Wednesday, November 9, 2022

Boqorkii Dadkiisa u Fasaxay Inay Xaman-karaan..

 


Waa hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii ka soo taliyey dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, Boqorku waxa uu muddo dheer  ku riyoon jiray dadka reer Koongo oo cabbaya biyo nadiif ah oo macaan, hilaadda xilligaas waxay dadka reer Koongo ay ka cabbi jireen biyaha Wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Biyaha ku jira Wabiyadan waxay ahaayeen kuwo  wasakhaysan oo aan nadiif ahayn, dadka reer Koongo markay cabbaan biyahan wasakhaysan waxa ku dhici jiray  cuduradda ay ka mid yihiin, ” Ebola, cagaarshowga (Yellow fever) Kolooraha, shuban-biyoodka, cudurka dabeysha iyo Beer-xannuunka, cuduradaas oo sababi jiray in ay dad badan oo reer Koongo ahi u dhiman jireen.

Boqorku wuxuu juhdi badan galiyey in la sameeyo sahamin biyood oo qaadatay muddo dheer ayaa lagu guuleystay soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, ka dib  muddo sannad ah ayaa la ogaaday in bulshadii degaanka ku noolayd aanay isticmaalin ceelkii biyaha macaannaa ee Boqorkoodu u soo saaray, isla markaana, ay ka cabbayaan biyihii wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Waxaannay arrintaas Boqorka ku abuurtay wer-wer iyo walaac badan, ka dib, waxa uu 

magacaabay guddi farsamo oo soo sameysa daraasado iyo baadhitaano lagu ogaanayey sababta keentay in aanay dadku ka cabin ceelkan biyihiisu ay nadiifta yahay.

Muddo dheer ka dib, markii  la soo saaray war-bixintii laga dhur-sugayey ee ahayd qiimeynta iyo xog-ururintii ay sameeyeen guddidaas, taasoo ahayd In boqolkiiba sagaashan iyo saiddeed dhibic sagaal (98.9%) dadkii la wareystay ay ku sababeeyeen in goobta uu ku yaalaa ceelku ay u dhaweyd beer uu deggenaa Boqorku, markii la weydiiyey dhibta ku jirta dhawaanshahaasina, waxay ku jawaabeen, “ Annaga waxa caado iyo dhaqanba noo ah in aannu xamanno Boqorradayada.

Maadaama boqorku tacab badan uu galiyey ceel biyoodkan, isla markaana uu u dhaw yahay beertan uu deggan yahay, waxaannu is nidhi Inta uu xanntiina maqli lahaa, ma’laha waxa ka qurux badan idinkoo kala fogaada xammashadiina, taasina, waa ta gun-dhiga u ahayd sababihii nagu kalifay in aannu ka cabbi weyno ceelkaas biyaha macaan leh, ee nadiifta ah.

Boqorku markii uu dhegaystay warbixintii guddida farsamo ay soo saartay, waxa uu go’aan ku gaadhay in uu soo saaro qarraar ka duwan kii hore u jiri jiray; “Qaarkaas oo dhignaa in maanta laga billaabo, qofkasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in uu xaman karro Boqorkooda, isla markaana, xanntaasi aanay noqon doonin fal-danbiyeedyo lagu ciqaabo muwaadiniinta dadka reer Koongo. 

Waxa go’aankaasi uu xal u noqday soo af-jarida khilaafkii soo jiitamayey ee ay dadka reer Koongo ku diidanaayeen in ay ka cabbaan ceelkii Biyaha macaanaa ee boqorkoodu ku riyoon jiray.  (Fiiro-gaar ah, Akhriste, maaha sheekadan mid aynu ku jideynayno in xantu ay tahay wax fiican, laakiinse, waa sheeko ka mid ah sheekooyinkeenii hallaasiga ahaa).


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Sunday, July 10, 2022

Taaladii Xusuus Reebka ahayd


Ninbaa laga hayey Kaaraa I'jiidhay, muu soo hadal qaadeen, walee Miig baan goob çidla ah ka hellin oo aan rusheyn, markaan arko dhalin yaro badan oo isku hoos sawiraaya taalada xusuusta dheer leh ee loo sameeyey xasuuqii ciidamadii taliskii Siyaad Barre u geysteen shacbiga reer Somaliland, Taaladaas oo guudkeeda la dul saaray mid ka mid ah diyaaraddihii dagaalka ee loo yaqaano Mig-17 kuwaasoo ka haadi jiray gegeda diyaaraddaha caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxay dib u rusheyn jireen dadkii rayidka ahaa ee ka barro kacay Isla Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,       

Taaladan xusuus reebka ah markaan arko waxay igu beertaa dareen gaar oo dib ii xusuusiya maalmihii qadhàadhaa, Miigaas oo ay wadaan laba duuliye oo lla beegsanaayey hubka darandooriga udhaca, iyo xeeladdii aan kaga bedbaadi jiray.

Markii ay soo galeen Caasimadda Hargeysa ciidamadii xaq u dirirka wadaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement) taariikhdu markay ahayd bishii May,  31- keedii sannadkii 1988-kii, dagaalka markuu socday muddo bil ah oo aan la qabsaday  in aan fahmo yoolka madaafiicda faqashtu soo ridayeen, ayàan ka anbabaxay magaalada Hargeysa, anigoo aaday tuulada ANAYO.

Nasiib darro'se markii aan halkaas gaadhay waxaan kala kulmay nooc ka mid ah diyaaraddaha dagaalka ee loo yaqaano MiG-17 (Mikoyan  Gurevich) oo rushaynaysa dadkii rayidka ahaa ee ka barakacay dagaalka la socday Caasimadda Hargeysa, markii aan dhowr jeer sigtay  ayàan qorsheystay habkii aan kaga nabada gali lahaa iyo sidii aan ku ogaan lahaa marka ay soo socoto diyaaraddaas waxaan go'aansaday dhinaca aan dhagaxa lahayn in aan geed aan kaga gabado ka raadiyo, waxa kale oo aan  ogaaday diyaaradda sawirada ah marka aan maqlo guuxeeda in ay diyaaradda kalena  ku daba jirto, waxaan qorsheystay markaan diyaraddaas guuxeeda aan maqlo in aan ku dhawaado  geed carmo badan lahaa in aan gabood ka dhigto.

Inkastoo aan kaga bedbaaday geedkaas dhowr jeer, haddana waxay iigu darneyd maalin anigoo jooga dooxa ANAYO oo bar kulan u ahayd in ay iskugu yimaadaan dadku, ayàan maqlay guuxa diyaaraddii sawirada ahayd, ka dib waxaan go'aansaday in aan u soo kicitimo dhufeyskiii aan kaga gaban jiray, in yar markaan u jiray geedkii ayàan maqlay guuxii MiG-17ka, waxaan degdeg u hoos galay geedkii carmada lahaa, diyaaraddaas  oo laba duuliye saaran yihiin oo ku haadaysa duulimaad aad u hooseeya igaga timid dhinaca galbeed, ka dib markii Hal jiiro ah soo wareegtay,  ayaa Nin xoog ah oo ordayaa iigu soo galo geedkii carmada lahaa ee aan ku hoos jiray, illayn diiraddaaba haysata waxaanay  nagu soo gantay saalbo hubka darandooriga u dhaca oo geedkii aanu ku hoos jirnay, waxa qariyey uuro siigo ah, ka dib, Ninkii iigu soo galay geedka hoostiisa ayaa salbabakhii dhirbaaxo qaaday oo dhegtaa midiga igaga dhuftay, waxaannu igu yidhi, saacaddaadan ayey soo eeganaysaaye  bixi, ka dib, anigoo naxsan oo aad moodo dhawaaqa ka baxaya dhegtayda in madfac agtayda laga riday, ayaan degdeg u saaray saacaddii aan xidhnaa, maalinkaas waxa ay waxyeelo iskugu jira dhaawac iyo dhimàsho soo gaadhsiisay 21- qof oo rayid ah,

Tuesday, April 5, 2022

Baroor-diiqdii Bisaddaha




Muddo kooban ayaan ka fikiraayey hal aan tebayey in aan idiin soo tebiyo qoraalkan xanbaarsan baroor-diiqda boqollaalkii naftood ee ku naf waayey dabkii ka qabsaday suuqa ganacsiga waaheen iyo tiiraanyada boqollaalkii wadhatada dan-yartii tabaalaysneyd ee hantidooda ku weyday aafadii ka dhalatay dabkii ka huray suuqa ganacsiga waaheen ee ku yaalay Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadka qaarbaa aad ula yaabay, ka dib,  markii ay ka dhegeysteen war-baahiyayaasha muuqaal aragga, dhacdadii ka dhacday Dalka Ingiriiska in laga furay hudheel cunto oo loogu tallo-galay in ay ka cunteeyaan Dab-joogta Bisaddaha, laakiise, suuqa ganacsiga waaheen waxa ku nafwaayey boqollaal dab-joog ah oo aan haysan daryeel caafimaad, cunto, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo hooy ay ka jirsadaan roobabka iyo dhaxanta.

Waxa uu u ahaa suuqaasi gabood iyo gaashaan, waxaannay ka helli jireen cuntada ay ku noolaayeen, habeenkiina waxa uu u ahaa hooy ay seexdaan bisaddahaasi.

Habeennimadaas markii dabku qabsaday suuqa waaheen waxa ku sugnaa boqollaal dab-joogta bisaddaha ah oo aan nasiib u yeelan in ay hellaan gurmad lagaga samoto-bixiyo dabkaas, ma’naanay jirin cid xasuusata iyo cid taageero dhaqaale ka gaysata dab-joogta kale ee ku daranyeysan dalka gudihiisa.

Dab-joogta Bisaddaha ayaa ah kuwo ku wadeecaysan dalka ay ku noolyihiin, dadka ay la noolyihiina ee ay weecaansadaana ay yihiin kuwo aan u hayn naxariis iyo tudhaale midnaba.

Marka aynu u naxariisanno mayeedhaanka dab-joogta ah ayuu Alle (SW) uu inoo naxariisanayaa, sidoo kale dhambaalkaygan baroor-diiqda bisaddaha ah ee aan ahayn tacsida, waxaan halkan u marinayaa diranayaasha xeelsha-dheer leh iyo danneeyayaasha illaaliya xuquuqda dab-joogta iyo duur-joogta in ay iska ilaaween waajibaadkii shaqo ee ka saarnaa mayeedhaanka.


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti.