Posts

Showing posts from 2026

Xaaboolihii Dhakhtarka Noqday (The firewood collector, who became a doctor)

Image
Nin xaaboole ahaan jiray oo dhawaaqa codka shimbiraha ka faashan jiray, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo xaabaysanaya maqlay dhawaaq ciy shimbiro saarnaa dhirtii ka ag'dhawayd goobtii uu xaabada ka guranayey, shimbirahaas oo codad kala jaada oo cudoon ku luuqeynaya, sida, Odayga idaha caanaha uga'lis, ma'oodweynaad ka timid, Ido waa dawo, ido waa dawo, naagaa u diiday, naagaa u diiday, soo daf, soo daf, qaw haan qaw haan qaw, qaw haan qaw haan qaw iyo widhidhii, widhidhii, ka dibna, inta uu aad u qoslay, ayuu fahmay widhidhii, widhidhiidaas danbe in suuqa xaabadu maanta uu yahay widhidhii, widhidhii, ka dibna xaabo badan ayuu u iib geeyey, si fiicannna waa looga iibsaday. Maalinkii labaad xaaboolihii oo ku luuqeynaaya midhaha heestan macaan ee tidhaahda, Shimbir yahay lalaysaa, Adna laydha guudkaad leexaysanaysaa, Ragna laba diblaa geed, Gudub loogu loodshoo, Luguhuu Ka xidhan yahay, Sida aad u looshiyo, Liirtaanyadaan qabo, Laba kala fog weeyee, Lurka weli ma'kul...

Ma'ogolin Xadhiga Daba-galiska ah

Image
  Awrka hayinka ah wuxuu adkeysi iyo dulqaad u leeyahay rarka xajmiga culus ee gurada laga saaro Awrka gurgurshaaga ah ama ratiga, rarkaas wuxuu u baahdaa hab-farshaxannimo oo ay ku ladhan yihiin aqoon iyo xisaab sugan, waa siday ay awowyaasheen ugaga fikiri jireen culeyska, isu dheelitirka rarka iyo ilaalinta xooluhu si ay ugu adkeystaan xilliga lagu jiro hayaanka dheer ee geedi-socodka baadiyaha, taasi waxay ka turjumaysaa dulqaadka, isku-tashiga iyo adkaysiga ay bulshada Somaliland u lahaan jireen xaaladaha adag ee ku saabsan noloshood iyo waayahooda nololeed. Haddaba inagoo taas ku dabaqayna maanta wacyiga iyo xaaladda taagan, ma,ogolin xadhigaa daba-galiska, waxaannu ku diida ahay, waxaynu ka ogolaanay inay inagu xidhaan xadhig- hogaan ah oo ay inagu hogaamiyaan, haddana, waxaynu ka ogolaanay xadhigii faruur xidhka inay inagu xidhaan, waxaynu ka ogolaanay tu'intii iyo duu inay inagu yudhaahdaan, markaasaynu maqalnay, waynu maqalnay, waynu u soo joogsanay, waynu u hogaansanay...

Dhacdo

Image
Hooyaday waxay xabsiga ku jirtaa muddo lix-sanno ah, iyadoo lagu eedeeyey dilkii aabahay, illaa iyo hadda qofna muu rumaysnayn in aanay waxba galabsan.  Shan daqiiqo ka hor dilkii Aabahay, walaalkayga iga yar ayaa ku tiirsaday, "Ha ii ooyin," hooyaday ayaa ku tidhi, iyadoo gacmaheeda lagu xidhay katiinad, balse, codkeedu wuxuu ahaa mid ay ka muuqdo degganaansho, Todoba iyo toban jir baan ahaa markii xukunkeeda lagu dhawaaqay.  Aabahay meydkiisa ayaa laga helay jikada gurigayaga, isagoo ay jidhkiisa ku yaalo hal-mindi ah oo lagu dhuftay, hubkii lagu dilay Aabahay oo dhiig leh ayaa laga helay sariirta hooyaday ay ku jiiftay hoosteeda, mindidaas faraheedii ayaa ku yaalay oo laga helay, maradii ay xidhnayd dhiig baa ku yaalay, waa wax iska cad, waligay kor umaan odhan hooyaday ayaa falkaa samaysay, haddana, anigoo rumeysan taas,, ayaa Hooyaday Caroline Hayes waraaq iiga soo dirtay xabsiga, fariintaas oo ahayd maan sameyn hooyo danbigaas, waligayna yeeli maayo in aan aabbahaa d...

Mulacii liqay subxaanyada

Image
Waa wax aad loola yaabo dharaarahan in aynu maqalno sheekadan aadka u xiisaha badan, waxay ahayd Xilli ay amintu ku beegnayd gabal dhac gol-cas, qoraxdu liiqa sii dhigaysay, jawiga cirkuna uu huwannaa daruuro riman iyo kuwo irmaan, oo ay dhacaysay yalalaxo khafiifa, neecow qabow oo xanbaarsanayd saxan-saxo udgoon oo uu socday duleedka caasimadda Hargeysa ayuu maqlay dhawaaq wadareed-shimbiro ah oo mashxaradaya oo geed fuushan, wuxuu u soo cago-duwaday dhankii uu ka maqlayey codka shimbiraha, wuxuu arkay mulac iyo subxaanyo is dilaya, mulacu inta uu hunguriga ka qaniinay subxaanyadii ayuu dabada ku martay geed yar, si aanay subxaanyadu ula cararin, waa dagaal kala bedbaadin tooduna ay ahayd mid aad u khatar badan. Mustafe kamuu tegin oo iskamuu dhaafin, wuxuu is yidhi kala bedbaadi oo kala qabo, ka dibna, aad u garnaqdid, wuxuu soo qaatay ul-dheer oo uu ku kala fur-furo mulaca iyo subxaanyada, wuxuu galiyey tacab badan ugu danbeyntiina wuu ku guulaystay in mulicii uu sii daayo subxaany...

Badda Haanta

Image
Naayaa dhig-dhigo dhabar yar  Geelii dhabada qaad  Kuraygii dhaqaaq joogsay  Naylihii dhawaaq daa  Waagii dharaarow'ye  Sow ma'ba dhanaannaatid  Ma fayoobid oo ogi  Faro’na kuguma yaal  Ma’furkaa lagaa nuugay  Haantu iyadoo doora  Oo doobir weyn la’lisa  Ayey doob gocorra aragtay  Dabadeed laga quusa  Qoraa Maxamed Faarax Qot

Nabi Shuceyb

Image
 Nabi Shucayb (CS) waxaa loo diray qoomkii reer Maduuna (Madyan) oo ku noolaa deegaanka degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, kuwaasoo loo yaqaanay dadkii Keynta, ama dadkii Ayga (Asxaabul-Aykah), waa dadkii ku noolaa dhulkii qanniga ku ahaa dhirta, Ayga iyo keynta dabiiciga ah ee ku teedsanaa buuraha dhereran ee Golis, Guban iyo Oogada Jamhuuriyada Somaliland. Y Nabi Shucayb wuxuu ahaa Nabigii 12-aad ee lagu soo dejiyo waxyiga, waxaannu ka soo jeeday faracii Nabi Ibraahim (cs), inkastoo Quraanka Kariimka ah lagu xusay 11-jeer, haddana, wuxuu ku magac dheeraa Af-hayeenkii Anbiyada, waxaannu dedaal naxariis ku dheehan tahay iyo joogteyn juhdi badan galiyey, sidii uu u tirtiri lahaa musuq-maasuqa, sanab caabudka, iyo dhaqamada ganacsi ee aan daacadda ahayn. Nabi Shuceyb wuxuu baaqiisii ugu horeeyey u jeediyey dadka reer Medyan, isagoo faahfaahin dheer ka bixiyay, si caddaalad ah inay dadka ula dhaqmaan, si sax ahna Alle u caabudaan, waxaannu ku booriyey inay iska joojiyaan miisaan...

Shaxda

Image
Ciyaaruhu waxay faaiido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka iyo caafimaadka maskaxda baniaadamka, Ciyaar dhaqameedka Shaxda, shantaradka iyo ciyaarta Jestu waxay u baahdaan maskax, fikir iyo xeelad ku fadhida xisaab qoto-dheer, waxaannay kobciyaan Maskaxda bani'aadamka, kuwaasoo kaalin weyn ka qaataan dhinaca, hagaajinta iyo horumarinta waxbarashada, xusuusta feejignaanta, kalsoonida, dhiiri-galinta, himmilada iyo go’aan qaadashada, kuwaasoo laga dhaxlo hab-dhaqannada wanaagsan, sida, habka-wada-shaqaynta, tix-galinta iyo dulqaadka, waxaannay yareeyaan walbahaarka iyo niyad-jabka. Ciyaar dhaqameeddada kale ee cadaloolka, leelada, luufka, jagida, roodhi kowda, faadfaadka, riyo ka dhalista, jabadaanta, kubadda cagta, gacanta iyo Kolaygu, waxay faa’iido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka oo ka hela tamar, adkeysi, awood, dabacsanaan iyo hurdo fiican, waxaannay jidhka ka caawiyaan xubnaha hab-dhiska wareega dhiigga iyo hab-dhiska neefsashada, isla markaana waxay ka hortagaan cayilk...

Ruwaayaddii Ilmadii yaxaaska

Image
  Siyaasiga Taban wuxuu rumeysan yahay in aan la bilaabi karin ruwaayadda, haddiiba aanu isagu goob joog ka ahayn fagaaraha bandhiga ruwaayadda, isagoo awood xirfaddeed, faham iyo garasho taama ah u lahayn dulucda ruwaayadda, haddana, wuxuu faraha la galaa hawlo aan isaga khuseyn, isagoo iska dhigaya kii hagaajinayey goobta lagu qabanayo fagaaraha bandhig-fanneedka ruwaayadda. Siyaasiga toggan ee jilaaya ruwaayadda maadda iyo qosolka badan, marka uu fahmo in laga dhabqinayo habka iyo hannaanka toolmoon ee ay u socoto ruwaayaddu, Jilaagaasi wuxuu ugu jawaabaa siyaasiga taban ee ruwaayadda dhabqinaya, badheedh, xinniinyo yeelo, u sheeg dadweynaha inaad ka soo hor-jeedo ruwaayaddan dadweynuhu daawanayaan.  Dadweynuhu waxay hore u soo daawadeen ruwaayaddo badan oo lahaa qosol iyo maad badan, waxay ka war'hayaan, in Aragtida quman ee jihada hilinka siyaasaddeed ee Somaliland uu ka gudbay siyaasaddii ku saleysneyd yowyowtanka iyo fikradaha madhan ee lala yaacayo, waxay og'soon yihi...

Sheeko Kale: Shaqadaydii Maaha

Sheeko Kale: Shaqadaydii Maxaa Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeennii haalaasiga ahaa ee inta badan ku saabsanaa qorista qoraallada talooyinka maamul wanaagga iyo guusha shaqada lagu gaari jiray. Waa sheeko ku saabsan afar masuul oo la kala odhan jiray, Qof-waliba, Qof-uun, Qof-kasta iyo Qofna, Afartan masuul ayaa loo igmaday inay qabanayaan shaqada aad muhiim ugu ahayd qaranka, waxa laga sheegay Qof-waliba in uu shaqadaas qabto, Qof-walba wuxuu hubay in uu shaqadaas qaban doono Qof-uun. kasaaray Qof-uun, xilli aanu Qofna qaban wixii Qof-kastaa uu qaban karayey. Hadii aynu doonayno in aynu iska yeelno lagu gaadhi lahaa guusha nolosha aynu, waa in aynu nafteena daacad u noqonnaa, sababaha ah, go'naan qaad waxay ku lugta yeelashada marka ficil loo sameeyo shaqada la, waanna dariiqa kaliyaata ee lagu gaadho guusha shaqada aynu hiigsanayno, fadlan, ha'noqonnin sida Afartan masuul ee Qof-waliba, Qof-uun, Qof-kasta iyo Qofna. Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Madaxweynahaygii Lixaadow

Image
 Madaxweynahaygii Lixaadow bilaahi caleyk, Daawuhu markuu cusub yahay waa la jare-baraa, oo inta hoosta laga shido ayaa dushiisana la guro-saaraa oo buushaa lagu gubaa, ka dibna xaydh iyo milixbaa lagu guraa, markaa la agloolliyo ayaa laxooxdaa lagu dubaa, bal garoo, laxaad ku dhameysatay ka hor iyo markii ugu horeysay ee la soo gabagabeeyo, bal garoo, laxasuusan ugu horraystaa kahor iyo markii ugu horeysay. loogaga dhigaa. Bilaahi caleylk Madaxweyne cugashadaadan wax ka beddel, waa iga tilmaan, tallo iyo toosine. Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Dharab, Laba-labaa bedelay

Image
Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doona  Sheekadii ugu cajiibka badneyd, taas oo aan illaa iyo hadda aan la fahmin ciriqa ka dhexeeya magaca dadkan hoos ku xusan iyo Madaxweynayaasha had iyo goor hore u qabtay Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Afayeen ah, markii loo furey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa ku silsilad geed ku yaal horyaal horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayan ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? Quruxdii Halkeed, Maya, Nin Maxamed la yidhi oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doona ee iska tag. Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxt...

Saddex caabuqa uma fiicna baa la yidhi,

Image
  Saddex caabuqa uma fiicna baa la yidhi,  -Gu'goo ku curtay cirkoo caad leh, sida gu'gan aynu maanta galnay caadku uma fiicna baa la yidhi, waxa la filan jiray roob yaraan. -Aroos cadho lehna ma'fiicna baa la yidhi, Arooska ama Aroosadda midkood haddii uu cadho qabo ka kale ayuu qaadsiiyaa baa la yidhi -Ugub carcar leh ma'fiicna baa la yidhi, taas waxaan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta mudan in ay sharax kooban ka bixiyaan. Author. Mohamed Farah Qoti

Nin 22-sannadood Tuug ahaa oo dalbaday in la cafiyo

Image
(Mucjisadii Wariye Kalshaale ka qabsatayTuuggii xariifka ahaa ee uu wareystay) Waa dhacdo aad u ciiso badan oo aanad mar'naba jeclaysaneyn inay indhahaagu ka sii jeedsadaan taxanaha qormadan. Goor caweysnimo ah ayuu wiil dhalin yaro ah oo ku labisnaa shaadh iyo surwaal uu ka soo galay kadinka hore ee xaruntii Wargeyska Jamhuuriya, h ilaaddii bishii Deyr-habis (Octoobar) 8-deedii sannadkii 2016. Salaan ka dib, wuxuu u soo kicitimay dhankii aan fadhiyey, waannu i'soo garab fadhiistay, waxaannu igu yidhi:, Waxaan idiinku imid i n aan idinla wadaago dhibaato igu kaliyeysatay in Wargeyska Jamhuuriya uu iga wareysto, waxaan ahaa Tuug muddo 22-sannadood ahayd, waxaan noqday Tuug caan ah, inkastoo gashigaan xadi jiray aan ugu deeqi jiray dadka dan-yarta ah, dadka buka iyo darbi jiifka, balse, waxaan go'aansaday in aan shaqadaas iska casilo muddo haatan laga joogo siddeed bilood ah. Nasiib daro'se, marka meherad ama qof wax laga xado ciidanka nabad-galyadu qofka ugu horeeya...

Red Sun

Image
  Aroornimaddii hore ee maanta markay Qoraxdu la soo dhalatay midabkan guduudan, dadka qaar waxay u qaateen in habeenimadii ay ahayd habeenkii Laylatul qadriga, laakiinse, arrintu waybka duwan tahay sidaas, sababtoo ah marka bikaaca Iftiinka falaadhaha Qoraxdu inoo soo gudbinayso ay dhex-galaan boodh ama wasakhow ku jira hawada ama qiiq ka dhashay qaac oo hawada isku dhareeray, taasaa sababaysa in midabkaa casaanka ahi uu soo dhex galo hirarka iftiinka Qoraxda. Waxaanna inta badan la arkaa labada fiidyo cawl, maantana waxaynu ognahay dagaalka ka socda bariga dhexe ee la isku adeegsanaayo gantaalaha ridada dheer, waxyeeladda ka dhalatay iyo qiiqa isku beddelay daruuraha ee ka dhashay goobaha shiidaalka ee la qarxiyey, markiibtii siday saadka shiidaalka iyo goobo badan oo hol-caya oo sababay wasakhowga hawada ku yimid. Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Jihada loo Tukado

Image
Nin Oday ah oo aanu maalin ka wada sheekaysanay jihada Somaliland u tukato, ayaa ii sheegay, in uu wajiga qiblada u jeediyo inta kale cumaan marka uu masaajidada ku tukanayo, sababtoo ah dhamaan Masaajiddadeenu jiho khaldan ayey dadka u Tujiyaan. Alle (SW) wuxuu dejiyey jiho salaada loo tukado, taasoo ah amar la faray oo lagu waajibiyey dhamaan muslimiintu ay wajigooda u jeediyaan goobtan gaarka ah ee Masaajidka xurmada leh ee Kacbada (Al-Masjid al-Haram) oo ku yaala magaalada Maka ee dalka Sacuudi Carabiya, sida ku cad Qur'aanka kariimka ah suurada Labaad ee Al-Baqarah Aayaddeeda 149-150-aad. Laakiinse, jihada maanta aynu u tukannaa waxay ku beegan tahay cumaan, haddaba, waxa isweydiin mudan salaadeenu sax miyey ku tahay jihadan ka hor imanaysa Amarkii Eebe? Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Waa dhacdo la yaab leh

Image
Nooc ka mid ah diyaaraddaha hawada sare haada oo ay saarnaayeen siyaasiyiin tiro badan ayaa ku burburtay beer u dhaweyd tuulada malawle oo 15-km u jirta Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Markii ciidamada amnigu ay gaadheen goobtii shilku ka dhacay, waxay weydiiyeen siday wax u dhaceen mid ka mid ahaa goob joogayaashii arkaayey markay diyaaraddu dhacaysay, waxaannu yidhi, Beer-falihii, Beertayda agteeda ayey shil ku galeen, ka dibna, waxaannu ku wada-aasnay xabaal-wadareed, mid ka mid ahaa ciidamadii amniga ee goobta soo gaadhay oo naxsan ayaa weydiiyey, in uu hubo inay dhamaantood wada-dhinteen"?. Beer-falihii ayaa ugu hal celiyey, mid ka mid ahaa Wasiirkii hawada iibiyey iyo kuwo kaleba, waxay ku qeylinayeen markii aanu aasaynay "Weli waannu nool-nahay",   Laakiinse waannu rumaysan kari weynay, idinkuba waad garanaysaan siyaasiyiintu inay been sheegi karaan. Illayn waa riyo beenoo, markaas uun baan soo baraad-rogay. Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka Q-2aad.

Image
                                        Q/2aad . Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka  Doorashooyinka: Dhinaca Doorashooyinku waxay xal u noqdeen walaacii laga qabay in uu burbur ku yimaado Adduunka, dhalashada cusub ee ku dhisan habka doorashooyinka shakhsiga ah ee Adduunka, waxay abuurtay isbeddel-wadajira ah oo miyir-qabta,  sannadkan waxa la kala dooran doonaa naxariista ama daneysiga, cadaaladda ama xukunka, sinnaanta, fahamka iyo awoodsiinta dadka kale, waxa muhiim ah in wixii tartanka doorashooyinka wax u dhimaya in laga fogaado ee u dhexeeya runta iyo beenta, wixii toggan iyo wixii taban, wanaaga iyo xumaanta, isla markaana loo hoggaansanaado balanka. Dhaqaalaha : Dhinaca dhaqaalaha waxa la filan jiray gaabis ku yimaada kobaca dhaqaalaha iyo suuqyada maaliyadda, sicir bararka iyo shaqo la'aanta, laakiin, waxa deyr inooga noqon doona kheyraadka dahabka, sl...