Tuesday, October 29, 2019

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo (Q/2-aad)


Qoraaga wanaagsan waa ka fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga.
Hab-qoraaleedka wanaagsan waxa uu leeyahay qaab-dhismeed la raaco oo ah, sida gogol-dhig, duluc iyo gun-dhig, ayuu hadalka kiisa toolmoon ee la jeediyaana u leeyahay milgo, qurux, qiimeyn, qaab-dhismeed u qaabaysan,  aaraar, ubuc iyo af-meer.

Sababtoo ah, hadalku waa farshaxan u baahan in la saxartiro oo laga  fiirsado heerka awoodda erayada fariimaha uu xanbaarsan yahay in ay ku sar iyo jaan go;an yihiin, ujeedada aad doonayso inaad u  gudbiso dhageystayaasha, sidaa awgeedbaa, Soomaalidu ugu maahmaahdaa “Hadal aan fiirsi loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin labaduba feedhahay wax yeelaan”,
Isla markaana, waxa haboon in la kala fahmo, hadallada af-waajiga ah, kuwa af-gobaadsiga ah, kuwa mutuxan, kuwa maldahan, hadallada hubantida ah ee ku salaysan xaqiiqada dhabta ah, hadallada habowga ah ee loo tiraabo sida loo faro ee ka tagan murtida iyo maangalnimada, sida Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee yidhi”, “Saddexdii qofba qofbaa waalan Dadka reer Somaliland iyo Madaxweynihii yidhi”, “Doqonimada iyo Dulqaadku waa walaalo”.
Hadallada xanbaarasan kalgacayl laga dheehan karayo fikir caqli galka ah oo ujeedadoodu wanaagsan tahay, kuwa wax tarka leh, kuwa caafimaadka qaba ee kobciya xidhiidhka iskaashiga wadanoolaansha bulshada, kuwa dahsoon, kuwa maangalka ah, kuwa xannafta leh ee abuura ficillada kakan, kuwa deel-qaafka ah, kuwa cunfiga leh ee hagaasiya abuurka fahamka nollosha, kuwa guud-mar ka’ah, kuwa garrowga leh iyo kuwa gunuuska ah,
Inkastoo, noollaha uu isku af-gartaan urta, haddana ma’laha awood dhawaaq oo ka badan dhawr xaraf, sida, marka geellu uu reemayo ama uu ololaayo ama uu dunuunucaayo, Adhiguna uu taahayo, Lo’duna ay dinnaahinayso, Farduhuna dannanayaan ama xaraabinayo, Dacawaduna ay xareedinayso, Waraabuhuna uu wishiirrirayo iyo haddii Libaaxu uu qawdhamayo ama uu gurxamayo.

Laakiinse, dadkuna waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq u gaar ah, oo u baahan hawo uu raaco, isla markaana, haysta taxane shaqallo iyo shibbaneyaal isku-xidha weedho leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku socota hannaan iyo habdhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku duugani ay xanbaarsan yihiin muuqaallo dhab ah oo la isku af-garto ama la isku fahmo, ayuu hadalka kiisa wacan ee la jeedinayaana u leeyahay qaab-dhismeed ka kooban, aaraar, ubuc iyo af-meer.

Araartuna waa gogol-dhiga hadalada dhaliya himilada guusha la hiigsanaayo midho-dhalkeeda, waxaana muhiim ah in la  soo bandhigto araar ujeedadeedu ku salaysan tahay mawduuca laga hadlaayo, oo ay ku ladhan yihiin weedho xiiso badan oo soo jiidanayaa dareenka dhageystayaasha, su’aalo lagaga jawaabo aarraa, weedho la xidhiidha odhaahyada dhaliya murannada,  hal-ku dhegyo, sheekooyin kaftan ah, ka dibna, isla markaad hantido dheggaha dheggeystayaasha, ayaa loo gudo-gallaa dulucda hadalka.

Dhibic ka mid ah dulucda hadalku waxa ay noqon kartaa baaq ama war qeexaya muuqaal wanaagsan oo macnihiisu aanu shaki ku jirin,  qodobo muhiim ah oo wax tar leh, kuwo wax ku ool ah,  kuwo la xidhiidha dhacdooyin dhab ah oo la taaban karo, sheekooyin dhacay oo aad u xiiso badan, kaftan ku saabsan aroos, xusuusasho gudoon wacan, hadallo qodobaysan oo macquul ah oo loo qorsheeyey nidaam wanaagsan,  xikmad, tusaalooyin,  baadhitaano iyo xogo la soo ururiyey, ka dibna, loo diyaar garoowbo inaad maqasho murannada fikradahaagii ama hadallo habow ah oo aan haysan meelnaba iyo kuwo aan ku jirin ujeedada hadalkaagii, gabo-gabaduna waa qodobo kooban oo ka hadla gunaanadka ujeedadaada iyo dardaaran.

Ka dib, marka uu dhamaado kulankaasi, waxa la sameeyaa qiimeyn guud oo ku saabsan qaabkii uu u qabsoomay kulankaas iyo wakhtigii loo qoondeeyey, in si fiican loo xushay ujeedadii laga hadlaayey ama in ay ku timid caqabad, iyo inay qaateen fariintii iyagoo xiiseynaya dhageystayaashu.

Gabo-gabadii dhibic ka mid ah qormadeenan waxaan u dhaafayaa in ay sidaas ku qiimeeyaan akhristayaashu, khudbaddii ugu dheerayd ee uu jeediyo Alla ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed. X. I. Ciggaal, muddo haatan laga joogo siddeed iyo toban sannadood, khudbaddaas oo socotay laba saacadood iyo toban daqiiqadood.

Gogol-dhiga ujeedada nuxurka khudbadaas oo u qaabeysneyd afar-qodob, waxaanu yidhi:- Aftida Distoorka loo qaadayo ee aynu sugayno in ay dhowr iyo tobanka cisho ee innagu soo aadan inay ka dhacdo dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan


Nidaamka Dimuquraadiga ah ee aynu qaadanay waxa uu yahay iyo sida uu u hir’gali karayo, Somaliland iyo Soomaaliya dalkii la isku odhan jiray mar, maanta maaha ee mar walaaladeen ahaa waxaynu isku hayno iyo marinka garteena iyo ka hortaga gardarada ay maalin walba c/qaasim iyo ragiisu goor iyo galab ay inagu hayaan, Caalamku siduu u daawan  jiray, waxay  faqash dadkan iyo dalkiisa ku sameynaysay ee aanay dowlad  qudha ama nin qudha oo madax ah ama qaramada midoobay ee xaquuqda Bini’aadmiga ka masuulka ahi, aanay mar’qudha caddaalad-daradii la’ inagula kacaayey, xasuuqii, dhacii iyo boobkii la’inagu hayey, aanay mar’qudha daadafeynin ama canbaaraynin ama aanay eray qudha oo kulida ka odhan, ka daranee xabaalihii jamaaciga ahaa ee ay  kumanaan iyo kumanaan Qof, Odayaal iyo hawl yari lagu dilay ku Aasnaayeen, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamku ee kaleba ay ina diideen, inay arkaan oo ay ogaadaan oo ay wax ka qabtaan waxa meeshaa ka dhacay.

Ka dibna, waxa uu araartiisii ku bilaabay oo uu yidhi: Wallaalayaal, arrimahaa aan idin kala hadlay ee aan sheega intaanan ugalin, inaan wax idinka idhaahdo, arin aan filayo inaad maanta aan tabay’saan, arinkaas oo ah maanta oo kale halkan waxa soo mari jiray, Ciidamo hubkoodii sita oo aad ka daawan jirteen, sacab badana u tumi jirteen, Ciidamadaasi soo maridoodu caado uma aha Caalamka intiisa badan, waxa bilaabay oo ku dhaqma oo qudha Dalalkii Shuuciga ahaan jiray iyo inta Digtaatooriyada, sidii Madax-weyne Af-weyn oo kale ah, Sababta loogu dhaqmi jirayna waxay ahayd laba.

-Ta hore Argagxiso iyo Baqa galin lagu sameeyo shacbiga loo madaxda yahay ee aan raali ka ahayn Dadka Madaxda.
-Ta labaadna waxay ahayd in Caalamka dibada ee cunfiga lagula nool yahay oo ku dhoola tusto Hubka la haysto iyo xooga la leeyahay,

Maanta inagu hadaynu nahay Qarankan Soomaaliland inagu is Argagixin mayno, Is Argagixis iyo baqe isku xukumimayno, waxaynu isku xukumaynaa, kala raali ahaan iyo isu-maqnaan iyo isku adeeg   iyo walaalnimo iyo wanaag inaga dhaxeeya ayeynu isku xukumaynaa, markaa uma baahnin inaynu shacabigeena xoog soo dhex-marino suuqa soo marino oo aynu u tilmaano waxa haysan kara haday dowladooda ka hor-yimaadaan, waxa aynu ku dhisanahay oo ay Dowladan Dimuquraadiga ee Soomaaliland ahi ku dhisan tahay, inay iyadu shacabkeeda ka baqato,oo wuxuu doonayo yeesho, oo wuxuu ku raali noqonayo ku kacdo, oo ay ahaato tii ay iyagu Garab iyo Gaashaan u ahaan lahaayeen, maaha tii ay Argagxiso iyo Baqe iyo car’ila hadal lagu wadi lahaa, markaa arin kale ayaa  jirta iyana oo aan u baahneyn iyana inaynu suuqa soo marino Ciidamadeena, waxay tahay  Taasi Ciidamdeenu waxay xoog iyo Muruq iyo Macdan iyo Maacuun hayaan, Maalinta la is horroro ee la isugu yimaado Gollaha Qaran ee la is dhafoor’taabto.

Waxa uu xusuustay gudoon wacan, waxaanu yidhi:- Walaalayaal, Sacabkaa waxaan ka jecelahay in la idhageysto oo la fahmo waxaan leeyahay, ma’nihin Dadkii Af-weyne Durbaanada u tumi jiray ma’hayno habkiisii, waxaynu haynaa hab la isku-Af-garto la is Fahmo la is Wacdiyo, kaasaa maanta qiimo leh, Nin madax ah oo sacab loo tumaa qiimo uu leeyahay majirto.

Isla markaana, waxa uu dib ugu laabtay hadalkiisuu, waxaanu yidhi:- Sababta aynaan u soo marinaynin maanta iyo wixii ka danbeeyaba ciidamadeena, waxay tahay maalinta loo baahdo ciidamadeenu ku dagaalamaan dhulkeena, oo ay cadow ka diffaacaan, maalintaasay goobta sharafka ee la isku horrorayo, ay keeni doonnaan waxay xoog hayaan,  in suuqa laga sawirto, oo laga tirsado kow iyo laba la yidhaahdo marabno, ma suura galayso, ninkii ina damacsani ha ku soo talo galo, wax aanu og’eyn xooggeena iyo xadhigeena iyo xamaasadeena asagoo maalintaas oo qudha uu inaga horyimaado ku nixi-doonna oo ka fajaci doonna,  oo ka warreeri doona,  oo ay ka lib’heli doonnaan.

Ka dibna, waxa uu u soo degay dulucda hadalkiisii, waxaanu soo qaatay Aftida qaranka loo qaadayo, waxaanu yidhi:- Waxaan u dhaafayaa taas arintii aftida, ma’aannan fahmin, dadka diidan Aftida  waxa ay uga jeedaan diidmadaasi, maan fahmin, maaha Aftidu arin annaga iyo dowladda maanta dhisani ay soo saartay, ama soo bilowday, waxay ku sinayd 1991-kii shirkii Burco lagu qabtay ee lagu go’aamiyey inay Somaliland la soo noqoto madax-bannaanideedii.

Dal iyo Qarantoona ma jiri karo asagoon Dastoor lahayn, Dastoorna ma dhaqan gali-karro illaa shacbiga uu dastoor u yahay ay ansixiiyaan oo uu dastoor uu ka dhigto, guudka la idin kama saari karro wax-aydaan ogolleyn, wax idinku dastoor ka dhigataan oo qudha ayaa Dastoor idiin noqon kara.

Waxa uu ka jawaabay oo uu tusaale u soo qaatay war lidi ku ah sameynta Dastoorka qaranka oo uu maqlay, waxaanu yidhi:- Waxaan ka maqlay, warrar Burco inagaga imanaya inay niman waddaado –sheeganayaa innay yidhaahdeen Quraankaa noo Dastoor ah, oo Dastoor kale looma’baahna, waxaan idiin soo jeedinayaa oo aan idin tusayaa.

Caalamka Somaliland oo qudhi Muslim ma’aha, dowladdo badan oo waliba guuna oo muddo soo jiray oo muslim ah ayaa jira,  kuligood  mid waliba Dastoor ay ku dhisan tahay qaranimaddoodu ayey leedahay, inta baddan sida Dastooradaasi qeexayaan, ayuu keenuna qeexayaa, inay Diinta shacbiga Dastoorkan sameystay ay tahay Islaam, sharciga aan shareecadda Islaamka waafaqsaneyn ama sunihii Nabigeena (CSW) aan ku taxnaynina ka hirgalin Dalkaa Muslimka ahaa ee Dastoorka sameysanaya, sidaas ayaa dastoorkeenuna ku dhisan yahay Diinta xaniifka ah iyo sharreecada Muxamadiga ah (CSW), taas uma arko ay wadaaddadu ku hadlayaan inay tahay arrin Diin ku dhisan, waxayse tahay siyaasad loogu gabanayo Diinta ayadoo ay gaf ku tahay sharreecada iyo Qur’aanka iyo Diintii uu Alle (SW) innoo soo dejiyey, waxaan leeyahay Nimankaas Diinta sheeganayaa Juhallo weeye, wax ay Diinta ka yaqaaniin ma jirto.

Wuxuu Alle (SW) inoo sheegay in Diinta, maalin maalmaha ka mid ah wakhti la gaadhi doono, oo Diin oo’dhan faydi doonto, oo bani’aadmigu iyada u soo noqon doonto, maaha waxa lagu gaadhayaa taas,  ee ay diintani diinta caalamka u noqon doontaa, ma’aha gantaalada Binu’laadin uu caalamka ka qarxinaayo iyo Beenta ay Burco iyo Berbera iyo Boorama iyo Hargeysa ragga ganbo cad qaatay, xaaraan kaga soo gurtaan carabta oo ay yidhaahdaan agoon iyo Dad baahan baanu u geynaynaa, oo dabadeedna bakhaaro dhigtaan oo ku baayac mushtareeyaan, maaha kuwaas, kuwa Diintan cirka geyn doonna ee caalamka ku fidin doona, ma’aha kuwaasi, Quraankan Illaahay inoo soo dejiyey, oo ah kalimadii wixii jiray iyo wixii jiri doonna, wixii jira maanta, intaba kii yaqiinay uu soo qoray, Quraanka markaynu caalamka fahamsiino, ee aynu tusno, inuu yahay runtii kalimadii Illaahay u soo dejiyey inay caalamkan iyo banni’aadamkiisa iyo Adoomahiisa gaadhsiino, maalinta aynu taas caddeyno ee caalamka aynu tusno, ayaa Buugg wall oo kaleba baybal iyo tamuud iyo mid walloo kaleba, kan la isugu imanayaa, waxaan leeyahay raggaas ma taqaaniin Quraanka aad ka been sheegaysaan, ii fasilla ma’garranaysaan, waxa ay tahay Aayadda Quraanka ah ee ah.

“Laa’uqsimu bimuwaaqici najuum, wa’inahu laqasamu low taclamuuna cadiiymun, afabihaadal xadiisu antu mud’hinuun, watajcaluuna risqakum anakum tuka dibuun, falowlaa idaa  balaqatul xulquum, wantum xiina idin danduruun, wanaxnu aqrabu ilayhi minkum wa’laakin laa tubsiruun, fa’amaa in kaana minal muqarabiin, farrowxu warrayxaanu wa janatul naciim, wa amaa inkaana min asxaabil yamiin fasalaamun’laka min asxaabil yamiin, wa amaa inkaana  minal mukadibiina daaliina fanusulun min xamiimin watasliyatul jaxiim, inahaada la’huwa xaqul yaqiin fasabix bismi rabikala cadiiym”.


Bal u soo noqo suurada kale ee ku jirta suuratul SUMUL,…… La soco………


Qoraa: Maxamed Faarax Qoti


Friday, October 18, 2019

Garbo Diiri Nin Daguugan Ma’weydo




Waxaan jeclaaday in hawraar ay gocatay laabtaydu ku hogol tusaaleeyo  qoraalku  in uu yahay tixraac lagu keydiyo hadallada ay kuwada xidhiidhaan aadamuhu, laakiinse, way adag tahay in aad ogaato jihada saxda ah ee aad ka bilaabayso  qoraalka, inkastoo ay jiraan afar hab oo loo isticmaalo qoraalka oo mid waliba leeyahay ujeeddooyin u gaar ah oo diirada saaraya jihooyin kala gadisan, sida, mid inoo sheega war, wargalin iyo warbixino oo qeexaya qof, goob, walax ama aarraa hab farshaxannimo leh loogu muujiyo sawir muuqaaleed soo jiidanaya dareenka maanka  akhristayaasha.

Faallo-qoraalleed wax laga barto oo lagu gorfeeya dhacdooyinka, fikradaha, baadhitaanada, sheekooyinka dhaliya doodaha iyo murannada u baahda in lagu kala saaro hogol-tusaaleyn muujinaysa sawir fikradeed kooban, hab-qoraaleedkan ujeeddadiisa ugu weyni waa mid wax sharaxaya, qoraalka wax ka dhaadhicinta ee loo isticmaalo wax dhigista iyo fikiradaha la wadaago, waxaanu inoo sheegaa dhacdooyin, sooyaal taariikheed, gabayo, heeso, sheekooyin leh bar billow, bar-dhexaad iyo bar-dhamaad, qoraalkaas waxa uu yeelan karaa gorfeyn iyo qeexitaano, haddana,  qoraalkan aasaaskiisu waa mid inoo sheegaya sheekooyin.

Waxa kale oo qoraalku u baahan yahay qorsheyn, fikir, curin, qorrid, tifatirrid, dib u eegis ku sameysid dhamaan ujeeddada, tusmada iyo qaabdhismeedka,  kamana tagana adigoo  doonaya inaad u sameysid soor aad  ugu tallo-gallayso marti,  waxaad u baahan tahay ka hor inta aanad karin soortaas qorshihii aad u qaban lahayd, waa in aad isweydiisaa, waa kuwama dadka u imanaya qado-sharaftan? maxay jecel yihiin in ay cunnaan? cuntada ay rabaan ma hillib digaag oo aad u kululbaa, ma kaluun la cajiimaybaa, mise waa caananis lagu kariyey baasto cad , mise waa canbe laf  la miiray oo lagu kariyey bariis suugo leh, si dhadhanka macaanku ugu dhegdheggo ilkahooda.

Isla markaana, kaftanka iyo haasaawaha ka horeeya cuntada in loo diyaariyo qaxwe iyo bun ay cabaan,  markaana la go’aansado dalabkii weelka cuntadaas in ay diyaar ahaadaan wakhtigaas, sidaas buu qoraalkuna ugu baahan yahay in aad isweydiiso, kumaad u qoraysaa qoraalkan? waa in aad ogtahay dadka fariinta  gaadhayo da’dooda, diintooda, dhalashadooda, aqoontooda, jinsigooda, aaminaadooda, rumeysashadooda iyo qiyamkooda.

Marka aynu ka nimaadno hab-qoraaleedka, waxa jira qorayaal leh, xirfaddo, cod, laxan, hab iyo hannaan u gaar ah oo ay ku gudbiyaan hawraarta xiisaha badan ee ka soo maaxata maankooda iyo maskaxahooda, kuwaasoo, fikirkooda ku cabira sawir muuqaaleed xanbaarsan xogo kala duwan, sida, qorayaasha ku takhakhusay curinta sheekooyinka  gaagaaban iyo sheekooyinka dhaaheer ee male’awaalka ah, Qorayaasha qora hawraarta, qormooyinka, buuggaagta iyo sheekooyin loo eekaysiiyey sarbeebo maldahan oo ku saleysan xaqiiqooyin jira, Qorayaasha qora dhacdooyinka dhabta ah, Qorayaasha aqoonta sare leh (academic writers) iyo kuwa xirfadda sare leh (Technical writers), ee  awoodda u leh in ay hellaan xoggo dhab ah oo ay  baahiyaan, iyagoo sameynaya hubin iyo baadhitaano badan, qorayaasha qormooyinka ku baahiya wargeysyada wararka todobaadkii, wariyayaasha qora wararka lagu daabaco wargeysyada, waxay ka taxadiraan in ay baahiyaan tibaaxaha, kuwa qoraalada kooban ku baahiya magaasiinada daawooyinka, raashinka, ganacsiga iyo farsamooyinka  iyo kuwa ku qora qoraalada gaagaaban  baraha kulanka akhriska ee  xuubka caarada.

Faallo qoraaleedka waxa lagu qiimeeyaa dareen faham oo ina siiya go’aan aynu ku kala saarno hab qoraaleedyada ay soo gudbiyaan qorayaashu, tusaale, ahaan tuducdan carab-jalaqsiga ah haddaynu saa qaadano ee odhanaysa “Shimbirbaa subag sumal oo kulul oo kadan oo kadin hoostii yaala la sii kudhubaa kudhabaa tidhi,”  markiiba fahamka dareenkeenu waxa uu ina  siinayaa in subaga laga lulo caanaha laga maalo dhadiga xoolaha lo’da iyo adhiga oo kaliya, laakiinse, waa in aynu fahamnaa in subag laga saaro badhida sumalka.

Marka qoraalku ka kooban yahay gabayo, heeso ama sheekooyin, isla markiiba, waxa maskaxdeena ku soo duxa in qoraaga ujeeddadiisu  tahay in uu madadaaliyo akhristayaasha, laakiinse, haddii uu gudbinaayo xoggo iyo xaqiiqooyin dhab ah, haddana, waxa maskaxdeena mar-labaad u sawirmaaya in qoraaga ujeeddadiisu in ay tahay mid xog siinaysa  akhristayaashiisa, haddiise, qoraaku aanu intaasi ka koobneyn, waxa muhiim ah in aad isweydiiso qoraalkan ma’yahay mid akhrisayaasha ku kalifaaya in ay qaadaan talaabo qaldan, ama abuuraya muran iyo dhawaaaq cabasho leh, haddii aanu sidaas kuula muuqan, waa inaad dib u baadhaa ujeeddada qoraalkaas, waxaana haboon in aad qiimeyso taariikh nolloleedka qorayaasha, wax-barashadooda, shaqadooda, xirfaddooda iyo waayo-aragnimadooda, taasoo, saameyn taban ama togan ku yeelata hab-qoraaleedka qorayaasha.

Sidoo kale’na,  codka qorayaashu waxa uu inoo muujiyaa in aynu fahamno ujeeddada qorayaasha, laxankooda,  aragtidooda iyo fikirka ay rumeysan yihiin,  sida,  cuqdad, gurac, jahwareer, naxariis, xamaasad, xanaaq, naxli, niyad wanaagsan, aflagaado, duco, dulqaad, qallafsan iyo farxad, qoraaga wanaagsan waa ka  fahma waxa ay xiiseynayaan akhristayaashiisu, riyooyinkooda, cabsidooda iyo xoggaha qarsoon ee ay ku farxayaan, waxaanu dhiirigaliyaa wanaaga.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti


Friday, October 4, 2019

Waa Dhacdo Dhab Ah Oo Ka Dhacday Cusbitaalka Hargeysa


“Akhriste, Fadlan Cidna Ha U Sheegin”

Markii uu geeriyooday (AHUN) ururiyihii xogta caafimaadka gobolka toghdeer ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, bilowgii Sannadkii 2010-kii._

Marxuunka aroornimadii markii loo qaadayey xabaasha, waxa guriga meydku yaalay yimid laba nin oo ka tirsanaa shaqaalaha ka hawl-gala Qolka Meydka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanay kadinka hore ee guriga kula kulmeen Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, oo hadda ah Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, kaasoo ka soo qeyb galay aaska marxuunkaas (ALHU), isla markaana waxay u sheegeen in marxuunkan dhintay ay ku leeyihiin deyn gaadhayasa 300,000. Sh/SL, deyntaas oo ahayd bay yidhaahdeen, meydhi laba jeer ah oo ay meydheen marxuunka markii uu yaalay qolka meydka.

Iskuduwahaas oo wajigiisa ay ka muuqato argagax iyo amakaag, ayaa ii yimid anigoo jooga gudaha gurigaas, waxaanu farta iigu tilmaamay labadii nin oo taagnaa goob naga durugsaneyd, waxaanu igu yidhi, Maxamedow, labadaa nin  ma garaneysaa, waxaan ugu jawaabay, haa, waa shaqaalaha ka hawl-gala Cusbitaalka Guud.
Waxaanu ii sheegay in ay weydiiyeen lacag gaadhaysa 300,000 oo kun Sh/Sl, in ay ku leeyihiin marxuunkan dhintay, lacagtaa oo ah meydhitaankii meydka markii uu yaalay qolka meydka, waxaanan ugu jawaabay,  Cidna ha u sheegin ee bixi haddii aad hayso lacagtaas, sidaas baanu ku bixiyey deyntii ay u sheeganaayeen marxuunkaa ka tirsanaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo mid ka mid ah wadayaasha baabuurta gurmadka degdega ah, waxaan weydiiyey labadaa nin ee meydhiga ahaa halka ay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah, waxaanu ii sheegay, in mid ka mid ah, aanu garaneyn meel uu ku sugan yahay, laakiinse, kii kale in uu noqday tabliiq, ka dib markii maalin maalmaha ka mid ah oo aanu soo dhignay qolka meyka nin ku geeriyooday qeybta badbaadada degdega ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii meydhitaanka meydka, ayuu meydkii ku dhagey gacantii meydhiga, anagoo aan kaba fogaanba ayaanu aragnay meydhigii oo orod iyo qaylo kaga soo baxay albaabkii qolka meydka, oo ninkii meydka ahaa ee aanu qolka meydka keenayna uu daba ordaayo, naxdintiibaanu kala yaacnay anagiina, maalintaas ayaa ugu danbeysay meydhigaas oo waa (Tabliiqi).

Muddo ka dib, maalin maalmaha ka mid ah oo ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro riman, ayaan la kulmay wade ka mid ah wadayaasha baabuurta gurmadka degdega ah oo lugaynaya jidka isku xidha wadada 150-ka iyo isgoyska xero-awr, waxaanu ii sheegay in uu raadinayo guri uu hor-dhigay gaadhigii gurmadka degdega ahaa oo uu saarnaa qof meyd ah oo uu ka soo qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Markii aan keenay guriga ayaan is idhi inta loo hagaajinaayo qol la dhigo meydka ka soo quraaco hudheeladan u dhow isgoyska xero-awr, imikana waxaan garan laayahay goobtii uu ku yaalay gurigii aan keenay meydka, ayuu igu yidhi wadihii baabuurkaas.
Waxaan tabaniyey in xogo badani ku duugan yihiin wadahaas baabuurka,  waxaan jeclaysatay in aan mar labaad la kulmo, markii aan la kulmay wadahaas, waxaan weydiiye in uu hellay gurigii uu raadinaayey,  waxaanu ii sheegay in uu mar danbe hellay goobtii uu ku yaalay gurigaas.
Waxaan mar labaad weydiiyey, wadahaas oo magaciisa la yidhaahdo, Daahir, goormay kuugu darneyd intii aad ahayd wade-baabuurta gurmadka degdega ah, gaar ahaan qaaditaanka meydka?
Daahir waxa uu iigu jawaabay, maalin maalmaha ah ayaa la igu wargaliyey in aan ka soo qaado nin shaqaale ah oo ku dhacay Baanka dhexe isagoo ku jira hawl-maalmeedkiisii shaqo, markii aan keenay qeybta gargaarka degdega ah ee Cusbitaalka Hargeysa.
Ka dibna, Dhakhtarkii ku qornaa qaybtaas waxa uu xaqiijiyey in uu ninkani meyd yahay, isla markii ay ku qanceen ehelkoodii, ayaa mar labaad la igu wargaliyey in aan meydkan u qaado gurigiisa, markii aan geeyey gurigii ayaa ay eheladoodii igu yidhaahdeen aad hadhow meydka xabaalaha u qaadide nagu soo noqo  4-ta galabnimo.
Markii aan galabnimadii ku soo noqday gurigii meydku yaalay oo dad badani hortiisa ku buuqsan yihiin ee gaadhigii aan waday dib u soo galiyey, ayaa Nin masuul ah oo markii hore ee aan soo qaadayey meydka la socday uu ii yimid, waxaanu laabta ii saaray 300,000 Sh/SL, waxaanu igu yidhi,  Cidna ha u sheegin, Ninkii wuu soo baraarugaye. (Xabaal-mariwaa)

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti