Wednesday, February 14, 2024

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, saddex nin ayaa wada-lahaa goob cuntada bisil lagu iibiyo, saddexda Nin mid ka mid ah inta uu aroortii shaqada soo galo ayuu duhurkii ka rawixi jiray, midna fiidka ayuu ka riwixi jiray, ka saddexaadna habeenkii buu shaqeyn jiray, haddaba weydiinta hal-xidhaalahanni daaran tahay waxa weeye.

Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu soo shaqo tagay aroornimadii mid ka mid ahi saddexdii nin, ayaa maqalkii lacag ku jirtay inta uu in leeg ku daray ayuu kala baxay 20-shillin, kii labaadna markii uu yimid, ayuu maqalkii lacagtii ku jirtay inta uu in leeg uu ku daray, ayuu kala baxay 20-shillin, ninkii saddexaadna markii uu yimid shaqadii ayaa lacagtii maqalka ku jirtay uu in leeg ku daray, waxaannu maqalkii kala baxay 20-shillin, ka dibna, maqalkii waxa uu joqday faaruq, markaa imisay ahayd lacagta ku jiray maqalka??

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran, Geed tufaax ah ayaa lagu yidhi waxa aad ka soo goosataa tiro midhaha tufaaxa ah ee ku yaala geedka, waxaanna kaa horeeya 7-ba webi, webi kasta oo aad ka talaabaysaana, waa in aad

ku ridaa kala badh tirada tufaaxa aad geedka ka soo goosatay, isla markaana,

 marka aad ka tallowdo webiga 7-baad, waa inay kuu soo hadhaa Hal tufaax ah.

Weydiinteenu waxay daaran tahay, Waa imisa tirada tufaaxa aad ka soo goosatay Geedka??? Illaa iyo haddan qofna kumuu guuleysan tirada midhaha tufaaxa ah ee uu geedka ka soo goostay???

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, tiro shimbiro ah oo geed hoostii ka qadhaabsanaya ayey mid ka mid ah u duushay koox shimbiro ah oo ku laydh-sanaayey geedka guradiisa, waxaannay ku tidhi iska warama shimbirayahow 100-ka ahi, mid ka mid ah shimbirihii saarnaa geedka dushiisa, ayaa ku tidhi: 

Anagu ma'nihin 100, laakiinse, intaanu nahay in leeg marka nalagu daro, ee badhkeed lagu daro, ee nuskeed lagu daro, ee kooxda geedka hoostiisa fadhida lagu daro, ee adiga lagugu daro ayaanu 100-nahay, waa imisa tirada shimbiraha dul-saarnaa geedka dushiisa iyo kuwa hoos fadhiyey geedka hoostiisa.???


Bye.M.F.Qoti

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay tirada goobada koowaad iyo ta labaad ee gudban marka la isku geeyo ina siisa wadarta 8, tirada goobada koowaad iyo ta saddexaadna ee dhereran tirada marka la isku geeyo ina siisa wadarta 9, tirada goobada labaad marka loo geeyo goobada afaraadna ee dhereran ina siisa wadarta 8, tirada goobada saddexaad marka loo geeyo goobada afaraad ee gudban ina siisa wadarta 9, waa imisa tirooyinkaasi ?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay gabadha la furo waxa loo yaqaan Carmal, laakiinse, haddii Nin labaad uu guursado oo la furo iyo haddii Nin saddexaad uu guursado oo la furo maxaa loogu yeedhaa magac ahaan??, 

Sidoo kale Ninka mar gabadh furay, haddana gabadhii labaad ee uu guursaday furay, haddana gabadhii saddexaad guursaday ee furay, saddexdaasiba magac bay leeyihiin sheeg haddaad garato?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Laba nin oo aad saaxiib u ahaa ayaa minyareystay laba hablood oo ay kala dhaleen, hablahaas oo la kala odhan jiray Sagal iyo Hibo, isla markaana, Hibo waxa ay u dhashay wiil yar oo loo bixiyey Cali, halka ay sagalna ay u dhashay gabadh yar oo loogu yeedho Caasha, haddaba weydiinta falcelintan waxa ay daaran tahay, Cali iyo Caasha miyey is gayaan? Haddii Falcelintaadu tahay isma gayaan, haddaa maxay isku yihiin Cali iyo Caashi? Haddaba, wey is gayaan mooyaane illaa iyo hadda laguma guulaysan???

Hal-xidhaale


Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex bisaddood ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 12-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah bisaddahaas iyo culeyska shimbir'na uu culeyskoodu noqonayso 5-kg, isla markaana, haddii dacawada culeyskeeda laga gooyo culeyska shimbirtaasna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 99-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska bisaddahaas oo loo geeyo culeyska hal dacawo, oo loo geeyo culeyska hal shimbir, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hal-xidhaale

 Aqoon-korodhsi Hal-xidhaale

Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex Diig ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 8.4-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah Diigagaas iyo culeyska Bisaddan uu culeyskoodu noqonayso 7-kg, isla markaana, haddii Sengaha culeyskiisa laga gooyo culeyska Bisaddanna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 81-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska Sengaha oo loo geeyo culeyska hal Bisadda oo loo geeyo culeyska hal Bisadda, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hakxidhaale

Saturday, February 10, 2024

Hal-xidhaale

Weydiintan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Aniga iyo Afadeydu waxaannu dhalnay saddex wiil, saddexdii wiilna waxay sii dhaleen midki8ba innan iyo inan, dhamaan qoyskaygu in uu ka kooban yahay 11-qof oo kaliya mooyaane,  illaa iyo haddana laguma guuleysan tirada qoyskaygu uu ka kooban yahay.?