Thursday, October 1, 2015

Garaadka Dadweynaha ee Xulashada Hoggaamiyaha wanaagsan.

Garaadka Dadweynaha ee Xulashada Hoggaamiyaha wanaagsan. 

W/Q. Maxamed Faarax Qoti  10/Aug/ 2015


Hoggaamiye laguma tilmaamo inuu yahay  Madaxweyne loo doortay mansabka ugu sareeya ee maamula tallada dalkiisa,  balse, waxa kaloo lala wadaajiyaa magaca hogaamiyenimo, masuuliyiin kale, oo kala ah sida; 

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo murrashaxiintooda ugu tartamaya jagada Madaxweynaha, kuwaasoo guushoodu ku xidhan tahay helitaanka codka ugu badan ee dadweynaha si ay u gaadhaan hoggaaminta xukunka dowladda, taasna waxa loo nisbeeyaa inay tahay mid ka timid dhinaca habka kala xulashada garaadka dadweynaha.

 Ta labaad: Gollaha wasiiradda ayaa lala xidhiidhiyaa wadaagista magaca guud ee hoggaamiyenimo,  inkastoo haddana lagu sifeeyo inay yihiin siyaasiyiin kuwaasoo ah  wakiiladda xafiisyadda dowlada isla-markaana ku shaqeeya siyaasada iyo qorshaha maamulka dowladnimo ee u dajisan, kuwaasoo ku yimaada hadba habka Madax-weynaha tallada hayaa u soo xusho cidda uu u wakiillanayo xilka hogaamiye ee wasaaradihiisa, taasoo inta badan ku timaad hab qabiil,  isla-markaana, beera ama baabiiya saricii iyo midhihii la goosan lahaaba, balse, inkastoo lagu sifeeyo beertaasi inay tahay dadweynaha, midhaha ay goostaana waxay noqotaa wixii ay beerteen, taasoo lagu sababeeyo inay ka timid, habkii kala xulashada garaadka dadweynuhu ku kala doorteen Madax-weynahooda.

Haddaba, waxa malahayga ah oo aan qormadaydan ku iftiimin lahaa, haddii la raaci lahaa 10-ka qodob ee adduunku isla qaatay in lagu qiimeeyo amaba lagu xusho hoggaamiyaha toggan uu waxweyn ka tari karro ama daawo u noqon karo calaacal beri ah oo ku yimaad dadweynaha iyo inuu sidoo kale isbeddel waara oo midho-dhala ku keeni karo, dhinaca Caddaaladda, koboca dhaqaalaha, kaabayaasha adeegyadda arrimaha bulshada, lana arkee dalka iyo dadkiisa oo horumarsan, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay cabbirka hagaha ugu fiican ee wax lagu qiimeeyo, haddii ay noqon lahayn habka Madax-weynuhu ku soo xusho Golihiisa Wasiirradda, iyo haddiiba ay noqon lahayd, habka dadweynuhu ku soo kala xulshaan Hogaamiyaha Toggan “Madaxweynaha,” waana sidan hoos ku qoran.

1. Ma sababeyn karaa tallaabo kasta oo uu qaadayo.
2. Ma lagu sifeyn karaa inuu leeyahay arragti-fog, hiigsi iyo himmilo mustaqbal.
3. Ma yahay mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo.
4. Ma yahay mid aan eex lahayn, isla markaana loo arko inuu si siman dadkiisa u wada-daweyn karro.
5. Ma yahay mid ku hanweyn inuu dadkiisa ugaga tago dhaxal.
6. Ma yahay mid ku kalsoon wax kasta oo uu qabanayo, maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba.
7.  Ma leeyahay dhiirigelin.
8. Ma yahay mid sameyn kara dhawaaq amar leh oo go’aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay.
9. Ma yahay mid wakhtiga ku haboon wax-ka-beddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka.
10.  iyo inuu yaha mid daacad ah.

W/Q. Maxamed Faarax Qoti



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid