Thursday, October 1, 2015

Wanjalka iyo Ku-jiqsiida Laguma Meel-Maree.....



Haddaba waxaynu halkan ku-yara eegidoonaa Nuxurka warqada qoraalka ah qodobka ay cuskadeen qaadacida labada Xisbi ee UCID iyo WADANI.


Waxa aad moodaa in dadka qaar ay u haystaan siyaasadu inay tahay  muranka, wanjalka iyo ku-jiqsiinta, bal u fiirso dhawaaqan ka soo yeedhay Labada gudoomiye ku-xigeen ee Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, kuwaasoo si wada-jir ah u soo saaray War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumaddu ku hawlan tahay qabashadeeda taasi oo ay ku  doodayeen in xukumadu ka baxday heshiiskii ay hore u saxeexday.

Qoraalka ay soo saareen xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADANI taasoo u dhignayd sidan hoos ku qoran. 

1.  “Sadexda Xisbi Qaran (KULMIYE, WADDANI IYO UCID), wasaarada arimaha gudaha iyo komishinka doorashooyinku waxay wada saxeexeen  heshiiska 2 bog ka kooban kuna tariikhaysan 11.7.2013 oo loo diray beesha caalamka nuxurkiisuna ahaa laba diiwaan gelinood oo kala madax banana  sidaana beesha caalamku ku ogolaatay inaguna hanbalyaysay heshiiska iyo isu tanaasulka Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ah.

2.    Waxaa kale oo sadexda xisbi, wasaarada Arimaha gudaha iyo komishanku kala saxeexdeen heshiis     3bog ka kooban kuna tariikhaysan 18.9.2013 nuxurkiisu ahaa diiwaangelinta codbixiyaha iyo diiwaan gelinta muwaadanka oo dhamays tiran  laguna kalsoonaankaro, kalana madaxbanaan oo aanay jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya laguna maamulo 2 xeer oo kala duwan xeer 37/2007 xeerka codbixiyaha iyo xeer cusub oo xukuumadu curiso, sidaana beesha caalamku inoogu ogolaatay dhaqaale dhan 10,000,000 toban milyan oo aynu ku qabsano diiwaangelinta codbixiyaha si doorashada 2015 ku inoogu qabsoonto.

3.    Waxaa Madaxweynaha J/Somaliland qoray (Ref:RSL/P/EU/260-2155/112013 kalsooni uu u diray beesha caalamka oo uga mahad naqayo dhaqaalaha ay ku bixinayaan diiwaangelinta codbixiyaha isaga oo si cad u tilmaamaya in ay sida qudha ee doorasho xor ahi  inoogu qabsoomi karto 2015 ay tahay in aanu helo diiwaan gelin codbixiye oo madax banaan sida ugu dhakhsaha badan.

4.    Waxa kaloo safiirka ingiriiska Mr Neil Wagan isagoo ka wakiil ah deegbixiyaasha (DSC) naga caawiya arrimaha doorashooyinka shaly arbacadii  09/09/2014 u soo diray Wasiirka madaxtooyada, komishinka Qaranka, 3 Xisbi Qaran iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, warqad nuxurkeedu ahaa in la ixtiraamo laguna dhaqmo dhamaan heshiisyada kor ku xusan ee beesha caalamku goobjooga ka ahayd doorashooyinkuna xiligooda qabsoomaan.

5.    Waxay Beesha caalamku u soo qortay madaxweynaha jawaab mahad naq iyo bogaadin isugu jirta isla markaana ay balan qadeen in ay inaga cawinayaan dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada diiwaangelinta codbixiyaha si doorashada 2015 inoogu qabsoonta  (Ref:RSL/P/EU/260-2155/112013)

6.    Waxay beesha caalamku dhaqaale ku bixisay xog ururintii diiwaan gelinta codbixiyaha, sidoo kalena, waxa ay inoo soo direen khuburo qaada tajriibadii qalabka diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale oo ay bixisay qandarasyadii diiwaan gelinta codbixiyaha, waxay diyaariyeen in diiwaangelinta codbixiyuhu bilaabanto   october 2014.


koowaad, Sadexda Xisbi Qaran (KULMIYE, WADDANI IYO UCID), wasaarada arimaha gudaha iyo komishinka doorashooyinku waxay wada saxeexeen  heshiiska 2 bog ka kooban kuna tariikhaysan 11.7.2013 oo loo diray beesha caalamka nuxurkiisuna ahaa laba diiwaan gelinood oo kala madax banana  sidaana beesha caalamku ku ogolaatay inaguna hanbalyaysay heshiiska iyo isu tanaasulka Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ahheshiiskaas  saxeexday waxay xukuumada Somaliland burisay dhamaan heshiisyadii ay saxeexday, kalsooni siintii madaxweynaha ee beesha caalamka iyo balamadii dhexmaray Somaliland oo isu dhan iyo beesha caalamka oo diyaarisay dhaqaalihii iyo farsamadii lagu qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyaha halkaana aynu ku kasbanay sumcad xumo iyo in aynu ku waayi karno kalsoonidii iyo tageeradii dhaqaale ee beesha caalamka , hadii aan go,aan deg-dega la gaadhin SEP 2014 oo ah in lakal saaro 2da xeer ee kala ah xeerka diiwaangelinta codbixiyaha oo ah ka keliya ee beesha caalamku ku bixinayso dhaqaale iyo xeerka diiwaangelinta muwaadanka ee hada lagu ururiyey teensaro minishiibiya caqabadna ku ah doorashada 2015 iyo in aan dib laynoo aaminin.

Sidaas darteed waxay labada Xisbi UCID IYO WADDANI  go,aansadeen inay si midaysan u qadaceen, waxa loogu yeedhay diiwaan gelinta medeniga ah balse ah TEENSARO (ID) waxaanu dhamaan shacabka Somaliland degmo kasta iyo gobolkasta ugu baqaynaa in aan laqaadan waxaa loogu yeedhayo aqoonsiga ee loogu sheegayo Diiwangalinta madaniga iyada oo aan ahayn.

Waxay maanta xukuumada dhexe u faro gelisay waa in lagu carqaladeeyo doorashooyinka wakhtiga diiwaangelinta codbixiyahana lagu rido si mudo kordhin loo helo iyada oo aanay jirin cid danaynaysa caqabada ay ku tahay ictiraaf radinta iyo geedi socodka dimuqraatiyada Somaliland. Waxaanu kale oo shacabka u sheeygaynaa in aanay jiri doonin wax mudo kordhin ah oo hadii doorashooyinku dhici waayaan (Madaxwaynaha iyo Barlamaanka) june 2015, in la dhisi doono dawlad ku meelgaadha oo Xisbiyada Qaranku u dhanyihiin. anaga oo xukuumada ugu baqayna in aanay wakhitiga iska ridin dalkana foodo iyo xasilooni daro u horseedin ee ay dhamaystiraan sidii doorashooyinku ugu dhici lahaayeen wakhtigoodi.”


Muwaadin waxay is waydiintu tahay inagoo si cilmiyeysan ugu eegi doona si aynu fahano nuxurka qoraalkan is burinaya ee ay soo saareen  labada xisbi mucaarid,  qodobkiisa koowaad iyo Qodobka Lixaad, kaasoo u dhiganaa sidan:-

1.      “Sadexda Xisbi Qaran (KULMIYE, WADDANI IYO UCID), wasaarada arimaha gudaha iyo komishinka doorashooyinku waxay wada saxeexeen  heshiiska 2 bog ka kooban kuna tariikhaysan 11.7.2013 oo loo diray beesha caalamka nuxurkiisuna ahaa laba diiwaan gelinood oo kala madax banana  sidaana beesha caalamku ku ogolaatay inaguna hanbalyaysay heshiiska iyo isu tanaasulka Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ah.

6.      Waxay beesha caalamku dhaqaale ku bixisay xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale inoo soo dirtay khuburo qaaday tajriibadii qalabka diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale oo bixisay qandarasyadii diiwaan gelinta codbixiyaha, waxay diyaariyeen in diiwaangelinta codbixiyuhu bilaabanto   october 2014.


Sow taa macnaheedu  maaha in beesha caalamku ay ogolaatay  inay dhaqaale ku bixiso,  xog-ururintii diiwaangelinta codbixiyaha oo qudha, oo aanay jirin xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).

Muwaadin markay arrintaasi dhacday ayey  xukumadu xil-weyn iska sartay iyadoo la kaashanaysa dowladaha hoose ee dalka lana ururiyey lacag dhan 8.000.000 million oo dollarka maraykanka ah in lagu qabto xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).

waxaan akhristayaasha u dhaafaya su’aasha is weydiinta mudan  ee ah iyamaa mudan mase kala hadhi karaan labada diiwaan galinood ee ah      a) xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha oo qudha
b) xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).


Muwaadin waxaynu si  cilmiyeysan ugu eegi doona inaynu fahano nuxurka qoraalkan is burinaya qodobkiisa Labaad , kaasoo u dhiganaa sidan:-

2.      Waxaa kale oo sadexda xisbi, wasaarada Arimaha gudaha iyo komishanku kala saxeexdeen heshiis     3bog ka kooban kuna tariikhaysan 18.9.2013 nuxurkiisu ahaa diiwaangelinta codbixiyaha iyo diiwaan gelinta muwaadanka oo dhamays tiran  laguna kalsoonaan karo, kalana madaxbanaan oo aanay jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya laguna maamulo 2 xeer oo kala duwan xeer 37/2007 xeerka codbixiyaha iyo xeer cusub oo xukuumadu curiso, sidaana beesha caalamku inoogu ogolaatay dhaqaale dhan 10,000,000 toban milyan oo aynu ku qabsano diiwaangelinta cod-bixiyaha si doorashada 2015 ku innoogu qabsoonto.


Muwaadin marka ay Xog-ururinta Diiwaan galinta cod-bixiyaha beesha caalamka ay innaga ogolaatay inay bixiso dhaqaalihii lagu qabanlahaa, Xukumada Somalilandna Xog ururinta Diiwaan galinta muwaadinkana ay  bixinayso dhaqaalihii lagu qabanlahaa,
miyeynaan odhan Karin markaa xukumadu juhdi iyo dadaal badan bay galisay sidii ay  wakhtigeeda u qabsoomi lahayd doorasho xalaal ahi laakiin xisbiyada mucaaridka ayaan ogolayn in doorasho dhacdo.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti












No comments:

Post a Comment

Mahadsanid