Wednesday, August 26, 2015

XOGOGAAL U NOQOSHADA DULIN KU DUL NOOL NOOLE KALE

26-August-2015

Waxaan garowsaday in aan halkan idinkula wadaago aragtida wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti-dheer tahay ama kaa aragti-dheer xaga fahanka waxa jira iyo cabirka waxa inagu soo fool leh.

Qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah, inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana  uu cabbirkiisaasi  dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka, iyo xogogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, Haddaba qiyaasta guud, inkastoo haddana ay jiraan erayo  ad-adag oo macnahoodu yara kakan yahay kuwaasoo u baahda aragti iyo  sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda  garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee  ugaga dhex-iftiimay.

Haddaba waxa jira Dulin ku dul-nool aadamaha, kaasoo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay wax-yaabaha keena  wer-werka iyo walaaca ku yimaada qofka, ka dibna waxay sababtaa in jidhku kaga jawaabo hab-kasta ama dariiqo-kasta  oo uu baahi u qabo, taasoo noqota  waayo-aragnimo wanaagsan  ama mid xumaan ah,  marka ay dadku dareemaan wax-yaabaha ka soconaya hareeraha xayndaabka ay ku xeeran yihiin, waxaanu jidhkoodu ku siidaayaa dhiiga  kimikalkals (Chemicals), kuwaas oo ay dadku ka helaan Xoog iyo Tamar,  waxaanay noqon kartaa mid wanaagsan waa haddii uu sababo muuqaal-khatar ah,  laakiin, haddii uu noqdo ka xun, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ka ugu Xoogga iyo Tamarta baddan ee  sababa jawaabaha dareenka leh.

Inkastoo aanay ka fogayn marka qofka uu ku yimaado wer-wer uu ka wer-weraayo shaqadiisa iyo qoyskiisa, haddana waxa loo tiriyaa inay ka mid tahay wax-yaabaha keen in qaab-dhismeedka qofka uu ku yimaado cabsiyaha khatarta baddan ee kiciya  dareenkiisa, waxaana ka mid ah siyaabahaasi oo loo sii kala saaraa  Afar nooc oo kala ah sidan: -

*      Wer-werka iyo Walaaca Xaaladaha Adag (Survival Stress),  inkastoo ay sii kala khatar badan yihiin, balse waxa lagu macneeyaa inay tahay habka kaliyaata ee  qofku xal u arko inuu Dhoofo ama uu Dagaalamo.
*      Wer-werka iyo Walaaca Nafeed (Internal Stress),  waxaana lagu tilmaamaa inay tahay Wer-werka nafteed  ee aanad waxba ka qaban Karin.
*      Wer-werka iyo walaaca Deegaankaaga (Environmental Stress),  waxa iyana lagu tilmaamaa inay tahay kuwa ku yimaada wax-yaabaha ay ka midka yihiin Buuqa, Cidhiidhiga iyo  marka  dhinaca shaqada uu culays kaagaga yimaado ama qoyskaagaba.
*      Iyo ta’ay keento shaqada adag ee  la yidhaahdo (Fatigue and over work).


Haddaba, wax-ka  barashada maantu waxay ina tusinaysaa inaynu ka dhaxalno barashada iyo fahamka in qabiilkasta oo ka mid ah Somaliland ay leeyihiin oo ay ku dhex-jiraan nooc leh, hab-Nololeedka iyo hab-dhaqanka dabeecadaha nooc ka mid ah noolayaasha ili-maqabatiga ah ee loo yaqaano dulinka, ee afka-qalaad loogu yeedho (Host ama Parasite),  waxaanu ku dul-noolaadaa noolahaasi noole kale,  waxa kale oo lagu sifeeyaa noolahaasi inuu faa’iido baddan u leeyahay bulshadda dhex-deeda iyo xidhiidhin-teedaba, 

Islamarkaana uu  yahay mid aan laga maarmi Karin,  waxa  sidoo kalena taasi  bar-bar socota Wer-werka iyo Walaac uu ku keeno Aadamaha uu  ku dhex-noolyahay.

Guntii iyo Gebagabadii waxaan ku soo gunnaanadi lahaa,  si xal loogu hello arrimaha aynu kor ku soo sheegnay, maadaama dalkeenu aanu lahayn  goobaha gaarka ah ee  Rayi iyo Fikir-dhiibashadda lagaga hadlo,  ee sida,  (Hyde Park),  kaasoo ah goobaha –fagaaraha dadku sida xorta ah  ugaga hadlaan iyagoo soo bandhigaya  dareenkooda, shucuurtooda, Aaraadooda iyo Fikirkooda,  ay wax-weyn ka tari lahayd mushkiladaha iyo duruufaha inagu gadaaman  ee hadheeyey kumanaan Rajada iyo Idiidiiladu ka xumaatay oo wax-tabanaya iyo kumanaan kale oo ku suggan dalka Somaliland.


Qoraa Maxamed Faarax Qoti