Thursday, January 18, 2024

Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad.

 Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro

ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad.

Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.

Inta aynaan u gudogalin guur-guurka  xidigahan isku-sidkan ee curashada gu'gan cusub ee 2024-ka, balse,  sannadkan sii galbanaya intii aynu ku jirnay, dad badan ayaa ii weydiin jiray, ka waran Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi,? waxaan ugu war-celin jiray, waa Madaxweyne Qaran oo daacad ahe, ha'lala shaqeeyo, intaas kuma qancaane waxay isii weydiiyaan, miyaanad la socon xaaladdan dalku uu marayo,? waxaan ugu war-celiyaa, Madaxweynaha maaha ee waa sannadkan, iyagoo la dhacsan oo aad u qoslaya ayey iga tagaan.

Haddaba, maaha wax lala yaabo in aynu sii falanqayno aayaha gu'gan foodda innagu soo hayaa waxa uu riman yahay, sidaa awgeed baynu male aadame ku male’awaalno, Oddoroska aayaha curashada gu'an cusub ee 2024-ka, waxaanna la odhan jiray, “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”

Sannadkan xilliga jiilaalku waxa uu ku curtay maalin khamiis ah, sannadkan cusubna waxa uu ku curtay maalin isniineed, waxa la odhan jiray waa xilli loo dabaal-degayo soo celinta iftiinka, iyadoo la yagleeli doono talaabooyin cusub,  lana dhiiri-galin doono dedaallada cusub ee la qaadi doono, la arkee iftiinkaas ulashadiisu in ay noqoto isbeddel ka tisqaada dhamaan gayiga aynu ku nool nahay,  sidoo kale, waxa muhiim ah in loo diyaargarow khalkhal ku yimaadda qulqulka korantada, maalmaha qabowguna way sii daba dheeraan doonaan.

Sannadkan waxa uu saameyn xooggan ku yeelan doono dhinaca Biyaha, waxaynu maqli doonaa xasillooni iyo degannaansho ka dhasha barafka ka dhacaya jiilaalka aduunka.

Dhinaca Dowladdaha:- Dowladduhu xilligan waxa ay ku sugan yihiin, sidii iay kor u qaadi lahaayeen horumarka maaliyaddeed, dowladdnimada, iskaashiga, siyaasadda, ganacsiga, qalabka casriga ah, qalabka sirdoonka ee macmalka ah  iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxa la horumarin doonaa oo loo subkiy doonaa wadajirkii- basaastay, wacyigalintii, murtidii  iyo awooddii gudaha,  helitaanka nidaamkan cusub ayaa beddeli doona nidaamyadii hore, waana waqtigii la fududayn lahaa nadiifinta hawada iyo soo saarista awoodda walxahan dabiiciga ah.

Somaliland:- Marka aynu eegno wada-jirkii aynu iskaga tagnay, waxa jiheeyey awooddii abaabulneyd ee dibeddaha inagaga timid iyo shaqsiyaadkii is bidayey in ay awood ku lahaayeen dowladda gudaheeda, waa mid aynu ka baranay aqoon,  iftiinkaas iyo dhawaaqaasina waxa uu daawo u noqday rubaddeena.

Tamarta dihan ee laga sameeyo dhagaxaanta dab-keydiyayaasha ee ku badan dalkeena iyo tamarta hawadda aynu neefsanno, waxa ay dabooli doonaan awooddo badan, sababtoo ah Warshaduhu waxay ka guuri doonaan ku tiirsanaanta dibadda ee tamarta shidaalka laga soo saaro dhulka.

Waxa loo guuri doonaa  awoodda qulqulka dabka lagu keydiyo kulka qoraxda ee dhaliya walaxda iftiinka, dabeysha iyo biyaha, inkastoo biyaha laga helay xaddi yar oo hawo ah, haddana quwadda qoraxda iyo dabaysha ayaa ah tallaabada xigta ee horumarka bini'aadamka, balse,  ugu dambeyntana waa la baabi'in doonaa qeybo badan oo ka mid ah tamarta loo adeegsado iftiinka iyo dhawaaqa 2043-ka.Runtana Allaa og.

Dhinaca Siyaasadda: - Waxa la arki doonaa fikraddaha isbeddel-doonka ee xag-jirnimada ah inay soo dhex-mari doonaan cid kasta oo aynu xidhiidh dhow la'leenahay, Xisbiyada iyo isgaadhsiintaba, la arkee kooxo yar-yar oo ka kooban shakhsiyaad ayaa isku iman doonaa si ay u abuuraan bulsho saameyn ku leh nabadda, wadanoolaanshaha iyo wadajirka, isla markaana nidaamyada lagu  xakameynayo ee ay wadaan sirdoonka macmalka, waxa ay u muuqan doonaan kuwo kor u kacaya, waxaanna loo baahan yahay fikir hal-abuur oo lagaga gudbo xaaladdaahaas oo dhan.

Sannadkan cusub illaa horaanta sannadka 2025-ka,  muddadaas aynu ku dhex jirno, waxa  la arki doonaa dib-u-noqosho badan iyo ismaandhaaf  ka dhex dhici doona kuwa taageera xisbiyadda siyaasadda,  nasiib darro'se, odhaahyada gardarada ah iyo ficiladda dagaalka ah ee kakan ayaa laga yaabaa inay sii faafto wakhtigan fooda inagu soo haya, inta aynaan si wada jir ah u fahmin in aynu u baahannahay habkii aynu kaga gudbi lahayn xaaladdan, marka aynu si wadajir ah u fahamno ujeeddada ku lamaan ayeynu xal waara ka gaadhi doonaa.

Guud ahaan jihadu waa dadka da'doodu weyn tahay ee waayo-araga ah, waa kuwo leh mas'uuliyad shaqsi ahaaneed  oo dheeraad ah, hal-abuurnimo, kuna tiirsan qaab dhismeed awoodeed  oo fahmaysa sida loo isticmaalo fikradaheena, waa in la hawl-galiyaa, kuwa cibaadeystaa waa in ay abuuraan midho-dhal wanaagsan.

Dhinaca kale,  collaadihii ka aloosnaa bariga ayaa iyana lagu xalin doonaa sidii loo damiyey colaaddihii dagaalkii-sokeeye ee  dhacay hilaadii gugii 1995-kii, waxa kale oo la filan jiray dib-u-soo noqoshada halgankii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey, kuwii hore iyo kuwa cusub, hiddaha iyo hal-abuurka, bidix iyo midig. Runtana Allaa og.


Dhinaca Doorashooyinka Madaxweynayaasha:-  Doorashooyinka Madaxtinimada iyo go'aamada siyaasaddeed ee aduunka waxa ay ku milmi doonaan saameynta dunidii hore, ka hor inta aynaan si buuxda ugu biirin aduunkan cusub, waxaa dhici karta in qofka aynu isleenahay waxa uu u sharaxan yahay Madaxweynaha aanu noqon doonin mid haba yaraatee isu soo sharaxaya, Madaxweynena kama noqon doono qof hore iskaga soo sharaxay xisbi siyaasaddeed in uu yahay murasharax u tartamaya jagada doorashada Madaxweynaha, balse, Madaxweynaha la dooranayaa waxa uu noqon doonaa qof aynaan ka filayn in uu dalka Madaxweyne ka noqon doono dhamaan aduunka oo dhan,, waa in aynu garanaa in ay jirto awoodo kale oo ah dhinaca  "Carshiga." Runtana Allaa og.

Dhinaca awooddaha xukunka waa in aan la isticmaalin awood xad-dhaaf ah,  hogaamiyayaasha Dowladduhu, hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasaddu, shirkaduhu, Goobaha caafimaadka, xiddigaha kubaddaha, warshadaha, qoob ka ciyaarka iyo madadaalada, intaasiba waa in aanay xukunkooda u isticmaalin awood xad-dhaaf ah.



Ganacsiga:- kaabayaasha dhaqaalaha dibadda qun yar qun-yar buu hoos u dhac ugu iman doonaa, waxaannay horseedi doontaa in ganacsiga ay u jeexi doonto jiho cusub, Khayraadka ayaa u muuqan doona in la  balaadhinayo, waxa la abuuri doonaa  kobaca beerista midhaha, dhaqaalaha cusubna waxa wax lagu kala iibsan doono lacagaha saadka, edahabka, iwm.

Suuqyadii Maaliyadeed,  banaan baxyadii, Dib u noqoshada Siyaasaddeed ee lama filaanka ahayd ayaa kor iyo hoos u kici doona, jihooyin midba mida kale ka soo horjeedo, waxaannay  u nuglaan doonaan dib-u-noqosho degdeg ah.



Oddoroska xiddigiska ee gu'gii hore, ayaan si weyn uga hadlay xiisaddaha ka dhalan doonta xudduudaha qaranka, isla markaana kooxo dad ah oo isku tagay ay sheegan doonaan xudduudo shaqsi ahaaneed ama mid qabiil,  dadkuna ay dareemi doonnaan in arrintaasi ay ku xidhan tahay wax awooddooda ka baxsan iyo  in  isbeddelado ku iman doonaan, dawladdaha, shirkadaha, dhaqaalaha, siyaasadda, suuqyada ganacsiga iyo deegaanka (Tixraac faahfaahinta),https://mfqoti.blogspot.com/2023/02/nayruuska-saadaasha-sannadka-cusub-2023.html?m=1

Sidoo kale digniintii dabiiciga ahayd ayaa hoos u dhigtay jihooyinka isbeddelay muddadii ay dhaceen, gubashadii suuqyadda, dabkii duur-joogta, fatahaadihii, duufaannadii, dhulgariirkii, colaaddihii, inkastoo aan si weyn loo sheegin warkaas, waxa jiray roobab mahiigaan ah oo sababay in ay  fatahaan wabiyaddii ku yaalay dhowr wadan, colaaddii ka aloosneyd buqdharkeyn, nasiib wanaag, saaxiibkay waa nabad illaaliyihiisii mooyaane, Allow fasax farxad leh, barako leh, nabad, caafimaad qab, tamar iyo miyir-qab nooga yeel 2024!