Monday, March 31, 2014

Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo

Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo



Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Ka-xakamaynta Khataraha Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dekedaha, madaaradda iyo Laanta Socdaalka inay ka feejignaadaan dadka u kala safra Somaliland iyo dalalka Afrika ee uu ka dillaacay cudurka hallista ah ee Ebola Virus.


Sarkaalkan ayaa qoraal uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, waxa uu ku sheegay in xannuunka Ebola yahay mid halis ah oo aan wax dawo ah lahayn, isla markaana la hayn tallaal lagaga hortago, sidaa awgeedna ay waajib tahay in laga taxadiro isu-socodka waddamada cudurkaas ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika.

Qoraalkaas uu soo saaray Madaxa Qashinka iyo Ka-xakamaynta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ee Aftahannews helay waxa uu u qornaa sidan:-
“Waxaannu la socodsiinaynnaa  dhammaan masuuiyiinta dekedaha,  madaarrada iyo Laanta Socdaalka ee  Somaliland in laga taxadaro isu-socodka dadka ka imanaya waddamada uu ku fiday  cudurka halista ee Ebola Virus, maadaama illaa hadda aannu adduunka ka jirin tallaalka lagula tacaalo ama lagaga hortago cudurka Eboala Virus “EVV,”  sidaa daraadeed maadaama aynnu nahay waddamada soo koraya waa in laga taxadiro dhinaca isu-socodka dadka ka imanaya waddamada cudurkaasi ku faafay inay yimaaddaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadda sida aynnu wada ogsoonahay waxa la xaqiijiyey inay u dhinteen 672 qof oo ka soo kala jeeday waddamada Guinea, Nigeria iyo Sierra Leone. Tirada guud ee uu aafeeyey waxa lagu qiyaasay ilaa 1,200 oo qof horraantii bishii labaad ee sannadkan.

Cudurka Ebola Virus wuxuu gaadhay heerkii ugu sarreeyey, taasoo maanta adduunka oo dhami fiiro gaar ah oo ay kaga taxadirayaan sidii aannu ugu soo gudbeen cudurka Ebola virus waddamadooda dhinac isu-socodka.  Dalka Nigeria ayaa walaac weyn ka muujiyey nin u dhashay dalka Liberia oo la kulmay in ka badan 30,000 qof, isagoo ninkaasina  cudurka Ebola u dhintay Jimcihii toddobaadkan iyo dhakhaatiir u dhashay Mareykanka oo ka shaqeynayey cusbitaal ku yaal dalka Liberia in uu xannuunkaasi uu haleelay, dabadeedna loo dhoofiyey waddanka Mareykanka.

Sida hadda la xaqiijiyey nin qaba cudurka Ebola Virus oo da’diisu ahayd 20 jir ayaa la dhigay cusbitaal la yidhaa Charing Cross Hospital ee ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska toddobaadkan, iyadoo nin kale oo dhalashadiisu tahay Ingiriis oo safar ku joogay dalalka Afrikada Dhexe lagu arkay xannuunkan halista ah, lana dhigay cusbitaal ku yaal magaalada Birmingham ee isla waddanka Ingiriiska.
Sannadkii 1976-kii ayaa qaaradda Afrika lagu arkay cudurka Ebola Virus sida la sheegay, waxaanay dhimashadu gaadhay heerkii ugu sarraysay, iyadoo ay cudurkaas u dhinteen dad lagu qiyaasay 286 qof.

Calaamadaha cudurka Ebola Virus waxa kaloo ku weheliya xummad aad u daran, dhiigid iyo dhaawac ku yimaad hab-dhiska dareen-wadayaasha. Cudurkan markuu qofka ku dhaco waxa laga helaa dhiigga, candhuufta, kaadida iyo saxaradda. Waxa kale oo uu qofka ku keenaa caabuq jidhka ah, iyadoo lagu kala qaado taabashada qof xannuunkaas qaba oo jidhkiinu is-taabto.” Sidaa ayuu Maxamed Faarax Qoti ku yidhi qoraalka uu soo gaadhsiiyey Aftahannews.


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.


Sunday, March 30, 2014

“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”

“Dr. Macow Wuxuu Doonayey Inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba Ku Baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod, Taasina Ma Waafaqsana Siyaasadda Caafimaadka, Waana In Sharciga La Mariyaa”

 Madaxa Maaraynta Qashinka Iyo Ka Hortaga Khatarta Deegaanka Ee W/Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti




Hargeysa, March 30, 2014 (Jamhuuriyanews) – Madaxa maaraynta qashinka iyo ka hortaga khatarta deegaanka ee wasaarada caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ayaa sheegay in talaabada lagaga joojiyay Dr. Macow hawshii baadhitaanka bukaan socodka ee lacagaha farabadan uu kaga qaaday la kulankiisa ay tahay arrin saxa, isla markaana Dhakhtarkaasi hanaanka uu u agaasimay Baadhitaanada caafimaad ee bukaan socodkii loo sii diiwaangaliyay ay baalmarsan tahay sharciga Caafimaadka.

Maxamed Faarax Qoti waxa uu intaa ku daray in kharashka baadhitaan ee uu ka qaaday bukaan socodka qofkiiba tahay $40, halka muwaadinka dhakhtarka ah ee Somaliland baadhitaanka bukaan socodka ay ka qaadaan qofkiiba 5000 ilaa 2000/Shilinka Somaliland, isla markaana dhakhtarka ugu qaalisan la kulanka bukaan socodka uu qaado $20, ayaa Dr Macow kharash aanay u taag hayn ummada reer Somaliland uu ugu soo shaqo tagay, waxaanu tilmaamay in sharciga la mariyo isaga iyo cidii u fududaysay hawshaasi.

Sidaana waxa uu ku sheegay Maxamed Faarax qoraal uu shalay soo gaadhsiyay wargeyska Haatuf, isla markaana uu kaga hadlay shuruucda caafimaadka u taala iyo habka baadhitaanada bukaan socodka ee dalka u yaala inuu ku gafay Dr Cali Macow.

Madaxa maaraynta qaashinka iyo hortaga khataraha deegaanku isagoo arrinkaasi oo dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay waxa uu u dhignaa qoraalkiisu:-
“Horta talaabadan ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Dr. Cusmaan ay shaaciyaan waa arrin waafaqsan qaynuunka siyaasada wasaaraDda caafimaadka  sababtoo ah haddaynu si cilmiyaysan u yara qeexno waxaynu u kala saari karnaa dhowr siyaabood.

1.  Dal ku gal:-  marka hayad ama cid kale ay doonayso in qof ajanabi ahi uu soo gallo dalka, waxay la xidhiidhaan wasaarada markaas xirfadiisa shaqo ay khusayso, waxaanay  u soo gudbiyaan warqad codsiya oo ay ku lifaaqan tahay baasaaboorkiisu si loogu ogolaado warqada ogolaanshaha ee dal ku soo galida taasoo  ku socota wasaarada arrimaha gudddaha, ka dibna sidaas bay wasaarada arrimaha gudduhu ay ugu samaysaa fiisaha dal ku soo galida. markaas Dr. Macow wuxuu ku soo galay ogaalnsho dalxiis, waa siday ka dhawaajisay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadkuye.

2.  Ku shaqeysiga xirfadda shaqo:  marka ynu eegno dhinaca caafimaadka waxa uu qaynuunka dhigayaa in Dhakhtarkastaa uu u soo gudbiyo codsi ogolaansho ah in uu ka shaqeyn karro dalka iyo shahaadadaha aqooneed ee uu sito inuu u soo gudbiyo wasaaradda caafimaadka iyo guddida mihnadlayaasha caafimaadka qaranka (NHPC) marka ay wasaaradda caafimaadka u gudbiso Guddidaasi Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ee ay iyaguna hubiyaan, ka dib ayey siiyaan warqad ogolaansho ah inuu ka shaqeyn karro dalka si waafaqsan siyaasada wasaarada caafimaadka. taasi may dhicin inuu soo marro Dr. macow.

3.  Baadhitaanka bukaan socodka :  Wasaaradda caafimaadka xeerka nidaamka shaqo ee u dajisan wuxuu tilmaamayaa in Doctorku eegi karro ama baadhi karro halkii saacba ama saacaddiiba inuu baadhi karro 2-3 qof oo bukaan socodka ah, Habkani waa habka hawl-maalmeedka  Dhakhaatiirta dalku ay u gutaan wajibaatkooda xil-gudasho iyagoo oo maalintii eegaya ama 12 saacadoodba 40 qof oo ah bukaan socodka, markaas halka  Dr. macow uu maalintii ama 12 saacadood uu doonayey inuu baadho 490 qof oo bukaan socodka ah saacadiiba wuxuu doonayey inuu eego 62 qof oo bukaan socodka ah, taasoo noqonaysa in  40 ill bidhiqsi uu baadho  1 qof oo bukaan socod ah, qof bukaan ah lagagama bogan karro 40 ill-bidhiqsi in lagu baadhi karro taasina waxay halis ku tahay bukaan socodka in la siiyo ama uu u qoro daawo khalad ah oo caafimaadkooda  khatar ku keeni karta, iyagoo markoodii horaba la  il-darnaa/la Il-dareyd xaalad caafimaad darro, markaas taasi ma waafaqsana qaynuunka xeerka eegitaanka bukaan socodka ee u dajisan wasaarada caafimaadka iyo guud ahaanba Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO,  waana danbiile Qaran waa in sharciga lagu abaal mariyaa.

4. Dhinaca kharash:  waynu ognahay mar-xaladaha wakhtigan xaadirka ah ee dalkeenu marayo  iyo baahiyaha dhaqaale ee ku gadaaman bulshadda reer Somaliland in aanay awoodi karrin qadarka lacageed ee Dr. macow kaadhadhka aragtida loogu jarayey $40 qofkiiba , waxaynu odhan karnaa dhinaca booqashada Dhakhaatiirta dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa ugu yar oo lagu booqdaa Dakhtarka kaardhka eegitaanka  lacag dhan 5000 Illaa 20,000 oo shillin Somaliland ah oo u dhiganta $1 illaa $3 dollarka mareynkanka ah, waxa kaliyaatee maanta la odhan karaa dhkhtarka kaliyaata ee  eegitaankiisu u qaalisan yahay Somaliland waa Doctor gaboose oo bukaan socodka ku eega 130,000 oo Somaliland shillin ah oo dhiganta $20 dollarka mareynkanka ah, markaas Dr. Macow wuxuu bukaan socodka ku eegayey lacag dhan 260,000 shillinka Somaliland ah oo u dhiganta $40 dollarka Maraykanka ah  inuu kula kulmo bukaan socodka  qadar  40 illbidhiqsi ku kooban,  lacagta Jeebada ugu dhacday Dr. macow  ee uu ka urursaday dadka bukaan socodka ee somalialnd  waxay dhan tahay 80.000 oo dollarka mareynkaka ah, taasi tilmaanteedu  dadka aqoon yahanka ah muhmal kama gali karro, rabitaanka Dr. Macow iyo kuwa ku xeeran ee shirqoolkan ka waday dalka jamhuuriyada Somaliland.
Hadaba waxaan tallo ahaan ku soo jeedin lahaa in talaabo laga qaado ciddii u fududeysay iyo dadkii bukaan socodka ahaa ee laga qaaday lacagta kuwii ka qaaday iyagana in la soo qabto,  si dadkaasi lacagtoodii dib loogu celiyo, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado”.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Thursday, March 6, 2014

Khatarta ka soo fool leh sunta wasiir buureed sheegay in Badda lagu shubay ee aanu qaylo-dhaanta ka bixin.


 

Hargeisa (Haatuf)  5. Murch. 2014. wasiirka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cali jaamac  buureed ayaa 1 bishan saddexaad  war-bixin siiyey qaar ka mid ah warbaahinta, isagoo sheegay oo kaga waramay in maraakiib shisheeye ay sun ku qubeen meelo kamid ah badda Somaliland, balse wasiirku suntaasi khatarta iyo saameynta ku soo fool leh badda iyo deegaanka qaylo-dhaan kamuu bixin.

Tanni maaha wax la sahashan karro summaha iyo wal-xaha kale ee lagu daadiyey  baddeena taasina waxay saameyn khatar ah ku keeni kartaa khayraadka baddeena, deegaankeena iyo caafimaadka bulshadeena , haddii aan laga hortagin, oo aan la iska kaashanin sidii gacan bir ah la iskaga qaban lahaa maraakiibta ku soo xadgudbaysa baddaheena eek u daadinaya sumaha iyo walaxa kale.

Sidaa daraadeed annagoo ka duulayna siyaasadda fayo-dhowrka wasaaradda caafimaadka,  waxaanu qaylo-dhaan u diray dhamaan haydaha caalamiga ah ee Illaada badaha nool inay soo faragaliyaan arrimahan xaasaasiga ah, si loo baadho khatarta sumahan ay ku keeni karaan khayraadka badda iyo deegaankaba, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa  maraakiibta suntan ku daadisay  badda Somaliland iyo xad-gudubka ay ka wadaan  badda Somaliland.

Xukumadda ahaan waxaan ugu baaqayaa in shir-degdeg ah laga yeesho oo aan la dhayalsan khatarta sunta uu sheegay wasiir buureed in lagu daadiyey badda Somaliland, hadday noqon lahayd Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda, wasaaradda Caafimaadka iyo Baarlamaanka iyo guurtidda.

Madaxa Maareynta Khashinka iyo Ka- Xakameynta khatarta Deegaanka
 Maxamed Faarax Qoti