26/July/2015
Loolan kasta, Shucuur kasta, iyo Ficil kasta oo uu isku
diyaariyo jidhka Aadamuhu, waxa loo nisbeeyaa
inay tahay mid ka timid
hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shaqsi-ahaaneed ee gaarka u ah, inkastoo haddana laga yaabo in ay bedeli
karaan dhaq-dhaqaaqa ku yimaada dabeecadaha wakhtiga u dhaxeeya dhalashada illaa iyo
qaan-gaadhnimada Bani-aadamka iyo xayawaanka
uu (ASW) ku uumay kown-kan aynu ku
nool-nahay.
Xeel-dheerayaasha ku
takhakhusa cilmiga barashada hab-dhaqanka iyo dabeecadaha xayawaanada, waxa ay sheegaan in
xayawaanada Madax-weyn lihi ay ka
maskax-badan yihiin xayawaanada Madax-
yar, basle waxaynu qormadeenan ku
lafa-guri doonaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha ay iska-shabahaan Bani-aadamka
iyo xayawaanada qaarkood.

Dhanka kale ee Daciifnimadda Awoodaha (Weaknesses)
uu leeyahay lagu sheegaa inuu yahay mid dabci qabow oo aan lahayn fikir iyo
dareen wax kiciya, iskuna filan, oo axmaq ah, isla-markaa wax-kasta u
isticmaala dhanka cawajka iyo in aanu raali-galin ka bixinin khalad kasta oo uu sameeyo.
Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad
: Kulla shaqeyso nidaam-wanaagsan iyo qaabka ugu fudud ee aanu wakhti badani kaaga lumi
karrin.
Wuxuuna bixiyaa :
Mawduuc war-bixineed oo ku
saabsan wixii la qabanaayo iyo xiliga la qabanaayo, in loo qabto hab- farshaxan
xoriyadeed leh iyo in la qaado talaabo
deg-deg ah.
Hannaanka Geedi Socoka Guud : Waxa lagu suureeyaa Nidaam-wanaagsan
iyo in la isticmaalo hab- cilmi aqooneed, oo xirfadaysan, lana taageero hiigsigooda iyo hadaf-kooda,
haddii aad ku caarididna,
xaqiiqadii doodaasi lagama yaabo
inay kiciso dareenkooda shakhsi-ahaaneed,
wakhti fiican oo taxadir badan oo si wanaagsan loo soo agaasimayey ayey
ku eegaan maxsuulka ka soo baxa ama hoosta ayey ka xariiqaan mana doonaan inuu
wakhti kaga lumo, ee ha loo sameeyo go’aan
qaadashada.

Dhanka kale
ee Daciif-nimadda Awoodihiisa (Weaknesses ) : Waxa lagu sifeeyaa inuu yahay: mid buun-buuniya wixii wanaagsan iyo
wixii aan wanaagsanaynba, oo fudud,
canaadina ah, oo aan lahayn wax-soosaar iyo asluubba.
Wuxuu kaa Doonayaa Inaad :
Ka shaqeyso Deegaanka, Kobaca khayraadka,
Taajirnimadda, ama aad xiisayso.
Wuxuuna bixiyaa : Tayadda,
macluumaadka ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada taagan, asalnimada,
wax-kastana loo sinaado iyo lana horumariyo aqoonta maskaxda
Hannaanka Geedi Socodka Guud-: Waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo
jecel inaad xiisayso iyaga oo aad
taageerto riyadooda, dareenkooda iyo
afkaartoodaba, isla-markaana aad la saaxiibto, balse aanad ku deg-degin
falaqeyntooda iyo faalayntoodaba, waxa
habboon inaad siiso fursad aad wax ugu sheegto, ha iskuna dayin inaad la
muranto, heshiisna ha lagalin qodobeysan
oo dhamaantood lagu dhigay qoraal, ha kana xishoonin inaad ka aqbashid wax-kasta
oo ka mida wax-yaabaha gaarka u ah ee ay
qaban-qaabinayaan.

Dhanka
Daciifnimada Awoodihiisa kale (Weaknesses): ee uu leeyahay waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Xaasidnimo, Bakhaylnimo,
Go’aan jilicsan, Dhiirigalin la’aan,
iyo inuu sidoo kale aanu qaadi Karin
talaabo xilliga ay ku haboon tahay
isla-markaana dib u dhiga, waana mid Walaac
iyo Baqdin badan.
Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad
: U muujiso waa-shaqeyn iyo Farxad
Waxaanu Bixiyaa : Balan-qaad, warbiximaha ku saabsan, sida xaaladdaha taagan ay saameyn u yeelan
doonaan, fikradaha caanka ah, wax-yaabaha halista ah oo la wadaago, in la isku haleeyo,
lana soo bandhigo sidii caawimo la siin lahaa dadka kale .
Hannaanka Geedi Socodka Guud : Waa kuwo aan lahayn hanjabaado, oo nasteex ah, qof kastana u tilmaama dantiisa iyo in ay taageeraan
dareenkooda, ha riixine, adigoo si qun-yar ah u dhaqaaji gaadhsii meel durugsan, tus inaad
dhageysanayso, waxay noqdaan qun-yar socod, go’aan kasta oo la
gaadhana daba-taagan oo hubiya .

Dhanka Daciifnimadda
Awoodihiisa (Weaknesses ): Waa khiyaali, isku-qaba inuu yahay dhex-dhexaad,
manalaha xidhiidh saaxiibtinimo, inkastoo ay yihiin kuwo sida dhibta-yar leh u
niyad jaba amaba u murugooda, waana kuwa aan kaftamin xaaladdaha qaar, waxa aanay doonayna
aan la marsiin karrin, isla-markaana
raadiya meelaha hawlaha-shaqo ay ka liidato, ka dibna canbaareeya, waxa kale oo
lagu tilmaamaa inuu leeyahay hab-dhaqanka Aargoosiga.
Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad
ahaato: Wax
toosan oo saxxan.
Wuxuuna Bixiyaa : Caddeymo, war-bixinno ku
saabsan, sida ugu mac-quul san ee caqli-galka
ah, qorshe- nidaamsan, iyo dib u eegis
horumarineed.
Hannaanka Geedi Socodka Guud: Waa kuwa jeclaysta inay wax kastaaba ay
lahaadaan qorshe-wanaagsan iyo faah-faahin
dhameystiran, waxa kale oo ay xiiseeyaan in la taageero lana soo dhaweeyo fikradahooda,
si cadna loogu muujiyo iyadoo loo marayo talaabo kasta oo la qaadayo hawl-qabad
ka badan erayadda faaqidaada ah, wax-kastaana
ay ahaadaan sida ugu saxsan uguna nidaamsan, loona diyaariyo, waxaana haboon
inaad siiso wakhti ay ku lafo-guraan erayadda faaqidaada ah, kana fogaato wixii ku kalifaya go’aan ay gaadhaan iyo wixii dareenkoodu soo jiidanayo, waxaana
fiican inaad siiso caddeymo xaqiijinaya wixii aad tidhi inay run iyo xaqiiqo ay
ahaayeen.
Qoraa
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid