Xogahan
cusub ee ku saab-sanaa qiimeeynta xadka
farxada dunida ee Sannadka 2015-ka, waxay ahayd xog laga soo ururiyey 158-dal oo
ka mid aduunka, taasoo ay soo saartay Jaamac
ku taala dalka Ingrisiika. dibna lagu baahiyey mareegaha wararka ee aduunka
23/4/2015.
Cilmibaadhistan
oo falanqeyn iyo isbabar-dhiga lagu sameeyey, qiimaha noloshada, fayo qabka dadka iyo heerka farxada dadka da’doodu u dhaxeyso 4-sanno illaa iyo
84-sano jir, waxa iyana sidoo kale loogu
kuur-galayey waxa afka-qalaad lagu
yidhaa “Dystopia”, oo macno ahaan noqonaysa “cabirka qiimeynta dalalka ama
wadamada dhinac kastaba aan lagu farxi Karin ama xun, kali-talisnimo, iyo in deegaan
ahaanba ay ka jirto xurmo-la’aan”

Sida
la isku wada raacsan yahay Erayga
macnaha Farxada, waxa lagu sifeeyaa, “ Soo af-jarida colaaddaha, saboolnimada
iyo xaaladaha kale ee nasiib-darrada u
ah aadamaha intooda badan in laga
wada- shaqeeyo, laguna wada noolaado sida bani'aadamku u nool yahay.
"
Hogaamiyaha
talada Dalka haya ee Mudane Axmed
Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa ku dhawaaqay ka hor intii aanu ku guulaysanin mansabka madax-weyne-nimo in
aanu doonayn ama aanu ahayn mid
raadinaya dhaqaale uu ka urursado dalka balse uu doonayo inuu dadkiisa iyo
dalkiisaba uu gaadhsiiyo horumar, taasina
waxay ka mid ahayd qiimeyntii xog-ururineed ee lagu cabiraayey fikira
aragtida dhabta ah ee ay ka dareensan yihiin dhamaan bulshada reer Somaliland.
Waxa
sidoo kale aan kaba maqnayn
qiimeyntaasi, dhinaca, horumarka
kaabayaasha adeegyada bulshada ee xukumada
Somaliland ku talaabsatay, taasoo
tibaaxday in dhismayaal cusub laga
bineeyey 20-wasaaradood lana dhameys-tiray, Gegooyinka diyaaraduhu ka haadaan, wadooyin
isku xidha gobolada iyo in ka badan
50-meeyo ka mid ah xafiisyada dowlada, balse
muu ahayn dhaqaalahaasi mid caawimo ah
oo ay ka heleen wadamada shisheeyaha ama
haydaha deeq -bixiyayaasha, laakiinse ay ahayd mid qaadhaan ay iskaga ururiyeen muwaadiniinta reer
Somaliland, in kastoo xukuumadoodu aanay
haysan dhaqaale ku filan haddana waxay u
maamushay habkii iyo nidaamkii ugu
haboonaa ee loogu tallo-galay
qaadhaankaasi.
Marka
aynu eegno hagaha xog-ururineed ee la sameeyey ayaa ahaa mid lagu qiimeynaayey dhinaca
arrimaha bulshada, sida, xanaanayta caruurta agoomaha iyo
caruurta naafada ahiba inay helaan kaalmo dheeli-tiran iyo inay tayada
mustaqbal ee noloshoodu fiican tahay, kor-uqaadista adeegyada wax-barashada, dhiiri-galinta wax-soo saarka dalaga beeraha,
dhiiri-galinta hibooyinka dabiiciga ah iyo madadaalada fanka iyo
suugaanta, dhiiri-galinta maal-gashiga
shirkadaha ajanabiga ah, dhowrida
xoriyatul qawlka, xalinta khilaafaadka, illaalinta khayraadka dabiiciga ah,
nabad-galyada iyo difaaca dalka, inkastoo aad arkayso hogaamiyahooda oo kala
qayb-qaadanaya maalmaha ollolaha nadaafada qaranka ee lagaga ururinaayo qashinka magaalooyinka gobolada dalka, taasoo
ku tusinaysa, sida uu ugu heelan yahay madaxweynahoodu inuu markasta
arko bulshadiisa oo ka fayo-qabta cudurada
ka dhasha nadaafadarada kuna noolaadaan caafimaad qab iyo deegaan nadiif ah, in
kastoo ay jiraan laba arrimood oo khatra-weyn ku ah bulshada reer Somaliland.
1. Marka aad eegto goobta qashin qubka dareeraha
ah ee lagu daadiyo saxarada gaar ahaan caasimada Hargeisa ayaa ah doox biyo
mareen ah, kaasoo ceelasha dooxaasina biyiihiisa ay dadku u iticmaalaan cabitaan, kana soo dhaamiyaan booyadaha biyaha keena
caasimada Hargeisa.
·
xalkeedu wuxuu noqonkaraa in wasiirka
arrimaha guduhu ka mabnuuco goobtaas in
lagu qubo saxarada, isla markaana u
asteeyo goob ku haboon oo lagu qubo qashinkaa dareera ah.
2. Mushkilada labaad ee illaa hada taagan oo
ah, suntii ayaxa oo raadkeedii lagu
arkay dooxa Hargeisa , taasoo khatar ku ah noolaha iyo deegaankaba.
·
arrintan xalkeeda waxaan u arkaa in loo
saaro gudi wasiiro ah, sida, Deegaanka, xoolaha,beeraha, arimaha gudaha,
caafimaadka, biyaha, arrimaha bulshada.
aan
u soo dego war-bixinteenii taasoo aynu ku eegi doono dhanka siyaasada ayaan
lahayn wax-turxaan ah , wallow mararka qaarkood ay dhacdo in la isku yara diidi
dhinaca fikradaha taasoo marka danbe ku dhamaata guul iyo is afgarasho.
Somaliland
waxay heshay dhibcaha ah 5,057, waxaanay
ku guulaysatay kaalinta 91-aad faraxada aduunka, gaar-ahaana marka la
qiimeeyo kaalinta ay kaga jirto qaarada Africa waxay ku soo baxday 10-ka ugu
horeeya ee wadamada qaarada Africa, wadamada ka dhibco horeeyey waxa ka mid
ahaa, sida :-
·
Libya
·
Algeria
·
Mauritania
·
Nigeria
·
Zambia
heerka
darajada qiimeyntan xog-ururineed oo loo adeegsaday doorsoomayaasha kuwaas oo
saameyn ku yeeshaa dhinaca nolosha iyo arrimaha bulshada waana sidan hoos ku
xusan.
•
Dhaqaalaha
•
Rajada ku noolaanshaha caafimaad qab iyo
cimri dhererka .
•
Helitaanka taageerada bulshada.
•
Deeqsinimada (tusaale ahaan, haddii ay jirto bishii la soo dhaafay, qof ku deeqay samo fal ).
•
Fahamka musuqmaasuqa dowlada iyo ganacsiga..
•
fikradaha iyo xorriyadda shakhsiga.
·
Dimuquraadiyada iyo doorashooyinka
·
musuqmaasuqa dowlada
Waxaynu
illaa hadda rajeynaynaa, sidii aynu u heli lahayn hayadda
tiro-koobka gudaha dadka iyo sida loo ururiyo noocyada xogta ama habka loo soo bandhigo war-bixinta shaqsi
ahaaneed, si loo aqoonsado iyo in la sameeyo qorshe lagu hago nolosha
dadweynaha si loo gaadho geedi socodka siyaadeed iyo himilada la hiigsanayo.
Maxamed
Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid