Tuesday, February 11, 2014

SOMALILAND: FARAHA, FALLAGA IYO AFARTA-MADAX-WEYNE MAXAA KA DHEXEEYA?

                                                                                             
                                                                                                                        11/February/2014



Inkastoo aanay caado ii ahaan jirin wax ka sheega masuuliyiin xijaabtay iyo kuwa hadda nool, haddana   waxaan halkan ku iftiimin doonaa  qormo hore oo  male aadame  aanu ku mala’awaalayey, taasoo ahayd xihiidhka ka dhaxeeya  Faraha iyo Falaga,  isla-markaana,  waxaan akhristayaasha sharafta mudan ee xiiseeya Akhriska iyo qoraalada ay ku  adkaan doonto fahamka qormadanayan,  waa Akhristayaasha ay da’doodu ka yar tahay  30-Sanno jir.



Haddaba marka aynu eegno Faraha ku yaala gacmaha  Aadamaha waxa lagu tilmaamaa inay yihiin Afar-Farood, laakiinse aanay  jirin mid shanaad,  kuwaas oo kala ah sida:-   Far-yarro, Faadumo, Far-dhexo, Murdiso, waxaynu qormadeenan ku eegi doonaa xidhiidhka ka dhaxeeya Faraha, Falaga iyo Afarta Madax-weyne ee Somaliland ka soo taliyey.

Far-yaro : - Waa Farta ugu yar Faraha Gacmaha Aadamaha ku yaal, isla markaana waxa lala  xidhiidhiyaa meere ka mid ah meerayaasha xidigiska ee  illi maqabatayga,  kaasoo loo nisbeeyo dhinaca isgaadhsiinta , iyo jinsiga, sidoo kalena waxa lagu tiriyaa  inuu leeyahay hammo sarre, hindise , xidhiidhin iyo xoriyad maskaxeed, waana kuwo ku xidhan  dadka ugu fiican dhinaca dhaqaalaha eel eh  aragtida fog.

Faadumo:-   Farta- labaad ee faruhu waxay khusaysaa  meerayaasha Apollo iyo  jilboole,  waxaana  loo eegaa  inuu yahay mid leh Abuurid-himilo,  wax-qabad, currin iyo ka midho dhalin,  sidoo kalena  waxa lagu suureeyaa  ruuxi  lagu lamaan yahay.

Far-dhexo:-   Farta dhexe ee faraha waxa lala xidhiidhiyaa  meeraha jilboole, kaasoo lagu tilmaamo cadaalad, wax-garad iyo garawshiyo -la’aan,  waxa kale oo lagu tiriyaa inuu ka sameysan yahay dun xariira oo fiican, xasilooni iyo masuuliyad,  laakiinse, haddii Farta -dhexe ay aad u dheeraato ama faraha kale ka gaabnaato,  waxa lagu macneeyaa in ay tahay astaamaha lagu garto , in aanay dheeli-tirnayn  wadada aad marayso iyo  ta xukumaddaha, dadka la darajada ahi ay maryaan .

Murdiso: -  Tani waa dariiqada hiigsiga horumarka, waxa la xidhiidhiyaa meeraha mushtar, Farta sharaxaada ama  tilmaanta, waxa loo eegaa inay leedahay  dhisid-mustaqbal, dhex-dhexaad, niyad,  tamar, iyo isku kalsooni,  laakiinse, haddii murdisadaasi ka dheeraato farta-dhexe ama ay ka gab-naato waxa ku tusinaysaa dariiqada tayadda hogaamintiisa iyo go’aankiisaba, in  halgan iyo kacdoon laga hor yimaado amaba  si dhib yar uu iskaga dhameeyo.



Maxamed Faarax Qoti