Monday, December 29, 2014

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Q/2-aad

ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015

Q/2-aad

Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, Q/2-aad


Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2015 dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga lamaanaha ee hawaa’iga ah, - dayax tobnaad waa la sharaynsan jiray waxaana la fili jiray dayax madoobaad, waxa la filan jiray  inay maalmahani leeyihiin shucuur isbedel dhakhso ah oo ku yimaada qalbiyada dadka, dabacsanaan iyo koradhka Xawaaraha fikirka, waxa kaloo la arki jiray dabaylo, duufaano, daadad, shimbiraha  iyo Ayaxa oo  bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada.

dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray waa dad bulshaawi ah oo hadalka jecel, kuna mashquulsan mustaqbalkooda iyo  fikradaha cusub, had iyo jeerna leh  degdeg badan oo xamaasadi ku jirto, oo ka walaaca  hawadooda iyo doorashadoodana, umana qaalibna shuraakaddu,  waa kuwo loo arko aamin iyo daacadnimo, in kastoo intooda badani ay yihiin kuwo daacada,
Waxaanay noqdaan : macalimiin, Iibinta, Qoraalada soo bandhiga oo Been-abuura, sii hayaha xilka, Horumarinta  alaabooyinku,  Saxaafadda , war-baahinta, Raadiyaha  iwm.

Burjigan lamaanaha  ee hawaaiga ahi waxa loo eegaa wejiyo badan, dhinaca, madadaalada, xiisaha, dhiirrigelin, sinaanta ,waana mid u wanaagsan guurka, ka warhaynta baahida qoyska  iyo inuu leeyahay saaxiibo badan oo heegan iyo feejignaan ugu jiraan.

Sannadkan Cusub waxa loo eegi jiray dhinaca hawlaha, Fikirka, bogsashada,  iska warqabid, dhabar-adayg, helida fursaddaha, doorasho miyir qabta  iyo Salaadda, lagana yaabee in la dareemo  nabad iyo deganaansho,  waxa kale oo lagu sheegi jiray waxoogaa inay adkaato arrimaha  dibaddu,  isgaadhsiinta oo horumar laga gaadho,  la arkee inay si fudud hoos ku yimaado nidaamka fikirka iyo mowjado tamarta  ee dhulka , waxaana loo baahan yahay in la dedejinta xawliga isgaadhsiinta.

Waxa sidoo kale adkaan doonta iska caabinta xagjirka  haddaladooda iyo fikirkooda, kuwaasoo ku raadiya hab aan  macquul ahayn inay ugu tartamaan awooda sare iyo in fikrado cusub la dareemi doono  taasoo ay  sabab u tahay macluumaadka  horumarka qalabka casriga ee aduunku gaadhay.

Waxa kale oo la filan jiray qas iyo duufaano lama filaan ah daadad  baabiiya  khayraadka qaaliga ah,  xilliyada qorax madoobaaku uu dhaco, haddaba si loogaga diyaar garoobo  waa in laga sii fikiraa  habkii iyo farsamadii  lagu maareyn lahaa, wakhtiyadan waxa haboon in la sameeyo  jimicsi iyo in la kobciyo midhaha cuntada tamarta ee ka soo baxa dhulka,  sida;- Lawska, midhaha la miiro, khudaarta, iyo in la cabo biyo saafi ah.

Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin khamiisaad oo naari ah, waana maalinta shanaad, waxaana la odhan jiray maalin khamiisaad waxay leedahay  u fiican tahay nasiibka, korodhka, safarka masaafada dheer leh, waxa kale oo bata wararka la isla dhex-maro, naxariistuna way badataa.
Sannadka waxa la filan jiray  soo noolaanshaha heerka maareynta macluumaadka,  koradhka qalabka farsamooyinka casriga ah, Aaladaha loo isticmaalo kaydinta, qoraalada,  isgaadhsiinta gacanta, iyo in la arko dawooyinka dadka fooljari ah, arrinkan waxa lagaga hortagi karaa horumarinta wacyigalinta  bulshada, iyo in la siiyo fursad lagu dhagaysto oo lagu maqlo codkooda.

Sanadkani wuxuu  leeyahay Laba Jid;-  ka hore wuxuu ahmiyad weyn u leeyahay aadamaha, waana  horumar wadareed iyo isbedel wanaagsan oo horseed u noqon kara dhabada dajinta, deeqsinimada, nabad, wada noolaansho.
Jidka labaad; - Wuxuu  leeyahay qof jeclaysi,  jirrabaadka, bakhaylnimo, helitaan- dhaqaale, tartanka iyo gardarada, Inta badan waxa la arki jiray ciidan hoose, diidmo lagana yaabee inay ka abuuranto cudur ay kaga  faa'iidaysanayaan  isbedelka deg deg ah.  Runtana Allaa Og.

Haddaan la xoojin go’aanadii hore loo gaadhay,  waxa dhici jiray inay mudo dheer ay ku qaadato Dajinta nabada gudaha iyo wada noolaanshuhu,  Sidaas darteed dhaqdhaqaaqa loolka labada jiho ka toggan iyo ka Taban ee  sannadkan waxa haboon in laga cabsado fikradaha xooga badan ee dhinaca salaada, akhlaaqda, falalka, go’aanada  iyo in aanay noqon doorashooyin kuwo kala duwan,  laakiinse la qeexo  ahmiyadda dhaqdhaqaaqa mustaqbalka, lana dadajiyo wada- fadhiga, aamusnaanta inta ka horeysa ka fikirka doorasho muhiim ah, dhageysiga hanuunka gudaha iyo dibada,  habka mabda nafta iyo isticmaalida maskax miyir qaba in lagu gaadho.
Sannadkan uma fiican ku xidhnaanshaha Hay’adaha Dibadu  (amniyaatku) inkastoo la fili jiray inay wax u hagaagaan kuwa ka shaqeeyaa  (sida bangiyada, shirkadaha caymiska, iyo dawladaha)  Waxaana  muhiim ah in la muujiyo  cadaalad,  sinaanta bulshada,  la arkee shaqsiyaad xoog  wax ku doonaya  iyo in ay yaraan doonto  Illaha  dhaqaalaha dibadda oo ay kordhi doonto khayraadka gudaha.
Waxa haboon wakhtiga soo socda in loo fiirsado dadka tukada  intooda badan hadday suuro gal tahay  in loo sheego afkaar wanaagsan iyo inay salaadu bogsiiso dhamaan qalbiyada buka ee  dadka lagan hello  tamar  togan iyo hanuunka nafta.

Sannadkani  waxa kale oo loo nisbeeyaa  inuu leeyahay abuurid safar loo dhaqaaqay  horumar wadareed  oo loo dhan yahay  dhinaca dowlada,  taasina waxay sahli doonto iswaafajinta safarka iyo guurka.

Ha loo duceeyo xasiloonida degenaanshaha dibada lagana yaabee in la arko jawi deggan oo gudaha ah iyo bilowga horumar wanaagsan oo midho dhala, Runtana Allaa Og.

Dhinaca saadaasha  waxa  gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2015.


Meeraha  Jilboole   wuxuu  fadhiyaa sannadkan burjiga 10-aad  oo arliya ah,waxaana ugu danbeysay burjigan   29 bishii 11-aad  sannadkii 1982,  illaa iyo 17-kii bishii 11-aad, 1985-kii,  waxaanu mar kale uu ku hakan doonaa burjigan bisha 11-aad  ee sannadka 2041. Hadduu Alle yidhaa.
wuxuu dareensan yahay baa la odhan jiray oo uu doonayaa  inuu ka nasan doono caqabadihii adkaa ee ka  horyimid labadii sannadood ee la soo dhaafa, waxaanu fursad u heli doonaa  oo uu ku hawlan yahay inuu saxo xidhiidhka qorshihiisa shaqo, ka dibna wuxuu u gali doonaa safar  halkaas oo uu ku nagaan doono  burjiga scorpion ee maa’iga ah iyo burjiga naariga ah bisha lixaad iyo sagaalaad ee sannadkan,  lagana yaabaa inay ka sii fiicnaanto  shaqadii la qabtay sadexdii sannadood ee la soo dhaafay, lana gaadho  ujeedo midho-dhala  ah iyo  taageero Toggan.Runtana Allaa Og.

Waxa kale oo uu  ka fikirayaa siduu kor ugu qaadi lahaa, wuxuu doonayo ee uu jecel yahay iyo inuu  talaabo ka qaadi doono  ujeeddada  dhameystirka aragti sare ee haddafka maskaxda qaranka......................la soco qaybta 3-aad

Sunday, December 28, 2014

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015 Qaybtii 3-aad

ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015

Qaybtii  3-aad

Qor/ Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, 

Waxa kale oo uu  ka fikirayaa siduu kor ugu qaadi lahaa, wuxuu doonayo ee uu jecel yahay iyo inuu  talaabo ka qaadi doono  ujeeddada  dhameystirka aragti sare ee haddafka maskaxda qaranka.

Meeraha mercury, (Libdhe) ayey soomaalidu u taqaanaa, waana meeraha ugu dheerayaa meerayaasha  kaasoo sannad kasta ku soo wareegaa saddex illaa iyo afar jeer, waxaanu gali doonaa burji libra bisha siddeedaad iyo bisha Tobnaad ee sannadkan, ujeedadda  dhaqaaqa garabaha cagihiisa  ee  labada bilood ee sannadkan,  wuxuu ku hawlan yahay, ganacsiga, socdaalka,  ka fikirka nidaamka, dib u cusboonaysiinta,  si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka fikirayaa inuu sameeyo dariiq cusub  isagoo hoos u dhigaya wax kastoo uu  qabanayo,  ka dib markay u buuxsanto  tamartu, waxaanu  taageero cad oo buuxda siin doonaa kuwii xidhiidhka dhow  uu la’lahaa  wakhtiyaadkii la soo dhaafay,  waxa kale oo uu dib  u xalin doono  is faham la’aantii jirtay,  socdaalkiisa ka dib wuxuu ku hakan doonaa burji naariya ee  miisaanka waana burjiga dublamaasiyadda, waxaanu diirada ku haya waxyaabo badan oo muhiima, bisha sagaalaad iyo bisha tobnaad ee sannadkan.

ka dibna waxay kulmi doonaan  Meeraha Mars  bisha 11-aad ee sannadkan iyo bisha kowaad ee sannadka  2016,  waxaanu ka caawin doonaa, oo uu siinayaa  maskax-cusub oo lagu gaadho nabad iyo wada noolaansho, Meeraha Mars oo galid doonaa burji maa’iya ee casaanyada, waxa la filan jiray dayax madoobaad.

Meeraha mushtar waana meeraha mas'uul ka ah safarka, maskax furnaanta, balaadhinta heerarka waxbarasho, waana meeraha  nasiib wanaagsan waxaana loo tiriyaa dhinaca, wacyigalinta caalamiga ah, hindise fikradeed, luqaddaha, dhaqanka, siyaasadda, sharciyada, diimaha, warbaahinta, iwm.

Meerahani  wuxuu ku jiraa  burjiga  Asad  isagoo kusii jeeda  burjiga Dabooje  bisha sideedaad ee sannadkan illaa iyo bisha sideedaad ee sannadka 2016,  waxa la odhan jiray,  waxay  saameyn ku leedahay adkaanta gudashad tayada awooda shaqo, Isku haleyn, Toosnaanta, Qiimeynta dadka kale,  Tayada  awooda caafimaadka iyo sidoo kale awooda saaridoono  in la cadeeyo baahiyaha jira sannadkan 2015.

Meeraha Mushatar  iyo Meeraha Mariikh  waxay ku kulmi doonaan burji Asad  bisha Sideedaad ee sannadkan,  kulkaas waxay kawada shaqeyn doonaan sideeda bilood ee soo socotaa shaqo adag, oo ku dhamaata dhameystir wanaagsan iyo inuu taageero u fidin doono dadka ku xeeran.

Meeraha Mushtar  iyo Meeraha  ilimaqabatiga  kulan kooda  bisha 11-aad ee e sannadkan iyo bisha shanaad ee 2017,   waxay soo bandhigi doonaan  fursado lagu abuuro wax badan.   

Meeraha Raage  oo fadhiya  burji  Naari ah ee fushade  wuxuu  ka faa’ideysanayaa xawaaraha dardar galinta isbedel doonka iyo inuu sameynayo isbedelka kacdoon oo qoto dheer, Meeraha Pluto oo isna u socdaali doona burjiga Orgiga  bisha saddexaad ee sannadkan.

Waxa la odhan jiray,  wuxuu inagu xujaynayaa in hab cusub loo maro xalinta,  dayactirka, iyo hirgalinteedaba iyo inuu aaminsan yahay in xidhiidhka dabacsan oo dublamaasiyadeed ay  abuurto nabada iyo wada noolaanshaha, in kastoo ay caqabad  kala kulanto madax adaygii soo jiitamaayey illaa iyo badhtamihii 2012,  taasina waxa loo aanayn jiray  sadexda bilood ee sannadkan, labda Meere ee  Raage iyo  Pluto, laga yaabee inay abuuranto  wax-hore oo tagay oo aan loobab baahnayn, waxaana haboon in arrimahaas  jiho cusub loogaga diyaar garoobo, waana muhiim  xalintoodu,  inkastoo meeraha Jupiter iyo  Uranus ee bisha lixaad uu ka caawinayo tijaabada  nidaamka  xidhiidhka dhaqanka iyo in dib u habeynta dheelitirka wada-noolaanshaha laguna gaadho xal-cusub oo nabad ah.

Meeraha Neptune wuxuu u socdaali doonaa burjiga kaluunka illaa iyo 2026. wuxuu fursad u heli doonaa si daacadnimo ah inuu u fahmo khibrada aadamaha isagoo u haya maskax iyo qalbi furan, Sida;-  Hobolada, salaadiinta, dhexdhexaadiyayaasha, xirfadlayaasha, ama si dhib yar uu u xaliyo  ceeryaanta iyo muragada isku shareertay cirka.
Meeraha Mariikh oo gali doona burjiga kaluunka bisha koowaad iyo labaad  ee sannadkan,   waxa la filan jiray inay leeyihiin dhameystirka  mashaariicda. Runta Allaa Og.

Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist 

Wednesday, December 17, 2014

SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFAYA HOGGA:!  W/Q. Mr. Maxamed Faarax Qoti  December/17th /2014

Siyaasadda Toggan iyo Ta Taban:


Fahamka macnaha Erayada Xisbiyada Siyaasadda Dumuquraadiga iyo Cod bixiyaha.
Siyaasadda Toggan iyo ta Taban:

Siyaasadda togan waxay qayb ka tahay oo lagu qeexaa farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira.

Mar kale, waxa loola jeedaa awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa maamulka iyo aragti ee xisbiyada siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda. Sidoo kale mararka qaarkoodka waxa loogu yeedhaa inay tahay go’aan ama hadal ujeedo leh, sida; siyaasadda dadka, ururrada, kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo ama ay tahay mabda ‘hanuuniya go’aannada.

Siyaasadda Togan sidoo kale waxa barbar socda siyaasi, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint, loona carbiyey cilmiga siyaasadda kaasoo ku shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta.

Fahamka ama marka loo isticmaalo sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa inay tahay Siyaasadd Taban, waana farshaxan ilaaq ah, danno kuwaas oo loo eekaysiinaayo in lagu tartamayo mabaadi iyo hoggaamin loogaga faa’ideysto danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud, ama ay tahayba hab lagu daydayo xanuunka, inkastoo ay heli ogyihiin, ha jirto ama yaanay jirinbee, marna waxa lagu qeexaa inay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanayo tijaarta kharashka tartanka ollolaha, codkana dadka saboolka ah, iyagoo waliba kala illaalinaya balanqaadkooda.

Sidoo kalena Siyaasiga Tabanina uu yahay mid had iyo jeer ka fikiraya doorashada soo socota, halka Siyaasiga Togana uu ka fikirayo jiilka danbe.

Balse dadka qaarna waxay aminsan yihiin inuu yahay siyaasigu Dadka (codbixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka ifaya hogga, waanay u soo baxaan, waxaanay iibsadaan hogag badan, waana kuwa kala xusha musharaxiinta siyaasadeed ee xisbiyada.

In kastoo Dimuquraadiyadda lagu qeexo hab loogu tartamo siyaasadda awooda dalka taasoo dadku ay ku doortaan hoggaamiye ku hogaamiya nidaamka siyaasadeed ee dalka u dajisan, iyadoo loo marayo awood siyaasadeed iyo nidaamka siyaasadeed ee la doortay inuu badelo xukuumada hab doorasho oo xor ah.

Sidoo kale xisbiyadda siyaasadeed waa koox ka mid ah dadka oo nidaamsan, iskuna duuban, kuwaas oo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah, una diyaarsan sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen ugu guulaysan lahaa awooda dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo dano gaara leh oo dhaqdhaqaajiya bulshada, kuwaas oo jeclaysta inay awoodda siyaasaddeed ee dalka kulawareegaan hab doorasho ama hab kacdoon.

laakiin xisbiyadaqaarna ma jeclaystaan kooxahahaas danaha gaarka ah leh, sababtoo ah waxay ka lumiyaan ujeedada ilaalinta awoodda qaran iyo xakamaynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka qaab dhismeedka shaqo uu siiyey sharcigu. Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda, gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban.

Haddaan u gundo dego maxsuulka qormadaydan waxaynu sidaa ku qiimayn doonaa ujeedada iyo barnaamijyada siyaasaddeed ee saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.
Ujeedooyinka xisbiga iyo barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE” ka sokow waxay Xukumaddii wakhtigaa jirtay ee uu hormoodka ka ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ay ku dhaliili jireen dhibaatooyin isbarkaday oo ahaa dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, iyagoo soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed iyo qorshayaasha ay ku hogaamin doonaan dalka haddii ay ku guulaystaan doorashada.

Taasina waa ta u suuragalisay inay bulshada ka helaan taageero iyo codad badan, sababtoo ah waa habka kaliyaata ee lagu doorto xisbiyada marna waa hab lagula xisaabtamo xisbiyada siyaasadda, iyaguna ay ku xisaabtamaan wixii uga qabsoomay iyo wixii aan uga qabsoomin qorshayaasha barnaamijyadoodii siyaasadeed.

Haddaba barmaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE”waxa ka mid ahaa taabbo-gelinta madax-bannaanida iyo ka mid-noqoshada ururrada caalamiga ah iyagoo ah dawlad la aqoonsan yahay, iyo inay dhisi doono bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimd, guud ahaan maamul xumadda weji kasta oo ay leedahay, sidoo kalena ay dib-udhisid ku sameyn doonaan dhinacyadda horumarinta adeegyada dadweynaha, sida wasaaradaha iyo hayadaha dowlada ee qaabilsan u khidmaynta bulshada, hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida wadooyinka dalka,wax-barashad, biyaha, caafimaadka, yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna iyo diinteenna suuban, baadi-goobka xal-u-helidda dhibaatooyinka gudaha ee ka aloosan meelo ka mid ah gobolada Bariga ee Somalailand.

Dib u habeynta dhismaha ciidanka darajadiisa kala sarrayneed taasoo aasaas u ah kala dambaynta ciidan milateriga, daryeelka dhul daaqsimeedka, curinta habab cusub oo lagu dhaqo xoolaha iyo soo noolaynta seera-daaqsimeedyada, qabashada biyo roobaadka (samaynta harooyin iyo biyo-xidheenno) iyo hakinta biyaha.

Ka hortaga boholaha biyo mareenka ah, diyaarinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa, u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisaba, In la meel mariyo xeerka saxaafadda ee lam, 27/2004 ee ku salaysan qodobka 32 ee dastuurka, in la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta (Public Broadcasting Corporation) oo hoos imanaysa guddi madaxbanaan.


Sameynta xeerka anshax ku dhaqanka warbaahinta, in la kantaroolo adeegyada caafimaadka ee gaarka loo lee yahay, In la baadho isla markaana la ilaaliyo tayada dawooyinka dalka imanaysa,.….. La soco
W/Q: Maxamed Faarax Qoti.
Tell:4426743.