Thursday, January 2, 2014

Somaliland :-Wasiir Beertiiisa ku dhisay Wasaaradda Caafimaadka

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                    2nd /January/2014  


Nin walba wax-baa lagu xasuustaaye, waxaan jeclaystay innaan dibada u soo saaro oo aan soo bandhigo wax-qabadka mid ka mid ahaa 10-kii wasiir ee waasaaradda caafimaadka soo maray muddadii Somaliland soo jirtay.

Annigoo waajib iskaga dhigaya innaan intii ogaal kayga ah aan kaga hadlo wax-qabadka taariikhda u galay wasiirkan ka midka ahaa 10-ka Wasiir ee Wasaaradda Caafimaadka soo maray.



Wasiirkan  oo ahaa wasiirkii labaad ee  ugu muddada dheeraa wasiiraddii soo maray Somaliland, Haddana ahaa Wasiirkii ugu muddada gaabnaa  10-kii wasiir ee xil-ka soo qabtay  wasaaradda caafimaadka, wasaaraddaas oo hore loo odhan jiray wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, ayaa haddana noqday Masuulkii ugu wax-qabadka badnaa wasiiraddii wasaaradda Caafimaadka iskaga danbeeyey.

Haddaba  yaanan ka fogaan dulucda qormadaydee waxaan  dhawaan booqday Xarunta xafiiska hayadda Caruurta Aduunka ee UNICEF ku leedahay koonfurta magaalada Hargeysa, taasi oo ah  ta ugu weyn xafiisyadda hayaddu ku leedahay dalalka geeska Africa, intaanan galinba waxaan dib u xasuustay sidii ay ku suuro gashay xarun dhul intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeena ee Hargeysa, ka dibna,  waxaan markiiba ku farxay midho dhalka hiigsigii wasiirkaas wax-qabadkiisa aynu qalinka u qaadanay.

Kaasoo ahaa wasiirkii maskaxdiisa ay ka soo maaxatay in xarun intan leeg ee hayadda caruurta Aduunku ku yeelato Somaliland,  waxaanay taasi suuro gashay markii uu ku dhiiraday in uu dhul uu sigaara u lahaa ugu deeqay hayaddaasi, in kastoo aanu nasiib u hellin isagoo xilka Wasaaradda  Caafimaadka haya in la hir-galiyo.

Lamaan yaabin dhismaha, laakiin, waxa darreen gaar I galiyey hiigsiga iyo arragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal)  oo ahaa wasiirka caafimaadka  10/August/2006-kii-15/August/2007-kii.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu siiyey dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka geeska Africa, kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay in ay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga labada dabaq ah ee hadda wasaaraddu ku shaqeyso, inkastoo  xilka wasiirnimo uu iska casilay haddana nasiib umuu hellin isagoo xil umadda u haya dhameystirka labaddaa dhisme ee aynu ka waranay.

kuwaasoo muhiimadda dalka ay u lee’yihiin ka sakow,  ay aad u kala fog yihiin goorta la qorsheeyey iyo wakhtiga ay fuleen, taasi oo ka markhaati kacaysa  qiyamka iyo arragtidiisa suuban, taasoo ku dheehnayd Wadaniyad  iyo xilkasnimo. 

Inkastoo ay tahay UNICEF Hayaddaha ugu weyn Aduunka, haddana, waxa aan la illoobi karrin doorka muhiimka ah ee ay ugu jirto dalkeena, taasi oo buuxinteedu ay ka mid ahayd arragtiyaha fog ee Cabdilaahi dirawal niyadda ku hayey inay Somaliland xarun ku yeelato,.

Marka dhinaca kale laga eego, waxa ay muujinaysaa in soo dhaweynta shacabka Somaliland oo uu matalayey masuulka dhulkiisa siiyey uu dareensanaa doorka wax-qabadka dalka ay kaga jirto haydda UNICEF,  dhinaca caafimaadka, Wax-barashada, biyaha, Deegaanka, IWM.


Maxamed Faarax Qoti