Thursday, October 1, 2015

Oddoroska Saadaasha Sannadka Cusub 2014

Oddoroska Saadaasha Sannadka Cusub 2014

 Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      27 /Dec/2013,


Inta badan Aadamuhu aad ayey u jecelyahay inay wax ka ogaadaan  wakhtiga fooda ku soo haya  iyo wax kastoo la xidhiidha waayahooda, laakiinse kama fikiraan dhibta ku jirta ogaanshahaasi, umana adkaysan karaan aadamuhu hadday xogogaal u noqon lahaayeen nolosha ayaamaha ku soo fool leh farxad iyo naxdin saamiga uu ku lee yahay hadduu ogaado. 


xukunka aduunka iyo maamulkiisa rabi baa ay sugnaatay, laakiinse aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, haddaba ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyaa dad gaar ah oo loo tirinayo in ay aqoonta saadaalinta khibrad u leeyihiin



Saadaasha sannadka cusub ee 2014 wuxuu ku curtay meeraha jilboole, dadka xeel-dhaarayaasha dhinaca saadaalinta waxay odhan jireen haddii meeraha  sannadku uu ku curto  meeraha jilboole  waxa la filan jiray inuu lee yahay  fursado badan oo u baahan in laga faaideysto,  meeraha Jilboole Saturn  wuxuu ku dadaalayaa raadinta biyaha  ee burjiga scorpio  iyo rabitaanka  Pluto wuxuu ku noqon doonaa.

Saturn- dhinaca sharciga calaamadinta dhulka ee burjiga Capricorn sannadkoo dhan, wuxuu ku qanacsan yahay inuu gaadho hor-dhaca nadaafadda, inuu cadeeyo, iyo isku kalsooni, waxa la dareemi doonaa muran  is dhex gala dhinaca awooda iyo ujeedada  khilaafka hoosta oo kor u kici doona    kaasoo awooda xukumadaha,  laakiin xaaladu markay ka sii darto waxa dabooli ama la dareemi doona waxyaabo hore oo qarsoonaa, lagana yaabee in aanay sii xoogaysan oo aany ka sii darin, sidoo kale wuxuu leeyahay gurmada iyo itaal, sharer cidhiidhi iyo cabsi badan, nidaamkan socda waa mid aan hor loo maqal,  waa cadaan waana shay dhab ah waxa ka socda xidigaha, wakhtigan oo kale xeeldheerayaasha iyo dadkii hore waxay odhan jireen shaqaalaha wax qoda, ama waxa dhisa, ama dib wax udhisa, ama kuwa wax dumiya waxay dadku dhiseen iyo kuwa dabiiciga ah ba uma fiicna. dhabtana Allaa og.

waa xiligii la cadeyn lahaa sida saxda ah gabi ahaanba in la sameeyo hab cusub, in kastoo la yaabo in waxoogaa dhibaato ah ku yeelato qaab dhismeedka xukuumadaha, 

Dhaq-dhaqaaqa meeraha jilboole ee uu ka imanayo burjiga Scorpio isagoo u sii jeeda burjiga  Sagittarius ee bisha 12 tobnaad 23-keeda sannadkan wuxuu ku tusinayaa awooda weyn marka aad doonayso inaad xaliso,   dabayaaqadii sannadihii 1985-kii iyo 1988-kii waxa ay ku jireen labada burji ee kala ah  Saturn wuxuu ahaa ugu danbeyntii  Sagittarius,  waa inaynu dib u jeleecnaa  su’aalihii ugu sareeyey wakhtigaas sidii loo xaliyey.

labada sanno ee 2014-2015 waxa dhici doonaa Dayax-Dhiig 4 jeer taasi oo in ka badan aanay ka dhicin qarniyaddii tagay,  waxaase lagu tilmaamaa inuu laba jeer oo qudha ka dhacay xilliyaddii dagaal labaad ee aduunka illaa 1948, meeraha Saturn wuxuu joogi doonaa dabayaaqada sannadkan burji 9aad oo ah burji naariya waxaana lagu tilmaamaa sida in la arko argagaxiso, dhaqaaluhu ma xumo, Garuhuna way adkaadaan, waana saciid la mahadiyo


Meeraha dardaar ama mushtar  Wuxuu fulkiga ku leeyahay ka lixaad hoygiisuna waa labada burji ee kala ah 12 maai iyo naari, meerahan waxa loo nisbeeyaa, wixii ku saabsan shu’uunta culimada, xukaamta,xaqiijinta xaqa agoonta , qeexida garashada, (Tafsiir,Tawiil,Tacbiir), arimaha suluxa, nabadeynta,tijaarada, korista salaanka,sacaadada,hammo sare,dheelitirnaan,maskax wanaagsan,cadli, gar-toosan,soorid ,xaq, run,cibaado,zudi,fududeyn,cisi,martabad,rayi toosan,dabci,abuur wanaag,nuxuus iyo fashaad la’aan,farxad iyo hoodo.

Meeraha  Uranus wuxuu tilmaamayaa is bedel qalabka casriga ah, waa xiliga ay ugu fiican tahay  in qofkasataa uu bedelo, kuna cabirto badelka dadka kugu xeerani waxa ay doonayaan.

Tamarta way xumaanaysaa marka loo eego is waydaarka labada xili ee ah  April 15, April 29, October 8, and October 23, 2014.  awooda tamarta xiligan waxay saadaalinaysaa in sannadka soo socda is bedesho cimiladu,  gadgadoonka ganacsiga suuqa, hoos u dhac ku yimaada talaabooyinka ay dowladu qaadaan iyo qalabka casriga ah si dhakhso ayuu u horumaraa.

intaas waxa dheer sannadka horaantiisa in awood badan la dareemo dhinaca iftiinka iyo gudcurka inta u dhaxaysa wixii hore iyo waxa cusub, xornimo doonka iyo xoriyada shaqsiya,  xuquuda xoriyadda xisbiyada, xisbiyadda iyo dadka la socda,  tayaynta iyo khayraadka dabiiciga  iyo dhaqaalaha, kuwa daacada ah iyo daacadnimada iyo kuwa wax fooljarigareeya.

fursado badan baad haysataa aad ku kala doorato wajiyada kuwa ugu muhiimsan adigoo eegaaya dheelitirka qof ahaaneed, way haboon tahay .

waa in la hello xukun cadliya oo saxa dheelitirka labada fiidyo cawl ee Iftiinka iyo gudcurka, taas waxa haboon in laga doorto ta saxa ah, xaqiiqda dhabta ah ee nolosha, xaqiiqdana Allaa og.



Saadaalinta waxa laf dhabar u ah kala fadhiga meerayaasha iyo sida uu xidhiidh shaqo uga dhaxeeyo markaa bishan dayaxu waxay ka bilaabmatay burjiga Capricorn oo ah arliyo, taasina waxay muujinaysaa inay tahay wakhti loo tafaxaytay dhisid mustaqbal,wixii lagu hamiyey balamo ama hawl wadnaha lagu hayey, isku dubarid iyo dhishibiliin, way midho dhali-doonaan, Waa burjiga fikirka, dhisida, horumarka

horaanta sannadkan   meeraha Jupiter wuxuu fadhiyaa  burjiga Canceroo maai ah wuxuu iska ilaalinaya  Pluto oo fadhiya burjiga Capricorn oo arliya ah taasina waxay saadaalinaysa  dhinaca faaidada dhaqaalaha inuu isbadel ku imanayo, waxa haboon in heshiisyadii hore in la kaydiyo dibna loo eego,  iyo in xidhiidhka iyo heshiisyada in lagu eego iftiinka.

February 6 * meeraha mercury wuxuu ku jiraa burjiga kaluunka oo hawwi ah oo dhadig ah, wuxuu dareemayaa inuu awood ku hogaamiyo wixii maskaxdiisa ka baxsan,waa xiligii la sameyn lahaa isbedel cusub, iyo inay isgaadhsiintu  fiicnaanayso,  In dib loo xalinaayo khilaafyaddii hore ee dhacay

Dayaxa oo cassada waxa lagu arki doonaa ( North & South America, East Asia)

meeraha Jupiter oo ku sugan Cancer oo la kulmi doona meeraha Uranus oo ku jira burji naari ah  wuxuu isku dayayaa wixii cusbaa inuu xaliyo, dhinac dhaqaalaha aduunka oo is badela hoos u dhacna ku yimaado iyo waxaad aamin san tahay wey sii korodhaa, la arkee wax badan oo wanaagsan iyo wax qabad casriya, wixii la qabtay oo qiimeyn lagu sameeyo iyo dabagal, natiijo saxda ahi waxay ku siinaysaa isbedel fiican
,bisha lixaad meeraha mushtar wuxuu la fadhiyaa burjiga asad oo muddo 13 sanno ayeyna wada kulmin sannadkan ka hor taasina waa fariin adiga ah laakiin aan ahayn cid kale. 
Runtana Allaa Og.


Meeraha Uranus wuxuu fadhiyaa bisha saddexaad ee sannadka burji naariya oo ah fushade saddex xagal kula kulmi doona meeraha Pluto oo ku sugan burji Capricorn la arkee in dhinaca Dowladuhu  sharciyada wixii ka soo baxay in ay xakameyn kari waayaan .

 Marlabaad ayuu dayaxu casaan bisha afarraad ee sannadkan waxaana laga arki doonaa ( Australia & Antarctica)   in si degdeg ah loo helo wixii khuseeya dhaqaalaha ,heshiisyadu way adkaadaan, mushtar iyo Saturn — waxay ka shaqaynayaa shaqo muhiim ah oo lagu farxo bisha shannaad ee sannadkan.

Mercury  oo ku jira burjiga cancer dareenkiisu meel ayuu u jeedaa bisha lixaad todobaddeeda  iyo 12-keeda, July 1 deedana wuxuu fadhiyi doonaa burji hawaai ah wuxuu sheegaya Guul dhameystiran bisha 10-naad wuxuu galidoonaa burjiga saddeedaad oo hawaai ah wuxuu u socdaa in wixii tagay ee la fahmiwaayey waa in la saxaa, bisha 10-naad wuxuu fadhiyaa burji haawi ah ee miisaanka, natiijo wanaagsan in  Dowladuhu heshiiska lala galo in ay ka midha dhaliyaan.

Bisha 12-aad saddexdeeda meeraha Saturn wuxuu ku jiraa burjiga Scorpio waxay kulan yeelan doonaan Uranus oo ku jira burji naariya ee  Aries dhinaca  Awoodaha xukumadduhu waxay sababaan kicin dawakhaad, qaab dhismeedka dowladaha is bedel dhakhso ah ayaa ku yimaada, khaasatan barriga dhexe. 
Runtana Allaa Og.
  
Waxay odhan jireen waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus Arbaca, waxa loo nisbeeyo burjiga Gimminy, waa burjiga mataanaha, waxay ku Aadan tahay muddada u dhaxaysa 22/5-21/6, godadka dayaxu uu mara waxay ku leedahay Agaalli, Caanood iyo Afagaal, waa lab maalinle ah, Ifa, Nuura, Labaduble, meel walba isu ekeen kara, jiho galbeed, Hawaa’i Rudab ah, dhiigle la mahadiyo, martabad iyo itaalba leh,

Burjigan waxa loo eegaa saddex weji, oo kala ah; Qoraxda, Mariikh iyo mushtar,

Wejiga hore,  Meel kasta oo saraysa ama adag tahay in wax lagala soo baxo, qabasho, eryasho, kala beddel, waxa dadku ku sugan yahay waa loo nisbeeyaa, cissi iyo farax, madaxnimo, saldanad, wixii arrin tegay ah, wixii waxyaalo la cusboonaysiinayo ah, wix arrin ah oo aan mid keliya ahayn, sidoo kale wixi arrin ku noqosho labaad leh, dhammaan arrimahaas oo idl, waxaa loo nisbeeyaa mooradan, mar hadduu yahay burji lab (double), labaduble ah, iftiimin iyo awoodi waa lama huraan, runtana Alla og.
                                                                                  
Kan labaadna waxaa lala xidhiidhiyaa, cadhada, dhiig-daadin iyo degdegid eedeed, kan u dambeeya waxaa loo nisbeeyaa raaxada, saahidida, shaqo la’aanta iwm.

wajiga saddexaad, sugidda cilmiga, kutubta iyo wixii la xidhiidha garsoorayaasha.

Oogadaa dadka waxaa lagu sheegaa inuu leeyahay,
wadnaha, tamarta wadnaha  5,000  oo jeer ayuu ka awood badan yahay xubnaha jidhka kale oo dhan, marka lagu darro maskaxda, wadnuhu wuxuu kugu wargalinayaa inaad bixiso sadaqo, samo falid,

wixii dhegaha, sanka kasoo baxa, xubnaha oogada ee qarsoona, maskaxda, awooda fikirka, carabka, xubnaha muuqdana waxaa ka mid ah labada gacmood, garbaha iyo jidhka guud.

Cudurada wuxuu ku leeyahay inta neefsashada la xidhiidha , maskax buuxda, garaacaa wadnaha oo hoos u dhaca, midabkana midab kana inta ka timaada cadaanka, biyaha biyo nadiif ah, sida  biyaha qulqulaya, wabiyada badaha iyo roobka, dhinaca hawada waa nadiif khaasatan roobka dabadii.

sawaxanka dheer ee uu buuqu la socdo adigoon ka fikir,,  qiiqa hawada oo la yareeyo, soo bandhigida awoodaha si cadho leh.

Waxaa si gaar ah u khuseeya, wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo dhedig, walaalaynta, xidhiidhinta.

Culimadu waa inay qabtaan wax kastoo sax ah, isha aad ku hayso  wixii kaa horeeya, una fikirto sida saxda ah ee la taaban karo, Arag ujeedadda waxa aad doonayso inaad abuurto, Cibaadada badi, Bixi sadaqada in ka badan intii aad la bixi jirtay,Shugri naqa ha la badiyo, Ilayska qoraxda, cabitaanka biyo nadiifa, khudaarta la miiro oo cusub iyo khudaarta kale, Wixii laga shakiyana waxa haboon in la hubsado. Runtana Allaa Og.



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid