Saturday, January 19, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii -19-aad


 

Fikirka wanaagsan iyo fikirka qaloocan waxay noqon doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh, Runtana Allaa Og.
Saadaashaas oo ahayd mid ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaadan jireen, iyagoo isticmaalaya  qaabab xeeladdaysan oo ay kaga hortagaan isbedeladda dabeecadda cimilada hawada iyo bad-maaxidda ee ku soo wajahan sannadkaas, inkastoo uu jiray dulmi xad-dhaaf ah oo laga cabsi qabay in uu dego markabkii aanu saarneynee S-Dnal-Re.
Intaasi ka dib, waxaynu halkan ku eegi doonaa tix-gabaya oo waano iyo dardaaran faraysa qaabka wariyuhu ugu soo tabiyo bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah ee ku saleysan xaqiiqada dhabta ah iyo xoggaha qarsoon, waxaana gabaygaas tiriyey, Abwaan,  Muuse Cali Faruur.

“Wariyaha intuu gobol u kacay, kii wajaqay doontay
Ee sida wax-qabadkiisu yahay, war uga soo qaatay
Waxba ma’tare waxaan jirin adaa weel ku soo shubaye
Wadarta iyo halkii weecsan, ayuu wabaxii joogaa”  

Naakhuudihii markabkaas S-Dnal-Re ayaa wax ka bedel iyo dib u habeyn ku sameeyey qaybo ka mid ahaa waaxyihii markabkaas, waxaanu Waaxda Khayraadka Hilibka Cad hoos geeyey Waaxda Khayraadka Hilibka Cas, arintaas oo aqoon yahanada ku xeelka dheer leh, dhinaca deegaanka, waxa ay ku tilmaameen in aan aad loo lafo-gurin arintaas saameynta ay ku yeelan doonto maalmihii foodda ku soo hayey himilladii uu hiigsanaayey markabkaas, wakhtigaas oo ahaa, wakhti loo xusul duubnaa hayaankii geeddiga horumarinta khayraadka hilibka cad, wakhtigaas oo laga guuraayey khayraadka hilibka cas oo waxyeelooyin badan oo caafimaad darro ah ku keenay dadkii saarnaa markabkaas.

Naakhuuduhu waxa kale oo uu hoos u dhigay qaab-dhismeedkoodii shaqo ee Qaybta Wax Ka Qabashada Miinadda Badda iyo Walxaha Qaraxa, waxaanay ku tilmaameen khuburada inta badan ka faalooda arimaha ciidamada, in ay ahayd mid lagu degdegay, taasoo ay ku sababeeyeen in wakhtigaas hol-canayeen qaybo ka mid ahaa guddaha maraakiibtii u kala gooshaysay baddaha waaweyn ee aduunka, isla markaana aan laga fikirin qorshe kale oo loogu tallo-galay in lagu jiheeyo shaqaale tiro-badanaa oo ka fadhiisanaayey shaqadii ay u hayeen waaxdaas iyo saameynta ay ku yeelan doonto dhinaca degenaanshaha Markabka.

Dhinaca kale, Guryaha markabka ayuun baa daris ahaa, laakiinse, dadkii saarnaa markabkaas daris may ahayn, sababtoo ahayd, wali lama arag dadkaas iyagoo si wada-jir ah uga dhiidhiyaayey dulmigii ay ku hayeen Dugsiyada waxbarshada ee gaarka loo lahaa, haddaba, marka aynu eegno dhinaca dugsiyada waxbarashada gaarka loo leeyahay oo wakhtigaasi ay ka jireen dulmi iyo lacag xaaraan ah oo ay ka qaadi jireen fasax-dugsiyeedka labada bilood ee ay fasaxa ku jiraan ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaas..
Haddii ay bixin waayaana lacagta labada bilood ah ee ay fasaxa ku jiraan ardaydaas, looma ogaal jirin inay ka qayb galaan imtixaanka laga qaadayo ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay arintaas culeys weyn ku ahayd waalidiintii dhalay ardaydaas in ay ka bixiyaan lacagtaas xaaraanta ahayd ee laga qaadi jiray ardaydaas.
Waxa kale oo khasab lagaga dhigi jiray ardaygii oo sita buuggaagtii uu ka gudbay walaakiisii dhigan jiray fasalkii ka horeeyey. in uu ka iibsado buuggaag kale manhajka waxbarashada qaybta keydka buugggaata dugsiga.
Waxaan la kulmay wariyeyaal wareysanaayey dumar ka ganacsanaayey iibka liska caanaha xoolaha oo  fadhiyey goob aan ku habooneyn ganacsiga iibka liska xoolaha, waxaana ka mid ahaa, saddex su’aalood, su’aalihii la waydiinaayey caanalaydaas, in ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ka soo gala iibka liska caanaha nolol maamlmeedkoodu, qiimaha cashuurta dowlada hoose ka qaado iyo sababta dowlada hoose ugu sameyn wayday goob ganacsi oo ay ku iibiyaan liska caanaha xoolaha?
Waxaanay kaga jawaabayeen su’aalahaas, haa sowdigaa arkaaya in aanu ku tiirsanahay dhaqqaalaha naga soo gala iibka caanaha, qiimaha cashuurta aanu bixinaa waa 30,000 -SL shillin, ma’garanayno, su’aashaas sababta ay noogu dhisi waayeen goob ganacsi, ee iyagaydun weydiin doontaan.

Wariyuhu waa garsooraha u dhexeeya Dowlada iyo Dadweynaha, kuwaasoo u soo gudbiya bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah, warar dheeli-tiran oo ku salaysan xaqiiqooyin dhab ah iyo xoggo-qarsoon, Haddaba, inkastoo su’aalahaasi ay ahaayeen kuwo wacan, haddana, waxa kale oo goobtaas ka muuqatay mushkilad labaad oo ka weyneyd mushkiladdii hore, taasoo ahayd caafimaad darrada ka dhalanaysay  weelka lagu keenayey liska caanaha xoolaha, weelkaas oo ahaa caagado wasakhaysan iyo in lagu ridaayey lacag waraaqo ah guddaha caagadihii ay ka dhamaadeen caanuhu, wakhti ay la daalaa dhacayaan xannuuno badan oo aan hore ugu dhici jirin dadkii saarnaa  markabkaas,

Marka naakhuudayaasha ay hoggaamintoodu wanaagsan tahay  ka dhamaadaan dunida, waxa dadka ku soo hadha kuwo doonaya in la raaco rayigooda iyo rabitaankooda oo kaliyaata, nasiibkuna waxa uu soo dhaweeyaa dadka sharka badan laakiinse, kama farxiyo.

 Aqoontu waxay ururisaa xoggaha iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waxbarashada aqoonneed iyo waayo-aragnimadda qofeed, halka murtiduna ay tahay hellitaanka xukun tayadiisu ay wanaagsan tahay, kuna   salaysan aqoon faham-awoodeed leh, marka la isku geeyo aqoonta iyo murtida, waxa ka soo baxa xaqiiqdii fulinta ugu go'aan qaadashada fiican, Fahamku waa awooda lagu fahmo aqoonta iyo rabitaanka qofka,  kaasoo ku korra marka aynu ku dhaqano, waxaynu ku wacdiyeyno.

Garashaduna waa qaabka lagu hello xaqiiqada fahamka qotoda dheer leh ee ku saabsan doorashada  aqooneed ee qofnimo,  garashadu waa awooda sameysa joogteynta fulinta qaybaha  nolosha, go’aan qaadashada iyo aqoonta, haddiiba Aqoontu ay leedahay awood, Murtiduna ay tahay habka doorashadda ee loogu isticmaalaayo awooddaas, fahamkuna waa fulinta doorashadaas ee lagu isticmaalayo awooddaas, sidaas bay garashaduna ku noqotay jaangoynta fulinta doorashada loo isticmaalo awoodda mustaqbalka, haddii aynu yeelano garasho oo aynu u rogno fulin, aqoon, murti iyo faham, oo aynu  sii joogtayno, waxaynu yeelan lahayn kalsooni badan dhinaca mustaqbalkeena…….la soco……………………..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti……………..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Friday, January 11, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 18-aad)



Waxa kale, oo la fillan jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo,  waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la  tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,  waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.
Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah:-  Waxa lagu tilmaamaa dadka isticmaala Maan-dooriyaha iyo dawooyinka aan wanaagsanaynina ay ku keeni doonaan xanuunka dhimirka, kuwaasoo,  dhamaantood laga sameeyey walxo macmal ah oo saameyn ku keeni doona  heerka xaaladda  miyir-tiraha qofka, waxaanu saameyn ku yeelan doonaan isbedelka jiritaanka nolosha.

Dhinaca horumarka dhaqaalaha: in kor u kaci doono wax-qabadka qorshayaal badan, lagana gaadhi doono guullo waaweyn, ka dib, marka ay dhexdhexaad noqoto koboca qiyamka ruuxiga ahi iyo isku xidhka hawlaha dhiiri gelinta dib-u-hagaajinta hiigsiga ujeedooyinka  nolosha ee ku wajahan hawlaha cibaadaysiga iyo firfircooni ruuxiga ah.

Wuxuuna jecel yahay:- Cadaaladda, deganaanshaha, awood yeelashada, dagaalka, hubka, isticmaalida ugaadhsiga, guusha oo adkaata iyo in xuquuqda xeerarka awoodoodu aadka u sareyso in la hello,
Wuxuu neceb yahay:-  Awooddaha dibada kaga yimaada, dowladdaha arimaha dibadda, difaaco oo yaraada, dhabqinta dajinta xasiloonida, sababaha macquulka ah ee aadka u sareeya, u adkeysashada, Fulaynimada, madaxbanaanida, waxa dadka kale ay u baahan yihiin, burjigani wuxuu leeyahay awood wax kasta oo fiican uu ku nici karo.
Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa: in uu ku shaqeyndoono si qarsoodiya  oo uu kaga war-qabo had iyo jeer xasadka iyo xafiiltanka, kaas oo wiiqi kara guusha.

Sannadkan waxa uu u wanaagsan yahay in wax laga qabto arimaha ganacsiga, shaqooyinka, gardaradda, iska hor imaadka, iskaashiga, illaalinta amniga, Hamada, dhiiranaanta, beeraha, geesinimada iyo kalgacalka.

Waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, dhimasho badan, shisheeyaha oo soo bata, Cadceeda oo kululaata, madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha oo bata, socdaalka oo bata, uurayda oo daasha, gaajo iyo cuduro badan.

Waxa kale oo ay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen, sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada, waxa kale oo uu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca Xaaladdaha ku lug leh qaraabada, dhaqaalaha iyo dareenka fahamka  degdega ah, kaasoo udub-dhexaad u ah xallinta khilaafaadka, go’aan qaadashada iyo baadhitaanada.

Marka la qaato Kalsoonida go’aamadaasi  waa in la isticmaalaa taxadir badan,  waxaana  la dareemi doonaa wax-yaabo  badan oo dabiiciya,  marka la eegaayo tabashooyinka dareenka leh ee aan u muuqan karin sida fudud,  kuwaas waxba lagama qaban karo, mana’lihin wixii lagu xakameyn la’haa  heerarka isku-dhacyada qalafsan, balse, waxaynu jelaan lahayn in aynu haysano wixii lagu xakameyn lahaa.
Hadafkiisuna:- Waa xilligii la sameyn lahaa dib u eegis wixii khaldamay, lana hagaajin lahaa ficilada, six al loogu hello xallinta muranadii jiray, wakhtigan, waxay qayb ka tahay billowga la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta aan loo baahnayn, caadooyinka xun-xun, go'aan qaadashada, ka hortagida dareenka kicinta leh, saameynta waxyaabaha aan la rabin, xaaladdaha aan loo baahnayn,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la sameeyo iyo daaweynta.
Waana xilli ku wanaagsan isdhexgalka, lagana baxo xaaladdaha ku imanaya hab-nololeedka iyo wadanoolaanshaha, caadeysiga, sii xoogeysiga xidhiidhka midhaha beeraha,  waa xiili wax kastaaba ay sababaan cadaadis, lagamana yaabo inay sii daba dheeraadaan, waa xilli ku wanaagsan xiiritaanka timaha, qiimeynta qofeed, dhex-dhexaadinta.
Hiigsigiisuna: Waa in billowga shaqooyinka laga saaraa caqabaaha hortaagan, waana in Alle (SW) loogu mahad-naqo sidii lagu gaadhay hadafkaas la xidhiidhay, koritaanka dhirta ka baxday beeraha iyo midhihii ka soo go’ay saracii la beeray.
Waxa kale oo la filan jiray sannadka Qorax madoobaad, waxaana la odhan jiray waxa laga yaabaa inay saameyn taban ku yeelan doonto kala badh dowladaha, waxaana laga arki doonaa  bariga Aasiya iyo koonfurta Alaska, waxa sidoo kale, la filan jiray dayax madoobaad dhici doona laba jeer, oo laga arki doono wadamada Yurub, Aasiya,  Afrika, Waqooyiga, Koonfurta Ameerika, waxaana la odhan jiray, waxa iman doonta guul-weyn, marka si  daacadnimo ah shaqsi kasta loogu kalsoonaado in uu u sixi karo waxa khaldan oo ay ka hor tagi karto wixii dhici lahaa, waxaana suuro gal ah in dayactir iyo dib u cusboonaysiin lagu sameyn doono iskuuladda sare, ka dib,  waxaana muhiim ah in tamartaas si daacadnimo ah oo heerkeedu aad u sareeyo loogaga faa’ideysto, haddii tamartaas la sahashado waxay isku badeli doonaan in hawl-qabadkaasi iyo fikraddaha maskaxahaas ay isku dhacaan.
Fikirka wanaagsan iyo fikirka qaloocan waxay noqon doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh….. La soco………….
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti



Thursday, January 10, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 17-aad)



Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyadda waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay  dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.


Wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha ay dhisay 13-goobood oo iskugu jiray  goobaha adeegyada caafimaadka iyo baadhitaanka xoolaha, goobaha ganacsiga hilibka iyo gowraca xoolaha,  halka, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabkaasina ay dib u fureen 53-xannaanooyinka daryeelka caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka oo xidhmay iyo in ay wali gacanta ku hayaan dhisitaankooda 9-goobood oo loogu tallo-galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, isla markaana, ay u qaybiyeen cusbitaalo ka mid ahaa cusbitaalada markabkaasi, qalab caafimaad oo gaadhayey 43- qalab caafimaad ah, balse, laguma xusin kharashka qiimaha qalabkaasi ku baxay iyo in lagu caawiyey ama ay ka soo iibsadeen dakhliga miisaaniyada markabkaas.

Isla markaana, waxay bixiyeen qandaraasyo lagu dalbanaayey gawaadhi cusub oo tiradoodu gaadhaysay 52-gaadiid ah iyo qalab ama agab gaadhayey 32-qalab ah  iyo  dhismayaal tiradoodu gaadhaysay 47-goobood, oo iskugu jiray dhismayaal cusub iyo dayactir, balse,  qoraalkaas laguma xusin kharashkii ku baxay qandaraasyadaas, Halka, waxqabadka waaxda warfaafinta, wacyi-galinta iyo madadaalada dadka, ay soo iibsadeen qalabyada casriga ah ee lagu daabaco buuggaagta, qalabkaas oo tiradoodu dhameyd  11-mishiin oo waaweyn, inkastoo aan lagu xusin kharashka qiimaha lagu soo iibiyey miishiinadaas.

Dhinaca kale, khabiir aqoon u leh arimaha xidigiska iyo saadaasha cimiladda bad-maaxida, oo inta badan ku falanqeeya isbedeladda dabeecadaha cimilada, hawada, dowladaha iyo bad-maaxida maraakiibta, Ayaa ku tilmaamay sannadkaas, in dabeecaddaha caqli-galka ahi ay saameyn ku yeelan doonaan dhiirigalinta cadhada degdega ah ee khusaysa isbedelka awoodaha xaaladdaha jira, kuwaasoo, hab-dhaqanada dabeecaddaha dagaalka badan ay keenaan khiyaamada inta badan soo noqnoqota, lagana aamuso, iyo in laga qariyo dhalin yarada aqoonta leh waxa ay arkayaan ee u muuqda dhinaca nolosha iyo dareenka noloshu waa in ay tahay waayo-aragnimada loo maro kacdoonka iyo xiisaddaha kacsanaanta.

Waxa kale oo uu ku tilmaamay sannadkaasi in lala xidhiidhiyo,  xaaladaha adag, dareenadda xooga badan, su'aalaha iskhilaafsan  ee had iyo jeer iska horyimaada ee loogu yeedho daldaloolinta, dhiirri-galinta dareenka cabiraadda, cuntada, khamriga iyo galmada.
Dhinaca Dowladdaha waxa uu ku tilmaamay in si naxariis leh hoos loogu eegi doono aqoonsiga xuduudaha Dowladdaha aan la aqoonsan, iyadoo la qeexaayo asal ahaan faracoodu halka uu ka soo unkamay xuduudahaas, Inkastoo dowladdaha qaarkood ay u muuqdaan inay iska caabinayaan arintaas xuduudaha, haddana, waxa suuro-gal ah in ay ku dhamaato nabadda iyo isafgarad buuxa.
Dhinaca Siyaasadda iyo Diimaha waxa uu ku tilmaamay in ay jiri doonto wakhtigan, in ay soo badan doonaan kiniisado ku faafin doona wacyigalin diimeed  mareegaha iyo  baraha bulshadu ay ku kulmaan ee xuubka caarada, waxa kale oo sii xoogaysan doonta tayeynta faracyadda faraha badan ee  diimaha, waxa hoos u dhac ku iman doonaa xaqiiqada dhex-dhexaadimeed, taasoo keenaysa in la iswaafajiyo midnimadda tafaraaruqa diimaha, waxaana jiraysa wacyi-galin badan oo hoos u dhigaysa xaaladdaha taagan, in ay ku dhamaadaan si hagaagsan, inkastoo, ay arintaasi halisteeda leedahay oo hal-gan lagaga hor iman doono, sidii loo mideyn lahaa sannadka soo socda baraarujinta ahmiyadaasi ay leedahay jiritaanka nabadda iyo farxadda, waana in la muujiyaa u diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo isku-xidhnaantooda, haddiise, ay arrimahaasi sii fogaadaan, waxay horseeddi karaan inay ka sii xumaato xaaladda awooddeed ee la rajeynaayey, ujeedada ugu muhiimsana waa in la eegaa maalin kasta jihada loo socdaa in ay tahay jihadii la rabay,  isla markaana la sii wadaa, iyadoo la hubinaayo inay si caddaan ah loo  arki karo,  la iskuna dayaa si taxadir leh in loo hello wararka suurto-galka ah ee xaqiiqaddooduna ay  dhabka yihiin.
Waxa kale, oo la fillan jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo,  waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la  tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,  waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.….. La soco………….
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


Wednesday, January 9, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Qaybtii 16-aad)


Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen  kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa  markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay  gaadhayso 2024.238  -tone,  ( Laba kun iyo afar iyo labaatan, dhibic laba-boqol iyo sideed iyo sodon) oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone, isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas. 

Waxa sidoo kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah, war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen dadkii markabkaasi saarnaa ?

Halka waaxda horumarinta dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, lagu shaaciyey wax-qabadkoodii sannadkan,  in ay diwaan galiyeen 160-goobood oo ah, goobaha dalxiiska iyo 36-hudheel (Semi Clasic Hotels) oo ay ku soo deggaan dalxiisayaasha soo booqda markabkaas, iyadoo laga warqabo in aanay jirin wakhtigaas 36-kaa hudheel (Semi Clasic Hotels) oo u gaar ahaa  markabkaas, balse, hudheeladaasi ay lahaayeen dad rayid ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqaalaha ay ka hellaan dalxiisayaasha soo booqan jiray markabkaas.

Waxa kale oo ay ku guul dareysteen mashruuc waxsoo saar oo loogu tallo-galay in lagu beero sarac dhul cabirkiisu gaadhayey in ka badan 9,200- boqol oo Qoodi (sagaal kun iyo laba boqol)  sannadkaas,  inkastoo warbixintaas aan lagu shaacin kharashkii ku baxay mashruucaas, balse, masuulkii waaxdaas horjoogaha u ahaa, waxa uu ku tilmaamay guul-daradiisaas, waxaanu yidhi”,  waxaanu rajeynaynay in ay ka soo go’aan midho ka badan 29,000.-kun oo kiish, laakiinse, nasiib daro, waxa ka soo go’ay 700-oo kiish, guuldaradiisaas, waxa uu ku sababeeyey, “isagoo si xun u taagnaa, cayayaankii ku dhashay beertaas oo sin saarada yaqaanay iyo meeshii aanu siidhka ku beernay oo sibiibix ahayd,” isagoo hadalkiisii sii wata, haddana waxa uu yidhi”,  mashruucii aanu ugu tallo-galnay in aanu ku beerno goobo ka mid ahayd dhul beereed gaadhayey 28,000-kun oo qoodi (Sideed kun oo qoodi), waxa sabab u ahayd dib u dhacaas, Anniga iyo  saadaashii cimilada roobka ayaa heshiin waayey.

Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyada waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay  dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.….. La soco………….
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


Saturday, January 5, 2019

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 15-aad



Inkastoo, muuqaalka dhanbaal sidaha wargeyskaasi uu aad u qurux badnaa, haddanna, xeel-dheerayaasha iyo qorayaasha inta badan ka faalooda, dhinaca, hoggaaminta, ayaa ku tilmaamay war-bixintaas in ay ahayd, mid lagu dacaayadeynaayey heerka wax-qabadka Naakhuudaha Markabkaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in habayaraatee aanay jirin wax-qorshe  ah oo u dajisnaa shanta sannadood ee soo socota waaxyaha markabkaas, haddii uu jiri lahaa qorshahaasi shanta sannadood laha ahi, waxa laga soo dheegan lahaa qorshihii loo qoondeeyey ee u qabsoomay ee la dhameystiray wax-qabadka qorshaha loogu tallo-galay sannadkaas,  wax-qabadka socda ee aan wali la dhameystirin iyo wax-qabadka dib u dhacu ku yimid, iyadoo la sababeynayo sababaha keenay dib u dhacaas, waana habka kaliyaata ee ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaataan, marka la qiimeynaayo wax-qabadka sannadlaha ah ee waaxyaha markabkiibta.

Haddii aanay jirin qorshe shan-sannadoodle ahi waaxyaha markabkaas, ma jirto qaab kale oo uu kula xisaabtami karo waaxyahaas ama uu ku ogaan karo wax-qabadka ay qabteen waaxyaha uu ka kooban yahay markabkaas, sababtoo ah, qaabkani waa aassaasska dajinta maareynta shaqooyinka, waxa kale, oo lagu qeexaa geedi socodka qorshayaasha waaxyahaas in ay gaadheen haadafka u jeedooyinkii la hiigsanayey, kuwaasoo loo dajiyo qaabab xeeladaysan oo lagu gaadhi karo qoryaashaas, iyadoo, loo maraayo nidaam loo raaco ama loo curiyo habab loo baahan yahay in loo fuliyo hawlaha wax-qabadka qorshayaashaas, una socon lahaayeen jihaddii saxda ahayd ee loogu tallo-galay, lana kormeero dhammaan  fullinta wax-qabadka hawlahaas in loo fulliyey sidii ugu haboonayd ee loogu tallo-galay, lana  illaaliyo horumarka maamulada dawladaha hoose, iyadoo loo maraayo xeerarka iyo sharciyada ay u isticmaalaan isku bedelka dhulka iyo dhismayaasha.

Marka aynu ka nimaadno nidaamyada lagu ogaado in la gaadhay hiigsiga jihadii loo socday ee bartilmaameedka u ahayd Naakhuudayaasha, haddana, waxa aad u layaab badnaa qoraal ku qornaa dhanbaal sidahaas, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabka, ay u fidiyeen sannadkii hore, adeegyo caafimaad oo lagu qiyaasay 349,088 qof, halka sannadkana la gaadhsiiyey adeegyo caafimaad qiyaas dhan 456,019-  qof, waxaana ku kordhay 106,931- qof celcelis ahaana u dhiganta 31%, taasoo ay ku tilmaameen in korodhkaasi uu muujinaayo, wax-qabadka horumarka adeegyada caafimaad ee la gaadhsiiyey dadka bukaanka ah ee saarnaa markabkaas.  

Haddaba, waxa isweydiin muddan, haddii ay bataan tirada dadka xanuunsanaya ee soo booqanaya goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaas,  ama ay yaraadaan tirada dadka xannuunsanaysa ee soo booqda goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaasi, keebaa lagu tilmaami karaa in ay tahay wax-qabad?
Jawaabta su’aashaasi, waxa lagu qiimeeyaa in ay tahay wax-qabad, marka la yareeyo dadka xannuunsanaya ee soo booqanaaya goobaha adeegyada caafimaadka, waxaana halkaasi kaaga muuqanaysa in la qabtay hawlo badan oo dhinaca, wacyi galinta caafimaadka bulshada, kor u qaadida wax-barasahda caafimaadka bulshada, ka hortagida iyo xakameynta cudurada faafa, illaalinta iyo dhowrida qaabka ay u faafaan cuduradu ee dhinaca, nadaafadda deegaanka, fayo-dhowrka raashinka, biyaha iyo wasakhowga hawada. 

Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen  kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa  markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay  gaadhayso 2024.238  -tone oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone, isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas. 

Waxa sidoo kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah, war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen dadkii markabkaasi saarnaa ? ……….La soco……………
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 14-aad



Dhinaca kale,  Badmaaxayaasha  inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama maarmaanka u tahay mid diiradda saaraysay ahmiyada ugu muhiimsan ee dhinaca baahida nolosha,  aragtida waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen  raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka.

Muddo yar ka dib, waxay isweydiinayeen su’aal aad u la yaab badneyd dadkii saarnaa markabkaas, su’aashaas oo  jawaabteedu ahayd mid aad u kakaneyd,  waxaanay ahayd su’aashaasi, “ Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?, su’aashaas oo macnaheedu uu ahaa, Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa?.
Waxay dad badani su’aashaas kaga jawaabeen, “Markabku in aanu socon, balse, ay dabeyluhu wadhfinayaan,”   halka, dadka qaarna ay ka aamin sanaayeen  aragti taasi ka duwaneyd, taasoo ahayd “ In markabku si fiican badda dushiisa uu dul-mushaaxayo”

Muddadaasi ka dib, waxa markabku uu soo saaray dhanbaal side xanbaarsanaa war-bixin ku saabsaneyd wax-qabadkii sannadkaasi u qabsoomay naakhuudaha markabkii aanu saarneyn, dhanbaal sidaha wargeyskaas oo ka koobnaa 45-xaashiyood oo ay ku xardhanaayeen sawiro tiradoodu gaadhaysay 94- sawir iyo qoraallo war-bixineed, oo ku saabsanaa wax-qabadka waaxyaha markabaasi, kuwaasoo ka koobnaa, waaxda amniga iyo hawl-galka markabka, waaxda badbaadada dadka, dabaasha iyo tababarka shaqaalaha markabka, waaxda warfaafinta, wacyi-galinta iyo madadaalada dadka, waaxda horumarinta caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabka, waaxda isgaadhsiinta iyo horumarinta dekadaha badda, waaxda tartanka ciyaaraha, jimicsiga iyo orodada fudud, waaxda cadaaladda, garsoorka iyo xabsiyada markabka, waaxda saadaasha cimilada badda, hawada iyo sahaminta jidadka badda, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, waaxda horumarinta tamarta iyo biyaha markabka, waaxda maaliyadda iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha markabka, waaxda horumarinta dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, waaxda qorsheynta iyo horumarinta markabka.

Inkastoo, muuqaalka dhanbaal sidaha wargeyskaasi uu aad u qurux badnaa, haddanna, xeel-dheerayaasha iyo qorayaasha inta badan ka faalooda, dhinaca, hoggaaminta, ayaa ku tilmaamay war-bixintaas in ay ahayd, mid lagu dacaayadeynaayey heerka wax-qabadka Naakhuudaha Markabkaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in habayaraatee aanay jirin wax-qorshe  ah oo u dajisnaa shanta sannadood ee soo socota waaxyaha markabkaas, haddii uu jiri lahaa qorshahaasi shanta sannadood laha ahi, waxa laga soo dheegan lahaa qorshihii loo qoondeeyey ee u qabsoomay ee la dhameystiray wax-qabadka qorshaha loogu tallo-galay sannadkaas,  wax-qabadka socda ee aan wali la dhameystirin iyo wax-qabadka dib u dhacu ku yimid, iyadoo la sababeynayo sababaha keenay dib u dhacaas, waana habka kaliyaata ee ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaataan, marka la qiimeynaayo wax-qabadka sannadlaha ah ee waaxyaha markabkiibta. ……….La soco……………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti