Wednesday, March 27, 2024

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan,  haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay, Nin baadidoon ah ayey ka soo hor baxeen saddex nin oo socoto ahi, salaan ka dib, waxa uu weydiiyey xoolo baadiya inay arkeen iyo in kale, mid ka mid ah saddexdii Nin ayaa ku war celiyey, baadidaasi neef geella, oo awr ah, oo ratiya, oo raran ma'ahaa, Ninkii baadidoonka ahaa ayaa yidhi, Haa, Ninkii labaada ayaa isna yidhi, Awrkaasi il ma'la'aa, Ninkii baadidoonka ahaa baa yidhi, Haa wuu il la'aa, Ninkii saddexaad baa yidhi, Awrkaas ratiga ahaa ma'dabo la'aa , Haa buu haddana yidhi ninkii baadi doonka ahaa.

Saddexdii nin ee socotada ahaa mar kaliyaata ayey yidhaahdeen Maanu arag neefkaa baadida ah, Ninkii baadidoonka ahaa himiladii uu ku baadidoonaayey helitaanka awrkiisa way af-jarmatay, isagoo u aanaynaya in ay nimakani og yihiin awrkiisii halka uu ku sugan yahay, wuu iska soo daba galay, markii ay soo gaadheen Tuulada Ceel sheekh, ayey maqaaxi yar ku yara nasteen iyagoo ka dalbaday qaxwe, ayuu ninkii baadidoonka ahaana soo galay makhaaxidii oo rag badan oo akhyaar ahina fadhiyaan.

Waxaannu yidhi Ninkii baadidoonka ahaa saddexdan Nin gar baan u leeyahay ee iga dow saara, waxaannu ka sheekeeyey wixii ay is yidhaahdeen, Weydiinteenu waxay daaran tahay Ninkii baadidoonka ahaa kamuu gar helin nimankii socotada ahaa, Illaa iyo haddan qofna kumuu guuleysan sababta ay garta u heleen saddexdii nin ee socotada ahaa???

Hal-xidhaalle

 Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan,  haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay tirada goobada koowaad iyo ta labaad ee gudban  marka la isku geeyo ina siisa wadarta  8,  tirada goobada koowaad iyo ta saddexaadna ee dhereran tirada  marka la isku geeyo ina siisa wadarta  13, tirada goobada labaad marka loo geeyo goobada afaraadna ee dhereran ina siisa wadarta 8, tirada goobada saddexaad marka laga gooyo goobada afaraad ee gudban ina siisa wadarta 6,  waa imisa  tirooyinkaasi ?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!


MFQoti


Hal-xidhaale

 


Weydiinta Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin war-celin sugan,  bulshada waxa ugu khatar badan laba qof oo ay dadku u badan yihiin, kuwaasoo kala ah mid wuxuu garanayey ka aamusay iyo mid ka hadlaya waxaannu garaneyn, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay, Alle ha u naxariistee Mudankii dhidibbada u taagay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa i'fahamsiiyey laba ka mid ahaa 99-magac sife ee uu leeyahay Alle (sw), Qafuur iyo Qafaar, Alle (SW) waa dhaafaha danbiyada dhaqdhaqaaqa jidhka iyo carabku uu sameeyo, waa Qafuur, Qafaarna waa dhaafaha danbiyada uu qofku hoos u yidhaa ee maanku uu sameeyo, illaa iyo hadda qofna kumuu guuleysan inuu nafahmsiiyo 97-ka sife magac ee kale? Yaa liibaanay oo afsoomaali nagu fahamsiiya bishaa ramadaan?


MFQoti

Hal-xidhaale

 Hal-xidhaale Aqoon korodhsi

Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran, Geed Liin macaan ah ayaad ka soo goosatay tiro midho liin macaan bislaatay oo ku yaalay geed, waxaanna kaa horeeya saddex kadin, kadin kasta oo aad sii marayso hortiisa waxa fadhiya Nin illaalo ah, waxaanna lagu yidhi tiradii aad soo goosatay ee liinta ahayd kala badh kadinka hortiisa dhig, isla markaana Ninka ilaalada ah jeex liin ah sii, kadinka labaadna sidaas oo kale, ka saddexaadna sidaas oo kale, marka aad ka gudubtid waa inay kuu soo hadhaa hal liin ahi

Weydiinteenu waxay daaran tahay, Waa imisa tirada Liinta aad ka soo goosatay Geedka??? Illaa iyo hadda qofna kumuu guuleysan tirada midhaha liinta ah ee uu geedka ka soo goostay Qoti???