Saturday, October 14, 2023

Kabo-gashiga, Geela iyo Haweenkaba waa la hiddo raacaa.

 


Doollow kama tagana guurku adigoo cagaagan oo doonaaya inaad iibsato caggo-gashi, maaha inaad eegto quruxda qaab muuqaaleedka caggo-gashigu u sameysan yahay, wacnaantooda iyo qiimahooda, balse, waa in aad eegtaa cagogashigaas in ay ku leeg yihiin, sababtoo ah, haddii aad iibsato caggo-gashi ka weyn qiyaasta cagtaada, waa inaad u diyaar garowdaa in aad la'luudo jiiditaanka culayska caggo-gashigaas, waxaan xasuustaa qaar badan oo cagta jiidaaya oo ay ku adag tahay inay gaadhaan aayahooda, 

Murti baa tidhaahda, Caggo-gashi kaa badan iyo tolba waa la iska dhex socdaa, taasoo loola jeedo in dadka tolka ahi ay iskugu jiraan dad isku dhafan oo kala ah, geesi, fulay, deeqsi, bakhayl, fariid, hoori,gurabaasle, doqon, halyeey iyo xidaari, markaa qofkii doona tol wanaagsan, tol la'aan buu mutaaye, oo lama wada helli karo tol wada halyeey ah.

Haddii aad iibsato caggo-gashi ka yar qiyaasta cagtaadana, waa inaad u diyaar garowdaa inaad dareento xannuun aad u badan, waxaan xusuustaa dad badan oo dareemaaya xanuunkan aan dhammaad lahayn, oo jecel inay kabaha iska siibaan balse, ay ku adag tahay, waxaad arkaysaa kuwo xidhan kabo qurux badan oo markii ay cagtooda ku tusaan aad ku arkayso nabarro badan, haddaba, culays kasta iyo dhib kasta oo ay leeyihiin caggo-gashigu, waxa hubaal ah in aad iska tuurayso.

Wiil kasta oo ka soo jeeda qoys la'dan, ama caqli badan amaba Gabadh kasta oo qurux badanni maaha taadii, balse, waa midda ku xurmaysa ee aad is fahmaysaan, ee aaminsan in aad wada-jiraysaan inta ka hadhay safarkaaga nololleed, waxa muhiim ah in aad ogaato jihada noloshu u socoto, ka hor inta aanad ku hamiyin in aad yeelato xaas aad ka soo garab toosto.

Waxa jira goobo badan oo kuu sheegaaya in ay hayaan caggo-gashi caruureed, dhalin-yaro iyo kuwo waayeelba.

haddana dhamaan cabir qiyaaseedka caggo-gashiga lagama helo goob qudhaata, waxaanna jira goobo lagu iibiyo caggo-gashiga la fuulo, kuwo degan, kuwo fudud, kuwo badda, barafka iyo caggo-gashiyada ciyaaraha kala duwan.

Marka aynu ka nimaadno caggo-gashiga ku leekaada, waxa haboon in aad ogaato shirkadda iyo dalka lagu sameeyey, isla markaa aad kala tashato qofka kuugu dhow ee aad doorbidayso in uu kaa aragti dheer yahay, Alle ha ina barakeeyo dhamaanteen.