Dadka bir-labta ahi waa kuwo leh isku kalsooni iyo iimaan, oo ka war-qaba
in guusha lagu guuleystaana ay ku
timaado dhalasho ahaan, halka, kuwa aan
bir-labta ahaynina qalbiyadooda ay ka buuxaan cabsi iyo shaki badan, marka ay
fursadu u timaado.
Mar aan la kulmay
Dhakhtar ku takhakhusay cilmiga barashada daaweynta iyo cudurada guud ee
ku dhaca ilkaha, ayaa ii sheegay in
naakhuude markab uu saarnaa u eekaa hoggaamintii asxaabigii Cumar Binu khidaab
oo kale, taasoo uu ku suureeyey, mar uu daawaday war lagu baahiyey war-baahinta
muuqaal araga, naakhuudihii markabkaasi
majaraha u hayey oo ka qayb-qaadanayey
gurmad lagu samoto bixinayey qasabad biyo ah oo ku soo fatahday goor
caweysnimo ah qoys degenaa qol ka mid ah khananka ugu hooseeya ee markabkaas.
Dhacdadaasi waxay ixasuusisay safarkii iigu
horeeyey ee aan u raaco diyaarad nooca rakaabka qaada caasimadda London ee
dalka Ingiriiska, ka dib, markii aanu ku soo dhawaanay gegida diyaaraduhu ka
haadaan (London City Airport) caasimadda London ee dalka Ingriiska, ayaa lagu
wargaliyey duuliyihii diyaaradaas in aanay soo cago dhigan karayn diyaaraddii
aanu saarneyn, sababo la xidhiidhay dhinaca cimilada awgeed oo ay dul
hogonaysay ceeryaan badan wakhtigaas gegida diyaaradaha Caasimadda London ee
dalka Ingiriiska.
Qof kasta oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraddaas,
waxa uu mar walba u dhegtaagayey oo uu isha ku hayey xogaha iyo
dhaqdhaqaaqyaddii ka socday qaybta hore
ee laga waddo diyaaradaas, ka dib,
markii aanu saacado kooban hawada duulimaad hoose ku wareegnaba, ayaa lagu guuleystay in si
nabad-galyo ah ay u soo cago dhigaan hagayaashii gegida diyaaradaha (London
City Airport) ee Caasimadda London ee Dalka Ingriiska.
Maalin waliba waayo leh, safarkaygii labaad waxa
iigu naxdin badnaa, markii nalagu war-galiyey
annagoo ku jirna duulimaad shan
iyo koton kun oo dhundhunka hawada sare ah, in duuliyihii (Pilot) diyaaradii aanu saarnayn uu
geeriyooday (AHUN), isla markaana, uu la wareegay kaaliyihii duuliyaha
(Co-pilot) diyaaradaas, ka dibna, waxa mar-labaad nalagu war-galiyey in ay cilad farsamo ku
timid diyaarada, taasoo ay taayiraddii u
soo bixi waayeen, markii ay ku soo
dhawaatay gegida diyaaraduhu ka haadaan (O. R.
Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa.
Dhowr saacadood ka dib, ayey
guuleysteen badbaadada diyaaradii aanu saarnayn diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka South Afrika, kuwaasoo hagayey,
kuna dhiiri galinayey wadaha diyaaraddaas in uu ku soo fadhiisiiyo taayir
la’aan garoonka diyaaradaha, taasoo markii ay soo cago
dhigatayna taayiradii u soo baxeen.
Safarkaygii saddexaadna, aniga oo dareensan cabsi
badan ayaan diyaarad u raacay caasimadda Paris ee dalka Faransiiska,
diyaaradaas oo goor caweysnimo ah kaga
haaday gagida diyaaradaha haadaan (O. R. Tambo
International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa., ka dib, markii
ay u gudubtay jooga hawda sare ayaa mid
ka mid shaqaalaha diyaaradaasi nagu wargaliyey in cilad farsamo ku timid
afartii mishiin ee diyaaradaasi, sidaa awgeed, ay farsamo-yaqaanadii diyaaradu
ku hawlan yihiin hagaajinta matooradaasi, taasoo ku qaadatay in ay ku hellaan
ciladdii ku timid matooraddaasi muddo
15-daqiiqadood ah..
Shaqaalihii
diyaaradii ayaa mar labaad nagu
wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo
marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,
suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo
qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu
marayaa 40-Digrii, sidaa awgeed, waxa
inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay
wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas
lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), ………….
La soco………
Qalinkii /
Maxamed Faarax Qoti