“Qormo iftiiminaysa shuruudaha caalamiga ah ee looga baahan yahay biyaha la warshadeeyo ee caagadaha iyo wax-yaabaha ka dhiman biyaha laga soo saaro Somaliland”- Maxamed Faarax Qoti 24.July.2015

Biyuhu waxay sare u qaadaan
boqolkiiba 78 maskaxdeena, halka laba dalool oo saddexna ay kor u qaadaan
miisaanka jidhka aadamaha, maaha wax la fududeysan karo shaqada biyuhu qabtaan,
waayo, Biyuhu waa gaadhiga xaamuulka ee qaada macdamaha, sidda, Tamarta
“carbohydrates” nafaqada “ proteins” iyo
Fiitamiinada, oo ah macdano Alle ugu
talo-galay jidhkeena, kuwaasoo illaaliya xubnaha jidhka noolaanshahooda, wuxuu
sii qaadaa walxo khashin ah isagoo ka saara jidhka, waxa kale oo uu caawiyaa
barkinka xubnaha kalagoosyada iyo ka-hortaga dheecaanada candhuufta,
Inkastoo lagu qiyaaso dumarka biyaha
jidhkooda ku jira boqolkiiba 55, biyaha maalintii ay cabaana 1.6 litters, halka
raggana lagu qiyaaso boqolkiiba 65, ay cabaana maalintii 2 litter oo dareera ah, haddana,
haddii aynu cabi waayno biyo inagu filan
maalintii, waxaynu dareenaa haraad badan, ka dibna calciumkii ku jiray kaadida waxa
uu noqdaa jidhiidh ku ururta kalyaha, kaasoo isku bedala dhagaxaanta kalyaha
fadhiista (Calcium Ox late) ee
xanuunka daran, waxaanay ilkaha ku sameeyaan suus iyo in dhaawac uu ku yimaado
maskaxda.
Sida ay qabaan ururadda
caalamiga ah ee caagadaha biyaha (IBWA) Hayadda caalamiga ah ee maamusha
cuntadda iyo Daawada (FDA), iyo Hayadda caafimaadka Adduunka (WHO), macdanaha biraha ee culusi ee ku
jira biyaha caagadaha ay dhibaato badan ku keeni karaan caafimaadka, haddii
macdanuhu ka bataan ama ka yaraadaan heerka loogu talo-galay, wax-yeelooyinkaas
waxa soo raaca oo kale inay daciifiyaan koritaanka iyo horumarka jidhka,
kanserka, dhaawac ku yimaada unugyadda iyo habdhiska daareen wadayaasha, haddii
xad-dhaaf noqdaana waxay sababi karaan illaa heer dhimasho, Sidda:- Mercury,
lead, kuwaasoo sababa inay la dagaalamaan horumarka difaaca jidhka, isla-markaana
waxa dhacda in habka unugyadda difaaca qofku is-weeraro, taasoo ku keenta qofka
sida:- xubno-xanuun, kalyo xanuun, habdhiska wareega dhiiga iyo habdhiska
dareen-wadayaasha xanuun.
Sida ku cad PH-ka oo ah xajmiga
awoodda biyaha, kaasoo ah cabirka ugu wanaagsan ee tilmaama xajmiga biyaha
awooddoodu adag tahay iyo inay khafiif yihiin, waxaana biyaha saafiga ah lagu qiimeeyaa awoodda xajmigoodu
yahay 7-ba, hadday ka hooseeyaan waxay noqdaan biyo aysiidhi ku jirto oo khafiif ah, isla markaana ay ku jiraan Attamadda
sida, Birta, Manganese, Naxaas, lead, Zinc, iyo waliba macdamaha suntan ah ee
heerkoodu sareeyo, waxyeelada ay soo gaadhsiiyaan maryaha lagu maydho ka sokow,
waxa kaloo aadamaha soo gaadhsiiyaan xaalad caafimaad darro, sida:- dhicinta
dumarka, quraxda iyo dhadhanka, haddii xajmiga biyahaasi ka sareeyaan 7-ba, waa
kuwo Alkaline ah oo dhadhankoodu adagyahay, waxaanay ku keenaan jidhka isbedel
weyn, sida:-Madax-xanuun badan,
laab-xanuun, calool xanuun, khaasatan Haddii unugyadda dhiiga ay soo gaadhaan
dareere saayid ah oo Aysiidh ahi, laakiinse, Alkalintu waxay isku bedeshaa
aysiidh, haddii ay soo gaadhaan unugyadda hawadu ku yar tahay, inkastoo lagu
qiyaaso xajmiga awoodda biyaha ku jira jidhka aadamaha boqolkiiba -50 illaa iyo
60-dan (50%-60%).
kimikalku
waxay wax-yeeleeyaan dhamaan kimikalka ku jira jidhka, caafimaadka qofka,
xanuunadda ay qabaan iyo dhamaan hab-dhaqameedka jaangooynta sidda:-
neefsashadda, wareega dhiiga, dheefshiidka, soo saarista dheecaamada, Ujeedada
dheeli-tirka xajmiga biyaha waa badbaadada unugyadda nool ee jidhka iyo in aanay dhaawac soo gaadhin, sababtoo
ah, haddii ay Aysiidhu ku badato jidhka ama Alkaline’tu, way sumoobaan
unugyadda jidhka, waxaana isku darsama khashinkii ay saarayeen iyo kuwii
dhintay.
Macdanta la yidhaa Kaalshiyamka
(Calcium) boqolkiiba waxay ka qayb-qaadataa dhisidda iyo illaalinta lafaha iyo
ilkaha, waxaanay caawiyaan xin-jiraynta dhiiga, dareen-wadayaashana waxay u
diraan fariimaha ay muruqyadda ku soo ururiyaan, maalin kastana jidhkeenu wuxuu
ku lumiyaa calciumka, sidda: cidiyaha, timaha, dhididka, kaadida, iyo
saxaradaba.
Haddaba sidda aanu ogaanay caagadaha
biyaha kala duwan ee ka soo baxa dalkeena, waxay u qaybsan yihiin saddex nooc
oo mid waliba ku muujisan yahay dusha sarre ee caagadaha biyaha, kuwaasoo kala
ah:- Biyaha Macdanta (Mineral water)
oo ah biyo ka kooban in ka yar 250
qaybood halkii milyan (ppm) ee laga baadhay tiradda adkaha lagana sifeeyey,
soona maray qasabad, riig, durdur iyo ceelasha biyaha hoostooda la illaaliyey.
Nooca labaad waa Biyaha dabeeciga (Natural Water) ahna biyaha durdurka ama
biyo fiican oo ka soo maaxday dhulka hoostiisa amaba biyo ka yimid dusha sare
oo la mariyey hab fudud, balse aan la-dhalan rogin, daaweyn xadidan mooyaane
iyo nooca saddexaad oo ah Biyaha la uumi bixiyey (Purified Water) soona maray habka kulaylinta iyo qaboojinta, ama
laga saaray Aayoonis (ions) waxaana loo isticmaalaa biyaha lagu qaso
daawooyinka, iyadoo sidoo kale loola jeedo Biyaha Gu’ga ( Spring water).
Sida muuqata, Dalka Somaliland waxa isticmaala
biyaha mooyo-saxaha la yidhaa da’da aqoonta leh, waa da’da u dhaxaysa “18 illa
iyo 45 jir” kuwaasoo ka warqaba wax kastoo khatar ku ah caafimaadka, xitaa
haddii tayadda caagadda biyaha laftigeedu wanaagsan yihiin, haddana lama taaban
karo in biyahaasi saafiyihiin, waxaana muhiim ah in la xusuusnaado in lagu sumoobi karo, haddii ay
gaadhaan biyaha gu’ga (waa biyaha caagaddaha’ahe) cadad yar oo cayayaan dile ah ama noollaha
illi-maqabatiga, laakiinse Biyaha qasabadu maaha biyo la uumi bixiyey, balse
waa kuwo la daaweeyey, isla markaana lagama yaabo inay dhaawici karto bacteriyadu.
Somaliland waxa ka diwaan gashan 14-warshadood
oo soo saara caagadaha biyaha la cabo, laakiinse suuqyadda ganacsiga waxa laga
helaa 8-ka mid ah kuwaasoo kala ah:- Dur-dur purified bottled water, Biyo-Sixa
pure water treated with ozone, Zam-Zam
Sahil Mineral Water, Saxan-saxo Pure natural mineral water, Dhamal
Mineral water, Maaxda Mineral water, Mina Pure natural mineral water, Tayo
Mineral water, kuwa aan soo
bixina waxa ka mid ah:- Abyan, shamis, Saafi, Hargeisa spring water, Golis iyo
Xareeda.
Waxa kaliyaata ee ku xusan 3-qodob
oo ka mid ah 10-ka qodob ee lagu waajibay inay ku xusnaadaan warqadda
war-bixinta ee ku dhajisan caagadaha biyaha, sidda” 1-Magaca shirkada “ commercial
name” 2- Qiyaasta “Content in I,cI or
dI” 3- Ku rid goobta qashinka ee ha ku
tuurin deegaanka.
Balse waxaan kuba suntanayn caagadaha
biyaha , sidda:- 1- Heerka iibka ganacsiga “Merchandise class (Mineral
water) 2- waxa ugu muhiimsan (waxa ay ka kooban tahay
cusbadu iyo wax-yeelada ay u leedahay caafimaadka) “Main properties “
composition in mineral salts, health effects etc” 3- in laga baadhay bacteriyadda “ (Bacteriological
analysis) 4- baadhida kimikalka (Physical-chemical features as PH, spring
temperature, electric conductibility, total hardness, gasses dissolved in one
liter of water) 5- Kala soocida darrajada xubnaha macdanta (Mineral,
mediomineral, oligomineral) 6- Iibka
ogolaanshaha dowlada ee waaxda caafimaadka, (Selling authorization by health
department) 7- Taariikhda ay soo baxday
maalinta, bisha iyo sanadka “ production plot in terms of day, months and year”
Inkastoo aanay ii suuro galin in
shaybaadh lagu sameeyo biyaha laftigooda, hadda waxaynu qiimeyn doonaa xadiga
macdanaha xeerarka qawaaniinta caalamigu ay ogol yihiin iyo macdanaha ku qoran warqadda ku dhajisan
caagadaha biyaha la cabo ee ka soo baxa dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Sida ay
qabaan ururadda caalamiga ah ee caagadaha biyaha (IBWA) Hayadda caalamiga ah ee
maamusha cuntadda iyo Daawada (FDA), iyo Hayadda caafimaadka Auunka (WHO),
waxaanay arrintaasi ku cadahay shaxdan hoose, waxa muhiima in sidan loogu
qiyaaso macdanaha ku jira biyaha caagadaha, taasoo ku cad shaxdan hoose.
Magaca
|
PH
|
TDS
|
NA
|
K
|
CA
|
MG
|
CL
|
No3
|
HCO3
|
SO4
|
FL
|
Zn
|
Ca Co3
|
T-H
|
F
|
|
IBWA (2004)
|
6.5-8.5
|
500
|
-
|
-
|
-
|
-
|
250
|
44
|
-
|
-
|
0.3
|
-
|
-
|
-
|
0.8-1.7
|
|
FDA(2002)
|
7
|
500
|
-
|
-
|
-
|
-
|
250
|
44
|
-
|
-
|
0.3
|
-
|
-
|
-
|
0.8-2.4
|
|
WHO(2008)
|
6.5-8.5
|
1000
|
20
|
1.2
|
10
|
5
|
250
|
50
|
1.25-3.5
|
250
|
0.3
|
-
|
-
|
500
|
1.5
|
Shaxdan hoose waxay
muujiniyasaa heerka macdanaha kala duwan ee biyaha warshadaysan ee dalkeena
laga soo saaro.
Macdanaha
|
Dur-Dur
|
Biyo-sixa
|
Zam-Zam
|
Saxan-saxo
|
Dhamal
|
Maaxda
|
Mina
|
Tayo
|
PH
|
7.4
|
6.5
|
7.54
|
7.8
|
7.5
|
7.44
|
7.4
|
7.5
|
TDS
|
110
|
67
|
25
|
130
|
110
|
23
|
100
|
100
|
NA
|
12.5
|
10.804
|
6
|
10
|
12
|
6.03
|
6
|
12
|
K
|
1
|
0.445
|
2
|
0.2
|
1
|
1
|
3.5
|
0.1
|
CA
|
9.3
|
0.12
|
1.1
|
3.4
|
9.3
|
2.03
|
6.5
|
18
|
MG
|
6.3
|
0.21
|
2
|
19
|
6.3
|
2
|
2.5
|
8
|
CL
|
16
|
13
|
7.4
|
47
|
16
|
7.6
|
10
|
10
|
No3
|
1.5
|
13
|
1.7
|
0.4
|
1.5
|
1.91
|
5.3
|
5.3
|
HCO3
|
41.5
|
21
|
6.4
|
27
|
41.5
|
6.45
|
21
|
21
|
SO4
|
6
|
27
|
2.4
|
19
|
6
|
2.38
|
9.3
|
<5
|
F
|
0.8
|
0.006
|
0.8
|
0
|
0.8
|
0
|
0
|
0.15
|
Zn
|
0
|
0.016
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
CaCo3
|
0
|
21
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
26
|
T-H
|
0
|
1
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
FL
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
C
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
0
|
Sida
muuqata, farqi ayaa u dhaxeeya xadiga qiyaasta macdanaha kala duwan ee ku jira
biyaha caagadaha ee laga soo saaro dalkeena iyo kuwa caalamka, Waa muhiima inaad
ka taxadirto wax-kasta ka-hor inta aanad isticmaalin, iska akhridid warqaddaha
ku lifaaqan sidda:- cuntooyinka, Daawooyinka,qalabka, isgaadhsiinta, IWM, sidaa-darteed waxaan Goloha baarlamaanka
iyo wasaaradaha ay khusayso u soo jeedinayaa in la dajiyo xeerarkii iyo
qaynuunkii lagu dhaqi lahaa warshaddaha biyaha ee somaliland, si loo waafajiyo
xeerarka caalamiga ah ( International standard water bottled), si looga hortago
khataro caafimaad oo dadweynuhu kala kulmi karaan qiyaas la’aanta macdanaha
kala duwan ee ku jira iyo qaar sidoo kale wakhtiga isticmaalkoodii dhacay.
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid