Posts

Showing posts with the label CILMI DHAGOOLKA

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka

Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban, duniduna waxay ku joogtaa awooda amarka Eebe, cidina lama wadaagto, isagaanay u sugnaatay qadarkiisa iyo maamulkiisa xukunka kownkan, Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Dhinaca ku dhaqanka saadaasha xidiguhu, waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taas...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/1-aad  Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2017-ka

Image
Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha. H...

BURJIGU MA JAANBAA !

Image
NAARI :- (Wakiil rasmiga ah ee dadka, tamarta, xamaasada iyo wax-yiga) Dabku waa shay u socda kor oo gaadhi kara daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer kulkoodu aad u sareeyo oo jooga cirka dunida guudkiisa aynu ku noolnaha, haddana, run ahaantiina dabkaasi lama garan karo sida uu u eeg yahay. Dhinaca ruuxda aadamaha waxa lala xidhiidhiyaa dabka in ay noqdaan dadka arragtida fog ee xeel-dheerayaasha ah, marka aynu dhanka kalena ka eegno, dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, waxa kale, oo aynu odhan karnaa dabku waa mid wax baabiiya amaba dhalan rogga. Sida muuqata Dabka ciidamadda waxa la dareemaa isagoo dhex maraya hawada in uu baabiiyo wax-walba, biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya. Faraxa siidhka Geedka:-   siidhka geedku wuxuu ku farx...