Tuesday, September 18, 2012

Wasaarada Caafimaadka Oo Golaha Wakiilada U Gudbisay Qoraal Ay Kaga Dalbanayso In Xeerka Doorashooyinka Lagu Soo Daro In La Baadho Caafimaad Qabka Musharixiinta

Wasaarada Caafimaadka Oo Golaha Wakiilada U Gudbisay Qoraal Ay Kaga Dalbanayso In Xeerka Doorashooyinka Lagu Soo Daro In La Baadho Caafimaad Qabka Musharixiinta


Hargeysa (jamhuuriya) Sept 18, 2012 – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Golaha Wakiilada u gudbisay qoraal ay kaga codsanayso in xeerka doorashooyinka lagu soo daro qodob ka hadlaya caafimaad qabka Musharixiinta u tartamaya golayaasha deegaanka dalka Somaliland.

Qoraalkan loo gudbiyey golaha Wakiilada oo uu ku saxeexan yahay Madaxa- Caafimaadka Guud ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed, ayaa golaha Wakiilada lagaga codsaday in xeerka doorashooyinka lagu soo daro qodob ka hadlaya in la baadho caafimaadka Musharixiinta u tartamaysa gollaha deegaanka.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ah Ramaas heshay ayaa u dhignaa sidan “Madaxda sharafta leh waxaanu u soo gudbinaynaa in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka oo aanay ku jirin caddaynta warqada caafimaad-qabka Musharixiinta, si loo helo Musharixiin xaaladdooda caafimaad fayow-dahay maskax-ahaan iyo jidh-ahaanba.

Sidaa daraadeed, waxaanu si xushmad leh idiinka codsanaynaa in lagu daro qodobkaasi xeerka doorashooyinka si loo helo Musharixiin maskax-ahaan iyo jidh-ahaanba fayow oo caafimaad qaba”
Xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, Qodobka 33-aad ee Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka ayaa ka kooban 8 farqadood oo ay ka mid yihiin sida:

1. Waa inuu yahay muwaadin u dhashay Somaliland
2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo. 3. Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmaa diinta islaamka. 4. Waa inaan da'diisu ka yareyn 35 sano sanadka doorashada la qabanayo 5. Waa inuu ku sifoobay xilkas, dhaqan toosan bulshada dhexdeeda. 6. Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii sano ee u dambeeyay. 7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma. 8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.


kaasoo laga ansixiyey Golaha Wasiirrada iyo baarlamaanka isla-markaana Madax-wayne Axmed Siilaanyo dhaqan-galiyey ayaa haba yaraatee waxaan ku jirin qodob ka hadlaya baadhitaan in lagu sameeyo fayo-qabka Musharixiinta doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland.