Thursday, April 27, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Q/ 8-aad)”


Xikmad soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda “Inta guudka lihi amaano dumar ma gasho”, taas oo macneheedu yahay sida dhaqanku yahay inta guudka leh xaaskaaga laguuguma dhiibi karo, haddii xaaskaaga oo dud-mo kaaga maqnayd la soo celiyo laguuguma dhiibi karo gabadhaada kale ee aad qabto, waxa kale oo ka mid ah inta guudka leh, Faraska, sababtoo ah, Faraska dumarku ma layl-yaan, mana fuulaan, kuma dagaalamaan, sidaa darteed baa loo yidhaahdaa” Senguhu ma’gallo amaano dumar”

Inkastoo aynaa qormo kaliya ku soo koobi karin odhaahyada, murtida iyo maahmaahyada garta dhaqanku leedahay, haddana, kuwa garta loo isticmaalo waxa ka mid ah sidan:-


1.       Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
2.       Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar lehna maxaad mooday.
3.       Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
4.       Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
5.       Gari laba nin kama wada qosliso
6.       Gar waa loo wada islaam.
7.       Garawshiinyo waa geel siin.
8.       Gartaada debeddaa lagu soo akhristaa.
9.       Gaalka dil, gartiisana sii.
10.   Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
11.   Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
12.   Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
13.   Taasi waa gar, dawse ma aha.
14.   Gar eexo, gacan gudhan iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
15.   Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
16.   Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
17.   Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
18.   Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
19.   Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
20.   Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.
21.   Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo..
22.   Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
23.   Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
24.   Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa
25.   Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
26.   Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
27.   Nin gar yidhi ma tacadiyin.
28.   Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
29.   Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
30.   Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
31.   Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
32.   Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
33.   Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
34.   Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
35.   Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
36.   Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
37.   Haddii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
38.   Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
39.   Aniguun baa aakhiradayda seegaye,  aar walaal noqon-waa.
40.   Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
41.   Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
42.   Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
43.   Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
44.   Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
45.   Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.
46.   Caduur wali dhowdhowdu uma dhacsana.
47.   Farro-aan dufan lahayn wax ma duugaan.
48.   Hubsiimo hal baa la siistaa.
49.   Hadal iyo hilbaba kala qallan.
50.   Lafahana gur, xaragona haka tegin.
51.   Dhac guudkii lagama hadlo.
52.   Xadhko geel ma wada xidhaan.
53.   Tolkaa eex laguma dilo
54.   Boqolle boqol baa lagu doonaa.
55.   Raq-ba waa ku rageed.
56.   May tidhi waa kayd rag.
57.   Qosol hiilimaad noqoy,.
58.   Haddii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
59.   Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
60.   Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari Idaad (laxo madax madow oo (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
61.   Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi. ,  “Reerku ha guuro waa gar, Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”


Dhinaca suugaantana gabayada. heesaha eek u soo aroora garaha waxa iyana ka mid ah sida:  “Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, hadaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale.

‘Arrin dhacay gobaysane hadii oday ka maahmaaho, afar goor hadii uu jifida rayska ka aroorsho, aqoon gaabka iyo liidku waa ku af-dhalaalaane, isha uma marmaro maatadiyo uur timoolaha’e,” Xasan Madoobe.

“Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.


Qoraa/:  Maxamed Faarax Qoti


(Xigahso:  Cabdisalaan Maxamed Xirsi “Caara-dhuub”
dhaqanyahan ku xeel-dheer dhinaca suugaanta gabayada.)

Wednesday, April 26, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Todobaad (7-aad)”

Ka dib, waxa la caleemo saaray laba suldaan, oo mid ka mid ahi ku yimid, habkii iyo xeerkii dhaqanka beesha u yaalay marka ay dooranayaan caaqil ama suldaan.

Sidaa darteed, habkan xulashada sandaladan dimuquraadiyada ku dhisan caqliga ayaa ah wakhtigan mida ugu qiimaha iyo sharafta badan marka loo eego sandaladda dhaxaltooyada ah, haddii ay ku dhaqmi lahaayeen beelaha reer Somaliland habkan xulashada ee hanaankeedu wanaagsan yahay, wax-weyn ka tari lahayd dhaqan doorsoonkan ku dhacay suldaanada dhaqanka ee ku milmay siyaasada.

Sababtoo ah, waxa aad arkaysaa inay maanta tahay sudlaannimadu magac iyo darajo lagu danaysanayo, taasoo dantii  reerku ay lahaayeen ku keentay laf jab iyo cadaawad, waxa kale oo reeraha ay ka soo jeedaan u soo jiideen magac xumo iyo sumcad xumo-weyn,  isla-markaana ku noqotay canbaar iyo naaneys xumo aan ka hadhi doonin, mararka qaarkoodna, waxa aad moodaa inay cadow ku yihiin beelihii ay ka soo jeedaan, Murti soomaaliyeed baa tidhaahda “ Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro”.

Marka aynu arrimahaas oo dhan ka soo gudubno, Xanaanka waxa la yidhaahdaa kama tagana dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan, waana waxtarka la is taro, sida, abaal-gudka, baadida oo la siku celiyo, in laga fogaado sameynta waxyaalaha meelka dhaca ah, af-xumada, af-lagaadada, cayda, dhir-baaxada, xabada, lana xaq-dhowro dhowro dhamaan dumarka sharafkooda iyo milgahooda.
Balse, marka ay arrimahaas oo dhami ay dhacaan, labadii dhinac ee ay wax-kala gaadheen haddii aanay dhameysnin oo aanay isku dulqaadan, waxa dhici jirtay in qofka wax loo tirinayo la golle keeno ee lagu soo cadeysto, waxa jirta xeer ciqaabeed la mariyo qofkaas oo in xaal lagu xukumo, xaalkaas oo ah xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo, iyadoo wixii uu trisanayey lagaga bogsiinayo, waxa kale oo uu xaalku noqon karaa  gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.

Waxa kale oo iyana jirta Ergo, waa dad si toos ah ugu taga cida ay wax u sheeganayaan , waxaanay noqotaaa ergadu mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la diido oo la yidhaahdo, “ waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”,  soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa  “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.

Maganta:  Dhaqanka Somalida waxa ka reebban in maganta la laayo, maganta waxa look ala saaraa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timid, Magan kula joogta, Magan kaa tagtay iyo Magan kugu soo socota.
Laakiinse, marka maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan oo sababta in la isku dilo, masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee illaa saddex awoow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo magan kugu soo socota ah, la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu qaldmay, sidaas ayey u kala kiis culus yihiin.

Xaal : Haddii aad maqasho arrintaa xaal baa ku waajibay ama hebel xaal hala siiyo,  waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, isla-markaana, wixii lagu sameeyey isna samayn kara ayaa lagu dhaahiyaa xoolo, si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan),  xoolahaas ayaa la yidhaahdaa “Xaal”.
Bal aynu tuducan gabayga ah eegno “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.

Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha xaalka la isu siiyo garowshiiyo la siiyo qofka xumaanta loo geystay oo laga raali-galiyo qaladka lagu sameeyey, sidoo kalena waxa ka mid ah Faras xaal la isku siiyo iyo gabdhahana oo xaal la isu siiyo marka ay aflagaado jirto, laakiin haddii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.

Waxa haboon in la siku dulqaato, haddiise uu qofku dulqaadan kari waayo waxa haboon inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa, ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka ahayn waxaas iyo waxaas ayuu igu sameeye, taasoo inta badan lagu dhameeyo raali-galin,  balse, haddii ay intaasi ku dhamaan weydo waa inuu naqaa ninkii cabanayey,  naquna waa guhaan.

Dhinaca kale, marka ninka wax laga tirsanayaa uu yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waa inuu ninkii wax tirsanayey uu garnaqsado, haddiise uu ninkii laga cabanayey garaabi-waayo, waxa haboon inuu ka ergoodo oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo haddii aanad odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax sameyso arrintaas waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay, waxaad lumisay migihii iyo sharaftii aad lahayd, cidina hadhow kuu garaabimayso, waxaana kugu filan miyaad nagu sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.

W/Q: Maxamed Faarax Qoti
Xigahso:  Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caara-dhuub)
dhaqanyahan ku xeel-dheeraa dhinaca suugaanta 

Tuesday, April 25, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Lixaad (6-aad)”

Murti soomaaliyeed baa tidhaahda, Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigeed,  “Reerku ha guuro waa gar,  Sahan la’aan inuu guuraana waa gardarro,  Guri xun inuu degaana waa galabsigeed, In tolkaa wax ku siiyaa waa gar, Nin bakhayl ah barina waa gardarro, Inuu ku qadiyaana waa galabsigeed,  Gabadh halagu weydiisto waa gar, Gayaankeed inaad u diidaana waa gardarro, Inay kugu guumowdaana waa galabsigeed”

Guud ahaa dadka reer Somaliland waxa ay leeyihiin xeer dhaqan oo ay ku kala gar-bixi jireen marka ay soo dhex-maraan arrimo la xidhiidha dhinaca dhaqanka iyo wada-noolaanshaha ay ku timaado dhibaatooyin, khilaaf iyo degenaansho la’aan.
Qabiilo kasta ama Beelo kasta  oo isku dhaqan ah oo isku deegaan ahiba waxa ay leeyihiin xeerar ka dhaxeeya oo ay kuwada macaamilaan, kuna kala baxaan oo ay ku xaliyaan marka ay dhibaato kala gaadho.

Waxa kale oo iyana jirta in reer kastaaba ama qabiilkastaaba dhexdiisa waxa uu leeyahay xeer hoosaadyo ay isku maamulaan,  xeerarkaas mar waa xanaan marna waa la isku anshax mariyaa marka qof reerka ka mid ahi qalad galo, isla-markaana, waxa uu xeerkaasi noqon karaa xeer-san ama xeer-qalafsan oo aan xanaan lahayn, sidoo kalena, waxa uu xeerkaasi siinayaa qof-kasta oo ka mid ah beesha  inuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad u gaar ah, sida, Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isaguna uu wax ka bixiyo, kaalo la isa-siiyo, waxaana xeerarka dhaqanka ku dabakha Oday-dhaqameedyada beelaha hoggaamiya ee sida, Odayaasha, Nabaddoonadda, Caaqilada, Suldaannada, Garaadada, Boqoradda. IWM, kuwaasoo yidhaahda , sidaas ayaa inoo xeer ah.

Boqor, Ugaaska, suldaanka, caaqilka iyo darajooyinka la mid ka ah waxa loo eegi jiray  ninka loo dooranayo hab-dhaqanka iyo dabeecadaha uu leeyahay, sida; Diinta, Deeqsinnimo, Geesinnimo, Garyaqaannimo, codkarnimo iyo Dhaqanka.
Boqor asal ahaan waa kalmad giriig ah oo macno ahaan noqonaysa “ Qoraxda iga illaali biyahana iigu roonow”, taasoo ka soo jeeda boqorka aboorka iyo boqoradda shinidu ay leedahay.

Haddaba, marka uu geeriyoodo boqor la calleema saaray waxa dhaxli jiray wiilashiisa ka ugu weyn, haddii aanu wiil lahaynna waxaa dhaxli jiray ragga ay walaalaha yihiin mid ka ah, hase yeeshee, dumarka darajadaas qabiiladu umay dooran jirin dhaxalna umay siin jirin,  laakiinse, darajooyinka kale waxa ay ku iman jireen hadba sida uu dhigay xeerarka dhaqanka qabiilkastaaba dhexdiisa uu ku leeyahay, taasoo ahayd in uu ku yimaado hab-xulasho ama dhaxal.

Sidaa darteed, waxa aynu halkan ku eegi doonaa Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho gadh-wadeenka reerka marka uu geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo,  waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah guddi hoosaadyo ay beeshaasi lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan  jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya.
Ka dibna, waxa ay guddidaasi u eegi jireen, Diinta, sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo, Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta, Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa.
Waxa dhacday inay sameysteen Suldaankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen sidii uu dhigaayey xeerka dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada, isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in aanay ahayn sandaladani mid ku timid dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala dhaxlo, balse, suldaanku cusub ee ka danbeeyaa uu ku iman doono habka-xulashada rabitaanka aqlabiyada reerku ninka ay u soo doortaan suldaannimada.
Muddo toban sannadood ah ka dib, markii uu geeriyooday suldaankaas (AHU), waxa la isku khilaafay oo la siku qabtay in loo caleemo saaro wiil uu dhalay, taasoo aan waafaqsanay sidii uu dhigayey xeerka dhaqanka beesha uga yaalay marka ay banaanaato jagada caaqilnimada iyo suldaannimadu.
Nasiib darro’se, xaajadaas kumay dhamaanin guul iyo is-afgarad, waxa taasi sabab u ahaa ka dib, markii faro-galin kaga timid, suldaanno ka mid ah 14- suldaan oo ay isku beel-wadaag ahaayeen, kana mid ahaa 71-ka suldaan ee ka jiray deegaankaas,   kuwaasoo sandaladoodu ay ahayd mid ku timid dhaxal iyo arrimo siyaasadeed oo kale, balse, aan ku iman habka xulashada doonista rabitaanka beelaha ay matalaan.
Waxa kale oo arrintaasi ku abuurtay cabsi, ku dhalisay inay sas ka qaadaan habka xulashada dimuquraadiyada ku dhisan caqliyadda ee lagu soo xulanayey suldaannimaddu ay wiiqi doonto sandalada dhaxaltooyada ah, waa haddiiba ay maqlaan beelaha ay ka soo jeedaan, isla-markaana, iyagoo ka duulaaya siyaasadda ay ku illaashadaan sandalada dhaxalka ah, waxa ay isku dayeen sidii ay u sii hurin lahaayeen khilaafkii yaraa ee beeshaasi soo kala dhex-galay, waxaanay qayb laxaad leh kaga qayb qaateen kala jabinta beel xoog ku lahayd wada jirka iyo walaaltinimada, isla-markaana, xeer -dhaqan u lahayd habka-xulashada rabitaanka beesha  aqlabiyada ugu badan inuu ku soo baxo  gadhwadeenka reerku…… la soco..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Monday, April 24, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Shanaad (5-aad)”

Marka dhowr nin oo ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay tidhaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.

Dhaqanka garteena marka la garamayo ama la dacwiyayo waa “Carrab eegato”, wixii uu ninku afkiisa ka yidhaahdo ayuun baa wax loogu qabataa, hadii aanad odhan markhaati baan haystaa, guddidu markhaati kuma waydiin karto, taasi waxay noqonaysaa Eexasho.
Ninka garnaqasanayaa waa inuu hadalkiisa dhaabadeeyaa, waxna u cuskadaa, haddii  aanu hadalkiisa lafayn (Rugayn) oo aanu markhaati ooggan ama odhan rugtaasaan arrintaa ka fadhiyaa, sidan oo kale “garta hadii aan waayo waan waayey, hadiise ay wax ii cadaadaan waan doonayaa (Waan u fadhiyaa) arrintaasi waxa ay leedahay”.

Sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa marka la garnaqsanayso afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, sida “  1) Af-waa (hadal-garanwaa), 2) Habrasho (dhiirasho la’aan), 3) cadayn la’aan iyo 4) iyada oo lagaa eexdo.

Marka aynu ka nimaadno noocyadda garnaqsiga iyo habka doodaha garnaqsigu u dhacaan, haddana guud ahaan waxa la eegi jiray marka wax la isku qabto ee la garnaqsanayo saddex arrimood oo kala ah, Qadaf (Gef), Qabno (Adduun) iyo Qoomaal (Dhiig), ka dibna, waxa loo sii kala saari jiray gartaasi laba qaybood oo kala ah, Garley iyo Garowshiiyo-lay.

Haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacawi ay wada galaan dhinacyada iska soo horjeedaa, laakiinse, haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu saleeyaa laba hal mid uun, Curad mise Ugub, isla-markaa, haddii arrinta la isku hayaa ay tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay,  waxa la yidhaahdaa waa Curad, sidaa darteed waxa loo eegaa maaraynteeda, wixii xeer uga yaalay ee ay wax ku kala qaateen  dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal.

Laakiinse, haddii aanay ahayn mid hore u dhacday, waxa la yidhaahdaa waa ugub, ka dibna, waxa xal u helideeda ka fekera, isla-markaana, talo iyo go’aan ka gaadha ragga ay markaa dhextaal, illayn waa tii hore loo yidhi: (Raq-ba waa ku rageed).

Waxa inta badan dadka iskaga darsama garta iyo dowga, waxaana la yidhaahdaa “Waa gar, dowse maaha” sidaa darteed, waxa ka mid ah Qofka Jid leh, ama muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo in la siiyo mudnaanta koowaad, sida: inuu hadalka, oogista markhaatiga ku horeeyo, in la weydiiyo xiliga uu garta uu diyaar u yahay, wixii loo geystay iyo inuu ka samraayo.

Waxa iyana soo raaca waa haddii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay, jidku waa cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa, waxa kale oo jid ahaan jiray inaad gartaada cid u igmato, qarreen qabsato, ambiil qaadato, qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatida aad masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid.

Dhanka kalena haddii aad maqasho ereyada “Dhaweeye iyo Dhameeye”, dhaweeyuhu waa ninka laga leeyahay arrinta wax ka qabashadeeda, laakiinse, gudbinteeda leh, waxaanu gaadhsiiya cidda wax ka qabashadeeda leh, halka uu Dhameeyuhuna uu yahay ninka arinta wax ka qabashadeeda leh ee aanay jirin cid kale oo uu isaga riixaa……………. La soco


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Sunday, April 23, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Affaraad (4-aad)”

Waxa la yidhi waraabaa ku dhaartay “Waataan ragga qarniga 21-aad ka miciin hooseeyaa, inaan arrinkaasu sidaas ahayn” waxaana la weydiiyey muxuu qabaa ragga qarniga 21-aad joogaa, wuxuu ku jawaabay “Ri dhoobo gashay baanay labaatan nin ka saari karin.”
Raggii hore magaca iyo dhegta ayuu xeerin jiray ee manfac iyo eex ma eegi jirin,  laakiinse, maanta waxa aad arkaysaa in gartii iyo gobonimadii ay ka mudan tahay cuntada iyo eexdu murti-maahmaaheed ayaa tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.

Marka laga hadlaayo doodaha iyo erey-bixinta garta  marka la qaadaayo waxa ka mid ah, xadhig, xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah, Dooc iyo Dareen,  waxa kale oo dhaqamada garta ka mid ah, mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo iyo mar uu hojiye leeyahay.

Waxa kale oo noocyada garahaasi marka la qaadaayo  loo kala saaraa afar qaybood oo kala ah, Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug.
Duco:  waa hadalka ugu horeeya ee  lagu bilaabo garaha maadaama aynu nahay umad muslim ah,  ka dib, waxa la yidhaahdaa bisinka faataxadda inoo mara, waana la maraa, sidaa awgeed,  waxa la yidhaahdaa “ Faataxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.

Marka ay garanayaan labada qof ee ay wax ka dhexeeyaan muduciga (qofka wax tirsanaya)  iyo Mudaacale (qofka wax laga tirsanayo), waxa ku horeeya muduciga, waxaanu hadalkiisa ku bilaaba, (Islaam Allaay Erey wayga duco, Erey wayga didiif, Erey wayga dacwi, Ereyna wayga maluug”,  markaa erey waa iga duco, “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn, laakiinse, ragga muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’.

Didiif:  waa afeef, waxaana la odhan jiray  “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan iyo weedho kale oo la mid ah”, sidaa awgeedna, had iyo goor  marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, waxaana la odhan jiray i “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nacfi-jiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”,  waxa loola jeedaa Nacfi-jiid waa ninka wax la siiyo, Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (Abtiga loo yahay), Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa  “Saddex nin midna markaati iguma furo.”

Dacwi:  waa halka ay gartu u dhimato ee (Ugu muhimsan), Allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxaa, dacwiga waa habka loo sheegato waxa aad leedahay iyo sidii aad ugaga hor degi lahayd, waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, taasoo ay ka mid tahay, “Hadii uu odhan doono”  adigoo ku hadlaaya af-macaan, oo aan waxna dhimayn, waxna aan dhaafayn, isla-markaana ku daraaya talo iyo xirib.

Maluug: Waa wax kasta oo la tuhmo, laakiinse,  aanad cadayn loo hayn, tusaale ahaan,  ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, haddii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga.

Bal aynu eegno xiligan marxaladda lagu jiro iyo waayaha dambe, sida gartu tahay iyo sida gabayada iyo suugaantu u sii shiiqayaan, abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa tuducyo ka mid ah gabayadiisa uu kaga hadlo waxyaabaha dhacdooyinka cajiibka ah wuxuu yidhi, “Waayeel gadoodoo, gacalkiyo xigaalkii, gantadii ku madhiyoo, misna loo garaaboo, gabadh ugub la siiyoo, gudbiyoo isdhaafshoo, ku gabaati qaatoo, yidhi geeri ma ahayn, waa xaal guracan oo guran oo la yaabloo, waxan uga gol leeyahay ruuxii gartow sheeg.”………….la soco

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Saturday, April 22, 2017

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii saddexaad (3-aad)”


Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax  caqiibo-xumo , mana dhantaasho  toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Waxa lagu dhaqmi jiray xeer iyo xanaan, kaasoo lagu xalin jiray wax kasta oo ka qayb qaata in uu saameyn ku yeesho arrimaha dhaqanka nolosha,  isla markaana garta muslax may lahayn wax Axdar ah (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah amaba saraaye ah, sida,  Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo.

Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka  baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.
Waxa la yidhi: nin hal-adayg ah ayaa had iyo goor cidda isula timaadda ee ay wax kala galaan, xal u helideeda wuu ka gun-gaadhi jiray af iyo adin-ba, dabadeedna nin ay isku degaanka ahaayeen ayaa maalin maalmaha ka mid ah si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa, waxaanu yidhi "Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo", taasoo ula jeedadeedu  noqonaysay in uu yahay nin fiican, ka dibna, waxa lagu yidhi "Waayo", wuxuuna ku jawaabay "Waanu hanbayn."

Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taasoo loola jeedo laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso.
Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax, isla-markaana, had iyo goor marka uu isqabad yimaado ay ku taliyaan inay fiican tahay in  waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo,  taas oo loola jeedo inaanad  si saqajaanimo ah u xisaabtamin oo aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin".

Waxa kale oo la yidhaahdaa "Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto", sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan, sidaa darteed bay ugu nasteexo badan tahay garta la yidhaahdo, “Gar-muslax.
Gar-jileed:  Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,  si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan.
Gar dad-ban: Somalidu iyagoo aan moodayn in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,  waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo.

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.
Tusaale ahaan waxa la yidhi nin yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin", laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
Waatii hore loo yidhi:  Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay” …………..la soco..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti


Friday, April 21, 2017

SENGUHU MA'GALLO AMAANO DUMAR “Qaybtii labaad (2-aad)”


Sidaa darteed haddii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”

Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn isaga iyo ubadkiisaba oo aan ka hadhin jirin illaa iyo sagaal awoow, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.

Laakiinse, Ninka markhaati been ah furaa waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray  "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha,  oo  looga qaateen ma aha’,  waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga tagtaa.

Ninka ka hor-dhaca ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug". 


Haddaba inta aynaan u sii guda-galin noocyada gar xeer-beegti, waxa aynu halkan ku eegi doona asal ahaan halka laga soo dheegtay macnaha  erayada saddexan ee Gar xeer iyo beegti.
Gar: waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo oo kale.
Xeer:  waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti:  waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh, sidaa darteed bay gartu u leedahay weedho u gaar ah (Thermanology), sida ay mihnad kastaaba ay u leedahay luqad iyo weedho u gooniya.


Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, sababtoo ah waxa taasi loola jeedaa in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa "Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa",

Gar-kala dareeris: maaha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ay u eegtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa waa ragga ku sifooba samatalisnimada.

Gartan waxa had iyo goor  loo qaadaa laba qabiil ama laba-qof, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagu dhaqmaa cidii wax-gaysatay wax loogu yeedho”  Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro waxa jirta xikmad tidhaahda "Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta xikmad kale oo iyana tidhaahda "Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.

Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii , waxaanu ku yidhi "Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya", ka dibna, hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey.


Markii ay gaadhay galabnimadii ayuu u yimid odaygii Guurtida ahaa, waxaanu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, Odaygii Guurtida ahaa ee ay yidhaahdeen na kala saar ayaa yidhi "Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye, waayo buu yidhi:- ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo", sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Marka aynu eegno dhinacyada wax tirsanaysa ee dhibta loo geysto waxa loo jeediyaa, Naq, Cabatin iyo baanis,  tusaale ahaan marka nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma’laha ee waxa la kala qaataa oo la kala gurtaa magtii oo dhan ee ahayd boqolka halaad, iyadoo jifida mar’la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar’la kala qaato, amaba mar’saddexaad, isla-markaana,  wixii hadhaa magta ka ahna la isa siiyo.

Laakiinse, marka wakhti kale arrintan oo kale ay ku dhacdo qoladii wax laga dilay waxa ay yidhaahdaan "maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin", isla markaana,  hadimotalisyada meesha joogaa ay u Go’ ridaan, ka dib, qoladii soo dhex-gashay ayaa tidhaahda "Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha". 

Sidoo kalena, iyana waxa jirta in la yidhaahdo "Reerku hadii aanu lahayn laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma’aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn,  tusaale ahaan, ninkii 100-ka halaad lahaa marka ay raggii dhexda ahaa ku xukumaan 150- Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo "Waa mag-dharaareed", mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arrintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay……….. la soco


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti