ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2015
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) 28/Dec/2014, Q/1-aad
Eebbe ayaa iska leh xukunka kownkan, maamulkiisa iyo
qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna
ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba,
waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay wax kooban.
laakiin Aadamuhu aadbay u jecelystaan inay wax ka
ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda , hase
yeeshee umay fiirsan dhibta ku jirta
ogaanshahooda, umana adkaysan karaan
ogaanshaha hadday xogogaal u noqon
lahaayeen ayaamaha ku soo fool leh noloshooda iyo saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo
naxdin, haddana aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka.
Ku dhaqanka saadaashu
waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda,
xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyaa dad
khibrad gaar ah u leh
aqoonta saadaalinta, garashana eebaa iska leh.
Haddaanu male aadame ku
male’awaalno saadaasha sanadkan cusub ee
2015, Dadka ku xeeldheer cilmiga odorosa xidigaha , waxay odhan jireen;-
Waxaan u eegay Mooro,
Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus khamiiseed waxa loo nisbeeyaa
ka sagaalaad ee liifato waana burjiga Qaansada oo ku aadan mudada u
dhaxaysa 23/11-21/12, godadka dayaxa uu ku leeyahay mareeg dheer, xoor cad iyo Madhan, oo ku began xilliga kala
wareega Deyrta iyo Jiilaalka, waa Lab maalinle ah, habeen isniineedbuu leeyahay waana
naari, waxaana lala xidhiidhiyaa, Diinta, falsafad, safaradda (gaar ahaan dibadda), sharciga, buugaagta,
hawlaha daabacaadda, talo bixinta.
Faraxa Dayaxa burjigan
waxa loo eegaa Afar waji oo kala ah,;
Dayaxa, Dardaar, , Venus, Libdhe;-
Wejiga hore, waxa lala xidhiidhiyaa; Deganaansho gudeed, Gurmad iyo
itaal , sharar, ciriiri , baqdin, cadhada , dhaqdhaqaaqa safarka, riyaaqa
horumarinta, faraxsanaanta, wajiga labaadna waxa lala xidhiidhiyaa; sugidda
cilmiga, kutubta iyo wixii la xidhiidha garsoorayaasha, Kan Saddexaadna ; jacaylka iyo guurka, ka afaraadna ;
fikirka iyo horumarinta.
Wuxuu sigaara uu u
khuseeyaa dhinaca Awoodaha : inay noqoto
hab diblomaasiyadeed, wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo
dhedig, walaalaynta, xidhiidhinta.
Arrimaha gaarka ahna: iskashi wanaagsan, lamaanaha, ka fikirka maanta, khatarta isbiimeyn, Tayo ku saleysan daacadnimada, daacadda iyo dareenka guud.
Wuxuu jecelyahay;- daacadda, daacadnimoda,
waxyaabaha dabeeciga ah, xayawaanka, safarka, tacaburka, caddaaladda, xikmada, weyneynta, sharafka, xafladaha iyo Quraanka.
Waxaanu neceb yahay : waxaan damiiciga ahayn, iska
yeelyeelida, macnaha hoose, dabaylaha iyo mowjadaha soo noqnoqonaya, ujeedada
hoosaysa, kaxeynta, quruxda soo jiidashada leh, dhaqanka xun iyo dhoobada.
Noolahana dadka (Insaan)
wuxuu ku sugan yahay waa loo nisbeeyaa, walwal iyo walaaca, dhinaca wanaagsan
wax ka eega, saaxiibtinimo, khatarta iyo isboortiga, la arkee in mararka
qaarkood niyad jab iyo guul, sidoo kalena ugaadhsiga xayawaankana
Oogada dadka waxaa lagu
sheegaa inuu u leeyahay xumnaha oogada iyo kuwa qarsoon sida;- Sambabada, uurku
jirta, sanka ka soo baxa, neefsashada, hawo mareenka , xubnaha muuqda waxa ka mid ah , labada
gacmood iyo garbaha jidhka guud ahaan.
cuduradana xiiqda iyo
wixii la xidhiidha neefsashada, shubanka , waxaana haboon in la iska illaaliyo
Goobaha wasakhda leh iyo inaan lagu
deg-degin wixii qaliin ah.
Midabadana wuxuu ku
leeyahay midabka bada ee buluuga ah,
Macdantana wuxuu ku leeyahay rubiga iyo
topaz, Buqcadahana wuxuu ku leeyahay wadamada
Spain, Australia, South Africa, Portugal, Mexico.
Dhinaca Shaqada waxa loo nisbeeyaa;- in la dhiso caddaalad, si ay u fahmaan, taas oo inta badan ka duwan aragtida dunida, iyo inuu iimaanku ku soo laabto dadka, waxaana haboon in wax kasta lagu dhameeyo Isfaham iyo in la iska illaaliyo nin jaceylka in la dhiirigaliyo, Runtana Allaa og
waxa kale oo la odhan
jiray hamiga iyo riyooyinkuba way
adkaadaan, dumarka xoogsada
dhaqaalahooda uma fiicna ayaa la odhan jiray, kibirka, sharafka hawada, damaca
awooda, aqoonsiga, dhaqaalaha awooda , umana fiicna inay dadku kala qaato
xoriyada, waxaanu u janjeedhaa dhinaca
fulinta jagooyinka, maamulka, jagooyinka dadweynaha, ururada iyo hawlaha
ganacsiga .
waxa intaas sii dheer oo loo
eegi jiray godka habeenkaa dayaxu
fadhiyey, waxaana la odhan jiray;-
Haddii habeenkaas dayuxu joogo Burjiga
Naariya, waxaa la odhan jiray waxa dhaca shido badna, dagaalo badan, cuduro iyo
dabaylo badan, dhimasho badan madax iyo majo, uurlayda oo daasha Cadceed kulayl
awgeed, Juuc gaajo badan, shisheeyaha oo soo bata iyo madax-wareer soo bata,
diraa-diraalaha iyo socdaalka, haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah,
qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, haddii
habeenkaas curashada sannadka cusub uu joogo dayaxu Burji Hawaa’i ah, waxa la
odhan jiray Shinbiraha, Ayaxa iyo dabaylaha ayaa soo bata, awoodda salaadiinta,
ganacsiga kalluunka oo yaraada Runtana Allaa og.
Haddii uu dayaxu joogo Burji maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashu hore ku sheegi jireen, sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, shaqaalaha, ganacsatada u fiican.
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid