii joogsan weydaa, marbay ceeb la kulantaa, Dabeecad xumo dadkay kaa dhex saartaa.

Halka Hal-hayskooduna uu ka mid ahaa, sida;


*      Geel carruuri qaaday ma dheera
*       Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa
*       Ninba ceesaantii ceelka keentay
*       Nin aan shaqaysan shaah ma cabbo
*      Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin
*       Dan iyo xarrago is weyday
*       War jiraaba cakaara ayuu iman
*       Af aanad lahayn lama qabto
*      Waxaanad calaf ku lahayn lama cuno
*       Kud ka guur oo qanjo u guur

Halka Hal-qabsigooduna uu ka ahaa sida;


·         Barasho horteed ha i nicin
·          Taasi waa gar, dawse ma aha
·          Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan
·          Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura
·         Dheriga maxaa karka ka keena baa la yidhi, waa kulaylka

 

Halka iyana ay Odhaahdoodu ka noqonaysay, sida;

·         Tuug la qabtay talo ma’laha
·      Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
·      Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ka gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
·         Haddii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin illaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
·   Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
·    Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
·          Raggu ba’iisuu ka sheekeeyaa, dumarkuna badhaadha hooda.
·          Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo.
·          Rag waa shah, dumarna waa sheeko.
·          Lama gano fallaadh kugu soo noqon doonta.
·          Walaalo is necebi way xoola yaraadaan, wayna xabaalo badiyaan.
·          Guurku marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaadhaa.
·          Waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun.
·          Geel-jiruhu isagoo garanaya halka geedka usha uu ka goynayo, ayuu yidhaahdaa, xageen ka gooyaa.
·          Libaaxa ka ciya iyo ka aamusan, ka ciyaa la qaatay.
 Ergo waxa loo dirsadaa nin cay dhurwaa uga adag, oo kude gaajo uga adag, oo kurtid qodax uga adag, oo dhagax qabow uga adag.............. la soco...............