Saturday, February 25, 2017

SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFFAYA HOGGA:!

 Qoraa.  Maxamed Faarax Qoti




Siyaasadda Togani waxay qayb ka tahay farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira.

Mar kale, waxa loola jeedaa  awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama  nidaamka  ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa  arragtida maamulka  xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu  hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda,  mararka qaarkoodka  waxa loogu yeedhaa inay tahay  go’aan ama hadal ujeedo leh,  sida; siyaasadda dadka, ururrada,  kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay  tahay  mabda’a hanuuniya go'aannada.

Fahamka ama marka loo isticmaalo  sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa  Siyaasadda Tabani  inay tahay  farshaxan illaaq ah, danno loo eekaysiiyey in lagu tartamaayo mabaadi iyo hoggaamin,  loogaga faa’ideysanaayo danno gaar ah, danaha-caamka ah ee guud.

Waxa iyana sidoo kale barbar socda Siyaasadda Togan,   Siyaasi  ama Wasiir,  kaasoo   oo ah  siyaasiga haysta xafiiska guud ee  ugu mudan Qaran- dowladeed,  waxa kale  oo lagu tilmaamo inuu yahay sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint, loona  carbiyey cilmiga siyaasadda kaasoo ku shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta,  kuwaasoo noqda SiyaasiToggan oo ka fikira jiilka soo socda, ama Siyaasi Taban oo had iyo jeer ka fikira doorashadda soo socota.

Xisbiyadda siyaasadeedna waa koox nidaamsan oo iskuna duuban oo ka mid ah dadka, kuwaasoo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah, una diyaarsan sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen uu ugu guulaysan lahaa awooda dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo danno gaara leh oo dhaq-dhaqaajiya bulshada, isla-markaana  jeclaysta inay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiin xisbiyada qaarkoodna ma jeclaystaan kooxahahaasi danaha  gaarka ah leh,  sababtoo ah, waxay ka lumiyaan ujeedada illaalinta awoodda qaran iyo xakamaynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka iyo habka sharcigu u siiyey qaab-dhismeedka shaqo.

Laakiinse, haddana siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood waxay u haystaan siyaasaddu in ay tahay hab lagu  day-dayo xanuunka, kuwaasoo heli og, ha jirto ama yaanay jirinbee, ama  farshaxan qabow oo lagaga urursanaayo tijaarta kharashka tar-tanka ollolaha, codkana  dadka saboolka ah,  iyagoo waliba balan-qaadyadoodii kala illaalinaaya.

Dimuquraadiyaddu waa hab loogu tartamo siyaasadda awooda dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiye ku hoggaamiya nidaamka siyaasaddeed ee dejisan dalka, iyadoo loo marayo  awood siyaasaddeed  iyo in  nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay, uu u badelo xukuumada hab-doorasho  xor iyo xalaala ah.

Badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda,  gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban,  Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya, waxaan maxsuulka qormadaydan ku iftiimin lahaa waa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in Siyaasigu  uu yahay  Dadka (cod-bixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka iffaya hogga, waanay u soo baxaan iyagoo  iibsanaya  hoggag badan, waxaanay kala xushaan musharaxiinta xisbiyada siyaasadda, halka dadka qaarkoodna ay qiimeeyaan weedhihii diifta badnaa, qaarkoodna kuwii dheefta lahaa ee ka socday hareeraha xayn-daabka ay ku xeersanaayeen, soona gaadhayey qaybta kaydka xog-ururineed ee maskaxaha Dhageystayaasha, Daawadayaasha, Akhristayaasha iyo Qorayaasha, kuwaasoo kaga fal-celiya innay u noqdaan gaadh iyo gabood,  halka kuwo kalena ay u soo qaataan tusaale iyo masaal.


Qoraa.  Maxamed Faarax Qoti


Thursday, February 16, 2017

Saxaafaddu Waa Suun, Suunkuna Haddii uu kaa Waasho….!



Marka aan ka dhageysto  ama aan akhriyo wararka xanafta leh ee aan xaqiiqda ku fadhiyin ee ay ka baahinayso  idaacadda BBC’du dalka  Jamhuuriyadda Somaliland,  waxaan xusuustaa  wariyihii caanka ahaa Norman Kingsley Mailer odhaahdiisii ahayd , -  (If a person is not talented enough to be a novelist, not smart enough to be a lawyer, and his hands are too shaky to perform operations, he becomes a journalist),   taasoo macno ahaan noqonaysa  “ Haddii aanu qofku lahayn hibo hal-abuur oo ku filan kuna curiyo sheekooyinka buuggaagta akhriska, ma’laha caqli badan oo uu ku noqdo garsoore, sababtoo ah, gacantiisa ayaa aad u gar-gariirta marka uu fulinaayo hawlaha shaqo, waxaanu noqdaa wariye.”




Haddaba, xirfadda warbaahinta, waxa lagu tilmaamaa in ay war-fidiyeenadu yihiin wariyayaal, laakiinse, wariyayaashu aanay ahayn  war-fidiyeeno, sababtoo ah, war-fidiyeenadu waxa ay leeyihiin kaalin gaar u ah oo ay ku ururiyaan xaqiiqooyinka  illo-wareeda kala duwan ee ay ka hellaan war-bixinahaas oo cadaan ah,  cidii qortay dhacdada sheekooyinka ama  xigashada war-baahineed, sida,  wargeysyadda, war-baahinta muuqaal-araga, idaacada,  ama mareegaha wararka ee barta xuubka caarada ee loo yaqaano “ inter-net-ka”.

Wariyuhu waa  qof kasta oo qayb ka ah geedi socodka tifaftirka ururinta iyo wararka ay faafiyaan, war-fidiyeenada,  tifatirayaasha, soo saarayaasha, sawir qaadayaasha, muuqaal duubayaasha iyo wararka qorayaasha, laakiinse,  waxa ay maanta noqdeen  war-fidiyeeno  baahiya wararka, idaacaddaha, mareegaha muuqaal arraga, wargeysyadda, mareegaha wararka ee barta shabakada xuubka caarada ee loo yaqaano, “Internet-ka”.

Marka laga yimaado wararka ay baahiyaan kuwa cadowga ku ah jiritaanka dalkeena, haddana,  waxa aad arkaysaa wararka ay baahiyaan warbaahinta dalka gudihiisa ka soo baxa oo siyaabo kala duwan ku tilmaamaya  siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland  ay arrintaasaasi saameyn taban ku yeelan doonto siyaasadda dalka, haddii aan la isticmaalin xeeladda lagu xakameynaayo khatarta ka soo socota ee sida cawska xididkiisu inoogu muuqdo, inoogu muuqata ee haddana la iska indho-tiraayo maqalka dhacdooyinka ay baahiyaan war-baahiyayaasha qabyaaladaysan, kuwaasoo , mararka qaarkoodna u soo gudbiya hebel dhintay oo aanay dadku garanaynin inuu noolaa.

Guntii iyo gaba-gabadii waxaan odhan lahaa saxaafadu waa suun, suunkuna haddii uu kaa waasho, cawradaada ayaa banaanka u soo baxaysa oo lawada arkayaa, isla-markaana, waxa ka faa’ideysanaaya dhamaan cadowgii kugu xeersanaa oo dhan, markaas waxaan leeyahay inta aynu ku jihaysanahay gudaheena, waxa ka qiimo badan inagoo ku foognaada  cadowgaaga neceb jiritaankaaga.


Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Friday, February 10, 2017

Hoggaaminta Madax-weynaha!



Guushiisu waxay ku timid codka taageerayaasha xisbiga iyo taxanihii qorsheysnaa ee dhacdooyinka mustaqbalka ay u soo  bandhigeen umadda, kaasoo ka turjumayey baahidii wakhtigaasi dalka taalay,  haddii ay noqon lahayd, mid wax-barasho, caafimaad, cadaaladdeed, war-baahineed, diffaaceed,  horumarinta khayraadka dabiicga ah, dhirta, daaqa, xoolaha, kaluumaysiga, la dagaalanka musuq-maasuqa, saboolnimada, shaqo la’aanta, aqoon darada iyo dhameystirka geedi socodka dimuquraadiyada.

Barnaamajkaas oo ku yimid qiimeyn iyo dabagal dheer oo qaatay wakhti badan, waxaana hiigsiga himmilada xisbiga Midnimada iyo Horumarka xisbiga KULMIYE ee taladda haya aassaass u ahayd mabaadiida dhaabayaasha dimuquraadiyada iyo dastuurka qaranka.
Haddaba, waxa aynu qormadeenan ku qiimeyn doonaa maxaa ka hir-galay barnaamajkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYEi, maxaase aan ka hir-galin,?


Jaantuus 1-aad:  Qiimeynta barnaamajka siyaadeed ee xisbiga KULMIYE






Waa mid waajib ku ah qofkasta oo muwaadina, isla-markaana codkiisa taageero ku siiyey xisbigaas in uu la xisaabtamo wixii uu ka fuliyey balan-qaadkii, wixii aanu ka fulinin iyo sababta loo fulin waayey, waxa kale, oo waajib ku ah in uu iska hubiyo xisbiga uu codkiisa siinayo barnaamajkiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu ku hanto hoggaaminta talada dalka, isla-markaana, uu la xisaabtami karayo xisbigii uu taageeradda  siiyey.


Jaantuus 2-aad:  Qiimeynta Barnaamajka siyaadeed ee Xisbiga KULMIYE







Barnaamajkan siyaasadeed ee Xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee Xisbiga KULMIYE oo qoraal ah, waxaan kala soo baxay mareegta wararka ay ku baahiyaan xisbigaas, sidaas, baanan ku qiimeeyey 139-qodob oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa ee ka turjumayey arrimaha bulshada, ha noqdaan kuwo yagleel cusub ah iyo qaar jiray oo kor loogu qaadayey tayeyntooda, wixii u qabsoomay barnaamijkaas, ha fulo ama yaanu fulinbee ee la dhaqaajiyey  iyo wixii aan u qabsoomin ee aan la dhaqaajin.


Maxamed Faarax Qoti
Telephone Number:  063-4426743