Sunday, September 13, 2020

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin


Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada  Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood.

Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee hadba laan cugsanayee.

 

Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa.

Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa jiray sadex- heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Sumal yahow Darbani, naylaha duduuc, oo dacawadii dabada hunbulneyd yey kaa daldalan, heesta labaad ee tidhaahda, Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaadee… iyo Heesta saddexaad ee tidhaahda, Siyaasadii dibadiyo, Dalkiyo tii tiil gudaha.....

Isla wakhtigan uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa jiray afar heesood oo aan laga baahin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, korneyladii dhaartayow, dharaar yaable baad baxdeen, dhulkiinaad u hiiliseeneey dhurta, walaalayaal dhurtoo midhkaa dhacay ha guranina iyo heesta labaad ee tidhaahda.

Aduunbaan wax dhaadinee
Anba dhibaha jilaal
Xilliyadaan is dhalan rogey
Dhibta kaa illaashee
Dhaxanta iyo abaaraha
Kaa dhowrey adigoo
Dhito subag lo\'aadiyo 
Ku cabsiiye dheydoo
Yey dhicin intaan lahaa
Dhugan waayey teydoo
Dheel-dheeli awgaa
Igu dhaafey maalmuhu

Igu dheeridaa

Ma dhul gaaxdey baad tahay
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.

Sidoo lay dhiijaan wali
Kugu dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aadee

Dhillow yahan sidiisii
Intaan kugu dhaloollaa
Dhexda kugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujo

Ammaa aan dhulkaba qodo
Dhirtaa ii magooshaa 
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa,

 

Dhabaduu u seexdaan
Dhibanaha iska qaadoo
Dhulka kaa jiraan ahay 
Dhaxan tiyo dugaago

Anoo dheel arooryaad 
Dharabtiisa igu taal
Dhab markaa u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo

Dhaxal kayga uma helo
Sidaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayda 
Dhagartaada weeyoo

Igu dheeridaa
Ma dhul gaaxdey ba tahey
Mana soo dhawaatidee
Ma midaad u dhalataa.

Marka aynu ka nimaadno labadaa heesood ee aynaan halkan ku xusin iyo labadan Xisbi ee kala ah, Xisbiga tallada dalka haya ee Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) oo afka-qalaad loogu yeedho Peace, Unity and Development Party (PUD) Xisbigan oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaasay bishii May Sannadkii 2002-dii iyo Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) oo afka qalaadna loogu yeedho Justice and Welfare party (JWP) xisbigan siyaasiga ah oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaassay 18-kii bishii Siddeedaad ee Sannadkii 2001-dii.

Waxa kale oo ku lamaanaa Xisbi siyaasadeedka WADDANI ee aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, Xisbigaas oo la aassaassay taariikhud markay ahayd 6-dii bishii 10-aad Sannadkii 2011-kii.

Mudadaasi waxa jiray heeso ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada dalabaadka heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda,

Waa loo dhashaa wadani 
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Kuwii ku dhaantee 
Gobonimada dhowra
Xilka dhabarka saaray 
Kuwa dhuuni raaca 
Dhadhamo raaca 
Haddana is dhuuba 
Sideebaa, dhakhso, loogu, kala, gartaa.

Waa loo dhashaa wadani 
Mise waa la iska dhigi karaa wadani
Waa loo dhashaayee sideebaa
la iskaga dhigi karaa Wadani

Ruuxii dhulkiisaa u dhaarsanaayee 
ee u soo dhibtooda, u soo dhibtooda
Ee dhaqaalihiisaa iyo dhaxal galkiisaa 
Waligii dhisaayee dheeliga u diidoo
Dhidiba u adkeeya Iyo kii dhankiisaa 
Guryaha dhexdeena ku dhuumanaaya
Waa dhowr wajiilaha
Waa dhunkaal qudhqudhiya 
Waa dhiig ku naaxaha 
Ay dhimashadiisuu
Noloshiisu dhaantoo 
Labadaba Dhulkaa og 
Dhirtaa og, Dhagaxaa og 
Dhoobadiyo ciidaa og
Dharkeysitaan iyo dhuunigay cunaan

 

Haddaba dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa dadweynaha inta badan xiiseeya akhriska qormooyinka lagu baahiyo Wargeysyada madaxabanaan iyo Baraha Xuubka Caarada, Waa kuwee  Afartaa heesood ee hadhay?

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland