Nayruuska sannadka cusub 2026


Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 14-aad.

Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka ku soo foolka leh, waxaannay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga foodda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, umana fiirsadaan dhibta ku jirta ogaanshahaas, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xiddiguhu waa mid ku saleysan qaab-nololleedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaanna arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiin jiray dad khibrad gaar-ah u leh oo ku falanqeeya isbeddelka cimiladda, hawada, bad-maaxidda iyo dowladdaha, sidaa awgeed baynu male Aadame ku male’awaali doonaa Oddoroska aayaha curashada gu'an cusub ee 2026-ka.

Dabshidka Nayruuska sannadkan cusub wuxuu ku curtay maalin khamiiseed, Tirsiga Qoraxda sannadkan cusub wuxuu ku curtay maalin khamiiseed, waxa kale oo loo eegi jiray Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus khamiiseed waxa loo nisbeeyaa burjiga sagaalaad ee liifato oo ku aadan mudadda u dhaxaysa 23/11-21/12, godadka dayaxa wuxuu ku leeyahay mareeg dheer, xoor cad iyo madhan, waa xilliga kala wareega Deyrta iyo Jiilaalka, waa Lab maalinle, habeen isniineedbuu leeyahay waana naari, waxa lala xidhiidhiyaa, dhinaca, Diinta, falsafad, socdaalka (gaar ahaan dibadda), sharciga, buugaagta, hawlaha daabacaadda iyo talo-wadaaga.

Sannadkan cusib ee 2026-ka waa sannadkii Somaliland ay saadaalinaysay muddo ka badan 40-sannadood, akhriste, ma'maqli jirtay, waxa la arki doonaa in maalin maalmaha ka mid ah uu calanka Somaliland uu ka baban doono dhamaan Adduunka, isla markaana, Dalka Somaliland uu noqon doono dal loo soo shaqo tago?

Sannadka Cusub ee 2026-ka, waa sannadkii loogu magac daray geesinimadii horumarka bulshada, Somaliland waa in ay hore u socotaa oo aanay eegin kuwa hadhay ee dib u dhaca siyaasaddeed uu ku yimid, waa in aanay dhayalsannin daacadnimada iyo in aamusnaanta la muujiyaa in ay tahay dareen ugu qurux badan ee iftiiminaya Adduunka, waa in aynu aamusnaan ku guda galnaa fursadaha xoogga badan ee aynu helnay, isla markaa waa in aynu duceysannaa. 

Isbaahaysiga xulafada Khariiradan cusub iyo cilaaqaadku wuxuu keeni doonaa nabad iyo wada-noolaansho ka dhalata gayiga Adduunka, waanna mid loo sii mari doono xiisaddaha ku sii kordhaya Adduunka, Dalka Maraykanka iyo Dalka Ruushka waxay u muuqdaan kuwo isla jaan-qaadi doona dhinaca siyaasadda.

Sidoo kale, Isbahaysiga xulafooyinka cusub ee ka dhex abuurmaya Midowga Yurub, Koonfurta Ameerika, Australia iyo Afrika, waxay noqon doonaan ciyaartooyada sida weyn uga dhex muuqan doona masraxa siyaasadda Adduunka, taasoo ay ugu wacan tahay dhulkooda oo ah dhul hodan ku ah beeraha iyo macdanta. 

Sannadkan wuxuu ku beegan yahay xilligii dagaalkii sokeeye uu ka dhacay dalka Maraykanka iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, balse, dadku waxay yihiin kuwo horumarsan oo tamartooda colaadeed aanay u horseedi doonin dagaallo ka bilaabma Adduunka ama dagaallo sokeeye, laakiinse, aynu xusuusnaano in tamartan colaaddeed ay diyaarsan tahay, isla markaana aynu ku ducaysanno nabadda, wada noolaanshaha, fahamka iyo daacadnimada.

Dhinaca Siyaasadda, waxay noqonaysa hab diblomaasiyadeed wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo dhedig, walaalaynta iyo xidhiidhinta.

Inkastoo Shiinuhu dhaqaale badan ka urursaday wadamo badan tobankii sanno ee la soo dhaafay, haddana waxa laga yaabaa inuu sii joogteeyo koboca xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay Dalka Ruushka, si markaas uu u go'doomiyo Dalka Mareykanka, haddii ay dhacdo arrintaas waxay Dalka Mareynkanka ku riixi doontaa in uu sameeyo xulufeysi Juqraafiyadeed oo cusub.

La arkee dad badan oo danbiilayaal ah oo laga soo mustaafuriyo dalka Mareynkanka, kuwo kale oo ah qaxooti oo ka yimid Jarmalka inay u guuraan Dalka Mareykanka, Kanada iyo Argentina inta lagu jiro sannadkan, waxaanna sabab u ah dhinaca qalalaasaha siyaasadeed ee ka jirta Jarmalka, dhinaca dhaqaalahana dalka Talyaaniga, Isbaanishkana qorista askarta, Ruushkana cadaadis kaga yimid dhinaca diinta awgeed.

Dhinaca caafimaadka: sannadkan waxa haboon in aan lagu deg-degin wixii qaliin ku saabsan, waxa la filan jiray xiiqda iyo wixii la xidhiidha neefsashada, shubanka, waxaanna haboon in la iska illaaliyo goobaha wasakhda leh, waxa kale oo saameyn yeelanaya wasakhowga hawada ee ay keenaan Warshadaha iyo korontadu, arrintaasna waxa inaga yareyn doonta dhimista isticmaalka xad-dhaafka warshadaha, waxa kobci doona habka curinta daaweynta codka, iftiinka, laysarka iyo farsamooyinka kale ee lagu daaweeyo xididdada dareenka, farsamooyinkan casriga ah ee loo isticmaalo xoojinta habka difaaca jidhka iyo ka hortaga hargabka caabuqa oo laga yaabo in uu soo laba-kacleeyo.

Dhinaca Hoggaaminta : Sannadkan waxa la filan jiray Hogaamiyayaal cusub in ay ku soo biiraan Adduunka, kuwaasoo bulshadoodu horumarka cusub ee ay bilaabeen u arki doona inay tahay horumar dhalanteed ah, waxaannay dalban doonaan hufnaan iyo in la hubiyo, inkastoo hoggaamiyeyaal badanni ay iska caabiyi doonaan arrintaas, haddana, waxa suuro-gal ah in qaar badanni ay iska casili doonaan xilka ay umadda u hayaan, kuwaas hoggaamiyayaasha beddeli doonaana waxay sameynayaan muuqaalo iyo sawiro badan oo khiyaamo ah, ugu dambeyntana, waxa la feydi doonaa xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Dowladdaha: Dhinaca Dowladdaha waxa la filan jiray in ay noqdaan kuwo leh muuqaal habacsanaan dowladdeed ah iyo in uu ku fidi doono musuqmaasuqu, waxa la arki jiray halgan lama huraan ah oo u dhexeyn doona wixii hore iyo waxa cusub, inkastoo, dadku ay hore u soo daawadeen, waxna ka barteen iska taageerida shaqsi la ayiddaa in ay xumaynayso nidaamka dowliga ah, iskaashiga iyo wada-jirka.

Balse, xilligan way adag tahay in la ogaado waxa ay runtu tahay, sababtoo ah, waxa la arki doonaa in dad badanni ay inaga soo hor-jeedsadaan, waxa kale oo la arki doonaa kacdoon iyo in uu burburka ku yimaado haykalkii iyo nidaamkii maamul ee dowladdihii soo jireenka ahaa, dadku waxay gacmahooda ku fushan doonaan xukunka, waxa la arki doonaa xoogag waaweyn oo gacan saar la leh shakhsiyaaad gaar ah, kuwaas oo isku dayi doona in ay ka soo horjeestaan shaqsi ama dad badan ama ay qaadaan talaabooyin ay kaga soo horjeedaan caadooyinka dhaqanka bulshada.

Dhinaca Doorashooyinka: Doorashooyinku waxay........La soco.......

Author, Dr. Philo, Astero, Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Fanka