Friday, December 8, 2023

SUUGAAN-AFEEDKA

Suugaan afeedka leh (Tiraabta) xaraf raaca qaafiyadda gabayga oo kale, laakiinse aan lahayn miisaanka maansada, sida. Af iyo adin, Bari iyo bugux, Bad iyo barri, Bur iyo baad, Babac iyo bannaan, Bello iyo baas, Bashbash iyo barwaaqo, Tar iyo taran, Tiro iyo tayo, Tix iyo tiraab, Jiib iyo jaan, Jiif iyo joog, Juuq iyo jabaq, Xeer iyo xeegaan, Xillo iyo xoolo, Xoog iyo xeelad, Dan iyo duco, Dooc iyo dareen, Dadan iyo daalacan, Diif iyo diihaal, Dad iyo duunyo, Dabiyo dacal, dub iyo diir, Raq iyo ruux, Rug iyo raas, Rug iyo rays, Rag iyo rabi, Sol iyo saan, Surqan iyo sadan, Silic iyo saxarriir, Sad iyo Saad, Shaqal iyo shibane,, Sheeko iyo shaahid, Dhaweeye iyo dhameeye, Dhib iyo dheef, Cad iyo caano, Ciil iyo cadho, Cid iyo ciirsi, Caruur iyo ciroole, Cajab iyo Cajiib, Gar iyo gardaro, Gaban iyo ga'ban, Guux iyo gariir, Garbaaralay iyo garangoorlay, Garlay iyo garowshiyo'lay, Qaylo iyo qaxar, Qudh iyo qoon, Fud iyo faar, Fal iyo fal-kaabe, Faanle iyo faro-boodhle, Kafan iyo karwo, Kaaf iyo kala dheeri, Kas iyo ka'ma, Mag iyo mowlaxo, Magan iyo mooro, Mug iyo miisaan, Milad iyo markhaati, Marag iyo mudaac, Madax iyo mijo, Mudan iyo marwo, Mood iyo maal, Muduci iyo mudaaci, Maaweelo iyo madodaallo, Miyi iyo magaalo, Mariin iyo masruuf, Maqal iyo muuqaal, Magac iyo magac u yaal, Miyir iyo maan, Mutaxan iyo maldahan, Nin iyo naag, Werwer iyo walaac, Waligay iyo waaqay, War iyo wacaal, Warsan iyo weedhsan, Wiil iyo walaal, Hal iyo hawraar, Hiil iyo hoo, Hadal iyo hugun, Habow iyo hubanti, hoow iyo hee, ..


 Qoraa Maxamed Faarax Qoti



 



 



 

 

  


 

 

Saturday, October 14, 2023

Kabo-gashiga, Geela iyo Haweenkaba waa la hiddo raacaa.

 


Doollow kama tagana guurku adigoo cagaagan oo doonaaya inaad iibsato caggo-gashi, maaha inaad eegto quruxda qaab muuqaaleedka caggo-gashigu u sameysan yahay, wacnaantooda iyo qiimahooda, balse, waa in aad eegtaa cagogashigaas in ay ku leeg yihiin, sababtoo ah, haddii aad iibsato caggo-gashi ka weyn qiyaasta cagtaada, waa inaad u diyaar garowdaa in aad la'luudo jiiditaanka culayska caggo-gashigaas, waxaan xasuustaa qaar badan oo cagta jiidaaya oo ay ku adag tahay inay gaadhaan aayahooda, 

Murti baa tidhaahda, Caggo-gashi kaa badan iyo tolba waa la iska dhex socdaa, taasoo loola jeedo in dadka tolka ahi ay iskugu jiraan dad isku dhafan oo kala ah, geesi, fulay, deeqsi, bakhayl, fariid, hoori,gurabaasle, doqon, halyeey iyo xidaari, markaa qofkii doona tol wanaagsan, tol la'aan buu mutaaye, oo lama wada helli karo tol wada halyeey ah.

Haddii aad iibsato caggo-gashi ka yar qiyaasta cagtaadana, waa inaad u diyaar garowdaa inaad dareento xannuun aad u badan, waxaan xusuustaa dad badan oo dareemaaya xanuunkan aan dhammaad lahayn, oo jecel inay kabaha iska siibaan balse, ay ku adag tahay, waxaad arkaysaa kuwo xidhan kabo qurux badan oo markii ay cagtooda ku tusaan aad ku arkayso nabarro badan, haddaba, culays kasta iyo dhib kasta oo ay leeyihiin caggo-gashigu, waxa hubaal ah in aad iska tuurayso.

Wiil kasta oo ka soo jeeda qoys la'dan, ama caqli badan amaba Gabadh kasta oo qurux badanni maaha taadii, balse, waa midda ku xurmaysa ee aad is fahmaysaan, ee aaminsan in aad wada-jiraysaan inta ka hadhay safarkaaga nololleed, waxa muhiim ah in aad ogaato jihada noloshu u socoto, ka hor inta aanad ku hamiyin in aad yeelato xaas aad ka soo garab toosto.

Waxa jira goobo badan oo kuu sheegaaya in ay hayaan caggo-gashi caruureed, dhalin-yaro iyo kuwo waayeelba.

haddana dhamaan cabir qiyaaseedka caggo-gashiga lagama helo goob qudhaata, waxaanna jira goobo lagu iibiyo caggo-gashiga la fuulo, kuwo degan, kuwo fudud, kuwo badda, barafka iyo caggo-gashiyada ciyaaraha kala duwan.

Marka aynu ka nimaadno caggo-gashiga ku leekaada, waxa haboon in aad ogaato shirkadda iyo dalka lagu sameeyey, isla markaa aad kala tashato qofka kuugu dhow ee aad doorbidayso in uu kaa aragti dheer yahay, Alle ha ina barakeeyo dhamaanteen.

Saturday, July 15, 2023

Dhaqanka iyo Xidigiska


 (Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi)

Waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax ayey odhan jireen xoolo dhaqatadu iyagoo u sahaminaaya xoolahooda maalmaha foolka ku soo haya waxa ay mudan doonaan, iyagoo uu eegaaya dhinaca xidigiska.

Sidoo kale Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu  haysan biyo iyo baad uu ku noolaado,  Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta.

Waxa dhacday in Laba nin oo lo'lay ahi oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ay soo food saarto abaar aad u xumeyd,  labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan, isla markaana, weysha hadhay ku sidkaan oo ay ku maalaan labada Sac ee irmaan,  markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan.

Dhinaca xidigiskana xoolo dhaqatadii hore waxa ay odhan jireen, xidigta habarteed waa waabariis, waabay ku bilatayoo, ama weysha qalo bay ku odhan way tibaaq dhigiye, ama weelka culo bay ku odhan iyo wacad Eebe.

Haddaba, waxa dhacday markii weyshii yareyd qurux badnaatay ayey  labadii nin isku qabsadeen,  ayey iskula tageen nin xidaariya oo garyaqaan ah in uu u garnaqo,  Gartana waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, had iyo goorna marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin.

Ninka garta naqayaana wuxuu yaqaanay nooca gartu noqonayso iyo waxa ay ku dhamaanayso, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", taasoo loola jeedo, maadaama  garuhu ay badan yihiin, in dhibaato walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon.

Ninkii xeerbeegtida ahaa ayaa weyshii yareyd ee labada nin isku qabteen ku soo xidhay keyn ku taalay gebi ka durugsanaa doox xilli cirku uu rimanaa, labadii sacna ay daaqayeen, gebiga dhinaciisa kale, markii uu dooxii soo rogmaday ee ay biyihii yaraadeen, ayey weyshii yareyd muuso nowday, labadii Sac mid ka mid ahi wuu iska daaqayey, sacii kale'na markuu codkii weysha uu maqlay, ayuu u soo kicitimay dhankii uu dhawaaqa ka maqlayey, ka dibna,  dooxii oo uu daadkii socdo ayuu isku dhex tuurtay.

Ninkii xidaariga ahaa baa yidhi, murtidan noqotay maahmaahda, Sidiggi daad kama talowdo.

Haddaba akhristayaasha sharafta mudan waxaan u dhaafayaa dhibic ka mid ah qormadeenana, magaceed gartan uu u isticmaalay xidaarigu?


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Waa Aasaasihii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka


Waxa uu ku dhashay Magaalada Cadan ee ku taala dalka Yemen, tariikhdu markay ahayd sannadkii 1958-kii.

Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose ee la odhan jiray Macala oo ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, iyo dugsigii la odhan jiray Dayaxa ee ku yaalay Gobolka Sanaag ee Dalka Jamhuuriyadda Somailand.

Waxaannu nasiib u yeeshay in uu noqday hormadii ugu danbeysay ee dhameysatay Dugsigii Dayaxa sannadkii 1974-kii, wakhtigaas ka dib waxa la xidhay dugsigaas, taasoo sabab u ahayd ololihii lagu cidhib tirayey waxbarashada dugsiyadii reer Waqooyiga, waxaanna dugsiyadaas la xidhay ka mid ahaa, Dugsiga dayaxa, Oodweyne, Beer, Bulaxaar, dhamaan dusiyadaas waxa albaabada u laabay Wasiirkii Waxbarashada ee la odhan jiray Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Dr.Carabeyte) waxa uu waxbarashadii dugsigiisii sare ku soo qaatay Dugsigii Sheekh iyo Dugsigii Qardho sannadku markuu ahaa 1976-kii, ilaa iyo sannadkii 1978-kii, markii uu dhameystay kuliyaddii caafimaadka ee (Somali National University) sannadku markuu ahaa 1979-kii ilaa iyo 4-tii bishii December sannadkii 1983-kii, waxa uu ka hawl-galay Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee ciidamada Soomaaliya oo uu ka gaadhay Gaashaanle Dhexe sannadku markuu ahaa 1984-kii ilaa iyo bishii Julaay sannadkii 1989-kii, isla wakhtigaas waxa kale oo uu dhameystay Jaamacadda takhakhuskiisii gaarka ahaa ee Qaliinka Guud (General surgery) sannadkii 1986-kii ilaa iyo sannadkii 1989-kii.

Dr. Carabeyte waxa uu go’aansaday in uu u ku biiro Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee (SNM) ee u halgamayay xorriyadda madaxbanaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sannadku markuu ahaa 1989-kii bishii Julaay ilaa iyo sannadkii 1991-kii, waxaannu ahaa Dhakhtarkii Qeybta Sagaalaad ee Ciidamadii (SNM).

Dr. Carabeyte waxa Juhdi badan galiyey sidii ay bulshadu u helli lahayd kaabayaasha adeegyada caafimaad dalka, waxaannu furay Cusbitaalkii Ceerigaabo ee ugu horeeyey 9sannadku markuu ahaa 1994-kii ilaa iyo sannadkii 1996-kii, ka dib, waxa uu ku soo wareegay, isagoo ka noqday dhakhtarka qaliinka guud ee Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa, sannadkii 1997-kii.

Wakhtigaas waxa aan ka xasuustaa in uu ku guuleystay qaliin uu ku bedbaadiyey Oday uu ka gooyey buro miisaankeeda lagu qiyaasay 10-kiiloo, isla wakhtigaas waxa ay Dowladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu Madaxweynaha uu ka ahaa ay dib ugu celisay Cusbitaalka Ceerigaabo, ka dib markii codsi uu kaga yimid bulshadii deegaankaas in dib loogu soo celiyo dhakhtarkaas, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey sannadkii 1998-kii ilaa iyo sannadkii 2002-dii. 

Ka dib, waxa uu xuub siibtay dhinaca siyaasadda isagoo ka mid noqday murasharaxiintii u tartamayeysay xubinnimada Golaha xeer-dejinta ee ka sharaxnaa xisbiga talada hayey ee Kulmiye sannadku markuu ahaa 2005-tii, inkastoo aanu ku guuleysan jagadaas, haddana waxa loo magacaabay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil , isla markaana ah dhakhtar qaliin cusbitaalka magaalada Berbera sannadku markuu ahaa 2007-kii ilaa iyo sannadkii 2010-kii.

Marka laga yimaado muddo saddex sannadood ahayd oo uu ka hawlgalayey Cusbitaalka Hargeysa iyo Cusbitaalka Ceerigaabo, haddana waxa loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Cusbitaalka Qaaxada ee Caasimadda Hargeysa sannadkii 2013-kii ilaa iyo sannadkii 2016-kii, markii hay'addii (MSF) ka baxday Cusbitaalkii Burco ee uu xidhmay ayaa haddana waxa dib loogu magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Cusbitaalka Burco sannadkii 2016-kii ilaa iyo 2017-kii.

Dr. Csrabeyto waxa uu nasiib u helay in uu buuxiyo jago uu banneeyey xubin ka soo baxay xisbi siyaasaddeedka Kulmiye oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Xeer-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, sannadku markuu ahaa 2017-kii ilaa iyo sannadkii 2021-kii.

Dr. Carabeyto kuma koobna oo kaliyaata dhinaca caafimaadka iyo siyaasadda, ee waa hal-abuur curiyey dhowr iyo toban heesood oo ay ka mid tahay heesta tashatoo Somaliland taladii lixdankii ka tisowday.

Dr. Carabayo hadda waa xubin ka mid ah gudiga fulinta xisbiga talada haya ee Kumiye, tan iyo ilaa sannadkii 2005-tii, inkastoo uu yara xannuunsaday, hadda wuu caafimaad qabaa, waana la taliyaha Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Toojaba nin leh baa maala


Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaaye, ma'lihi cidbaa Geel inaga noqotay, balse, waxaad moodaa hab-dhaqan dabeecaddeedkii xooluhu in uu saameyn ku yeeshay hab-dhaqan dabeecadeedka dadka reer guuraanimada ah, sababtoo ah ficil kasta iyo loolan kasta oo uu isku diyaariyo jidhku, waxa loo aaneeyaa in uu ka yimaado habdhaqan-dabeecaddeedka ay leeyihiin xayawaanka, xoolaha iyo dadkuba.

Had iyo goor waxa dhacda, xilli laga soo gaasaabaxay jiilaal-dheeraaday oo lagu jiro xilli barwaaqo ah, galabsadayna gudgude roob, gelgelimahana ay jiifaan calcalyadii xareedda ahayd, caleemaha dhirtana ay saaran yihiin dharabkii dhibicii biyaha roobku, geeluna geedaha sare faraqa laamaha xarago laacayo marna uu ku nasanayo rujinta burarka dooga ee jaadba jaadka ah, labada fiidyo cawl fiidyo cawlkii danbe'na uu ku soo hooydey xeradiisii, haddii geelu habeenkaas mirta dhexe uu meel fog ka halacsado hilaac roob meel kale ka da'aya, waagu markuu beryo wuxuu u tooreeyaa jihadii xalay roobku ka da'ayey oo lagama karo, sidaa awgeed baa hees hawleedkan geela loogu heesaa, Hilaacii xalay, kii habeen hore, kii hore u da'ay iskuma heshide, mid uun ku hagaag, waxay ku hogotusaysaa in lagala maarmi waayey geela in lagu dhaliilo in aanu isku helayn labada laac, inakstoo uu Geelu yahay daneyste bilaa godob ah, oo raadsanaya uun dhuunigii Alle (sw) uu ku galaday, balse bani'aadamku ma'mahadiyaan ee way ka shaleeyaan.

Marka gala dagaalka ama gurgurshaagii loo hanweynaa ee garashada la bidi jiray uu guluf iyo colaadiyo guul darro u sahan tago, waxa ay qowsaaradu ugu heesi jireen hees hawleedkan, Kud iyo cadhoba, hadba kii daran, kayn lagugu ood, nin ku neceb iyo naago kuu hadhe, haadku ku daba yaac.

Halka marka buubaal loo hanweyn yahay, heegadda lageeyo, darajiyo hab lagu ladho, haddana lagu hungoobo, ka huleela samahana, waxa ay qowsaaradu ugu heesi jireen hees hawleedkan, Horaadkaagiyo horaadka hablaha wax la huurshaba hareer laga arag iyo aad gadoodide, gaalo iyo islaam, geelow yaa ku leh.

Marka aynu ka nimaadno gebi dhacleynta dhaqan dabeecaddeedkaas, Qawsaar ka mid ahaa qawsaarada inta badan ku hawlan ee dedaallada isdaba jooga ah galiya tacabka dhaqashada xoolaha oo ay dadka qaar u haysteen inuu yahay daba-dhoon ka adag geela marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda.

Balse, wuxuu ku noqday Qowsaar la dhohon-dhohay weecaansashada tacabka taranka xoolaha xergeyntooda, illaalintooda, oodiddooda, aroorintooda, maaliddooda, daajintooda, daaweyntooda, hillaadintooda, baadidoonkooda, u kuurgaliddooda, foofintooda, caraabintooda iyo waraabintooda, kaasoo ku luuqeynaayey xilli uu guda jiray waraabka geela hees hawleedkan, Xalluu gabantii, geed la waabiyo, guuro kaga tagay, ileyn, haddii Abeerka kiisa naaxiyo, aaranku is waayo, ma'kala aamusaane wuu isku olollaaye.

Markii uu gaadhay goobtii waraabka ee uu ceelkii hoos ugu dhaadhacay buu yidhi, hees hawleedkan, Wadaan waxa shuba walaalo is jecel, hadday weydana wiil iyo abtigii, wax yar ka dib, hormadii ugu horeysay ayaa jiidhay darkii biyaha loogu shubay, haddana waxa uu ku luuqeeyey, hees hawleedkan, Darbi cagaweyn, oo dar loo dhigay, illeyn waa doqonnoo, deysan maysee wey iska dumisaa, markii geelii uu fulayna waxa uu ku luuqeynaayey hees hawleedkan, Geel-geel, fulay gaadhimaayee, hakadaba fulo.

Markii ay gaadhay xilligii jiilaalka ee dhulkiina uu xaalauf noqday, qowsaarkii isagoo geela u heesaya waxay yidhi, hees hawleedkan, Bur cosob leh, biyo ka agdhow, baadi doonyoo, biciidkuba waa iyo Maraaga engagay ee aan man iyo xays midna loo arag maroorinaayow.

Markii jiilaalkii uu ku sii daba dheeraadayna waxa uu ugu heesay geelii, hees hawleedkan, Hadaan ururkii iyo Afagaashii aan intaba riday oon agooliyey tii-timaadaba iga’arag uun.

Mfqoti


Wednesday, April 5, 2023

Nebiyada Quraanka Lagu Xusay


Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon korodhsigeenii, waxa aynu maanta halkan ku soo qaadan doonaa 25-Nebi ee magacyadooda lagu xusay Quraanka kariimka ah, sidii ay u soo kala horreeyeen Nebiyaddaasi.(CS) iyo Faracooda.

1- Adam.

2-Idiris.

3.Nuux. 

4.Huud.

5. Saalix.

6.Ibraahim.

7. Luud. 

8. Ismaaciil.

9. Isaxaaq

10 Yacquub.

11.Yuusuf.

12.Shucayb.

13.Ayuub.

14.Dul-Kifli 

15.Muuse.

16.Haaruun.

 17.Daa'uud.

18. Suleymaan.

19. Ilyaas.

20.Ilyasac.

21. Yuunus.

22. Sakariye.

23. Yaxye.

24. Ciise.

25.Muhammad (scw)

By. Maxamed Faarax Qoti

Tuesday, March 28, 2023

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay.

Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah.

Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyeystay, oo yara laama-doodsan, ayaa Ninkii Caaqika ahaa oo aan weli ka quusan ayaa ka daba yimid, oo meel gaaban mudh kaga soo yidhi Odaygii oo geedkii hoos laama-doodsan.

Ka dib, markii ay is bariidiyeen ee ay aad isku xaal wareysteen, ayuu haddana abhiyey oo uu ku yidhi, ergaan ahay maanta ee iga aqbal oo reerka aan kula raro, waannu ka diiday mar labaad.

Ninkii Caaqilka ahaa ayaa ku yidhi; waar nin yahow haddaad ergadiina aad iga diiday, goobtan waxa ay leedahay Libaax dad-qaad ah ee reerka aad uga ood, weliba mus-danbeedka guriga xoog isaga adkee, Odaygii reer miyiga ahaa wuu iska dhayalsaday hadalkii caaqilka, waanu iska seexday markii qoraxdu libidhay.

Habeenimadii reerkiisii buu Libaax u soo dhacay, waxaannu haf la yidhi wiil yar oo odaygu uu dhalay, markii uu maqlay wiilkii yaraa qeyladiisii, ayuu ku soo ambabaray oo intuu waran qaatay daba rooray Libaaxii dad-qaadka ahaa, nasiib darro'se, wuu gaadhi waayey, waanu iskaga soo noqday. 

Subaxnimadii danbe ayuu dib ugu soo guuray deegaankiisii, isagoo aad u murugaysan oo diif iyo diihaal badanna ay ka muuqato, waxaannu u yimid Ninkii Caaqilka ahaa, waxaannu uga sheekeeyey rafaadkii iyo dhibtii uu la soo kulmay, isla markaana uu wiilkiisii uu ku waayey, oo uu xalay inta Libaax u soo dhacay, oo mid ka mid ah ubadkiisa kii uu ugu jeclaa uu la tagay Libaaxii. 

Ninkii Caaqilka ahaa oo aan ku wiirsaneyn, ayaa ugu hal celliyey, Nin yahow Doraad waad arrin xumeyd, Shaleyna waad ayaan xumeyd xumeyd, Maantana waad arag xuntahay.

Qoraa, Maxamed Faarax Qoti

Thursday, March 16, 2023

Neefsasho wadajirta

Neefsasho wadajirta aynu


ku gaadhno  yoolka Dowladda Hoose 

Hoggaamiyayaasha Dowladdaha waxa  udub dhexaad u ah  tayo'da wanaagsan ee ay leeyihiin dowladdaha hoose, taasoo waxtarkooda  lagu qiimeeyo hab-raacyaddan kala duwan, sida,  tallo-wadaagga, isla-xisaabtanka,  hufnaanta,  kartida, ku dhaqanka xeerarka iyo qaynuunka. 

Haddaba, Duqa Caasimadda Hargeysa  ee Dowladda Hoose mudane, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ku yimid codka dadweynaha ku nool Gobolka Maroodijeex, waxaanna loo aqoonsan yahay  in uu yahay hoggaamiyaha arrimaha bulshada ee ku yimid codkii ugu badnaa ee ay ku soo doorteen bulshadiisu,  maayarku kuma shaqeeyo qolo, qolo,  qabiil, umana shaqeeyo qolo gaar ah ama dannihiisa gaarka ah, balse waxa uu u tafaxaydan yahay  danaha bulshadii soo dooratay in uu horumariyo,  waxaannu door muhiima ka qaataa  horumarinta wadajirka bulshada deegaankan kuwada nool, wacyi galinta bulshada, kor u qaadida iskaashiga daneeyayaasha,  waxaannu mas'uul ka yahay aragtida xeeladdeed  iyo hilaadinta qorshaha dawladda hoose uu gaadhsiiyo himiladda ay hiigsanayaan bulshada deegaanku,  hubinta hab-dhaqanada wanaagsan ee bulshada dhexdeeda, arrimaha hawlgelinta, kormeeridda shaqada ay qabanayaan shaqaalaha  dowladda hoose. isku xidhka dadweynaha iyo dawladda hoose. 

Inkastoo Duqa Caasimadda Hargeysa uu yahay xubin ka mid ah gollaha deegaanka,  isla markaana ah Gudoomiyaha Maareynta Kooxaha Masiibooyinka Deegaanka, ahna  afhayeenka golaha deegaanka, oo matala aragtida ku wajahan mudnaanta gollaha deegaanka dowladda hoose, balse, waxa muhiim ah in aynu ku qiimeyno, in si hufan loo maareeyey waqtiga, tamarta, kheyraadka iyo in go'aan qaadashadiisu  ku dhisan tahay fikir cadaalad ah. 

Waxaan kula tallin lahaa daneeyayaasha burburka arrimaha bulshada deegaanka Gobolka Maroodijeex, aynu aamusnaan kugaadhno himiladda ay bulshadu hiigsanayso.

Wednesday, March 15, 2023

Magacyadii hore


Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa.


Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq, ama  Doobiro.

Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushahayna waxa loo bixiyaa suudi ama Xagaa ama kaliil haddii ay rooban tahayna Rooble, haddii roobku biyo dhigana Gabax ama Xareed.

Haddii reerku guurayana oo uu wiil dhashana waxa loo bixiyaa Nageeye, Inanta dhalatana Nagaad, marka reeku geeddi dheer uu ku jiro wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Geedi ama Hayaan ama Kaynaan, goor habeenimo ah oo la guurayo wiilka dhasha waxa loo bixiyaa Guurre, labada fiidyo cawl ka danbe wiilka dhashana Gabal, inantana habeenkaa dhalatana Galabo.

Wiilka dhasha maalin Jimcaad waxa loo bixiyaa Jimcaale, Inanta dhalata maalin Isniina waxa loo bixiyaa Isniino, Axaddana Axado.

Marka labada waalid ay is'hayaan ee uu  dhex maro xurguf ama xafiiltan midba midka kale uu ku diidan yahay, wiilka  xilligaas dhasha waxa loo bixiyaa Colaad, haddii gar lagu jirana Guddi.

Wiilka yar ee naaska hooyaddii aan laga gudhin ee wali jaqa waxa loo bixiyaa Caanonuug, ka aan jiqina Caaganne, halka wiilka yar ee gaaxda naaska hooyadii jaqay ee ay ku dhalmo deysana, Gaaxnuug ama Goofaadhi, wiilka ishinkiisa dhaafana waxa loo bixiyaa dubad, haddii hooyadu muddo dhali weydo, ka dibna uu wiil u calool galo markuu dhasho ayaa loo bixiyaa Raage,  halka Inantana loo bixiyo Daaha, taas oo ah Qof la sugayey oo la raagsaday.

Inanta kulansata qurux, wanaag iyo garasha dheerna waxa loo bixiyaa Baxsan, Jamaad, Indho-deeq, Saxarla, Baar, Maandeeq, Haweeya, Midhifla, Xadiyo, Saluugla, Cawrala, ama Dahabo taasoo ah Shimbir yar oo garbaha ka madow, baalashana ka dahabiya, caddadhuuni, ama Siraad, Dhool oo ah fooda sare ee fadka daruurta cad ee hooraysa, wiilashana waxa loo bixiyaa Maydhane, Qorane, Xalane, Miigane ama Hufane,.

Dhinaca midabka wiilka dhasha ee midabkiisu basaliga xiga'na waxa loo bixiyaa Xoosh, Cadaawe, Cawl, mar kale  Cawl waxa loogu magac daraa cawlka lab, Wiilka ku dhasha midabka bunniga ah waxa loo bixiyaa Gadiid, Sugulle, Meygaag, Quulle, Haybe, Geydhe, Inantana Yusur ama Jinow

Inanta dhalata ee loo bixiyo Hibo waxa loola jeedaa  deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo, Deeqana waa wax aan deyn ahayn oo aad u baahnayd oo lagu siiyo, Inanta aan la qawadinna ee dhalatana waxa loo bixiyaa saluugla, Ceebla inkastoo ay tahay eray af-carabiya oo macnaheedu yahay bayuurla, Cosobna waxa loogu magac daray meel naqeedii aan wali la daaqin, halka Ruunna ay tahay meel deegaan ku haboon.

Fillashada wiilka dhashaa in uu noqon doono wiil aad u aqoon badan  ama fahmo badan oo wanaagsanna waxa  loo bixiyaa Buuni, Samatar, Samotalis, Samakaab, Shar-ma'arke, Inantana waxa loo bixiyaa Samawada, Qumman,  Dhuuxo.

Wiilka miisaankiisu hooseeyo ee soo dhasha loo bixiyo Dogox, weyd, inantana waxa loo bixiyaa gaasira, Wiilka dhasha ee farxadda iyo qosolka isku darana waxa loo bixiyaa Bulxan, wiilka dhasha ee nugulna, Cabanne, ka qeylada iyo oohinta  badanna Qowdhan, ka cadhada badanna Cartan, Marka reerka wiil ka baxo ee wiil kale u soo kordhan waxa loo bixiyaa Cawil,

Dhinaca sumadda ama astaanta wiilka ku dhasha bar ku taala jidhkiisa meel ka mid ah, waxa loo bixiyaa Barre, Beyle, Inantana Barlay, wiilka ku dhasha  buro ku taalla wejigiisa ama jidhkiisa kalena Buraale,  wiilka ku soo dhasha xaad badan oo ku taala jidhkiisana waxa loo bixiyaa xaad, Inantana Xaadsan,  haddii timahiisu dib u faydan yihiina Xeyd, wiilka dhasha isaga oo mandheertu ku maran tahay Shaqalle, Inantana Shaqlan....la soco

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Sunday, March 12, 2023

Sheeko kale


 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay. 

Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada. 

Wax yar ka dib, Ninkii reer miyiga ahaa Sodohdii oo maqlaysay sanqadha ayaa dibadda u soo baxday, waxaannay u soo kicitintay dhinaca xerada xooluhu ku xareysan yihiin, waxaanay iska gurtay oodii afsaarka xerada u ahayd, markii ay soo dhex gashay xeradii waxay aragtay neef gaylaama, si degdeg ah ayey dib ugu soo noqotay gurigii, waxaanay soo qaadatay madiil oo ay ku gowracday neefkii. 

Markii waagu uu beryey ee xoolihii foofeen, ayuu soo toosay gadh-wadeenkii reerku, waxaannay ishiisu halacsatay, neefkii xalay dhurwaagu dilay oo Sodohdii inta ay gowracday oo geed ku dhex yaalay reerka gudihiisa sudhay ay haraga ka saarayso. 

Talaa ku caddaatay, haddii uu gabadhiisa u sheego arrintaas, wuu garanayaa jawaabta kaga imanaysa, ma hooyaday baa bakhtiga qalata, haddii iska aamusana, iyaduna waa dhibaato hor leh, umana adkaysan karayo in uu bakhtigaa cuno. 

Haddaba, waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa dadweynaha, sideebaa xal loogu helli lahaa dhacdadan? 

Jawaabta suaashaasi waxay ahayd, markii uu soo toosay ee uu arkay neefkii oo geed halkanna ka soo daldalan oo sodohdii haraga ka saarayso, ayuu orod maciinsaday, waxaannu u tagay nin sheekh ah, oo ay aad iskugu dhawaayeen, waanu u waramay, waxaannu ku yidhi: sheekh gurigiibaan ku noqonayaaye, markaan kadinka maraayo, ayaan ogaan isku tuurayaaye, waxaan odhanayaa sheekh hebel ii doona, markaad idul timaaddo ee aad quraanka igu akhrido, waxaad tidhaahdaa, ma jiraa wan deylan oo bahal qanniinay, Haa marka lagu yidhaahdo, waxaad tidhaahdaa, wanka badhida madow leh ee xoolaha ku jira, waa in si degdeg ah loo qalaa, laguna beddelaa wanka daylan, lagana illaaliyaa duggaagoo dhan in aanay cunnin, isla markaana, waa in god lagu ridaa, ka dibna, lagu aasaa. 

Ninkiibaa is tuuray markii reerka yimid, buuq iyo sawaxan baa oogsaday, sheekhiibaa loogu yeedhay oo intii ay isku ogaayeen halkii mariyey, Sodohdii markiiba waxay go'aansatay in ay talaabadaa sheekhu sheegay fuliso, wankii badhida madoobaa ayaa la gowracay oo halkii la sudhay wankii daylnaa uu ka soo laalaaday, ninkii oo dhididsan illeyn waa nin orod dheer soo galaye, ayaa soo kacay, markii neefkii kale la qalay. 

Sidaas buu xal ugu hellay ninkii reer miyiga ahaa.

Gorgorka

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse, Gorgorku marka uu la haado maska hawada sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka, marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo, waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan. 

Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo. 

Haddaba, siyaasadda dagaalka gudaha ee la soo waaridday waa inaad u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale, sida Gorgorka oo kale adigoo cibaadaysanaya, waxa aad gaadhi doontaa libta guusha aad hiigsannayso.

Degmadii Milk well ee xasaradda badneyd

Sheeko kale:  Oo aad u xiiso badan: 

Wali waxa aynu ku jirnaa sawirkeenii sannadkii la soo dhaafay, sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Degmo ka tirsaneyd magaalo madaxda caasimadda Rooma ee Dalka Talyaaniga, Degmadaas oo la odhan jiray milk well District, inkastoo dadka reer Rooma ay lahaayeen qawaaniin cuddoon, xeegaan iyo xeerar dhaqan oo ay ku kala saari jireen marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka reer Rooma.

Arrintaas oo tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyinkii inta badan ka dhex alloosnaa Degmo milk well ee magaalada Rooma, taasoo ay degenaayeen dad xasarad badnaa oo la iska illaalin jiray, oo lakala illaalin jiray, lagana illaalin jiray dhibkoodu in uu gaadho bulshadii ku noolayd Caasimadda Rooma, iyaga laftigoodana waxa laga illaalin jiray in dhib ka soo gaadho bulshada inteeda kale ee ay wada degenaayeen.

Arrintaas waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinaca  nabadda iyo degennaanshaha Caasimadda Rooma, isla markaana,  masuuliyiinta xukumadda reer rooma waxa ay in badan ka fikirayeen sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay.

Muddo dheer  ka dib, waxa kulan  wada-xaajood ah iskugu yimid, aqoon yahanno, xeel-dheerayaal, xidaariyiin iyo wadaadadii diinta Kiristaanka ee dalka Rooma.

Gebogabadii shirkaas midho dhalkiisii waxa ka soo baxay in go’aan lagu gaadhay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.

Boqorkii reer Rooma waxa uu ku dhaqaaqay qorshahaas sidii loo gudo gali lahaa fulinteeda, ka dib, markii  habeen kaliyaata lagu dhameystiray hawshaas ee uu waagu baryey soona tooseen aroornimadaas dadkii ku noolaa Degmadaas, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badnaa, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-gal ku noqotay in hal habeen oo kaliya lagu dhameystiro hawshan, waliba si  san-qadh la’aan ah loogu mariyo rinji basaliya boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

CARABKA IYO FALKA

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Carabka iyo Falka, Kuwa isku sheega in ay yihiin Wariyayaal balse isku beddelay hidiwaalayaal dadka beenta ku maaweelinaya, madax-dhaqameeddada isku beddelay gurabaaslayaasha cadhaysan ee ku hadla hadallada aan murti badan xanbaarsanayn, Garaadlaawayaasha, Siyaasiyiinta ku hadla hadallada af-waajiga ah, Dhamaan Qorayaasha Qora afka Soomaaliga ee curyaamiyey dedaaladda loogu jiro horumarka arrimaha bulshada Somaliland.

Runtii shaki kuma jiro in aynu wax kasta garanayno, laakiinse waxa hubaal ah in aynaan wax-badan ka fahamsanayn wixii aynu garanaynay, marka aynu ka nimaadno falka aan wanaagsanayn ee uu sameeyo xubnaha Jidhka Aadamaha, haddana carabku waa shayga kaliya ee aynu kaga bedbaadi karayno cadaabka Alle “SWT” .

Carabku waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay, kuna xidhan yahay Maanka (qalbiga) aadamaha, kaasoo dhawaaqa dawanka codka dhiilada leh ee aan fiicnayn ee uu sameynayo carabku, sida, xanta, cayda, kaftanka, isku diridda, beenta, tabinta haddalada habowga, warqaadidda, hadalka badan iyo hadallada habowga ah, kuwa turxaanta leh, kuwa faafiya cudurada faafa ee la kala qaado, kuwa hagaasiya koboca xidhiidhka iskaashiga wadanoolaansha bulshada dhexdeeda, kuwa xanafta leh ee bulshada ku abuura naxliga iyo xiqdi in lagu naar muto.

Dadka aaminsan fikraddaha caqli galka ah ee ujeedadoodu wanaagsan tahay, waxa ka sii fiican dadka anshaxa iyo akhlaaqda leh, sababtoo ah, hadallada runta ah, wax-tar leh ee wacani waxay kobciyaan wanaajinta iskaashiga xidhiidhka bulshada iyo qalbiyadda aadamaha, dhawaaqa dawanka codka farxad leh ee wanaagsan, sida, akhriska quraanka, aqoonta iyo aamuskuba in ay yihiin uu daawada Maan-madoobaadka (qalbi-madoobaadka) kaasoo ifiya maan Aadamaha.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Murti carbeed...

 Murti Carbeed baa tidhaahda “ An-naasu calaa diiniy muluukihim” taasoo macno ahaan noqonaysa,  dadku waxa ay haystaan diinta madaxdoodu ay haysato. Hogaamiyuhu marka uu jecel yahay wanaaga, isaguna wuu wanaagsan yahay,  dadkuna way isku wada-eekaysiiyaan, balse, marka la ogyahay in uu xiiseynayo xumaanta, boobka, dhaca, dilka, iyo tumashada, dadkuna waxa ay is odhanayaan xagan buu jecel yahaye bal isku eekaysiiya, oo dhinaca xun ayey u kacaan.

Haddiise qofka xun xumaan loogu jawaabayo, qofka wanaagsana wanaag loogu jawaabayo, dadku waxa ay door-bidayaan in ay wanaagsanaadaan, kii wanaagsanaana waxa uu ku sii  dhiiranayaa inuu wanaagsii sii laban-laabo, isla-markaana umadiina ay wada-wanaagsanaato.

Thursday, March 2, 2023

Dalka ugu faca-weyn Adduunka. Q/5-aad


19. Somaliland: Taariikhyahannadu waxay xusaan in lala xidhiidhiyo inay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, halkii ay ka soo unkatay ilbaxnimadii hore iyo ganacisgii hore ee adduunka.

Isla markaana bulshadii hore ee ku noolaydna qaarkood ay u haajireen Levant oo ah gobolka xeebta dhereran ee ku yaala bariga badda Mediterranka ee ka soo bilaabmata waqooyiga Siiriya iyo Koonfurta Masar oo ah halka kala qeybisa dadyowga kala duwan iyo dhaqannadii soo jireenka ahaa.

Somaliland waxa ay ku taallaan gacanka geeska Afrika, waxay xuduud la leedahay xeebta koonfureed gacanka cadmeed, waqooyi galbeedna waxa ay xuduud la leedahay Dalka Jabuuti, dhinaca Koonfureed iyo Galbeedkana waxa ay xuduud la leedahay Dalka Itoobiya, dalka Soomaaliyana Bariga, Somaliland dadkanku nooli waxa ay rumeysan yihiin Diinta Islaamka, waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqanka ah. 

Qarnigii 18-aad illaa iyo Qarnigii 19-aad badhtamihiisii waxa ay maxmiyad u ahayd dalka Ingiriiska, ka dib markii xornimadda ka qaaday sannadkii 1960-kii waxay la midowday Koonfurta Soomaaliya, ka dib dagaal qaatay sannado badan ayey mar labaad la soo noqotay madaxbannaanideedii 1991-kii. Inkastoo ay naafeeyeen dagaalo sokeeye, dagaalkii ay kula soo noqotay madaxbannaanideeda.

Haddana, si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhisyo qoto dheer oo lagu sameeyey, kaasoo qaatay wakhti badan ayaa lagu muujiyey in dadkanni yihiin (Indigenous) dadka Somaliland in ay ka soo jeedaan asalkii hore, arrintan waxa ay ka dhigan tahay in dadka asalka ahi ee Reer Somaliland soo jireen ugu yaraan muddo haatan laga joogo 7000-kun oo sannadood ka hor.

Helitaanka sawirro qadiimiya iyo far-qoraalladii hore oo lagu xardhay dhagaxaan ayaa caddayn u ah in Somaliland ka mid tahay dalalka ugu faca weyn adduunka. 

Sawiradani waxay muujinayaan noloshii dadkii hore ee gobolkan degenaa, kuwaasoo jiray illaa iyo 5000-kun oo sannadood, run ahaantii, qaar ka mid ah farshaxannadii ugu horreeyay ee fanka dhagaxa ah ee qaaradda Afrika ayaa leh sawir-gacmeedyo badan oo qallafsan oo madow oo haddana ifaya oo ah xayawaan iyo aadame....La soco... 

Q.MF.Qoti

Wednesday, March 1, 2023

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q. 4-aad


 16. Ireland: Jamhuuriyadda Eerland waxa naafeeyey qulqulkii dadkii u soo dhoofi jiray, dagaalo sokeeye, dagaaladii diinta Kiristaanka, kii midowga iyo madaxbannnaanida. 

Dadka Ayrishku waa ilbaxnimadii hore ee adduunka, nolosha dadka Ayrishku waxa ay ku tiirsanaayeen beeraha, waxaana lagu qiyaasaa jiritaankooda illaa iyo in ka badan 10,000- oo sannadood ka hor.

17. Faransiiska: Dalka Faransiisku waxa uu soo jiray in ka badan 1000-kun sannadood, waxaannu caan ku yahay dhacdooyinkii ugu caansanaa sooyaalkii taariikheed ee reer Yurub, sida, Kacaankii Faransiiska ee sannadkii 1789-kii, Dagaalkii Napoleonka iyo duulaankii Jarmalka ee sannadkii 1914 illaa iyo sannadkii 1940-kii.

Billowgii aasaaska dowladda Faransiiska waxay ka dhalatay xoojinta awoodda iyo ballaadhinta dhulka iyadoo loo marayo dagaal in lala galo boqorradii Ingiriiska iyo Habsburgs.

Dadka ku nool fransiiska waxa lagu qiimeeyaa dhinaca diimaha in boqolkiiba konton (50%) ay haystaan mad-habta Catholicism iyo Protestantism ee diinta Kiristaanka, halka boqolkiiba afarna 4% ay yihiin Islam, halka dhaqanka diinta buddhismkana ay haystaan boqolkiiba laba 2%.

18. Mongolia: Waxa ay dhinaca waqooyi xad kala leedahay Ruusha, dhinaca Koonfureedna Dalka Jayna, taariikhdu markay ahayd sannadkii 1206-dii dowladdii Mongolian Empire kuwo ku hadla afka mongolianka iyo qabiilada Turkiga ah. 

Dalkan mongolia dadka ku nool boqolkiiba kow iyo konton dhibic todoba 51.7% waxa ay rumeysan yihiin dhaqanka Buddhism, boqolkiiba afartan dhibic lixna 40.6% waa bilaa diin, boqolkiiba saddex dhibic labana 3.2% waa Islaam.....La soco....

Q.MFQoti

Dalka ugu faca-weyn Dunnida. Q.3-aad


10. Georgia: Jeerjiyada cusub waa halkay ka soo unkatay soo saarista khamriga, waxaad ku arkaysaa jalxaddihii hore ee la isticmaali jiray ku dhawaad 8,000 oo sannadood ka hore.

Dadka reer Jeerjiya intooda badan waxa ay haystaan mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, halka qeyb kalena ay haystaan diinta Muslimka.

11. Sudan: Jamhuuriyadda Dalka Suudaan waxa hore u soo xukumi jiray boqortooyadii Karma taariikhdu markay ahayd 2,500 -illaa iyo 1,500 oo sannadood CH, nolosha dadka reer suudaan waxa ay ku tiirsan yihiin labanka, ugaadhsiga, kaluumaysiga, beerista heeda iyo dhaqashada xoolaha, intooda badan waa Muslim, marka laga reebo inta haysata diinta Kiristaanka.

Sida la xaqiijiyey waa dad ka soo barakacay lama degaanka saxaraha, markay dalka suudaan yimaadeena waxa ay noqdeen beeralay.

12. Itoobiya : Jiritaanka Dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2,000-sannadood CH.

Dadka ku nool dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa 80-qoomiyaddood, waxaannay boqolkiiba saddex iyo afartan (43.8%) haystaan mad-habta Orthodoxy ee diinta Kiristaanka, boqolkiiba laba iyo labaatan dhibic sideedna (22.8%) waxa ay rumeysan yihiin P'ent'ay mad-habta diinta Kiristaanka Protestant, boqolkiiba kow iyo sodon dhibic saddexna (31.3%) ay yihiin Islam, halka inta kale ee soo hadhayna ay rumeysan yihiin dhaqankooda.

Waa dalka ugu faca-weyn dhinaca madaxbannaanida dalalka Afrika, sidoo kale'na waa dalka ugu da'da weyn Adduunka, dhinaca dowladdnimada, waxa kale oo lagu tilmaamaa in aan waligeed la guumeysan ,marka laga reebo muddo koobaneyd oo talyaanigu qabsaday sannadihii 1936-kii ilaa iyo sannadkii 1941-kii.

Waxa kale oo lagu qiyaasaa jiritaanka dalka Itoobiya ku dhawaad 150- kun illaa iyo 200-kun oo sannadood. 


13. Greece: Nolosha Dadka ku nool dalka Giriisivwaxa ay ku tiirsan yihiin dhinaca midhaha ka soo go'a beeraha ay fashaan, waxaannay rumeysan yihiin boqolkiiba sagaashan iyo kow mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, Dalka Greece waa dalkii ugu horeeyey ee ay ka hirgashay nidaamka dimuquraadiga taariikhdu markay ahayd sannadkii 508--dii.

14. Afgaanistan: Raadraaca sooyaalka taariikeed ee dadka reer Afgaanistaan noloshooda waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 50,000- kun oo sannadood, waana dad ku tiirsan dhinaca nolosha beeraha, waana Muslim.

15. Jabaan: waxa lagu qiyaasaa jiritaankeeda ku dhawaad 2,600- oo sannadood, .waxaanay haystaan dhaqanka iyo hiddaha Buddhismka.....La soco...

#Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q/2-aad

5. Armaaniya: Sooyaalka Taariikheed ee raadraaca Armaaniya ayaa lagu qiyaasaa jiritaankeeda muddo 3,500- oo sannadood.

Nidaam dowliya oo ka hirgala Dalka Armaaniy waxa ugu horeeyey qarnigii lixaad, inkastoo gobolkan la aaasaasay taariikhdu markay ahayd 782-kii, haddana waxa lagu tilmaamaa in uu wakhtigaas lahaa awood aad u xoogan iyo nidaam dowladdeed, Armaaniya waxa ay ka soo bilaabmataa badda madow, badda Caspianka iyo Mediterranean illaa iyo harada Urmia ee dalka Iiraan. 

Armeniyiintii waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee qaata diinta Kiristaanka oo wakhtigaas ahayd diin dawladeed taariikhdu markay ahayd sannadkii 301-dii Ilaa iyo hadda, waxa ay weli ku dheggan yihiin Kaniisadda Rasushii Armaaniya, waana Kiniisadda ugu faca-weyn Adduunka.

6. Kuuriya: Jasiiradda Kuuriya waxay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Shacabka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, dadka ku nool waxa ay aaminsan yihiin qaarkood diintii Nabi Muxamed (scw) halka qaar kale'na ay rumeysan yihiin diintii Nabi Ciise, kuwo kalena waxa ay rumeysan yihiin dhaqanka Buddhism iyo Confucianism.

Guud ahaan Dalka Kuuriya waxa uu leeyahay sooyaal taariikheed oo lagu qiyaaso 5,000-kun oo sannadood, 

Waagii hore waxa loo yaqaanay Gojoseon laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd sannadkii 2333 illaa iyo sannadkii 108-dii CH, Kuuriya waxa ay ahayd waddankii ugu horreeyay ee hindisa nooca daabacaadda biraha dhaqaaqa, daahfurkan hindisahan waxa uu wax weyn ka beddelay isgaadhsiinta Adduunka.

Sidooo kale, hal-abuurrada dalka kuuriya waxay door muhiim ah ka soo qaateen horumarinta dhaqaalaha adduunka, taariikhdu markay ahayd sannadkii 37-kii CDillaa iyo sannadki 668-kii CD.

Boqortooyadii Goguryeo ayaa ka mid ka mid ahayd dawladdihii ugu awoodda badnaa Bariga Aasiya.


7. Tiongkok : China waxa ay ahayd ilbaxnimaddii hore sannadkii 1700-1046 CD

8. Hindiya: Inkastoo dadka reer Hindiya ay aaminsan yihiin Diinta Kiristaanka, Diinta Islaamka, dhaqanka Budhaha, Jainism, iyo Sikhism.

Haddana ilbaxnimadii hore ee dalka Hindiya waxa loo yaqaanay dooxadii ilbaxnimada Dadka iduuska, (Indus Valley Civilization') ama (Harapan Civilization).

Haddana, Inkastoo la rumeysan yahay in dooxada ilbaxnimada Dadka iduuska la odhan jiray ' Meluhha' sannadkii 3300- illaa iyo sannadkii 1300 CD, sidoo kale waxa la rumeysan yahay in dhaqaalaha, dhaqanka iyo ilbaxnimaddii magaalooyinka Hindiya, waxa ay horumareen muddo haatan laga joogo 5,500-sannadood ka hor.

9. Israa'iil: Waxay ku taal inta u dhaxaysa badda Mediteerinka iyo badda cas, jiritaanka Israa'iil waxa uu soo maray waayo badan sida ilbaxnimaddii hore ee birta iyo dhagaxa, waxaanna maamuli jiray Dowladdii Roman Empire sannadihii 62-kii illaa iyo sannadkii 634-kii.

Dadka Israaiiliyiintu waxa ay aaminsan yihiin intooda badan Judaism oo ah diintii Nabi Ibraahim, Iyo Nabi Daa'uud, halka boqolkiiba siddeed iyo tabanna (18.1%) ay yihiin Muslim, boqolkiiba hal dhibic sagaalna waa christian 1.9%, halka hal dhibic lixna ay aaminsan yihiin diintii Nabi Ismaaciil 1.6%.

Waxa kale oo la rumeysan yahay in qabiilka israaiiliyiintu ka soo barakaceen Afrika......La soco....

Q/Mohamed Farah Qoti

Dalka Ugu Faca-weyn Adduunka.


Weli waxa aynu ku guda jirnaa Sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon-korodhsigeenii, waxa aynu maanta ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn Adduunka.

Inkastoo ay jiraan magaalooyin soo if baxay iyo kuwo siqiiray, oo aan hayn raadraacood taariikheed, haddana, si kastaba ha'noqotee, waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn, dhinaca ilbaxnimaddii hore ee Adduunka.

1. Dalka Iiraan waxa uu ka mid ahaa Beershiya Qarnigii 20-aad, illaa iyo haddana waa dalka ugu faca-weyn dhinaca Ilbaxnimada Adduunka.

Dabayaaqadii sannadkii 1501-dii ayaa Dalka Iiraan lagaga dhawaaqay dowlad madaxbannaan oo hoos timaadda boqortooyadii Safawiidka oo ahayd boqortooyo shiico ah oo ka talinaysay ilaa iyo sannadkii 1979-kii, taasaana sabab u ahayd in loogu yeedho dalka ugu faca- weyn Adduunka.

2. Masar: Dalka Masar ayaa lagu qiyaasaa in ay soo jirtay illaa iyo ​​30- qarni, baadhitaano lagu sameeyey sannaddadii ugu danbeeyey ayaa lagu ogaaday magaalo ka mid ahayd magaalooyinkii hore, war-bixintan cusub ee soo if baxday ayaa la rumeysan yahay in ay jirtay magaaladan cusub ee la yidhaahdo Sohag ku dhawaad 7,000 oo sanno, waxaanna dib u soo laabanaysa taariikhdii hore ee faraaciyiinta taasoo hadda laga joogo ku dhawaad 5,000 oo sanno.


3. Suuriya : Dalka Suuriya waxa uu ku yaalaa galbeedka qaaradda Aasiya, dhinaca xukunka waxa iskaga danbeeyey dhowr boqortooyo oo kala duwanaa, inkastoo dadka suuriyaanka ahi ay islaam yihiin boqolkiiba todoba iyo sideetan (87%), boqolkiiba-tobanna (10%) ay haystaan diinta kiristaanka, halka boqolkiiba saddexna (3%) ay rumeysan yihiin diintii nabi Ismaaciil.

Baadhitaanno lagu sameeyey hadhaaga lafaha qalfoofyadii dadkii hore, ayaa lagu ogaaday raadraacii taariikheed ee soo jirtay muddo lagu qiyaasay 700,000 oo kun oo sanno. 

Mar kale oo Baadhitaan labaad lagu sameeyey raadraaca taariikheed oo qaatay muddada dheer ayaa daaha laga feyday jiritaanka Magaalada Elba, magaaladan oo ka mid ahayd magaalooyinkii guumeystayaashii hore, waxaanna la rumeysan yahay in ay soo jirtay ku dhawaad 3000-ku oo sanno.

4. Fiidnaam : Jiritaanka taariikhda Vietnam waxaa lagu qiyaasaa illaa iyo 20,000-kun oo sanno, sannadkii 1965-kii ayaa baadhitaano lagu sameeyey hadhaagii lafihii hore ayaa lagu ogaaday in ay ka mid tahay wadamadii hore, inkastoo bulshada reer Fiidnaam ay ku tiirsan yihiin midhaha ka soo baxa beerha la fashion, haddana dadkaasi waxa ay aaminsan yihiin dhinaca diimaha dhaqanka ah ee Budhaha Confucianism and Taoism.... La soco...


Tuesday, February 28, 2023

Masaajiddada ugu faca-weyn

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga badnaa iyo sooyaalkii taariikeed, maanta waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa sideedda masaajid ee ugu cimriga dheer leh dunnida, Masaajidka koowaad waa Al- Xaramayn, runtii lama yaqaano wakhtiga la bineeyey dhismaha masaajidkan, balse, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn aduunka.

Sidoo kale, Kacbada ayaa ah goobta ugu xurmada mudan Diinta Islaamka, goobtaas oo dadka muslimiinta ahi ay u tagaan sidii ay u gudan lahaayeen cimrada iyo gudashada waajibaadka Xajka sannadkiiba hal mar, taas marka aynu ka nimaadno, Masaajidkani waxa uu leeyahay dhowr goobood oo aad muhiim u ah, sida, Dhagaxa Madow, Qabrigii Nabi Ibraahim (C.S,), Ceelka Samsamka ah, Buuraha Safa iyo Marwa, dhismaha Masjidkan ayaa dib u habeyn iyo ballaadhin lagu sameynaayey qarniyo aad u badan.

Culimada Islaamka qaarkood ayaa aaminsan in Dhagaxa Madow uu yahay mid ka hadhay dhismihii asalka ahaa ee lagu dhisayey masjidkan, wakhtigan aynu joogno Masaajidkan waxa uu ku fadhiyaa dhul qiyaastiisu dhan tahay 356,000 mitir oo laba jibbaaran, waxaannu leeyahay sagaal minaaradood, waxaanna hal mar ku tukan kara dad tiradoodu gaadhayso laba milyan iyo shan boqol oo kun (2.5 milyan) oo qof.

2- Masaajidka Xaramayn al-Shariif, oo loo yaqaan Temple Mount, waxaa lagu tiriyaa inuu yahay masaajidka labaad ee ugu da'da weyn adduunka, waana dhismaha saddexaad ee ugu xurmada badan Islaamka, balse, maaha in loo arko in uu muqadas uun u yahay umadda muslimiinta oo kaliya, sidoo kale, waxa iyana muqadas u arka Yuhuudda iyo Masiixiyiinta. 

Masjidkan waxa uu ku yaala magaalada Jerusalem ee dalka falastiin waxaana dhismihiisa ku yaala Qubbat al-sakhra, Qubbatu Masjidka Dhagaxa iyo Masjidka al-Aqsa.

Sida la ogsoon yahay dhinaca dhaqanka Islaamka, Masjidka Al-aqsa waa meeshii uu Nebi Muxamed u koray samada toddobaad (Sidratul Muntaxa) ee uu habeenka u socdaalay (waxaanna loo yaqaanaa Isra Mic'raaj).

Dhinaca kale, Yuhuuddu waxay rumaysan yihiin in Qubbada Dhagaxu uu yahay meeshii Nabi Ibraahim isku dayay inuu wiilkiisa alle bari uu ugu bixiyo.

Goobtan ayaa ah goob muddo dheer uu ka taagnaa ikhilaaf siyaasaddeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, Xilligan waxa la og yahay in ay gacanta ugu jirto maamulka Israa’iiliyiinta. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaanna la og'soon hillaada dhow in ay Muslimku ku maamuli doonaan caqiidada Diinta Islaamka.

3. Masaajidka Al-Mashar Al-xaram ee loo yaqaano Taallada Quduuska ah, masaajidkan oo ah masaajid korka ka furan ayaa ku yaala Musdalifah oo u dhow Maka. 

Masaajidkan ayaa lagu sheegay qur’aanka kariimka ah, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay mid ka mid ah masaajiddada ugu faca weyn aduunka, waxaannu qeyb ka yahay gudashada xajka, xujaajtu markay soo gutaan Kacbada ayey uga sii safraan Mina, waxaannay uga sii gudbaan Masjidka Al-mashar Al-xaram si ay ugu tukadaan salaadda Maqrib iyo Cishaa'i.

Kadib maalinka ku xiga waxa ay u anbabaxaan Mina, waxaannay dib ugu laabtaan Musdalifah si ay ugu tukadaan salaada Subuh, waxaannay u sii dhaafaan Maka. 

4. Masaajidka Saxaabada ee loo yaqaano Masjidka saxaaba, waa masaajid yar oo ku yaala magaalada Masawa ee dalka Eritera, waxaanna lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn qaarada Afrika.

Masaajidkan ayaa lagu qiyaasaa taariikhdu markay ahayd sannadkii 613-kii, ay dhismahan bineeyeen saxaabadii Nebi Muxamed (n.n.k.h), kuwaasoo ka soo cararay dhibaatadii Maka.

Taariikhyahanadu waxay rumaysan yihiin in qaabka uu hadda u dhisan yahay loo isticmaalo sooyaal taariikheed, xusuus, sidoo kale, masaajidkan ayaa ka kooban dhismayaal gaar ah, sida mixraab iyo minaarad muujinaysa in islaamku u isticmaali jiree qaab-dhismeedkan , horaantii qarnigii 7-aad.

5. Masaajidka Al Nejashi waxaa dhisay saxaabadii Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee u qaxay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ku yaala tuulada Negash. 

Nejashi oo macnaheedu yahay boqor magacii, ayaa loogu magac daray masaajidkan, sida taariikhda lagu xuso waxa ugu horeeyey oo goobtan soo gaadhay 15- ka mid ahaa saaxiibadii Nebi Muxamed (n.n.k.h), halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Boqorkii Xabashida ee wakhtigaas maamulayey.

Waxaanna goobtaas ku soo dhaweeyey iyagoo taageeraya asxaabtaas, dad tiradooda lagu qiyaasay in ay ahaayeen illaa 101-qof, masaajidkan ayaa dayactir lagu sameeyey sannadkii 2018-kii, saddex sano ka dib, waxaa soo gaadhay burbur weyn oo ka dhashay isku dhacyo dhex-maray jabhadii xoreynta Tigrayga iyo ciidamada ammaanka ee Itoobiya iyo Eriteriya. 

Isla wakhtigaas dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay balan qaadi doonto masuuliyadda dayactirka dhismaha masaajidka. 

Waa in aynu xusuusnaanaa in dhismaha weyn ee masjidka ka danbeeya ay ku aasan yihiin 15-xabaalood, kuwaasoo la rumeysan yahay in ay ahaayeen qabrigii saxaabada Rasuulka (n.n.k.h)

6-Masaajidka Al-qiblatayn ee ku yaala Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa hubaal ah in masaajidkani uu ka duwan yahay masaajiddada kale ee al-Qiblatayn ee ku yaala magaalada Madiina. 

Inkastoo aan la garan karin xilligii la binneeyey masaajidkan, haddana waxa uu ka mid yahay saddexdii masaajid ee ugu horreeyey Afrika ee ay dib u dhiska ku sameeyeen xertii Nebi Muxamed (n.n.k.h) waxaannu ku yaalaa magaalada Saylac ee Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Horraantii qarnigii 7-aad, ayaa asxaabtii Nebiga ee ka qaxay Maka, ayaa si ay uga bedbaadaan cadaadiskii ay ku hayeen madaxdii Qureysheed, waxa ay gabaad ka dhigteen qeybo ka mid ah dalkii hore loo odhan jiray Abasiiniya ee noqday Itoobiya, Eriteriya iyo Somaliland. 

Muddadaas waxa ay ka dhisteen masaajiddo badan goob kasta oo ay degeen, nasiib darro'se, masaajidkan ayaa ah mid weli burbursan oo ay ku garab aasan yihiin qabriga Sheekh Babu Dena iyo Sheekh Adarahman Sa'ad iyo Sheekh laba miir.

Mid ka mid ah mixraabka ayaa u janjeedha dhanka waqooyi ee Maka, halka ka kalena u jeedo dhanka waqooyi-galbeed ee Qudus,

Sidoo kale, Magaaladan Timbuktu ayaa ahayd goob xarun ganacsi, taasoo ah halkii ay ka soo bilaabmatay ilbaxnimadii Sayniska Galbeedka Afrika

7. Masaajidka Quba, masaajidkan waxa dhisay Nebi Muxamed (NNKH) sannadku markuu ahaa 622-kii, waxaannu ku yaalaa magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga.

Masaajidkan ayaa la dumiyey dhismihiisa, waxaanna lagu beddelay dhisme cusub Qarnigii 20-aad, maadaama uu ka mid ahaa masaajiddada ugu faca weyn leh Sacuudiga, sida la ogsoon yahay maalin kasta oo sabtiya ayuu ku soo tukan jiray laba ragcadood Nebi Muxamed (NNKH), masaajidkan oo ah masaajidkii ugu horeeyey ee lagu tukaday salaadda jimcaha.  

8. Masaajidka Al-Nabawi, Masjidkan waxa la dhisay sannadkii 622-kii, waxaannu ku yaalaa magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga, waanna masaajidkii ugu horeeyay ee laga dhisay meel u dhow gurigii Nebi Muxamed (NNKH). 

Masaajidkan waxa astaan u ah qudbi cagaaran oo dowladdii cusmaaniyiintu ka dhistay sannadku markuu ahaa 1818-kii, 

sida la og yahay masaajidkan waxa dhisay Nebi Muxamed (NNKH), goobtan oo ahayd meel dadka lagu aaso, dhisma ahaana waxa ay ahayd dhismo dusha ka bannaan, isla markaana ahayd dugsi diimeed, maxkamad iyo goob ay ku kulmi jireen dadka Islaamka ahi.

 

Sunday, February 12, 2023

Sheeko kale: Garo ama ha garan

 SHEEKO KALE: Qofka Garta Jawaabta saxda ah ee Su'aasha ku sidkan Sheekadan, waxa uu abaal marin u helli doonaa hal eray oo noloshiisa anfici doona. 

Aaraa (Dhaqanku kuma koobna oo kaliya, fanka, dharka, falsamida, qoraaladda, caadooyinka, suugaanta, ciyaaraha hiddaha iyo hagayaasha lagu tilmaansado sooyaalka taariikheed ee soo jireenka ah balse, dhaqanku waa tiir ka mid ah tiirarka nolosha iyo xuquuqda habnololeedka aasaasiga ah ee qofka.) 

Haddaba, Waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay. 

Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada. 

Wax yar ka dib, Ninkii reer miyiga ahaa Sodohdii oo maqlaysay sanqadha ayaa dibadda u soo baxday, waxaannay u soo kicitintay dhinaca xerada xooluhu ku xareysan yihiin, waxaanay iska gurtay oodii afsaarka xerada u ahayd, markii ay soo dhex gashay xeradii waxay aragtay neef gaylaama, si degdeg ah ayey dib ugu soo noqotay gurigii, waxaanay soo qaadatay madiil oo ay ku gowracday neefkii. 

Markii waagu uu beryey ee xoolihii foofeen, ayuu soo toosay gadh-wadeenkii reerku, waxaannay ishiisu halacsatay, neefkii xalay dhurwaagu dilay oo Sodohdii inta ay gowracday oo geed ku dhex yaalay reerka gudihiisa sudhay ay haraga ka saarayso. 

Talaa ku caddaatay, haddii uu gabadhiisa u sheego arrintaas, wuu garanayaa jawaabta kaga imanaysa, ma hooyaday baa bakhtiga qalata, haddii iska aamusana, iyaduna waa dhibaato hor leh, umana adkaysan karayo in uu bakhtigaa cuno. 

Haddaba, waxaan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa dadweynaha, sideebaa xal loogu helli lahaa dhacdadan?

Tuesday, January 10, 2023

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Wersidaheena Nayruuska saadaasha xidigiska ee sannadlaha ah ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 11-aad ee aan qoro.

Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Haddaba, waxa aynu male aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2023-ka, waxaanna la odhan jiray, “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Sannadkan cusub ee 2023-ka waa wakhti aan hore loo arag dhinaca koritaanka horumarka, wada-jirka, dhaqanka ku dhisan tallo-wadaaga, qunyar socodnimada, wacyi-galinta iyo isbeddellada, sannadkan waa xilli loo diyaar garoowbayo helitaanka muuqaalka iftiinka sii kordhaya ee nabadda, wada-noolaanshaha, bogsashada iyo murtida.

Dhinaca siyaasadda: Dalka Somaliland waxa aynu hore u soo aragnay ururro siyaasaddeedo ogolaaday xeerarka doorashooyinka iyo nidaamka ay kaga gudbayaan tartanka doorashada ay ku gaadhayaan saddexda Xisbi siyaasaddeed iyo nidaamka lagu kala saarayo ee u dajisan Ha'yadda doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas oo kale ayaa loo xakameyn doonaa hubka. 

Wakhtigan Somaliland waxaa laga yaabaa in aanay caadi ahayn in la arko siyaasiyiin xisbiyo beddelaya, haddaba sidaas oo kale ayaa ka dhici doonta adduunka oo dhan, taasoo ay keentay fikraddaha isku dhafan iyo dhaq-dhaqaaqyada xoriyaddeed. 

Dhinaca kale, mabaadii'da suuqyada xorta ah, xorriyaddaha shakhsiyeed iyo madax-bannaanidu waxay soo dhaweynayaan fikraddaha ay soo saareen ururro siyaasaddeedadaas, balse, la arkee dhaq-dhaqaaqyo kale in ay soo baxaan sannadaha soo socda.

Waxa kale oo la filan jiray xiisaddo ka dhalan doona xudduudaha qaranka, waxaanna si deg-deg ah loo beddeli doonaa hoggaamiyeyaasha dawladdaha, kuwaas oo matali doona in ay dhaq-dhaqaajiyaan fikrado ka tarjumaya halganka adduunka ee u dhexeeya dhinaca dhaqanka iyo awooddaha sare.

Awoodda fikraddaha ruuxiga ahi waxay dabooli doonaan in ay daciifiyaan kooxo dad ah oo isku tagay oo sheeganaya xudduudo shaqsi ahaaneed, dadkuna waxay dareemi doonnaan inay ku xidhan tahay arrintaasi, wax awooddooda ka weyn. 

Xuduuddaha qaranka iyo kuwa Adduunka ee ku yimid hoos u dhacu, dowladduhu waxa ay dib iskaga kaashan doona sidii loo xakameyn lahaa arrimahaas, isla markaana loo xoojin lahaa xuduuddaha, waxaanna la sameyn doonaa ciidamo gaar u ah illaalada xuduuddaha, qalabka kormeeridda xuduuddaha, kordhinta xeerarka iyo xakameynta cidda ku soo xad-gudubta waddan kasta.

Sinnaanta, bini'aadantinimada iyo fikradaha loo wada dhan yahay waxa ay kordhin doonaan in la gaadho rabitaanka iyo hal-abuurnimada, rabitaanka degdega ahina waxay saameyn ku yeelanayaan in uu noqdo tamar ku jihaysan maskaxaha dadka, fikraddaha cusub ee u qulqulaya sida hirarka maayadaha ee ka soo butaacaya maskaxaha aadamaha, maaha sida loo maleynaayo.

Ka dhursugidda aan dhamaadka lahaynina, waxa ay inoo horseedi doonaan iriddo cusub, la arkee in ay soo baxaan hawlo badan oo hal abuur leh, si kastaba ha ahaatee, waxa geedi loo yahay hayaankii lagu gaadhi lahaa hoggaaminta iyo madax-banaannida.Runta Allaa Og.

Dhinaca dowladdaha: Dhinaca Dowladdaha waxa la saadaalin jiray in la arko  horumarinta qalabka casriga ah oo ku socda xawli sare iyo korodhka isticmaalka qalabka sirdoonka macmalka ah ee ay u isticmaalaan hawl maalmeedkooda, taasoo hoos u dhigi doonta isticmaalka xad-dhaafka ah ee qalabka sirdoonka macmalka, waxa kale oo la arki doonaa korodhka xawliga korontada iyo isgaadhsiinta oo dhaafi doona awooddaha maskaxda bini'aadamka.

Marka dib loo qaybiyo awooddihii dowladdaha kelitaliska ah iyo kooxaha shakhsiyaadka ah, waxa ay saameyn ku yeelan doonaan bulshadii iskaashanaysay in ay midba midka kale taageeraan.

Billowga hore waxa jiri doona jiho wareer dhinaca xeerarka iyo qawaaniinta, ma kuwii hore mise kuwa cusub ee danbe ayaa la raaci doonaa, waxaannay taasi horseedi doontaa darèen dowlad la'aan ah, 

Sinnaan la'aantu waxa ay awood ku burburin doontaa inay ka hortagto fikraddaha dimuquraadiga ah, waxaana lagama maarmaan ah in la qaado talaabooyin lagu qiimaynaayo xidhiidhka horumarinta masuuliyaddaha qof-ahaaneed.

Waxa laga falcelin doonaa dabacsanaanta fikraddaha xorta ah iyo hadalka, waxaanna la dhisi doonaa xeeladda nidaamka awooddeed, dhacdooyinka, sooyaalkii taariikheed, waxaana loo baahan yahay in si fudud loo furo marinnada khayraadka socda iyo awoodda ruuxiga ah, sidoo kale, ta'yada jaceylka iyo nuurkuna wuxuu gaadhi doonaa halka ugu sareysa.

Sannadkan waa sannadkii uu bilaabmay Kacaankii Faransiiska iyo Kacaankii Warshadaha, la arkee Isbeddel awood leh iyo in dib u qeybin lagu sameeyo awoodda dowladdaha kelitaliska ah, loona qeybiyo bulshooyin gaar ah, waan tijaabada mabaadii'da dimuqraadiga ah ee la aqoonsaday in ka badan 200- oo sanno ka hor, hababkii hore ee la tijaabiyey ulashadii ka soo baxday waxay noqotay run, laakiinse, tanni uma eekaanayso mid run ah.

Ugu dambeyntii, ha u baqannina isbeddelada, laakiinse, aynu ka cabso'no in aanay isbeddelin fursadaha koritaanka. Runta Allaa Og.

Dhinaca ganacsiga: Waxa la arki doonaa faashil ku yimaada ganacsigii hore, shirkadaha ganacsiga iyo dhismayaasha, waxa kale oo isbeddel ku iman doonaa qalabka casriga ah ee cusub, gaadiidka, hab-nololleedka iyo hababka cusub ee isgaadhsiinta.Runta Allaa Og.

Dhinaca dhaqaalaha: Habka cusub ee kaabayaasha maaliyadeed waxay jeexi doonaan dariiqii ay ku sameysmi lahaayeen ganacsiyo yaryar, kuwaas oo dabooli doona baahiyaha bulshada ee dowladaha hoose, ganacsigan cusub ee la dhashay kacaankan ayaa noqon doona ganacsi caalamiya, Agaasimaha Guud ee loo igmaday Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Maxamed Xuseen Cusmaan Mu'adinka ayaa qaranka u noqon doona astaan ku dayo'sho mudan, si kastaba ha ahaatee, waxa geedi loo yahay hayaankii lagu gaadhi lahaa hoggaaminta iyo madax-banaannida.Runta Allaa Og. Runta Allaa Og.

Dhinaca Warbaahinta: Waxaan xaqiiqsaday in ay rumowday saadaashii sannadkii 2012-kii, taasoo diiradda saaraysay burburinta wargeysyadayda adduunka, si aan loo hellin meelo lagu qoro fikradaha cusub ee xorta ah, fikraddaha ku salaysan xaqiiqooyinka iyo hal abuurnimada.

Loolanka awooddeed ee ku saabsan cidda maamusha mowjadaha hawada iyo ilaha xogta ayaa sii socon doona oo sii xoogaysan doona. 

Arrimaha la xaddiday iyo faafreebku waxay noqon doonaan kuwii hore, dagaalladii gacan ka hadalka ahaa oo isku beddeli doona "Dagaalka war baahinta," taasoo hanan dopnta maamulka maanka iyo qeybo ka mid ah maskaxda aadamaha.

Waxa kale oo isbeddel ku imanayaa luuqaddaha waxtarka ah, abaabulka muuqaal -araga, la arkee sawiro ka badan qoraallada si loo muujiyo fikraddo kakan, si kastaba ha ahaatee.Runta Allaa Og.

Dhinaca arrimah bulshadu waxay ku sugan yihiin: Fikirka, hamiga iyo himilada la hiigsanayaa way fududdaadaan, wax kasta oo aan la gaadhi karaynin, waxa ay noqon doonaan kuwo si fudud loo gaadho, aynu ka fikirno hilinka aynu jecel nahay ee aynu hiigsanayno aayaha, aynu fahanno in aynu ku gaadhno aamusnaan, waa in aynu taageernaa himilada aynu hiigsanayno midho dhalka wanaagsan ee aynu gaadhi doono sannadka cusub.

Isla markaana, aynu xoojinno awooddaha salaadda, fikradaha togan, Alle bariga, hilaadinta, dhex-dhexaadnimada iyo feejignaanta, si kastaba ha ahaatee, waxa geedi loo yahay hayaankii lagu gaadhi lahaa hoggaaminta iyo madax-banaannida. Runta Allaa Og.






Sunday, January 1, 2023

Gorgorka


Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse,  Gorgorku marka uu la haado maska hawada  sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka,  marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo,  waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan. 

Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo. 

Haddaba,  siyaasadda dagaalka gudaha ee   la soo waaridday waa inaad  u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale,  sida Gorgorka oo kale adigoo cibaadaysanaya, waxa aad gaadhi doontaa libta guusha aad hiigsannayso.

Qoraa. Maxamed F.Qoti