Xaaladda Iyo Xeeladda Hoggamiyaha Qaybtii-2-aad
4-May-2016
Qaybinta hawlaha : waa mid labadooduba ay hooseeyaan xidhiidhka iyo hawluhuba, waana dariiqa kaliya ee lagu daadajiyo masuuliyadda iyo xukunadda dowliga ah, shaqaaluhuna waxay bixiyaan heshiis weyn oo xoriyadeed taasoo la farsameeyey, haddii shaqaalahaasi ay ku fillan yihiin wax-badan, calaamadda ay bixisaana waa habka ugu saxsan.
Qaybinta hawlaha : waa mid labadooduba ay hooseeyaan xidhiidhka iyo hawluhuba, waana dariiqa kaliya ee lagu daadajiyo masuuliyadda iyo xukunadda dowliga ah, shaqaaluhuna waxay bixiyaan heshiis weyn oo xoriyadeed taasoo la farsameeyey, haddii shaqaalahaasi ay ku fillan yihiin wax-badan, calaamadda ay bixisaana waa habka ugu saxsan.
Waxaana
muhiim ah in hoggaamiyuhu ku ixtiraamo habka awoodaha ay u kala leeyihiin
shaqada, iyadoo aan la kormeerayn, ama wax badan laga taageerayo dhinaca
hab-dhaqanka, siday doontaba ha-noqotee, marka wakhtigiisu sii dheeraado habkan
natiijadeeduna waxay noqotaa in aanu hoggaamiyuhu sii illaalin Karin hawlaha
iyo xidhiidhintoodaba, waanay iska cad taasi in aanay lahayn wax-tar.
Xikmadda
hoggaamiyuhu waa dabeecadaha maanka aadamaha ee garashada
fahamka qotoda dheer leh iyo habka farshaxanka uu u isticmaalo go’aamada caqli
galka ah iyo waayo-aragnimada lagu gaadhayo aragtida fog, marna waxa loola
jeedaa in ay tahay
waajibaadka heerarka hab-dhaqanada fiican ee ay sameeyaan aadamuhu, sidda, samo-falka,
daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go'aan
qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka, balan-qaadka, dareenka badan iyo wax-ka eegida
dhanka wanaagsan, taasoo aassaass u ah xaqa,
halka baadilkuna uu yahay khalad.
Xaaladda
hoggaamintu waa
mid muhiim u ah in uu fahmo hoggaamiye kastaaba wakhtiga ku haboon ee la
isticmaali karro qaababkan kala duwan ee hoggaamineed, taasoo isticmaalideedu u
horseedi karto guusha hoggaamiyaha, marna waxa ay u noqotaa hagaha xaalaaddaha
dabeeciga ah, waxaana muhiim ah in si taxadir leh loo qiimeeyo xaaladahaas, isla-markaana
la kala doorto marba qaabka ku haboon.
Waxa kale, oo lala xidhiidhiyaa habka hoggaamiyuhu u isticmaalo isku
xidhka, maskaxda iyo muruqa shaqaalaha, haddaba hoggamiyaha kali-talliyuhu
wuxuu u isticmaalaa hawl kasta oo la
sameeyo ka go’aan qaadashadeeda, waa maxay, waa
goorma, sababtee, sidee baa loo qabtay, iyo kumaa qaban doona, shaqaaluhu way
ku guul dareystaan jihada ay u raaci lahaayeen.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaasina go’aan kasta oo uu gaadho, wuxuu
u isticmaalaa awood, taasoo ah, baahi aan ku dhisnayn xaqiiqada, isla-markaana,
nidaamkii ciqaab xad-dhaaf ah loo isticmaalo, mana ogolaadaan in wax la iska
weydiiyo go’aanadaas, haddii ay sii badato baahidaas aan ku dhisnayn xaqiiqadu,
waxa soo hadheeya daruuro wata ceeryaamo caadifiyaysan, ka dibna, wixii uu
garan waayo, wuxuu wax ka weydiiyaa saaxiibkii oo kaliya dariiqa loo marayo go;aanadaas.
Xukunku wuxuu oggol yahay in go’aan wada-gaadhista,
hab-dhaqanka hoggamiyahaas waxa lagu tilmaamaa inuu
leeyihiin aqoon iyo waayo-aragnimo badan,
oo inta badana guul-dareysta, waxaana ku yar kalsoonida ay ka haystaan
awoodaha dadka kale, waa kuwo leh fikrado kala duwan oo khatar badan, si
fududna wax u khariba, isla-markaana ay yar tahay garowshiiyaha ay bixiyaan, waxaanay
isticmaalaan faa’iidooyinka dadka kale ay helli lahaayeen iyo balan-qaadyo afka
ah oo leh tartan aad u sareeya.
Wada-tashiguna wuxuu diirada saaraa sida uu u
isticmaali lahaa xirfaddaha, waayo- aragnimada iyo fikraddaha dadka kale, si
kastaba ha ahaatee, hoggaamiyahaas wuxuu isticmaalaa isagoo haya go’aanka kama
danbeysata ah ee uu u isticmaalayo awooda, mana gaadho go’aanada fudud, haddii
aanay ka hor-imanin wax dhibaato ah kuwa fulinaya hawshaas.
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas, waa mid inta badan ku jihaysan xalinta
khilaafaadka, dhisida wada-jirka, iyo sidoo kale inuu hayo go’aanka kama
danbeysta ah, waxaanu diirada saaraa in wakhtiga socdaa ahmiyad weyn u leeyahay
wax-qabadka, waxaanu bixiyaa aqoonsi sax ah iyo maamul daadajin, laakiinse waxa
waajiba inuu illaaliyo diidmada qayaxan ee ah “Veto power”
Tallo-wadaaga waa mid leh dareeno badan oo aan
lagu wada-qanacsanayn, habka loo maareyn lahaa midowga qaabka tallo -wadaagaas
Hab-dhaqanka hoggaamiyahaas waa mid isku ururiya fikradaha xubnaha kooxahaas,
waana tababaraha kooxada, ahna macalinka ciyaarta, waxaanu aqbalaa fikradaha
xadidan ee ay leeyihiin kooxadaas, waxa kale, oo uu diirada saaraa wixii la
jaan qaadi karaya abuurnimadaas, taasoo ah abuurista dhaqanka hal-abuurnimada
saxda ah ee qaabka-hoggaamiyaha.
Geba-gabadii waxa aynu u baahanahay in aynu is-weydiino dhowr su’aalood oo u baahan
jawaabo waafiya, Waa kuma hoggaamiyaha wax ka qaban doona, wixii uu ka soo
bartay Hoggaamiyayaashii hore ee Somaliland, sida, (AHUN) Abdirahmaan Axmed Cali, (AHUN)
Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Hoggaamiyaha
hadda tallada haya ee Axmed Maxamed Maxamud? Maxay ku fiicnaayeen dhinaca
awoodaha taasoo ay tahay casrigan mid ku dayasho mudan in ay qabatimaan
mustaqbalka hoggaamiyayaasha soo socdaa, iyo sidoo kale, dhinacii awooddaha ee
ay ku liiteen, si aanay ugu dhicin? Waa noocee qaabka iyo tayada
hoggaamiyayaasha aynu u baahanahay ee aynu ka filanayno inuu wax ka qaban doono, khaasatan
ujeedooyinkeena la xidhiidha dhinaca sharciga iyo caqabadaha waaweyn ee ina soo
wajahi doona?
Qoraa/
Maxamed Faarax Qoti
Dr.
PH, Astrologiest, Writer