Saturday, October 31, 2015

ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, Q/1-aad 

Eebbe ayaa  iska leh xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna  ku joogtaa  amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay  wax kooban.

laakiin  Aadamuhu aadbay u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda , hase yeeshee  umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana  adkaysan karaan ogaanshaha  hadday xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo fool leh noloshooda  iyo saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin, haddana aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka.
Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar  ah  u leh  aqoonta saadaalinta, garashana eebaa iska leh.
Haddaanu male aadame ku male’awaalno  saadaasha sanadkan cusub ee 2015, Dadka ku xeeldheer cilmiga odorosa xidigaha , waxay odhan jireen;-
Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus khamiiseed waxa  loo nisbeeyaa  ka sagaalaad ee liifato waana burjiga Qaansada oo ku aadan mudada u dhaxaysa 23/11-21/12, godadka dayaxa uu ku leeyahay mareeg dheer,  xoor cad iyo Madhan, oo ku began xilliga kala wareega Deyrta iyo Jiilaalka, waa Lab maalinle ah,  habeen isniineedbuu leeyahay waana naari,   waxaana lala xidhiidhiyaa,  Diinta, falsafad, safaradda  (gaar ahaan dibadda), sharciga, buugaagta, hawlaha daabacaadda, talo bixinta.
Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  Afar waji oo kala ah,; Dayaxa, Dardaar, , Venus, Libdhe;-
Wejiga hore, waxa lala xidhiidhiyaa; Deganaansho gudeed, Gurmad iyo itaal , sharar, ciriiri , baqdin, cadhada , dhaqdhaqaaqa safarka, riyaaqa horumarinta, faraxsanaanta, wajiga labaadna waxa lala xidhiidhiyaa; sugidda cilmiga, kutubta iyo wixii la xidhiidha garsoorayaasha, Kan Saddexaadna ;  jacaylka iyo guurka, ka  afaraadna ;  fikirka iyo horumarinta.

Wuxuu sigaara uu u khuseeyaa dhinaca  Awoodaha :  inay noqoto  hab diblomaasiyadeed, wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo dhedig, walaalaynta, xidhiidhinta.

Arrimaha gaarka ahna: iskashi wanaagsan, lamaanaha,  ka fikirka maanta, khatarta isbiimeyn,  Tayo ku saleysan daacadnimada, daacadda iyo dareenka guud.
Wuxuu  jecelyahay;- daacadda, daacadnimoda, waxyaabaha dabeeciga ah, xayawaanka, safarka, tacaburka, caddaaladda, xikmada,  weyneynta, sharafka, xafladaha iyo Quraanka.
Waxaanu  neceb yahay : waxaan damiiciga ahayn, iska yeelyeelida, macnaha hoose, dabaylaha iyo mowjadaha soo noqnoqonaya, ujeedada hoosaysa, kaxeynta, quruxda soo jiidashada leh, dhaqanka xun iyo  dhoobada.
Noolahana dadka (Insaan) wuxuu ku sugan yahay waa loo nisbeeyaa, walwal iyo walaaca, dhinaca wanaagsan wax ka eega,  saaxiibtinimo,  khatarta iyo isboortiga, la arkee in mararka qaarkood niyad jab iyo guul, sidoo kalena ugaadhsiga xayawaankana
Oogada dadka waxaa lagu sheegaa inuu u leeyahay xumnaha oogada iyo kuwa qarsoon sida;- Sambabada, uurku jirta, sanka ka soo baxa, neefsashada, hawo mareenka ,  xubnaha muuqda waxa ka mid ah , labada gacmood iyo garbaha jidhka guud ahaan.
cuduradana xiiqda iyo wixii la xidhiidha neefsashada, shubanka , waxaana haboon in la iska illaaliyo Goobaha wasakhda leh  iyo inaan lagu deg-degin wixii qaliin ah.
Midabadana wuxuu ku leeyahay  midabka bada ee buluuga ah, Macdantana wuxuu ku leeyahay  rubiga iyo topaz,  Buqcadahana wuxuu ku leeyahay wadamada Spain, Australia, South Africa, Portugal, Mexico.

Dhinaca Shaqada waxa loo nisbeeyaa;- in la dhiso caddaalad, si ay u fahmaan, taas oo inta badan ka duwan aragtida dunida, iyo inuu iimaanku ku soo laabto dadka, waxaana haboon  in wax kasta lagu dhameeyo  Isfaham  iyo in la iska illaaliyo nin jaceylka in la dhiirigaliyo, Runtana Allaa og

Sannadkan cusub ee 2015,  wuxuu Dayuxu ku curtay burjiga 10-aad ee Orgiga oo ah arliyo ama  aquirus 11-aad ee hawaa’I ah  waxaana la odhan jiray wuxuu lee yahay darajooyinka ugu hooseeya, maareynta hadalka muhiimka, Tacsiyeyn la’aanta dabeecadaha madaxda, shirqoolka, xanta, ka jawaabid degdeg maskaxeed, Anaaninimadda, gaadhnimada, Is-mashquulinta, ku tiirsanaanta dareen masuuliyadeed dadka ku hareeraysan,  dadkuna waxay muujiyaan qadarin, daacadnimo, lehna  ka-fiirsasho fikir-maskaxeed, firfircoon, meel fog-wax ka arka,  illaa iyo marka ugu danbaysa ay kaa quustaan, waxaana la odhan jiray waxay lee yihiin sharaf, adkeysi iyo aragti dhabta ah ee aduunka ka jirta.

waxa kale oo la odhan jiray  hamiga iyo riyooyinkuba way adkaadaan,  dumarka xoogsada dhaqaalahooda uma fiicna ayaa la odhan jiray, kibirka, sharafka hawada, damaca awooda, aqoonsiga, dhaqaalaha awooda , umana fiicna inay dadku kala qaato xoriyada, waxaanu u janjeedhaa dhinaca  fulinta jagooyinka, maamulka, jagooyinka dadweynaha, ururada iyo hawlaha ganacsiga .
waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu  fadhiyey, waxaana la odhan jiray;-  Haddii habeenkaas dayuxu joogo Burjiga Naariya, waxaa la odhan jiray waxa dhaca shido badna, dagaalo badan, cuduro iyo dabaylo badan, dhimasho badan madax iyo majo, uurlayda oo daasha Cadceed kulayl awgeed, Juuc gaajo badan, shisheeyaha oo soo bata iyo madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha iyo socdaalka, haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, haddii habeenkaas curashada sannadka cusub uu joogo dayaxu Burji Hawaa’i ah, waxa la odhan jiray Shinbiraha, Ayaxa iyo dabaylaha ayaa soo bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada Runtana Allaa og.

Haddii uu dayaxu joogo Burji maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashu hore ku sheegi jireen, sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, shaqaalaha, ganacsatada u fiican.
Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga................................La soco qaybta 2-aad


Sunday, October 25, 2015

RIYADII SAC-MAALLADA : Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Sabti: 24th/Oct/2015

RIYADII SAC-MAALLADA Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta.  Qor/ Maxamed Faarax Qoti.  Sabti: 24th/Oct/2015

Waxay sheekadan ku aroortaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay, waxa kale oo ay la xidhiidhaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka.




Beri hore ama wakhtiyo hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa.

Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnayd saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu  ka soo bixi jiray  musharax  u lay-lisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada,  isla-markaana waxa lagu kala saari jiray hadba ka buuxiya  10-qodob oo u ahayd astaan, laguna qiimeeyn jiray hoggaamiyenimada.

Habkan kala xulashada waxay  lahayd  xil-wakhtiyeed leh gu’yaal cayiman, oo  ahayd  hab-dunida ku cusubbaa  kagana  soocnaayeen boqortooyooyinkii  kale ee  jiray, boqortooyadaas waxay lahayd kumanaan kun oo xoolaha gees-layda Lo’da oo ay dhaqan jireen kuna tiirsanaayeen dhinaca noloshana  dhaqaalaha ka soo baxa ka ganacsiga suuq-geynta caanaha lo’daas.

Inkastoo boqorkaasi uu lahaa fikrado horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, haddana, waxa sabab u ahayd guul-daradiisii fikrad ka mid ahayd fikradihiisii, taasoo ahayd inuu raali-galiyo qof kasta.

Waxaynu halkan ku iftiimin doonaa in hoggaamintu ay tahay khariidad lagu gaadho guusha ay u baahan yihiin koox ama ururba, waana himilada iyo isbedelka fikradaha cusub ee loo haraadan yahay, taasoo caawisa kuwa qabanaya waxa saxda ah, ka dibna waxay ku jiheysaa dhisitaanka hiigsiga aragtida himilada iyo abuurid cusub.

Hoggaaminta aassaasskeedu waa dhaqan iyo waayo aragnimo, mana’aha  aqoon keliya, waxayna ku nooshahay himiladeena mana aha waxa ay inala tahay sida malaheena ah.

Waxa hoggaamiyayaasha intooda badan u isticmaalaan xirfadda maareynta jihadii ay doonayeen dadkoodu inay ku gaadhaan hiigsigooda, oo ah mid loo siman yahay oo xaq ah, waxa kale oo  khariidadu  ina siisaa jiheyn u kala dajisan sida ay u kala mudan yihiin iyo astaamo muujinaya in la gaadhay wixii la doonayay oo uu bartilmaameedku ahaa.

Inkastoo, haddana lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeed, haddana garaadkeenu wuxuu bixiyaa muuqaalo kala duwan, sida:-

Hoggaamiye Siyaasadeed: oo ah mid raad-ceeya  xiisaha ay keento qofnimadiisu.
Sahamiye:  kaasoo ah mid kasii gooya wadadii uu maray dhirtii ay ku sii nasan lahaayeen kooxdii la socotay ee taageersanayd.
Iyo Fuliye:  Waana Horumariyaha xeeladda shirkadu ay kula dagaalanto tartanka.

Qaabkii hoggaamineed  iyo casharadii laga bartay,  Habkii geedi socodka ee boqorkaasi oo ahayd nooc ka mid ah hoggaaminta la yidhaahdo: “Hoggaaminta isbedel-doonka”   oo loogu magac daray  “ Gubashada ka dib horumarka”.

Sac-maalladaasi waxa ay wada badeleen dhammaan qaabkii loogu tallo-galay hab u socodka maareynta iyo tixraaca wax-qabaddadii ka sii socday xafiisyadii loo magacaabay, taasina waa sababtii keentay inay bur-buraan dhamaan adeegyadii bulshadu ay ku tiirsanaayeen iyo inuu hoos u dhac ku yimaado hab-nololeedkii bulshadu ay hiigsanaysay, taasoo dadka indheer-garadka ahina ay hoosta ka xariiqeen in isbedelka la illaaliyo qaababkii loogu talagay hab u socodkii maareynta iyo sidoo kale in la hagaajiyo tixraacyadii wax-qabad kastoo soo socday.

Boqorku isagoo isha ku haya sidii ay u sii jiri-lahayd awoodda xukumadiisaasi, wuxuu isticmaalay inuu sameysto meelo uu wax ku sii qarsado, waxaanu magacaabay shan- xamaal oo awood-badan, kana mid ahaa Gollihii Sac-maalladaasi, kuwaas oo xariifiin ku ahaa dhinaca siyaasadda ganacsiga bulshada ee farsamada casriga ah, loona isticmaalo suuq-geynta ganacsiga caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho” PEST Analysis (political economic social and technological analysis).

Sac-maalladaas waxa ay is-weydiintoodii ahayd in ay ka fikiraan, sidii ay faa’iido ugaga heli-lahaayeen adeegyadda ganacsiga kala duwan reerkoodu, lana siiyo mudnaanta koowaad ee ugu fiican, lagana horeysiiyo cid kasta oo kari karta ollolaha suuq-geynta waxkasta oo adke ah iyo Subaga saafiga ee laga saaro burcadka laga lulo caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho “USP Analysis (unique selling proposition analysis).

Waxay iskaashi la yeesheen sac-maalladaasi, iyagoo wax-u qabanaya shaqsiyaad ka mid ahaa heerarka kala duwan ee bulshadaasi-siiyaan qaar ka mid ah gaadiid iyo lacag, taasoo ahayd, waa siduu malahoodu uu ahaaye, in ay ku gaadhi karaan tar-tanka musharaxnimada mansabka ugu sareeya ee tallada dalka, isla-markaana ay dadka garaadkooda ugaga iibsan lahaayeeen lacag, si ay u gaadhaan awoodda jagada hoggaaminta.


Sac-maalladaasi waxay jecleysanayeen oo ay inta badan ka fikiri jireen, sidii ay u dhex-galin lahaayeen ganacsigoodda, uguna tar-tami lahaayeen tar-tamayaashoodu guusha iyo inay sidoo kale ay raadiyaan habkii ay ku gaadhi lahaayeen dib u cusboonaysiinta guusha (Innovate successful) 

Noocan waa nooc u eeg qaab ganacsi oo kale, waana habkii geedi socodka mustaq-balkoodaasi uu ahaa, laakiinse, waxa tijaabiya, isla-markaana ku guuleysta arragtiyahoodaasi, goobaha suuq-geynta ganacsiga, kuwaasoo ah kuwa ugu haboon uguna xeelka-dheer baadhida suuqyadda.

Haddaba, waxa la qiimeeyaa lana baadhaa xaaladdaha ka taagan deegaanka, ganacsiga iyo shaqsiyaadkaba, ee la yidhaahdo; Habka barashada baadhidda heerarka aqoonsiga awooddaha wax-qabad ee gudaha, awooddaha uu ka liitay iyo fursadihii xasaasiga ahaa ee uu ku lumiyey arrimaha dibadda, taasoo iyana afka-qalaad loogu yeedho;-  SWOT  (Strengths, Weaknesses, Opportunities and Threats )

Casharo horaa wax laga bartaaye, waxay noqotay furaha qiimeynta hoggaaminta Boqorkaasina tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo.

Waxa haboonaan lahayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, unna dareensan yihiin ee ay u fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hoggaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.

Waxay kale oo ay ahaayeen Sac-maalladaas kuwo aad u tix-galiya boqorka markay horjoogaan oo kaliya,  laakiinse, marka ay ka maqan yihiina, waxay aahaayeen kuwo hoos u dhigi jiray, waxa suuragal ah taasi inay sabab u ahayd xirfaddahooda shaqo iyo xirfaddahooda dabiiciga ah ee ay lahaayeen oo aad u liidatay, inkastoo haddana taasi aan la odhan karin waa  tixgalin dhab ah, balse tix-galinta dhabta ahi ay tahay ta marka ay ka maqan yihiin ay siiyaan, waana ta’kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku uu mudan yahay.

Boqortooyadaas waxay lahayd arragti, awood maamul iyo ujeeddo siyaasaddeed oo dhinaca nolosha dadweynaha ah, taasoo dadka rayidka ahi ay dhammaantood u wada hoggaansanaayeen, ku dhaqanka siyaasadda maamulkaas.
Waxa kale, oo loo qaabeeyey sac-maalladaas inay dhaqan galiyaan siyaasadda arrimaha muwaadiniinta, iyagoo raacaya farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, taasoo ahayd habka barashada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira boqortooyadaasi, kuna shaqeeyaana xirfadda maareynta, wax-qabad toosan oo  wax ku ool ah.
Ka dibna, waxay Sac-maalladaas ay u isticmaaleen siyaasaddii arrimaha muwaadiniinta siffo khaldan oo ka duwan siffihii iyo milgihii ay lahayd qorshihiii nidaamka maamulka boqortooyadaasi, una dhigteen hab far-shaxan illaaq ah, musuq-maasuq, danno ay u eekeysiiyeen inay ku tar-tamayaan mabaadi iyo hoggaamin ay doonayeen innay ugaga  faa’ideystaan danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud.
Sidoo kalena, waxay sac-maalladaas ay lunsadeen in ka badan malaayiin lacaga taasoo ay ka musuq-maasuqeen dhaqaalihii ka soo bixi jiray iib-geynta subaga laga sameeyo burcadka caanaha lo’da laga lulo.
Boqorku markii uu ogaadey inay jirto wax-yaabo badan oo laf-jab ku ahaa boqortooyadaas iyo in loo soo dhex-maray sac-maalladiisa, salaana u noqdeen sidii ay wax-yeelooyin iyo khataro badan u soo gaadhsiin lahaayeen boqortooyooyinkii cadow ku ahaa, isla-markaana ay doonayeen inay ka fuliyaan gudaha boqortooyadaasi.
Ka dib, markiii ay ka war-heleen in la fahmay shirqoolkii iyo haddimooyinkii ay u maleegayeen, ayey go’aansadeen, kuna dhaqaaqeen in mar-qudhaata koox ka mid ah sac-maalladaasi ay ka dareereen shaqadii loo igmadey, taasoo ay is lahaayeen in ay tahay, habka kaliyaata ee ay ku wiiqi karayeen geedi socodkii boqortooyaddaas.
Waxaana arrintaasi lagu sababeeyey inay ahayd guul ka mid ah guulihii uu ku gaadhay guusha boqorkaasi, ka dib, markii uu dhigay farshaxan–xeeladeysan, oo uu kaga wareejiyey subagii ay ka sameyn jireen burcadka laga lulo caanaha lo’da, ee ay sida qarsoodi ah ugu iib-geyn jireen suuqa-madow, taasoo ahayd, isha ugu-weyn ee  dhaqaalaha ay musuq-maasuqaan, uu ka soo gali jiray.
Boqortooyooyinkii  kale ee xidhiidhka dhow la’lahaa ayaa wakhtiyo badan ka soo saaray war-bixino, digniino iyo sawiro muuqaalo fool-xun oo ay ku suureyn jireen dibin-daabyada iyo shirqoolada ay sac-maaladaasi ka wadeen gudaha boqortooyadaasi iyo boqortooyooyinkii kale ee ay jaarka ahaayeen.

Muddo ka dib, wuxuu boqorkaasi soo saaray guddiyo badan oo kala duwanaa, waxaynu halkan ku eegidoonaa guddidii khubarada dhakhaatiir ahayd ee uu u xilsaaray in ay ku sameeyaan baadhitaan xaaladda caafimaad, kooxdii sac-maalladda ee shaqooyinkii ay hayeen uga tagey khilaafkii boqorka ee habka maamulka iyo hoggaaminta.

Waxay taariikhdu sheegtay in guddidaa caafimaad ay soo saareen war-bixino kala duwan oo ku saabsanaa natiijooyinka xoggaha ka soo baxay baadhitaanadii Khubaraddii caafimaadku wakhtigaasi ku sameeyeen sac-maalladaas, taasoo ahay in dhamaan xubnaha sac-maallada laga hellay xannuunadda xumada badan ee ay sababto, hab-dhaqanka dabeecadaha qofku uu leeyahay, kuwaasoo inta badana ku dhaca  siyaasiyiinta.

War-bixin xanbaarsan natiijaddii xogta-caafimaadka ee ka soo baxday baadhitaanka lagu sameeyey sac-maallada, waxay ahayd, sidan:- 

-In ay rumeysnaayeen, wax-aanay ahayn, oo ahayd sawir-buunbuun ah ee ay lahaayeen dhinaca nolosha iyo awoodda, waxaanay ahaayeen kuwa dadka ku qanciya been, had iyo jeerna iska dhiga  inay daacad yihiin marka ay wax dal-banayaan, ka dibna marka loo dhiibana wixii ay dal-badeena aan sameeynin, isla-markaana aannu ka soo noqonin go’aan wanaagsan, kaasoo af-ka qalaad loogu yeedho, (Narcissist Personality Disorders)

-Halka kuwa kalena ay laahaayeen caadeysiga isla-weynida ee sibiibixashada baddan, marka ay khaldamaanna mar-marsiiyadda badan iyo in ay raadinayaan taxadir naftooda ah, kaasoo la yidhaahdo, (Narcissistic Personality Disorders)

-Iyo inay  lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shinbiraha lab ee kooxda isku raacda marna wada ciya, doqonniimada la arko qaaciidadooda, taasoo inta badan ku taxa-luqda nooc diimeed (manipulativeness),  danneystayaal  lahaa  awoodo badan iyo ujeedooyin qarsoon, waxayna isticmaali jireen habka shaqada farshaxanka masuuliyiinta qorayaasha, si aan loo ogaan ujeedooyinkooda qarsoon iyo inay markasta jecel-yihiin inay ka soo baxaan  muuqaalada muraarayadaha aan waxtarka lahayn (vanity-a love of mirrors) xannuunkaasoo afka qalaad loo yaqaano (Narcissism Personal Disorders).

-Waxa kaloo war-bixintaas caafimaad sheegtay inay ahaayeen kuwo awoodooda xirfadeed ay qurxinaysay shaqsiyadooda,  xaqiiqdiina go’aan qaadashadoodu waxay ahayd jaceyl kakan oo aan caadi ahayn una wanaagsanayn go’aan qaadashada siyaasadda, taasoo horseeda dhibaato iyo kacdoonka, xannuunkan oo lagu magacaabo, (Obsessive Compulsive personality disorders)

-Sida lagu sheegay war-bixinta caafimaad, waxay kooxda sac-maallada ay  ahaayeen kuwo ka xakameeya faa’iidada dadku wada heli-laahaayeen kuwaasoo u isticmaala Cadaalad-darro iyo Eex, waxaanay Sac-maalladaasi ay ahaayeen kuwo marka ay qolka dhexdiisa sii socdaan isla-markiiba bilaaba iyagoo cabiraaya qiyaasta xogta baahida dadka iyo shaqsiyaadka awoodahoodu dhinaca ay ka liidato, ka dibna u isticmaala qofnimadooda inay ku gaadhaan siyaasadda, waana kuwa isha ku haya ciyaarta, in ka badan wixii soo gali-lahaa, noocyadan qabow malaha culeys badan qaacidada xisaabteedu, waana shaki ay ku doonayaan soo dhawaansho dadka ay kaga doonayaan inay kaga hellaan ixtiraam, xannuunkaas oo la yidhaahdo (Machiavellian Personality Disorders)

Laakiinse, war-biximihii natiijooyinkii caafimaad ee ay soo saareen Khubaradii baadhay xaaladdaha caafimaad ee sac-maallada, laguma sheegin dabiibka iyo daaweynta xannuunada war-bixintu iftiimisay in laga hellay sac-maalladii khal-khaliyey boqortooyadaas.

Khilaafku wuxuu ka dhashaa ama lagu tilmaamaa inuu yahay Fursad marka loo geeyo khatar, ay tahay wadarteeda guud khilaaf, balse dhammaan sac-maalladaas waxa qudhaata ee u muuqdayna waxay ahayd Fursada, nasiib-darrose umay muuqanin Khatarta.

Wax-yaabaha hodday ee horseedka u ahaa hungowgii ku dhacay sac-maalladaas, waxay ku qiimeeyeen dadka dhinaca dhaqanka bulshada iyo arrimaha siyaasaddaha ku xeelka dheer in ay ahaayeen kuwo aan lahayn awooda lagu ogaado khaladaadka, xirfada la dhaqanka dadka, masuuliyad darro, manaanay ahayn kuwa abuuri kara fikrado kala duwan iyo kuwo cusub midnaba, isla-markaa waxay ku tilmaameen inay lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha hogaamiye-kooxeedyo dagaal oogayaasha ah.

Boqorku muu ahayn Kaligii-Taliye, waligii laguma tilmaamin wax u eeg muuqaalkaasi, talladana kaligii muu goosan  jirin ee wuxuu jeclaa habka nidaamka xukunka tallo-wadaaga taasoo ay ku dhisnayd boqortooyaddaasi.

Go’aan kasta iyo talaabo kasta oo dhinaca wax-qabaka hawlaha shaqo ee awoodaha xukumadiisa ee uu qaadayana, wuxuu u soo ban-dhigi jiray, kalana tashan jiray gollihiisa Sac-maalada, halkaasoo uu kaga go’aan qaadan jiray hadba tallada aqlabiyadda Sac-maalladiisaasi ay u bataan, iskuna raacaan.


(Hoggaamiyuhu wuxuu ka fikiraa oo uu ka hadlaa xalka, taageerayaashuna waxay ka fikiraan oo ay ka hadlaan dhibaatada.)

Boqorkaas iskumuu dayi jirin inuu ku abuuro niyad jab ama inuu tuurro oo ay ka siibtaan saaxiibaddii meeshay doonaanba ha hakala joogeene, laakiinse wuxuu isku dayi jiray inuu dhiiri-galiyo, waxa kale oo inta badan uu ku hamiyi jiray sidii uu u abuurilahaa fursado baddan oo uu ku soo kala saarayey ka leh xirfaddaha qarsoon ee dabiiciga ah.

Hoggaamiye kastaaba lagama yaabo inuu fahmi karo qiyamka xirfaddaha dabiiciga ah iyo xirfadda caadiga ah ee uu qofku leeyahay, balse ta   kaliyaata ee uu ku ogaan karaana waxay tahay isagoo hantiya oo ku xidhnaada  kuwo leh xirfadda dabiiciga ah iyo tayo-xirfaddeed oo gaar u ah.

Gollaha sac-maalladaas fikraddihii ay qabeen waxay ahayd in aannay marnaba suura-gal noqon Karin, isla-markaana wax dhici karra ahayn  xaajo aanay ogeyn ama aannay gooynin mooyaane aanu boqorkaasi kaligii go’aan ku gaadhin karin.
Waxaana arrintaas  lagu qiimeeyey  inay ka mid ahayd wax-yaabihii hoday ee horseedka u ahaa hungowgoodaas oo ahaa jaceyl kakan oo watay hamuun baddan oo ay ku doonayeen sidii ay mar uun iskugu dayi lahaayeen innay ku sameeyaan af-ganbi boqortooyadaas,  taasoo markii danbe loogu magac darray Riyadii Sac-maallada  iyo “ Isku-daygii  Af-ganbigii-Dhicisoobay”
Sababo baddan  oo jiray awgeed, haddana waxay ku masaaleen arrimihii dhacay iyo habkii ay sac-maalladaas  isticmaaleen ay ahay nooc ka mid ah af-ganbiga, waayo?  waxaanay ku sababeeyeen, soona qaateen sida uu dhigayey Dastuurka qaranka ee boqortooyadaas.

Taasoo ahay in xeer ka mid ah dastuurkaasi uu xaq u siiyey boqorku inuu  gaadhi karo go’aan, isla-markaana uu u soo jeedin karro gollahiisa sac-maallada go’aankii uu gaadhay.
Waxaanaay taariikhdu ku dartay in haddii go’aankii uu boqorku uu qaatay ay gollahiisa sac-maalladu kala horyimaadeen diidmo qayaxan oo ay ku diidayaan go’aankiisii, diidmadaas waxa lala xidhiidhiyaa in ay tahay habka diidmada qayaxan ee la yidhaahdo  “Veto” da’,  taasoo lagu tilmaamo mid ka mid ah Afarta qaybood ee ay ka kooban yihiin Af-ganbigu.

Dadka rayiyaddooda cabbira, kuwa wax saadaaliya, kuwa wax-qeexa iyo  qorayaashuba waxay ku sifeeyeen dhacdadaasi innuu boqorkaas la mid ahaa heesaagii caanka ahaa ee la odhan jiray “ Mofra” ,  isagoo ninkaas heesaaga ahaa ka heesaayo goob fagaare ah, kana mid ahayd goobaha habeenkii lagu caweeyo ka qaadaya hees aad u macaaneyd, isla-markaana isagoo badhtanka kaga jira heestaas, ayuu ka go’ay xadhig ka mid ahaa afartii xadhig ee uu lahaa Kabankii uu tumayey, ka dibna wuxuu ku dhameystiray heestii macaaneyd saddexdii xadhig ee soo hadhay, nasiib-wanaag mar-naba lagamana dareemin wax dhantaal ah intii ay socotay  heestii macaaneyd ee uu qaadayey heesaagaas.

Muddo ka dib markii ay soo dhawaatay muddo xilleedkii boqorkaas xubintii uu ka soo baxay waxay qabteen shir-guud oo ay ku kala dooranayey musharaxii ugaga qayb gali lahaa tar-tanka doorashada jagada hoggaamiyaha  boqortooyadaas.

Waxa kale oo loo eegi jiray, laguna qiimeyn jiray 10-shuruudood inay leeyihiin musharaxiinta saddexda xubnood ugaga sharaxan jagada hoggaamiyaha boqortooyadaas, shuruudahaas oo ahaa sidan:-

Inuu yahay mid daacad ah, oo sababeyn kara tallaabo kasta oo uu qaadayo, laguna sifeyn karro inuu yahay mid leh arragti-fog, himilo iyo hiigsi mustaqbal, oo ah mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra,  raadin karra waxa khaldan si uu u saxo, isla-markaana ay u arkaan inuu si siman dadkiisa u wada daaweyn karro, oo aan lahayn eex, kuna han-weyn inuu yahay mid dadkiisa ugaga tagaya dhaxal,  sameyn karana amar go;aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay, wakhtiga ku haboona wax-ka baddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee dhibaatooyinka lagu xaliyo, kuna kalsoon wax kasta oo uu qabanayo maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba, oo ah mid leh dhiiri-galin.

Qodobadaa aynu kor  ku soo sheegnay Ka sokow, waxa kale oo ay dadkaasi intooda baddan ay  iibsan jireen hoggaamiyaha ka hor inta aanay iibsanin aragtiiisa, iyagoo ku raaci jiray hoggaamiyahaas si mutadawcnimo ah, xitaa haddii aanu lahayn ciwaan ama aannu haynin wax xil ah, sidoo kalena waxay ku tilmaami jireen hoggaamiyaha dhabta ah inuu yahay ka isku kalsoon ee kaligii meel istaagi kara, mana aha bay odhan jireen furaha guusha lagu gaadhaa inay tahay awood, waxa kale oo ay ku tilmaami jireen inay danbiilayaal yihiin kuwa ku hoggaamiya sidii dadku madaxa ay iskula dhici lahaayeen.

Dhamaadka riyadii sac-maalladu waxay soo gabo-gabowday ka dib markii loo doortay murrashax ugu tar-tamaya jagada boqornimada ee u taagan xubintii uu ka soo baxay boqorkii wakhtigaasi hayey tallada boqortooyadaas.

Murrashaxaas oo lagu tilmaamo inuu ahaa halyeyadda raaciga ah ee inta baddan dunidan guudkeeda ku noollaada mar-mar iyo dhif mooyaane ay addag tahay in lagu arko.



“FG- Akhristayaasha sharaf mudanow waxaan ka cudur daaranayaa in aanay wali dhamaanin sheekadan oo ahayd saadaalin,  balse gororka dhibic ka mid ah gebagebaa sheekadan aan la sugayo, xilliga doorashadda Somaliland soo dhawaato, waa haddii uu Alle yidhaa, oo aynu ku gaadhno nabad iyo caafimaad qab.



Dr. Maxamed Faarax Qoti

Astrologist. PHO. Author 

Wednesday, October 7, 2015

GEERI IYO GUUR ! MA GABADHA MISE SHABEELKA ? SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA

GEERI IYO GUUR !   MA GABADHA MISE SHABEELKA  ?   SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA 


Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaa, uguna awood baddnaa, boqorku wuxuu lahaa fikrado badan oo uu ku soo kordhiyey xeerarkii iyo sharciyadii u dajisnayd ee wakhtigaasi la isku xukumi jiray, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsan oo midho dhal lahaa, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun, mid ka mid ah fikradaha boqorkaasi waxay ahayd in goob fagaare ah, ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaaladda, oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha  qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay galin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba natiijada wixii ugaga soo baxa  nasiibkooda, inkastoo dadka qaar ay ka soo horjeedeen fikradaas, diidanaayeena in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana waxa fagaarahaasi si wadajir ah u iman jiray dhamaan dadka oo dhan.

Waxa Boqorku munaasabadaas, ku soo fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay  kursi loogu  tallo-galay, waxa kale oo astaan u ahayd amarada uu bixiyo inuu iska furmo albaab ka hooseeya goobta uu fadhiyo, ka soo horjeedkiisana waxa ku soo beegnaa laba Albaab oo isku eekaa, oo kala durugsanaa, dhinaca ku began hoostiisana waxa ay ahayd sidaas oo kale, waxa kale, oo ku yaalay labada dhinacna, laba albaab oo  isku eeg oo kala  durugsanaa.

Marka eedeysanaha la hor keeno fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada, waxa la kala dooran siin jiray, inuu furto mid ka mid ah albaabada ku yaalay garoonkaasi ee  uu raalida ka yahay wixii ugaga soo baxa,  haddii uu diido inuu talaabsadana, waxa kaxeyn jiray qof ka mid ahaa maxkamadaasi, isla- markaana hor-geyn jiray albaabadaas, inuu furto mid ka mid ah, oo uu raali ka yahay, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi-jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla-markiiba si dhakhso ah intuu ugu soo boodo ayuu goosan jiray, taasina waxay ahayd mid-ciqaab loogaga dhigi jiray  xad-gudub-koodii,  qaraarkan wuxuu ahaa mid lagu fuliyo, kuwa lagu tuhunsan yahay danbiga lagu soo eedeeyey, sidoo kalena waxa baxa dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keena  ilmada badan,  wakhtiyada dal-dalaada ee dadka xadhiga qoorta  loo galiyo.

Waxa ay ka mid ahayd dariiqooyinka  hoyga aakhiro loo marro, taasoo,  dadka qiireysanina ay aad u weynayn jireen, una xurmeyn jireen in ay arrintaasi tahay cadaaladda dariiqada dhimashada dhalin iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu  eeday-sanahaasi uu furro mid ka mid ah  albaabka uu doortay, waxa ugaga soo bixi-jiray gabadh aad u qurux-badan, isla-markiiba, waxa xoog ku kaxeyn jiray haween oo u geyn jiray gabadhaas, ka dibna si deg-deg ah ayaa loogu meherin jiray, taasina waxay ahayd mid lagu sharfayo  kuwa daacadda ah ee aan wax-ba galabsanin, may ahayn tanni mid mushkilad ku keenta, waa haddiiba uu leeyahay Oori amaba qoys kaleba, gabadhan cusubna in uu mid kale oo danbe la guursan doonana Boqorku arritaasi ogolaansho kumuu xidhi-jirin, ma’naanu fara-galin jirin wixii ka baxsan ciqaabta abaal-marinteeda ee la ogol yahay mooyaane.

Isla-wakhtigaas, waxa furma albaab ka hooseeya boqorka, waxaana ka soo baxa nin wadaad ah, hobollo qoob-kaciyaareed iyo durbaan-tumanaya, ka dibna, si deg-deg ah  ayaana la iskugu meheriyaa innantii  iyo innankii, waxaana lagu soo dhaweeyaa dhawaaqa dawanka dananaya oo uu ku ladhan yahay cod-farxadeed,  dadkuna waxay ku dhawaaqaan dhawaaq farxadeed, isla-markaas ninkii daacadda ahaana wuxuu gurigiisii u sii kaxeystaa gabadhii cusbayd, oo caruur la sii raaciyeyna ay sii sagootinayaan, iyagoo ubaxyo ku qubaaya  raadka-dariiqa uu cagta ka qaaday inta uu sii socdo, tanni waxay ka mid ahayd qaabka uu boqorku u fulin jiray cadaaladda, waana sidii qumaneyd ee ay isaga ula muuqatay cadaaladdu.

Qofka eeday-sanaha ahi wuxuu furan-jiray albaabka uu raalida ku yahay, isagoon garaneyn albaabka gabadha qarsooni ay ku jirto, isla-markaana  ogeyn, in daqiiqadaha ku xiga la dili doona ama uu guursan doono.

Boqorku wuxuu siyaabo kala duwan uu u jeclaa  Innan uu dhalay oo aad u qurux badnayd, oo haddii dadkoo dhan iyo innantiisaasi ay u noqotana, wuxuu ka doorbidi jiray innantaa uu dhalay, inkastoo ay amiiradaasina ay  si qarsoodi ah u jeclayd, wiil dhalin yaro ah, kaasoo lahaa muuqaal- wanaagsan iyo inuu ahaa halyeyada dhulka ee faro ku tiriska ah ee aan ka soo jeedin qoysaska ugu mudan.

Maalin-maalmaha ka mid ah, ayuu boqorku ogaaday in xidhiidh ka dhexeeyo innantiisa iyo wiil la joogi jiray qoyska reer-boqor, ka dibna xabsiga ayuu u taxaabay, haddiiba wiilkaasi la horkeeno, sidii qaalibka ahayd fagaarihii carwada sooyaalka cadaaladda ay ahayd dhacdo muhiim ah oo ugub ahayd, horena loo arkin in qof aan ka tirsanayn qoysaska reer-boqor uu jeclaado, Boqorku wuxuu ku balan qaaday inuu ciqaabtiisa marin doono, xataa haddii uu nasiib u hello albaabka saxda ah.

Mar-kaliyaata ayey dadka indhahoodii halac-sadeen wiilka, dhererka iyo qurux-badan ee aanay ka muuqanin baqdintu, kaasoo u muuqday mid ku  rajo-weynaa, inuu la kulmi doono dhawaaqa ogolaanshaha ee  dareenka farxada iyo xiisada badani ku duugan yihiin, inkastoo dadka qaar aanay  ka war-qabin in ninkan dhalin-yarada ahi uu la noolaa  qoyska reer boqor, manaanay ahayn wax-lalayaabo inay amiiradu jeclaato, balse  shayga-mushkilada ku ahaa waxay ahayd, maxaad halkaas kugu kalifay inaad ahaato.

Wiilkii dhallinta ahaa markii uu soo galay garoonkii weynaa ee fagaaraha carwada sooyaalka cadaaladda dadweynuhu isugu iman jireen, wuxuu u soo leexday dhankii boqorku uu fadhiyey, manaanu fila’neynin inuu meesha uu fadhiyo taliyihii-weynaa, waxaanay Indhaha wiilkaasi ay ku jihays-naayeen amiiradda oo  dhinaca midigta ka fadhiday Aabaheed, laga bilaabo tan iyo illaa maalintii la go’aansaday in lagu soo oogo jaceylkeeda, laguna gaadhay inay noqon doonto  go’aan fagaare, waxay isku qancisay, in aanay wax-dhibaato ah lahayn, laakiinse, ay arrintani noqon doonto dhacdo taariikhiya.

Amiiradu waxay lahayd awood dabiicya oo fur-furan, qof-kasta oo hore u arkinina ay ku abuur-maysay ash-qaraar iyo xiisa badan,  waxa kale oo ay  ogeyd qofka ay noqon doonto gabadhu amaba in ay tahay gabadhaasi mid aad loogaga jecel yahay boqortooyadda.

Inkastoo, haddana ay Amiiradu necbeyd gabadha aamusan ee albaabka  ka danbeysa iyo innay sii dhex-marto  xariiqda safafka-dhaadheer ee ay wali ku sii yaalaan dhiigagii  awoowyaasheedii  naxariis darada lagu dilay, haddaba waxaynu halkan ku eegi doonaa qaabkii ay u wada-xidhiidheen Wiilka iyo Amiiradu.

Gacaliyaheedu wuxuu u soo jeedsaday si uu u arko amiiraada, markii ay indhahoodii is qabteena,  waxay ulla muuqatay sidii arragtidiisa ahayd, in  rajada kaliyaata ee uu  guushu ka soo dhismi kartaa ay tahay Amiirada, oo  si ruuxiyana ay u dabooli doonto, uguna  guulaysan karto, waa hadii ay siiso guushee, ka dib, waxa si kadis ah loo weydiiyey su’aashii ahay, “Waa kee ?  

Si adag intuu u soo jeestay, ayuu si deg-deg  ah u  talaabsaday, intii uu sii  socdayna wadnaha kastaaba wuxuu joojiyay garaacii badnaa, sanqadha neeftuna way yaraatay, ill kastaaba waxay ku dheegag-tay wiilkaasi, ka dib, markii uu hor joogsaday mid ka mid ah albaabkii uu raalida ka ahaa, wuxuu jaleecay dhankii Amiirada fadhiday, waxaanay amiiradii markiiba gacanteedii  saartay madaxeeda, wiilkiina si deg-deg ah ayuu u cago-duwaday, kana dhaqaaqay albaabkii uu hortaagnaa, waxaanu hor joogsaday albaabkii labaad,  ka dibana, waxay amiiradii si deg-deg ah  u dhaqaajisay gacanteedii ayey saartay wajigeeda, haddana waxay si qun-yar ah gacanteedii mar-kale u dhaqaajisay dhanka midigta ah,  qofna muu dareemin manaanu arag, gacaliyaheeda mooyaane, dhamaan indhaha dadkoo dhaminana waxay ku sii foog-naayeen wiilka fagaarahaasi ku sugnaa.


Haddaba, waxay is weydiintu tahay oo aan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharaf lihi inay ka jawaabaan:  Ma Shabeelkiibaa ka soo baxay albaabkii mise Gabadhii?

Xigasho:  Sheekadan waxa aan ka soo xigtay buug uu qoray nin la odhan jiray Frank Stockton sannadkii 1882-kii, kaasoo ahaa qoraa u dhashay dalka Maraykanka.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti



Tuesday, October 6, 2015

GEERI IYO GUUR ! MA GABADHA MISE SHABEELKA ? SHEEKO XIISO BADAN OO KU SAABSAN HOGAAMINTA


















Hilaaddii 14 -kii Bishii July ee sannadkii 2014-kii, markii uu ku dhawaaqay hankiisii siyaasaddeed ee Murasharaxnimo, Madaxweynaha hadda tallada hayaa mudane Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigaas ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye in uu iska soo sharaxi doono Xisbiga gudihiisa murasharaxa Madaxweynaha Xisbiga ugaga tartamaya doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha talada wakhtigaas hayeyna uu yahay macalinkiisii, ka dib, arrintaas waxa ay ka cadheysiisay canaasiir baddan oo ka mid ahaa Gollihii Wasiiradda ee xukuumaddi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), taasoo dhalisay buuq badan in ay ku dhex abuurto dadweynaha, dadweynuhuna waxay aamin sanaayeen in ay arrintani tahay mid u taala Xisbiga gudihiisa, balse aanay habooneyn bulshada dhexdeeda ay soo gaadhaan dhawaaqyadda xanafta leh ee hawada la isku marinaayaa.

Hilaaddii 7-dii bishii Octoobar sannadkii 2015-kii, ayaan garowsaday in ay taagneyd Wakhtigaas oo aan qoray, sheekadii uu qoray Frank Stockton hilaaddii 1882-kii, Frank oo ahaa Qoraa u dhashay dalka Maraykanka, Waxaannu ciwaan ugaga dhigay Ma'gabadha mise Shabeelka.

Waxaannu ku bilaabay sheekaddaas, Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaa, uguna awood baddnaa, boqorku wuxuu lahaa fikrado badan oo uu ku soo kordhiyey xeerarkii iyo sharciyadii u dajisnayd xukuumadda uu gadhwadeenka u yahay, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsan oo midho dhal lahaa, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xannuun, taasoo ahayd in goob fagaare ah ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaaladda oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysannayaasha qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyo iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyo danbiyo aanay galin, halkaas oo lagaga go’aan qaadan jiray hadba dhur sugidda wixii ugaga soo baxa nasiibkooda, inkastoo dadka qaar ay ka soo horjeedeen fikradaas, diidanaayeena in dadku gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana waxa fagaarahaasi si wadajir ah u iman jiray dhamaan dadweynaha oo dhan.

Waxa Boqorku munaasabadaas, ku soo fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay kursi loogu tallo-galay, waxa kale oo astaan u ahayd amarada uu bixiyo inuu iska furmo albaab ka hooseeya goobta uu fadhiyo, ka soo horjeedkiisana waxa ku soo beegnaa laba Albaab oo isku eekaa, oo kala durugsanaa, dhinaca ku began hoostiisana waxa ay ahayd sidaas oo kale, waxa kale, oo ku yaalay labada dhinacna, laba albaab oo isku eeg oo kala durugsanaa.

Marka eedeysanaha la hor keeno fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada, waxa la kala dooran siin jiray albaabada ku yaalay garoonkaasi ee uu raalida ka yahay wixii ugaga soo baxa, haddii uu diido inuu talaabsadana, waxa kaxeyn jiray qof ka mid ahaa Maxkamadaasi, isla- markaana hor-geyn jiray albaabadaas mid ka mid ah, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi-jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla-markiiba, inta uu ku soo boodo ayuu kala goosan jiray, taasina waxay ahayd mid-ciqaab loogaga dhigi jiray xad-gudub-koodii.


Qaraarkan wuxuu ahaa mid lagu fuliyo, kuwa lagu tuhunsan yahay danbiga lagu soo eedeeyey, waxaanna loo daari jiray dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keena ilmada badan, sida marka dadka la dal-dalaayo ee xadhiga qoorta loo galiyo oo kale.

Waxa ay ka mid ahayd dariiqooyinka hoyga aakhiro loo marro, taasoo, dadka qiireysannina ay aad u weynayn jireen, una xurmeyn jireen in ay arrintaasi tahay cadaaladda dariiqada dhimashada dhalin iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu eeday-sannahaasi uu u furmo mid ka mid ah albaabka uu doortay, waxa ugaga soo bixi-jiray gabadh aad u qurux-badan, isla-markiiba, waxa xoog ku kaxeyn jiray haween oo u geyn jiray gabadhaas, ka dibna si deg-deg ah ayaa loogu meherin jiray, taasina waxay ahayd mid lagu sharfayo kuwa daacadda ah ee aan wax-ba galabsanin, may ahayn tanni mid dhib ku keenta, waa haddiiba uu leeyahay Oori amaba qoys kale, gabadhan danbe ee cusub in uu mid kale oo danbe la guursan doonana Boqorku arritaasi ogolaansho kumuu xidhi-jirin, ma’naanu fara-galin jirin wixii ka baxsan ciqaabta abaal-marineed ee la ogol yahay mooyaane.

Waxaanna furma albaab ka hooseeya boqorka, waxa ka soo baxa nin wadaad ah, hobollo qoob-kaciyaareed iyo durbaan-tumanaya, waanna la iskugu meheriyaa innantii iyo innankii, waxaana lagu soo dhaweeyaa dhawaaqa dawanka danannaya oo uu ku ladhan yahay cod-farxadeed, dadkuna waxay ku dhawaaqaan illilig mashxarradeed iyo dhawaaq farxadeed, isla-markaas ninkii daacadda ahaana wuxuu gurigiisii u sii kaxeystaa gabadhii cusbayd oo ay sii sagootinayaan caruur yar-yar oo ubaxyo ku daadinaaya raadka-dariiqa uu cagta ka qaado inta uu sii socdo gurigiisa, tanni waxay ka mid ahayd qaabka uu boqorku u fulin jiray cadaaladda, waana sidii qumaneyd ee ay isaga ula muuqatay cadaaladdu.

Qofka eeday-sanaha ahi wuxuu furan-jiray albaabka uu raalida ku yahay, isagoon garaneyn albaabka gabadha qarsooni ay ku jirto, isla-markaana ogeyn, in daqiiqadaha ku xiga la dili doona ama uu guursan doono.

Boqorku wuxuu siyaabo kala duwan uu u jeclaa Innan uu dhalay oo aad u qurux badnayd, oo haddii dadkoo dhan iyo innantiisaasi ay u noqotana, wuxuu ka doorbidi jiray innantaa uu dhalay, inkastoo ay amiiradaasina ay si qarsoodi ah u jeclayd, wiil dhalin yaro ah, kaasoo lahaa muuqaal- wanaagsan iyo inuu ahaa halyeyada dhulka ee faro ku tiriska ah oo ka soo jeeday qoysaska ugu mudan.

Maalin-maalmaha ka mid ah, ayuu boqorku ogaaday in xidhiidh ka dhexeeyo innantiisa iyo wiil la joogi jiray qoyska reer-boqor, ka dibna, xabsiga ayuu u taxaabay, haddiiba wiilkaasi la horkeeno, sidii caadada ahayd fagaarihii carwada sooyaalka cadaaladda, waxaannay ahayd dhacdo muhiim ah oo ugub ahayd, horena aan loo arkin in qof aan ka tirsanayn qoysaska reer-boqor uu jeclaado, Boqorku wuxuu ku balan qaaday inuu ciqaabtiisa marin doono, xataa haddii uu nasiib u hello albaabka saxda ah.

Mar-kaliyaata ayey dadka indhahoodii halac-sadeen wiilka, dhererka iyo qurux-badan ee aanay ka muuqanin baqdintu, kaasoo u muuqday mid ku rajo-weynaa, inuu la kulmi doono dhawaaqa ogolaanshaha ee dareenka farxada iyo xiisada badani ku duugan yihiin, inkastoo dadka qaar aanay ka war-qabin in ninkan dhalin-yarada ahi uu la noolaa qoyska reer boqor, manaanay ahayn wax-lalayaabo inay amiiradu jeclaato, balse shayga-mushkilada ku ahaa waxay ahayd, maxaad halkaas kugu kalifay inaad ahaato.

Wiilkii dhallinta ahaa markii uu soo galay garoonkii weynaa ee fagaaraha carwada sooyaalka cadaaladda dadweynuhu isugu iman jireen, wuxuu u soo leexday dhankii boqorku uu fadhiyey, manaanu fila’neynin inuu meesha uu fadhiyo taliyihii-weynaa, waxaanay Indhaha wiilkaasi ay ku jihays-naayeen amiiradda oo dhinaca midigta ka fadhiday Aabaheed, laga bilaabo tan iyo illaa maalintii la go’aansaday in lagu soo oogo danbi jaceylkeeda, laguna gaadhay inay noqon doonto go’aan fagaare, waxay isku qancisay, in aanay wax-dhibaato ah lahayn, laakiinse, ay arrintani noqon doonto dhacdo taariikhiya.

Amiiradu waxay lahayd awood dabiicya oo fur-furan, qof-kasta oo hore u arkinna ay ku abuur-maysay ash-qaraar iyo xiisa badan, waxa kale oo ay ogeyd qofka ay noqon doonto gabadhu amaba in ay tahay gabadhaasi mid aad loogaga jecel yahay boqortooyadda.

Inkastoo, haddana ay Amiiradu necbeyd gabadha aamusan ee albaabka ka danbeysa iyo innay sii dhex-marto xariiqda safafka-dhaadheer ee ay wali ku sii yaalaan dhiigagii awoowyaasheedii naxariis darada lagu dilay, haddaba waxaynu halkan ku eegi doonaa qaabkii ay u wada-xidhiidheen Wiilka iyo Amiiradu.

Gacaliyaheedu wuxuu u soo jeedsaday si uu u arko amiiraada, markii ay indhahoodii is qabteena, waxay ulla muuqatay sidii arragtidiisa ahayd, in rajada kaliyaata ee uu guushu ka soo dhismi kartaa ay tahay Amiirada, oo si ruuxiyana ay u dabooli doonto, uguna guulaysan karto, waa hadii ay siiso guushee, ka dib, waxa si kadis ah loo weydiiyey su’aashii ahay, “Waa kee ? .

Si adag intuu u soo jeestay, ayuu si deg-deg ah u talaabsaday, intii uu sii socdayna wadnaha kastaaba wuxuu joojiyay garaacii badnaa, sanqadha neeftuna way yaraatay, ill kastaaba waxay ku dheegag-tay wiilkaasi, ka dib, markii uu hor joogsaday mid ka mid ah albaabkii uu raalida ka ahaa, wuxuu jaleecay dhankii Amiirada fadhiday, waxaanay amiiradii markiiba gacanteedii saartay madaxeeda, wiilkiina si deg-deg ah ayuu u cago-duwaday, kana dhaqaaqay albaabkii uu hortaagnaa, waxaanu hor joogsaday albaabkii labaad, ka dibana, waxay amiiradii si deg-deg ah u dhaqaajisay gacanteedii ayey saartay wajigeeda, haddana waxay si qun-yar ah gacanteedii mar-kale u dhaqaajisay dhanka midigta ah, qofna muu dareemin manaanu arag, gacaliyaheeda mooyaane, dhamaan indhaha dadkoo dhaminana waxay ku sii foog-naayeen wiilka fagaarahaasi ku sugnaa.

Haddaba, waxay is weydiintu tahay oo aan dhibic ka mid ah sheekadan u dhaafayaa akhristayaasha sharaf lihi inay ka jawaabaan: Ma Shabeelkiibaa u soo baxay, mise Gabadhii?

Ujeeddada ugu muhiimsaneyd ee aan uga gollahaa sheekadan Ma'gabadha mise Shabeelka, waxa ay ahayd Madaxweynaha hadda taladda hayaa Mudane Muuse Biixi Cabdi miyuu ku soo bixi doonaa murasharaxnimada xisbiga Kulmiye gudihiisa mise yeydaas ayaa la deglayn doonta, markii aan arkay in aanay akhristayaasha sharafta mudane sheekadan aanay fahmin, ayaan gar waaqsaday in aan curiyo sheeko kale oo aan ma'le awaalay, waxaannay noqotay sheekadii ugu xiisaha badan ee aan curiyo, sheekadaas oo ciwaankeedu ahaa Riyaddii Sacmaalada.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti
sannadkii 1882 ayuu buug ku qoray sheekaddan Frank Stockton


Friday, October 2, 2015

MAXAY ISKA SHA’BAHAAN BANI-AADAMKA IYO XAYAWAANKA QAAR KA MID AHI.



26/July/2015

Loolan kasta, Shucuur kasta, iyo Ficil kasta oo uu isku diyaariyo jidhka Aadamuhu, waxa loo nisbeeyaa   inay tahay mid ka timid  hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shaqsi-ahaaneed ee gaarka u ah,  inkastoo haddana laga yaabo in ay bedeli karaan dhaq-dhaqaaqa ku yimaada dabeecadaha wakhtiga  u dhaxeeya dhalashada illaa iyo qaan-gaadhnimada Bani-aadamka iyo  xayawaanka uu (ASW)  ku uumay kown-kan aynu ku nool-nahay.


Xeel-dheerayaasha  ku  takhakhusa  cilmiga barashada  hab-dhaqanka iyo dabeecadaha  xayawaanada, waxa ay  sheegaan in  xayawaanada  Madax-weyn lihi ay ka maskax-badan yihiin xayawaanada  Madax- yar,  basle waxaynu qormadeenan ku lafa-guri doonaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha ay iska-shabahaan Bani-aadamka iyo xayawaanada qaarkood.

AAR:  Waa Libaaxa  kiisa Lab,  Waxaana ka mid ah Awoodaha badan ee uu leeyahay oo lagu tilmaamaa, inuu yahay In-dheer garad, wax-qaban, karti iyo wax-soo saar, madax-banaan, isla-markaana xoog wax ku muquuniya xataa haddii la helo xalka,  waana mid go'aan  iyo  hogaaminba leh,
Dhanka kale ee Daciifnimadda Awoodaha (Weaknesses) uu leeyahay lagu sheegaa inuu yahay mid dabci qabow oo aan lahayn fikir iyo dareen wax kiciya,  iskuna  filan, oo axmaq ah, isla-markaa wax-kasta u isticmaala  dhanka cawajka  iyo in aanu  raali-galin ka bixinin khalad kasta oo uu sameeyo.
Wuxuu Kaa Doonayaa  Inaad  :  Kulla shaqeyso nidaam-wanaagsan iyo  qaabka ugu fudud ee aanu wakhti badani kaaga lumi karrin.
Wuxuuna bixiyaa :  Mawduuc war-bixineed  oo ku saabsan wixii la qabanaayo iyo xiliga la qabanaayo, in loo qabto hab- farshaxan xoriyadeed leh  iyo in la qaado talaabo deg-deg ah.
Hannaanka Geedi Socoka  Guud : Waxa lagu suureeyaa Nidaam-wanaagsan iyo in la isticmaalo  hab- cilmi aqooneed, oo xirfadaysan,  lana taageero hiigsigooda iyo  hadaf-kooda,  haddii aad ku caarididna,  xaqiiqadii doodaasi  lagama yaabo inay kiciso dareenkooda shakhsi-ahaaneed,  wakhti fiican oo taxadir badan oo si wanaagsan loo soo agaasimayey ayey ku eegaan maxsuulka ka soo baxa ama hoosta ayey ka xariiqaan mana doonaan inuu wakhti kaga lumo, ee  ha loo  sameeyo goaan qaadashada.


OTTER : Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee  Barriy iyo Biyo-ku noolka ah, waana xayawaanada ugu mucjisada badan gaar-ahaan marka uu cibaadaysanayo, waxaana  Awoodaha badan ee uu leeyaha kiisa Lab lagu sifeeyaa inuu yahay Daneyste, oo wax-kasta iska sahashadda, lehna jawaabo deg-deg ah, fir-fircooni, saaxiibtinimo, hadal-badni, oo aan is-dhiibin, oo raxmad badan,
Dhanka kale ee Daciif-nimadda Awoodihiisa (Weaknesses ) : Waxa lagu sifeeyaa inuu yahay: mid buun-buuniya wixii wanaagsan iyo wixii aan wanaagsanaynba, oo fudud,  canaadina ah,  oo aan  lahayn wax-soosaar iyo asluubba.
Wuxuu kaa Doonayaa  Inaad  :  Ka shaqeyso Deegaanka, Kobaca khayraadka, Taajirnimadda, ama aad xiisayso.
Wuxuuna bixiyaa :  Tayadda, macluumaadka ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada taagan, asalnimada,  wax-kastana loo sinaado iyo lana horumariyo  aqoonta maskaxda
Hannaanka Geedi Socodka Guud-: Waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo jecel inaad  xiisayso iyaga oo aad taageerto riyadooda, dareenkooda  iyo afkaartoodaba, isla-markaana aad la saaxiibto, balse aanad ku deg-degin falaqeyntooda iyo faalayntoodaba,  waxa habboon inaad siiso fursad aad wax ugu sheegto, ha iskuna dayin inaad la muranto,  heshiisna ha lagalin qodobeysan oo dhamaantood lagu dhigay qoraal, ha kana xishoonin inaad ka aqbashid wax-kasta oo ka mida wax-yaabaha gaarka u ah ee ay  qaban-qaabinayaan.

AYGA DAHABIGA AH (RETRIEVER): Wuxuu ka mid yahay xayawaanada dab-jooga ah, waxaanay  u sii kala baxa saddex nooc oo kala duwan, kuwaasoo  afka-qalaad loogu yeedho, sida:  (Retrievers, Flushing spaniels, and pointing breads,) Haddaba, Aygan Dahabiga ah:   Waxa Awoodihiisa  badan lagu fasilaa  inuu yahay mid leh xasillooni, qun-yar socodnimo, la iskuna-haleyn karro, xasiloon, oo leh  ujeeddo,  dublomaasiyadeed, waana kaftan yahan.

Dhanka Daciifnimada Awoodihiisa kale (Weaknesses): ee uu leeyahay waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Xaasidnimo, Bakhaylnimo, Goaan jilicsan, Dhiirigalin  laaan, iyo inuu sidoo kale aanu  qaadi Karin talaabo  xilliga ay ku haboon tahay isla-markaana dib u dhiga, waana mid  Walaac iyo Baqdin badan.

Wuxuu Kaa Doonayaa  Inaad  : U muujiso waa-shaqeyn iyo Farxad
Waxaanu Bixiyaa : Balan-qaad, warbiximaha ku saabsan,  sida xaaladdaha taagan ay saameyn u yeelan doonaan, fikradaha caanka ah, wax-yaabaha  halista ah oo la wadaago, in la isku haleeyo, lana soo bandhigo sidii caawimo la siin lahaa dadka kale .
Hannaanka Geedi Socodka Guud :  Waa kuwo aan lahayn  hanjabaado, oo nasteex ah,  qof kastana u tilmaama dantiisa iyo in ay taageeraan dareenkooda, ha riixine, adigoo si qun-yar ah u dhaqaaji  gaadhsii meel durugsan, tus inaad dhageysanayso,  waxay noqdaan  qun-yar socod, go’aan kasta oo la gaadhana  daba-taagan oo hubiya .


BEAVER: Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee  Barriy iyo Biyo-ku noolka ah,  waxaana lagu sifeeyaa  Awoodaha badan ee uu leeyahay kiisa Lab: Inuu yahay khabiir wax-baadha, Billicsan, Hawl-karnimo, Shaqo-adayg, Tanaasulaad, Akhlaaq-wanaag iyo inuu yahay Agaasime leh  hab iyo hannaan masuuliyadeed, isla-markaanaa sameyn-kara  hagge uu ku  maamuli karro hawlihiisa  shaqo ee uu qabanayo.
Dhanka Daciifnimadda Awoodihiisa (Weaknesses ):  Waa khiyaali, isku-qaba inuu yahay dhex-dhexaad, manalaha xidhiidh saaxiibtinimo, inkastoo ay yihiin kuwo sida dhibta-yar leh u niyad jaba amaba u murugooda, waana kuwa aan  kaftamin xaaladdaha qaar, waxa aanay doonayna aan la marsiin karrin,  isla-markaana raadiya meelaha hawlaha-shaqo ay ka liidato, ka dibna canbaareeya, waxa kale oo lagu tilmaamaa inuu leeyahay hab-dhaqanka Aargoosiga.
Wuxuu  Kaa Doonayaa Inaad ahaato: Wax toosan oo saxxan.
Wuxuuna Bixiyaa : Caddeymo, war-bixinno ku saabsan, sida ugu  mac-quul san ee caqli-galka ah,  qorshe- nidaamsan, iyo dib u eegis horumarineed.
Hannaanka Geedi Socodka Guud:  Waa kuwa jeclaysta inay wax kastaaba ay lahaadaan  qorshe-wanaagsan iyo faah-faahin dhameystiran, waxa kale oo ay xiiseeyaan in la taageero lana soo dhaweeyo fikradahooda, si cadna loogu muujiyo iyadoo loo marayo talaabo kasta oo la qaadayo hawl-qabad ka badan erayadda faaqidaada ah,  wax-kastaana ay ahaadaan sida ugu saxsan uguna nidaamsan, loona diyaariyo,  waxaana haboon  inaad siiso wakhti ay ku lafo-guraan erayadda faaqidaada ah,  kana fogaato wixii ku kalifaya  go’aan ay gaadhaan iyo  wixii dareenkoodu soo jiidanayo, waxaana fiican inaad siiso caddeymo xaqiijinaya wixii aad tidhi inay run iyo xaqiiqo ay ahaayeen.



Qoraa Maxamed Faarax Qoti