Sunday, November 11, 2018

Sheeko gaaban : Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee."


Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee."


Waxa la yidhi”, Sheekh baa tuf-lahaa oo dadka bukaanka ah ee loo geeyo ay markiiba ku bogsan jireen dabiibkiisa, ayaa maalin la kulmay, isagoo salaad subax ka soo baxay, wiil yar, oo tuur leh, oo laba jir ah, oo darbi jiifa, oo diif iyo diihaal badanina uu ka muuqdo,waxa sheekhu uu go’aansaday in uu wiilkaa yar gurigiisa geeyo oo uu korsado, ka dib, markii uu qaangaadhay wiilkii yaraa, waxa uu gacan yare u noqday oo uu u ururin jiray lacagta ujuurada ah ee laga qaado dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray.

Wiilkii yaraa markii uu muddo dheer la shaqeynaayey aabihiisii labaad ee soo korsaday, ayuu xadday lacagtii ujuuradda ahayd ee laga qaadi dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray, markii uu isku hubsaday in uu waxoogaa lacag ah haysto, waxa uu ku hamiyey in uu shaqadii iskaga tago, isla markaana, uu cid kale kula shuraakoobo cilaaj dadka lagu dabiibo.

Tuur markii uu arritaas u sheegay in uu shaqada ka tagayo, Sheekii tufka lahaa wuu u duceeyey, waxaanu ku yidhi” Aabo shamis baannu ku raacinay.

Muddo ka dib, waxa saameyn taban ku yeelatay sumaddii uu lahaa (waa tuurta’e) iyo magaca aabihiisii labaad ee loogu yeedhi jiray (magaca sheekhii soo korsaday), waxaana ku dhacay xannuun nafsaaniya oo ku reebay in uu ka saso magacaa loogu yeedhi jiray.

Oday sheekha’ay aad iskugu dhawaayeen, ayaa maalin ugu soo galay tuur oo maqaaxi ka qaxwaynaya, waxaanu ugu yeedhay magaca aabihiisii labaad, tuur inta uu isbadalay wajigiisii, ayuu ku yidhi odaygii, erayo xannaf lahaa oo uu ku durayey sheekhii soo korsaday, waxaanu yidhi tuur," Sheekhu tufba muu’lahayne ee annigaa dadka bukaanka ah dabiibi jiray, oo xitaa miyeydaan ogeyn in sheekha quraan jiidhay oo uu barri hore'ba uu ka siidaayey."
.
Markii Sheekha la soo gaadhsiiyey haddaladii turxaanta lahaa ee uu yidhi tuur, Sheekhu waxa uu yidhi”, Kol haddaanan mar labaad arkaynin tuur oo laba jira oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee.
Qoraa. Maxamed Faarax Qoti