Wednesday, December 23, 2015

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016 Qaybta 2-aad

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)


Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2016, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje oo arliyo ah:-   wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah.


Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad,  waxa kale oo la filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta  iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn,  waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go'aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto.

Yoolkeedu waa:  In billowga shaqo oo laga saaro caqabaaha hortagagan, loona mahad-naqo wixii aad aad ku gaadhay hadafkaas ee la xidhiidhay koritaanka dhirta ka baxday beerta.
Dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray,  waa kuwo digtoon, shaqo adag, xishood badan, wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamina, nadiif ah, oo leh himilo mustaqbal, maskax-furanaan, wax fahmi kara, oo leh karti, dareen feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u lafa gura, macquul ah oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka,  laakiin sidoo kale dareema cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn, wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.

Dhanka wanaaga:-  Waa kuwo had iyo jeer jecel in aan lala wadaagin sheekada, oo hamuun u qaba illaalinta iyo dhawritaanka deegaanka, isla-markaana leh falanqayn fiican iyo caqli wanaagsan.
dhanka mugdiga ah:-  Waxay noqdaan kuwo leh qab, isla-weyni, gorfeeye, takoore, dawlad, suuban, saxane,  oo gaadha guul la taaban karro, inta badan isticmaala fikiradaha takoorka ah, isla-markaana ah kuwo horumariya xirfadda naftooda.
Waxaanay noqdaan :  Xisaabiye,  xoghaye, qorsheeyayaasha, saynisyahanada qalabka casriga ee lagu shaqeeyo,  kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.

Burjigan waxa kale oo uu  leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Runtana Allaa Og.

Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah, waana maalinta Lixaad, waxaana la odhan jiray maalin Jimcaad waxay leedahay, waa  maalin u fiican in lagaga  faa'iideysto wixii ku lug leh jacaylka, saaxiibtinimada, kalgacal, wada noolaansho, dib u heshiisiinta, , quruxda, is-dhexgalka bulshada, waana maalin u fiican lacagta, farshaxanka, quruxinta shaqada
Sannadkan Cusub waxa kale loo eegi jiray dhinaca hawlaha, awoodaha waxaana soo gaadha  waxyeelooyin, isla-markaana waxa haboon in la iswaafajiyo inta u dhaxeysa dib u cusboonaysiinta uu ku noqonayo meeraha  raage burjiga fushade iyo meeraha illi ma’qabatiga ee uu u socdaali doono burjiga  habar-adhi,  wuxuu si dhaqsaha u sii  wadi doonaa, isla-markaana la dareemi doonaa inay sii xoogeystaan muranada shaqsiyeed ee dhinaca hiigsiga himilada dhabta ee shaqsi kastaaba uu doonayo inuu gaadho,  dhamaana dadka ku xeerani  waxa ay ku hawlan yihiin sidaas oo kale, waxaana laga yaabaa in midkoodba midka kale uu u yahay wax-qarxaya, amaba mid waliba midka kale uu lid ku yahay oo uu rabash kagala soo horjeedo, isagoo u maraya dariiqooyin kala duwan.

Warka wanaagsanina waa kaas uu midba midka kale aanu la rabin wanaag, marka laga reebo dadka in yar oo ka mid ah ayuun baa caqabadahaa adag si fudud ugaga gudbi karta oo uu Alle garansiiyey, sidoo kalena, lagama yaabo in la dareemo, waxa wanaagsan ee jira.

Inkastoo natiijadu ay tahay mid wanaagsan, haddana isbedelada ficil celinta shaqsiyeed ee hawada lagu isku marin doonaa, waxay amakaag ku abuuri doontaa hirarka ku xeeran garaadka Aadamaha, waxaanay awoodahaasina ay sababi doonaan awood dheeraada oo ka weyn ka heerka lagu cabiro Aduunka.

Isbedelada tamarta waxay noqon doontaa dheecaamada shahwaadka, taas macnaheedu, waxa weeyi in wax-kasta laga dareemi doono dhaq-dhaqaaq xawligiisu uu  aad uga sareeyo, ka kasocda garoonka dhexdiisa, laga yaabee in la dareemo wax-badan oo la jecel yahay” 

Haddii la dareemo diiramaad ama qabow, iffafaalaha  cimilada dabiiciga ah ee u dhexeeya dhalashada  xag-jirka, waxa la dareemi doonaa diirimaad badan iyo qabow badan, sidoo kalena,  haddiiba ay hawada iyo dabeyshu noqoto qoyaan, waxa la dareemi doonaa  qoyaan aad u badan.

Sida ay umuuqato dhinaca siyaasada, waxa la saadaalinayaa, in shaqsiyaadka awoodda lihi, ay isticmaali doonaan awood badan, kuwa dhibanayaasha ahina waxay dareemi doonaan in lagu  muquuniyey awood daradooda, suntaas daawada kaliyaata ee lagaga hortagi karaana waa naxariista.

Taageerida qof jacleysigu waxay noqon doontaa tayada qiimaheedu, mid ay ka dhalan karto qas, waxa kale oo la filan jiray falalka nasiibka, naxariista  iyo inay rag badani ay xoog wax ku doonaan,  arrintani waxay ahmiyad gaara u leedahay isku dheeli-tir, waxa kale oo falalku noqon doonaan nasiibka argagaxisada, rabshadaha iyo culeyska xad-dhaafka ah ee awooda dawladeed soo wajihi  doona. Runtana Allaa Og..

Ugu danbeyntii, xalka kaliyaataa waa in dib loogu noqdo dheeli-tirka qiimeynta mushkilada ruuxiga ah ee aan dheeliga tirnayn ee soo if-baxay, waxaana haboon jaceylka, raxmada, naxariista, daacadnimada, cibaadada iyo qiyamka oo la weyneeyaa ay noqon doonto ta kaliyaata ee lagaga fogaado xumaha iyo wixii macno darada ahaa ee soo gaadhay garaadka  Aadamaha.

Taas maaha macnaheedu  inay tahay oo qudha in dhacdooyinka wargeysya,  mareegaha wararku inay ahaadaan qaar xasilooni ku sugan iyo in falanqeynta tayada wanaagsan ee shaqsiyadaadu abuurtaa ay aad u jeclaysan doonaan dunidan kugu xeeran wakhtigan, sidoo kalena, qofka aadamaha ah ee aad badeshaa ama aad jihaysaa, waa mid faa’iido weyn  u leh oo ay ka timaado xasiloonida deganaansho dhex-dhexaadka ahi, dhinaca kalena, marka laga eego talaaba kasta oo horre loo qaadaa waa wax wanaagsan oo la gaadhay.

Sannadkan waxa laga yaabaa inay had iyo jeer ay u muuqato  xallinta shaqooyinka, farsamooyinka, dhaqanadii hore ee salaadiinta iyo dhaqanada ruuxiga ah, fikrado badan oo deg-deg iyo fudeyd ku jiro, kuwaasoo maxsuulka ka soo baxa loo arko mid wanaagsan ama kuwo xanuun reebaya, marka lagu darro nidaamka caadeysiga fikradaha iyo afkaaraha sida wada-jirka ah ee dadaalka badan loogu jiro.

Sidaa daraadeed, waxa haboon inaynu wax badan ka fikirno, kaasoo ku saabsan, “ Inaynu ka fikirno waxa aynu doonayno,  in ka badan waxa aynaan dooneyn ”  sababtoo ah, waxyaabihii xumaa ee ina soo maray ee soo dhacay, way kugu dhici doonaan mustaqbalka, haddii aan wax-badan laga fikirin.

Maxaa yeelay , haddii  lagu cel-celiyo fikradaha xun-xun, waxay abuuraan inay ku sii xoogeysataan, ka dibna ay tamar ku sii yeeshaan, waxa ay ahmiyadu tahay in maskaxda lagu hayo inaynu Rabigeen ugu shugrino  natiijooyinka wanaagsan, inta aynu jeclaysan lahayn  wax badan oo ah dhinaca mustaqbalka nollosha.

Shaki  kuma jirro in la gaadhay wakhtigii la dedejin lahaa horumarka inta aanu isbedel ku imanin,  haddaba tani waxay muujiniysaa in la weyneeyo nabada iyo wada-noolaanshaha  Sannadka 2020,  waxaanay  Isbedelladaasi ku lug yeelan doonaan dhinaca darajooyinka, sinaanta, dhaqan-dhaqaale iyo qarankaba.

Sannadkan  waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca dawladaha,  in ay qalabka  farsamada casriga ee isgaadhsiintu ay si fudud inoogu sahleen in la gaadho burburkii  ku yimid qaab dhismeedkii iyo nidaamkii dowladeed ee jiray,  haddii ay noqon lahayd , mid dhaqaale,mid iskaashi, dhamaan adeegyaddii arimihii bulshada  iyo xidhiidhadii badnaa ee hayduhu la lahaayeen xukumadaha, dhacdooyinkii soo jireenka ahaa ama soo xidhiidhsanaa,  sidaa awgeed, waxa ay u muuqataa in si wanaagsan loo xalin doono, isla-markaana, si wadajir ah oo fir-fircoon loogaga qayb qaadan doono,  haddii Alle yidhaa. Runtana Allaa Og.

Kulanka Meeraha nasiibka iyo jilboole waxay badeli doonaan wadahadalka meeraha  gobonimo doonka iyo xoriyada ee Raage iyo  meeraha Illi maqabatiga ah waxay si qoto dheer  isku badeli doonaa  meeraha Pluto bisha saddexaad, shanaad, lixaad, sagaalaad iyo ta laba iyo tobnaad ee Sannadkan,  waxaanay noqon doonaan  bilahaasi kuwo ugu wax qabadka badan.

Waxaana haboon in   wax wanaagsan in la qabato, isla-markaana, aad loo xoojiyo qiimaha jacelyku u leeyahay, nabada, wada-noollaanshaha, tanaasulaadka, naxariista, farsamooyinka ruuxiga ee fikradaha wanaagsan, xaqiijinta iyo xoojinta rajooyinka nasiibka kadiska ah ee naxariista badan.

Dhinaca saadaasha  waxa  gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2016.  Dib u noqoshada meeraha libdhe wuxuu dib u eegis iyo dib u sixid ku sameyn doonaa, hoos u dhicii ku yimid wakhtiyadii la soo dhaafay, wixii uu ka bartay casharadii hore,  dhaqaaluhu ma xuma, inkastoo ay isgaadhsiintu yaraato.

Mudo ka dib wuxuu dib ugu noqon doonaa burjiga sowra, wuxuu ku dadaali doonaa curinta fikrado waaweyn oo xeeladaysan dhinaca fikirka iyo dulqaadka, meel kasta oo la joogana waxa  la arki doonaa xikmado badan, waxa haboon in la xoojiyo oo la sameeyo dabacsanaan, waa haddii lagugu madax-adkaado.

Mar-kale wuxuu isku dayidoonaa in aanu wax-badan diirada saarin oo aanu faah-faahinin, ka dib marka uu u socdaali doono burjiga dabooje, talaabadaa uu dib u qaadayna, waxa la arki jiray qorax madoobaad ka dhaca wadamada Africa bisha sideedaad, kowdeeda ee Sannadkan 2016,  waxaana la saadaalinayaa inay isgaadhsiintu yaraato,  dhaqaaluhu fiicnaado, waxaana la filan jiraj,  Bisha  saddexaad  8/9 ee Sannadka 2016-ka,  Qorax-madoobaad laga arko wadamada koonfurta bari ee aasiya, waqooyi galbeed ee Australia, iyo baweynta hidiya iyo  Pacific, waxaana soo if baxda, isla-markaana samada isku shareeri doonta xaalad dawaakhaadeed oo nafeed. Runtana Allaa Og.

Meeraha mushtar iyo meeraha illi maqabatiga ah, waxay ku dadaali doonaan in wax-kasta oo la qabanayo loo yeesho adkeysi iyo go’aamin,  ka dibna, uu dib u xalin doono xaaladii soo if baxday marka ay kulmaan meeraha Jilboole, oo ay sameyn doonaan aassaasska xidhiidhka shaqooyinka gudaha, ururada, dhismaha, dhaqamada.

Labada siyaariin ee mushtar iyo  Raage oo ku kulmi doona  jiho toosan, waxa la saadaaliyaa in Fikradaha xagjirka ah la aqbalo iyo inay sii xoogeystaan riyooyinka cusub ee mustaqbalku.
—  23-ka bisha saddexaad waxa la saadaalinayaa, Dayax madoobaad in lagu arki doonaa  penumbral waqooyiga  iyo koonfurta America,  Asia, Australia,  badaha  Pacific, Atlantic iyo badweynta hindiya, Arctic and Antarctica. Runtana Allaa Og.

Maluugta Mariikh  oo saddex xaggal u mari doonaa burjiga naariye ee qows, wuxuu ku dadaalayaa inuu dhameystiri doono mashaariicihii hore loo bilaabay,  waxaana la sugi doonaa illaa iyo inta uu maluugaasi si toosa ugu noqonaayo bisha lixaad,  29,  Sannadkan, ka hor inta aanu bilaabmin halista isbiimayntu, burjiga caqrabkawuxuu doonayaa in hore loo sii dhaqaajiyo mashaariicdii dib u dhacu ku yimid  iyo in hore looga sii socdo natiijada wanaagsan ee ka soo baxda midhaha wax-qabad.

18-ka bisha August, waxa la saadaalinayaa in mar-labaad Dayax madoobaad laga arki doonaa  Waqooyiga iyo Koonfurta America iyo Australiawaxaana  laga yaabaa inay soo  if-bixi doonaan ururo kala qaybsan, waa xilli loo baahan yahay koox ay dadku jeclaystaan maskaxdooda kuwaasoo ku haboon marxaladan hadda la joogo, oo aan isbedbedalin, 

Wareega kulanka labada meere ee jilboole iyo meeraga Illi maqabatayga ag,  waxay ku dadaalayaal ka fikirka sidii kor loogu qaadi lahaa cibaadaysi, Alle bariga iyo qaabkii loo sameyn lahaa xasaanad, waxa kale oo ay  ku hawlan yihiin,  illaalinta, Xad-gudubyada dhinaca mabaadi'da ruuxiga ah.
16-ka bisha sagaalaad ee Sannadkan waxa la saadaalinayaa in dayax madoobaad lagu arki doonaa  wadamada, Europe, Africa, Asia, Australia, badda  Pacific, Atlantic, iyo badweynta hindiya, Arctic iyo Antarctica, waa  xilli loo tafaxaytay in la wajaho xaqiiqad, aad bay u fududahay in heshiis la aaminsan yahay la gallo oo qodobadooda. Runtana Allaa Og.

Meeraha Jilboole oo wareega saddexaad kula kulmi doona meeraha  Uranus , waa wakhti aan la rumaysan karrin wax-qabadka qaab-dhismeedadu ay bixiyaan.  Runtana Allaa Og.

Dr. Maxamed Faarax Qoti

Astrologist