Sunday, June 23, 2019

Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay.


“Qormo iftiiminaysa in Jidkii shalay,  maanta ay ina tusinayso, Bari khasaaraha wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland”


Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka (WHC) Jamhuuriyadda Somaliland, oo horena loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka (WC) marna, Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada (WCSH), waa ha’yad dowladeed oo ay shaqadeedu tahay in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaadka, lana hubiyo tayada adeegyada caafimaadka ay bixiyaan, lana joogteeyo caafimaadka meertada nolosha deegaanka, himiladeeduna waa in dhamaan muwaadiniintu reer Somaliland ay helaan adeeg caafimaad oo tayodeedu aad u sareyso, si simanan loo joogteeyo, kuna noolaadaan nolol wanaagsan oo badqabta, hadafka hiigsiga lagu gaadhayo himiladaasina ay tahay, in loo abuuro deegaan kasta xidhmooyinka adeegyada caafimaadka bulshada oo tayo’doodu sareyso, wax tar leh, la awoodi karo, la helli karo, si simana loo wada gaadhsiiyo bulshada, kaasoo tayada daryeelka caafimaad uu ka turjumaayo baahida bulshada, fiiro gaar ah loo yeelanayo dadka ugu nugul in ay helaan daryeel caafimaad oo joogta ah, taasoo loo marayo nidaamka maamul daadajinta goobaha caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Halka, Wasiirkuna uu yahay hogaamiyaha guud ee siyaasadda lagu hagaayo wasaaradda horumarinta caafimaadka, hagaajinta addeegyada caafimaadka bulshada ee daruuriga ah, hirgelinta xeerarka caafimaadka,  hagidda iyo hubinta maamul la jaanqaadaya siyaasadda guud ee Xukuumadda ee ku wajahan himilooyinka loo dejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, hiigsashada dhaqaale lagu horumarinaayo caafimaadka, magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada markuu la tashado Agaasimaha Guud, Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xanbaar-san ciqaabo, isku xidhka Wasaaradda iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda, saxeexida Waaranada Guud iyo mashaariicda, u gudbinta ku talo galka Miisaaniyadda Wasaaradddiisa Madaxweynaha isaga oo u marinaya Wasaaradda maaliyadda ku talo galka kharashka Wasaaradda ee sannad maaliyadeedka dambe isaga oo ka duulaya warbixinada, hay’addaha, wakaaladdaha iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada Wasaaradda, dejinta hab iyo hannaan si xilli-le ah loogu qiimaynayo xil gudashada Wasaaradda, kaas oo uu sannad kiiba mar Madaxweynaha hor dhigayo, wasiirku wuxuu ku leeyahay hay’addaha, wakaaladdaha ama shirkadaha hoos yimaadda kormeer,  horumarinta xidhiidhada caalamiga ah iyo suggidda, adkaynta midnimadda ummadda ee ku wajahan jiritaanka.

Haddaba, innagoo ka duulayna xilka waajibaadka wasiirnimo, ayeynu halkan ugu soo qaadan doonaa, habkii farshaxannimada lahayd ee ay u  isticmaaleen go’aamadii caqli galka ahaa, waayo-aragnimadii ay ku gaadheen aragtidaa fog, dabeecadihii garashada maanka fahamkiisu qotoda dheeraa iyo sababihii keenay guul darooyinkoodii,  hab-dhaqanadii fiicnaa ee ay sameeyeen muddadii ay xilka wasiirnimo hayeen 18-wasiir ee soo maray xilka wasiirnimo ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kalena, dhowrsoonaanta dublamaasiyadeed awgeed marnaba u gudagalimaayo dhinaca hab-dhaqada cakiska ee ay lahaayeen, sida, samo-falka, daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go'aan qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka, balan-qaadka, feejignaan iyo dhanka wanaagsan wax-ka eega.

Markii uu dhamaaday dagaalkii  ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM )  kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland  sannadkii  1991-kii.

Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali markii uu soo dhisay gollihii xukumadiisa, waxa uu u soo magacaabay jagada xilka wasiirnimo ee wasaaradda caafimaadka mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib timacad), laba wasiir oo mid ka mid ahi isagoo aan la wareegin xilka wasiirnimo geeriyooday, halka wasiirka kale uu geeriyooday, isagoo xilka hayey muddo laba-todobaad ah, (AHUN) Xassan Cabdule Walanwal (Xasan Keyd)  iyo (AHUN) Xassan Yuusuuf Nuur (Xassan waraabe Cade), ka dibna, waxa loo soo magacaabay  wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, wakhtigaas lagama soo kaban burburkii ku yimid dalka, waxa kale oo xukumadu ku hawlaneyd aassaasska nabad iyo xasilooni ka dhalata dhamaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii loo doortay jagada hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Sannadkii 1993-kii bishii Dirir-cawleed, 5-teedii,  waxa uu u soo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, muddane, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),  oo hadda Wasiir ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah,  muddo yar ka dib, waxa kala wareegay Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo xilka hayey muddo aad u koobneyd, isla-wakhtigaas waxa  mar-labaad loo soo magacaabay Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, waxaana kala wareegay oo muddo aad u gaabneyd hayey Mudane, Cali Maxamed Warancade, wakhtigaas waxa lagu hawlanaa aassaasska nabad-galyada iyo xasilooni ka dhalata dhamaan gayiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay abuurtay xasiloonidii iyo nabad galyadii ka dhalata fahankii fiicnaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho-dhalkiisa, in ay maanta ahaysiiso in midhihii la beeray aynu ku gurano jawi degan iyo rajo fiican.

(AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii uu ku guuleystay mar-labaad doorashadii loo tartamayey jagada Madaxweynenimo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u soo magacaabay (AHUN) Dr. Cabdi aw daahir in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 13-kii bishii Daalalo sannadkii 1997-kii  illaa iyo 11-kii bishii Deyr-halalood Sannadkii 2001-kii. 

Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu waa xiligii ay ugu wax-qabadka badneyd, wakhtigaas waxa la dejiyey qorshe shan sanadood oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadka dalka iyo shuruucihii caafimaadka oo ay ansixiyeen labada golle qaran,  qorsheyaashii xeelladeed ee horumarinta caafimaadka waa kuwo ka caawiyey in la qabto shaqo fiican, oo diirada saarayey dhaqaalaha iyo tamarta, waxa kale oo nidaamkani uu muujiyaa dhinaca aad ka liidato iyo cabaqadaha laga hortagi karaayo, lana fuliyo talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si markaa loo gaadho heerka ugu sareeya ee suuragalnimada ah.

Wax-qabadkaas waxa ka mid ahaa in dib-u-habeyn lagu sameeyey dhamaan qeybaha adeegyada caafimaadka bulshada ee ku yaala wadanka jamhuuriyadda Somaliland, waxaana dalka laga hirgaliyey shan cusbitaal, sideed iyo afartan xanaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka iyo boqol iyo labaatan goobaha daryeelka caafimaadka, kuwaasoo dhamaantood si hufan u gudanaayey bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka bulshadu u baahnaayeen, waxa kale oo la hirgaliyey nidaamka dhaqaalaha maaliyadda caafimaadka. 
Waxa suuro-galiyey wax-qabadkaas oo sabab u ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada oo xirfad aqooneed u lahaa hirgalinta nidaamka caafimaadka iyo  xirfadaha dabiiciga ah, waxaanay ahaayeen shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo badan u lahaa habka maareynta caafimaadka, isla markaana isku duubnaa dhinaca shaqada.

 (AHUN) Dr. Cabdi aw daahir markii uu xilka ku wareejinaayey Xasan Ismaaciil Yuusuf, waxa uu yidhi:”,  “iyada oo lagu jiro xilli adag ayeynu haddana wax badan qabsanay marka loo eego duruufaha inagu xeernaa, waxaanu intaasi ku daray “Gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka oo xil balaadhan u haysa ummadda adduunyana aan soo saarin waxayse la dagaalantaa cadawga koowaad ee dadka iyada oo daweysa dadka buka, xilkaana waxa qabta xooga halkan fadhiya iyo bahweynta caafimaadka iyadoon mushahar hagaagsan la qaadan, tabobar la qaadan intaana waxaynu ku gaadhnay dedaal”,  waxaanu qiray in ay dhaliilo jiraan balse aanay badnayn marka loo eego halka ay maanta marayso “Iyada oo dhaliilo iyo canaanoba jiraan laakiin halka aynu maanta maraynaa waa meel fiican”.

Ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaweynenimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (AHUN) Cusman Qaasim Qodax, oo xilka hayey 05-tii bishii Samo-laho Sannadkii 2003-dii illaa iyo bishii Karaneed 6-deedii Sannadkii 2006-dii, (AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa qabadkiisii waxa lagu xusuusan karaa in uu ku guuleystay maamul daadajinta Miisaaniyadda Caafimaadka Gobollada, waxa kale oo uu soo saaray kuliyaddii ugu horeysay xirfadlayaal caafimaad oo ka qalin jabiyey Maxadka Culuunta Caafimaadka Hargeysa (Hargeysa Nursing School), ardeydaas oo tiradoodu dhameyd 85-arday oo maanta ka hawl-gala dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka dalka, waxa kale oo la diiwaan galiyey dhamaan goobaha adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo dejinta qorshe shan Sannadood oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 (AHUN) Cusman Qaasim Qodax markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu halkan umaan iman in aan ka hello dhaqaale xilka wasiirnimo ee la ii igmaday, waxaan halkan u imid in aan si daacad ah uga hawl-galo sidii umada loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo hufan, maanta qiyaasta cabirka dhexdaydu way idiin muuqataa, marka aan xilka ka dego, haddii ay wax ku kordhaan cabirka dhexdeyda iyo haddii ay ku kordhi waayaanba, waxay idiin muujin doontaa in aan ku talax-tagay hantidii umada iyo kale.” (AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa uu ahaa shaqsi daacad ah, oo naxariis badan, cadaaliya, iskuna-kalsoon, balan-qaad iyo go'aan qaadasho wanaagsan.

(AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa xilka Wasiirnimo kala wareegay Mudane, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa Wasiirka Wasaaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii  illaa iyo 6-dii bishii karan sannadkii 2007-dii.

Wasiirkan  oo ahaa wasiirkii labaad ee  ugu muddada dheeraa wasiiraddii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ahaa Wasiirkii labaad ee ugu muddada gaabnaa 18-kii wasiir ee xil ka soo qabtay wasaaradda horumarinta caafimaadka, wasaaraddan oo hore loo odhan jiray wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, ayaa haddana noqday Masuulkii ugu wax-qabadka badnaa Wasiiraddii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iskaga danbeeyey, wakhtigaas waxa uu hirgaliyey qorshaha shan sannadood oo lagu horumarinaayey caafimaadka dalka.

Wasiir walba wax-baa lagu xasuustaaye, Mar aan booqday Xarunta xafiiska hayadda Caruurta Aduunka ee UNICEF ku leedahay koonfurta magaalada Hargeysa, taasoo ah  xarunta ugu weyn xafiisyadda hayaddu ku leedahay dalalka geeska Africa, intaanan galinba waxaan dib u xasuustay sidii ay ku suuro gashay xarun dhul intaa leeg ku fadhida in laga hir-galiyo caasimadda dalkeena ee Hargeysa, ka dibna,  waxaan markiiba ku farxay midho dhalka hiigsigii wasiirka ay maskaxdiisa ka soo maaxatay in xarun intan leeg ay hayadda caruurta Aduunku ku yeelato Somaliland,  waxaanay taasi suuro gashay markii uu ku dhiiraday inuu dhul uu sigaara u lahaa ugu deeqay hayaddaasi, in kastoo aanu nasiib u hellin isagoo xilka Wasaaradda  Caafimaadka iyo Shaqada haya in la hir-galiyo.

Lamaan yaabin dhismaha, laakiin, waxa darreen gaar I galiyey hiigsiga iyo arragtida fog ee uu lahaa Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ahaa wasiirka caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii  illaa iyo 6-dii bishii karan sannadkii 2007-dii.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu siiyey dhulka ay ka hirgalisay xarunta ugu weyn xafiisyaddeeda dalalka geeska Africa, kaliya wuxuu shuruud kaga dhigay in ay Wasaaradda Caafimaadka u dhisto gurriga labada dabaq ah ee hadda Wasaaraddu ku shaqeyso, inkastoo  xilka wasiirnimo uu iska casilay haddana nasiib umuu hellin isagoo xil umadda u haya dhameystirka labaddaa dhisme ee aynu ka waranay, waxay taasi ka markhaati  kacaysaa qiyamka iyo arragtidiisii suubaneyd, taasoo ay ku dheehnayd Wadaniyad  iyo xilkasnimo. 
Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) markii uu iska casilay xilkii wasiirnimo, waxa loo soo magacaabay Cabdi Haybe Maxamed oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaaka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd 6-dii bishii karan sannadkii 2006-dii  illaa iyo 23-kii, Diraacdii Sannadkii 2010-kiii.

Wakhtigaas hamsami u socodkii adeegyadii caafimaad ee la gaadhsiin lahaa bulshada, waxa curyaamiyey daruuro watay ceeryaamo badan oo dul hogonaayey Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, waxaana hoos u dhac weyni ku yimid Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ka dib, markii Wasiirka Caafimaadku ka caydhiyey dhakhaatiir ka hawl-gali jiray Cusbitaalkaas, isla markaana, waxa xilkii iska casilay Agaasimihii Cusbitaalka, ka dib, markii uu wasiirku ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo gaadhi Land-crueser ah oo hayada SARC ay lahayd looguna shaqeynaayey  xafiiska kufsiga ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe waxa uu mar kale soo saaray qoraal uu ku maroorsanayo maamulkii xidhiidhka hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaraddiisa, waxaanu wasiirku ku wargaliyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee maalgeliya mashruuca tallaalka carruurta (CHD)  in isagu yahay meereeyaha keliya ee maamulaya mashruucaas oo qiimihiisu ku kacayey lacag ku dhow hal milyan oo dollar, ($1milyan dollar)  sidaa darteedna aanay cid kale u gacan-dhaafi karin hawshaas, taasoo masuuliyadda fulinta iyo la xisaabtanka hawlaha mashaariicda  caafimaadka ee hay’adauhu kala shaqeeyaan wasaaradda caafimaadka uu u xil-saaran yahay Agaasimaha Guud.

Agaasimaha Guud (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cige ayaa tallaabadaas Wasiirku ku weecsaday hawshiisii shaqo ee loo igmaday kaga falceliyey warqad qoraal ah oo uu u qoray hay’adaas, isagoo ku cadeeyey in aanay hay’adu kala xisaabtami karin wixii ka yimaadda fulinta mashruuca tallaalka carruurta, maadaama isaga laga wareejiyey, waxaanay sababtay arrintaas  inay muddo aan la cayimin hay’adaha caalamiga ahi hakiyeen fulinta mashruucii ugu ballaadhnaa ee tallaalka carruurta Somaliland, kaasoo hore loogu  qorsheyey in uu dalka ka bilaabmo dabayaaqada bishii March sannadkii 2010-kii.

Khilaafkaas oo ay gacanta ku hayeen guddi wasiiro ah oo u saaray Madaxweynuhu, ayaa  cirka isku sii shareertay,  waxaanay sababtay in wasiirka caafimaadku soo saaro wareegto uu shaqada kaga joojinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cigge.

Qoraalkaas oo xanbaarsanaa erayo qalafsan oo aad u liitay oo ka baxsanaa nidaamka dowladnimo, aflagaado,  cambaareyn iyo eedaymo iskugu jiray ayaa qornaa, sidan “Maanta laga bilaabo wareegtadan waxaan kaa joojiyay shaqadii aad u haysay waaxda caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka iyo Shaqada ka dib markaad ku kacday falal ku lidi ah hawsha qaranka ee laguu igmaday taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay oo aan kaa waaniyay in aad isbedel ku samayso hab-dhaqankaaga maamul, balse aad ka waantoobi weyday, adiga oo ku tallaabsaday ficilo dhaawacaya qaranimada iyo xidhiidhka wasaaradu la leedahay hay’adaha caalamiga ah, sida qoraalo sharci-darro ah oo aad u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay ee wasaarradda wada shaqayntu ka dhaxayso. taas oo aad ku wargalisay in ay hakiyaan wadda shaqayntii, taakuladii iyo taageeradii caafimaad ee ay la wadeen.

Arrinkaas oo ka baxasan milgaha iyo maamulka dawladnimo isla markaana hoos u dhac weyn ku keenay sumcadda wasaarada iyo karaamada Qaranimada Somaliland,
Sidaa awgeed waxaan kaa joojiyay masuuliyaddii aad ka haysay wasarada caafimaadka iyo shaqada. Waxa si ku meel gaadh ah u sii wadaya ilaa amar dambe agaasimaha waaxda qorshaynta oo sii haynaya xilka Agaasimaha Guud.”
Khilaafkaas waxa uu dhaliyey in Wasiirka loo badelo wasaaradda Beeraha, halka, Agaasimihii Guudna loo badelay Wasaaradda Dib-u dajinta, waxaana Wasaaradda loo soo magacaabay, Wasiirkii Wasaaradda Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe, taariikhdu markay ahayd 23-kii bishii Diraaceed sannadkii 2010-kii illaa iyo 2-dii bishii karaneed ee sannadkii 2010-kii, Wasiirkii oo ahaa wasiirkii ugu muddada gaabnaa 18-kii Wasiir ee soo maray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, ayaa ahaa Wasiirkan loogu jeclaa, samo-falkiisa, daacadnimadiisa, naxariistiisa, raxmadiisa, waxaanu ahaa wasiir dhanka wanaagsan wax-ka eega, oo ahaa dhul lagu dul socdo oo qun yar socod ah.
Markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu waxaan ahay askar loo tababaray sida qofka loo dilo, laakiinse, waxaan muddo dheer wasiir ka ahaa wasaaradda cadaalada oo la mid ah wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, sababtoo ah, Rugta xabsiga waxay la mid tahay Rugta caafimaadka ee loo yaqaano Health Post, halka Saldhiguna ka yahay Xannaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka, isla markaana, Jeelasha xabsiyaduna ay ka yihiin sida Cusbitaalada caafimaadka ee lagu dabiibo dadka jiran”
Waxaanu intaas ku daray “ Dadka xabsiyada lagu hayaa waxay u baahan yihiin adeegyada caafimaadka ee la siiyo dadka buka ee jiifa cusbitaalada”

Wasiirkan waxa uu fuliyey muddadii gaabneyd ee uu xilka hayey mashruucii ugu balaadhnaa ee loogu tallo-galay talaalka caruurta oo ka hir-galay dhamaan gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo uu wasiirkaasi uu ku soo beegmay xilli kala guura ah oo dalka ay ka qabsoomaysay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu ku guuleystay doorashadii Madaweynenimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, oo hore loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Dr.Xoog),  taariikhdu markay ahayd 2-dii bishii Karaneed sannadkii-2010-kii illaa iyo 20-kii bishii Dirir sagaalood sannadkii 2013-kii.
Dhameystirka dhismihii uu ku suntanaa Mudane, Cabdilaahi Xusseen IImaan (Dirawal), waxa nasiib u yeeshay in uu xadhiga ka jaro  Dr. Xusseen Maxamed Maxamuud (Dr. Xuseen Xoog), wasiirkaas oo markii loo qorsheeyey xafiis ku yaalay dabaqa sare ee dhismahaasi muu jeclaysan, waxaanu yidhi:-“ Waxaan doonayaa in xafiiskaygu uu noqdo dabaqa ugu hooseeya, waxaana arrintaasi sabab u ahayd in uu hoos u soo dego wasiirkaasi, isagoo eegaayey dadka waayeelka ah ee aan soo fuuli karin jaran jarada dabaqa sare, dadka curyaamiinta ee laxaadka la’a ee aan soo fuuli karin jaran jarada dabaqa sare, waxay ka markhaati kacaysaa naxariista dhakhtarnimo iyo arragtidiisii suubaneyd ee ay ku dheehnayd xilkasnimo. 

Qoysaska danyarta ee aan haysan kharashka adeeg qaliinka lagu qalayo Hooyooyinka shinkoodu buuxsamo ee ay fooshu ku raagto, ayaa inta loo raadinaayo lacagta adeega qaliinka oo ahayd $ 500 oo dollarka, kala kulmi jiray in ilmuhu ku dhex bakhtiyo ama ay sidaasi ku umul aroorto hooyadii xaamilada ahayd cusbitaalka guud ee Hargeysa, Wasiirkan waxa uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyey ee bilaaba in adeeg qaliin oo lacag la’aan ah Hooyooyinka ay ku Dheeraato waqtiga Dhalmadu ka hirgaliyey Cusbitaalada gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa lagu xasuustaa Wasiirka Caafimaadka in uu ku soo kordhiyey talaalkii saddexanta ahaa, laba talaal oo lagag hortagyo cudurka beer xannuunka (hepatitis B Vaccine) iyo qoor-gooyaha (Haemophilus influenzae type B (Hib), labadan talaal ayaa lagu soo daray talaalka saddextan ahaa ee caruurta lagaga hortagi jiray talaakooda, cudurada Xiiq-dheerta, Gowracata iyo Qalajisada ee afka qalaad loogu yeedho DPT Vaccine (Diphteria, Pertusis and Tetanus Vaccine), talaalkaas oo maanta la yidhaahdo Talaalka Shanta ah, Pentavalent Vaccine.

Wakhtigaas waxa la dejiyey qorshe shan sanadood oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadka dalka, waxaana dhidibada loo taagay dhisida Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (National Health Provissional Council) iyo shuruucdii lagu dhaqaajin lahaa, waxa si fiican loo fuliyey mashruucii laga hirgaliyey gobolka saaxil ee xidhmooyinka adeegyada caafimaadka (EPHS) Somaliland, waxa xilka laga qaaday isagoo wada qorshe lagu keenayey qalabka shaybaadh oo lagu hubiyo tayada daawooyinka ka soo dega dhamaan dalka Somaliland.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) Taariikhdu markay ahayd 20-kii bishii dirir sagaalood sannadkii 2013-kii illaa iyo 14-kii bishii Damarsame sannadkii 2017-kii.
Waa wakhtigii Wasaaradda Caafimaadka ay ugu habacsanaanta iyo musuqmaasuqa badneyd, sababto ah,  xannunkii shuban biyoodka ee ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu arkay xannunkaas shuban biyoodka 5-qof oo uu ku dhacay xannuunkaas goobo ka mid ahaa tuulooyin ku yaala xuduudaha Somaliland iyo Dalka Itoobiya,  nasiib daro’se,  waxa uu xannuunkaasi uu aafeeyey dad tiradoodu ka badan tahay 18,000-qof, waxaana ku naf-waayey in ka badan dhowr boqol oo qof, kaasoo lagu qiyaasay in uu haleelay xannuunkaasi tiro ka badan 12,000 oo qof, halka xannuunkaas ay u dhinteen tiro ka badan 300 oo qof gobolka togdheer oo kaliya,  waxa maalintii la soo dhigi jiray 200-oo qof oo xannuunkaasi ku dhacay, waxaana lagu tilmaamay in boqolkiiba 70% ay ahaayeen dad u dhashay Somaliland. tixraac:- https://www.devex.com/news/volunteers-and-loudspeakers-how-a-local-response-curbed-somaliland-s-cholera-outbreak-91358

Gobolka laascaanood waxa uu xannuunkaas haleelay tiro lagu qiyaasay 312-qof oo ay u dhinteen 17-qof, halka buuhoodle’na uu asiibay xannuunkaas tiro lagu qiyaasay in ka badan 3000-qof dhimashadu ay ahayd in ka badan 75-qof, tirakoobkaasi ayaa ahaa dadkii soo booqanaayey cusbitaalada oo kaliyaata, balse, lama hayo tirada sugan dadka ku waxyeeloobay ee daganaa miyiga iyo tuulooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu ku guuleysatay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse biixi Cabdil, Sannadkii 2017-kii bishii dabersame, 14-keedii, waxa uu u soo magacaabay Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ooh ore loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, taariikhdu markay ahayd 14-kii dambersame sannadkii 2017-kii illaa iyo 14-kii bishii seerma-weydo sannadkii 2019-kii.

Muddo haatan laga joogo toban bilood, ayaan maalin ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro riman iyo kuwo hoorayey,  Wakhtigaas oo ay dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasaneyd neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala deyrka hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, haddana, guud ahaan, shaqaalaha waxa ka muuqatay wer-wer iyo walaac aanay saadaalin karin waxa ay ku danbeyn doonto mustaqbalka danbe ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Markii aan soo galay gudaha hore ee Wasaaradda, waxa aan kula kulmay albaabka hortiisa ee xafiiska wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka oo ku yaalay dabaqa ugu sareeya ee dhismaha wasaaraddaas, ruux dumar ah oo ka mid ahayd jabhaddii xaq u dirirka ee SNM, taasoo ku caga beeshay dagaaalkii ay kula jireen taliskii siyaad bare, waxay ku soo gaadhay iyadoo badhida ku siqaysa xafiiska wasiirka, waxaan weydiiyey in loo maqan yahay iyo in kale, waxa ay iigu jawaabtay, in loo sheegay wasiirku in aanu cid la kulmi doonin, isla markaana ay halkan ku sugi doonto, marka uu soo baxo wasiirka.

Wasiirku markii uu ka soo baxay xafiiskiisa ee uu isha ku dhuftay ruuxan naafada ah, waxa uu dib ugu noqday xafiiskiisii, waxaanu la hadlay, agaasimaha maamulka iyo lacagta oo uu amar ku siiyey in uu ugu yeedho, dhamaan shaqaalaha ka hawl gala ka dinka hore ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, lix nin oo ay laba ka tirsan yihiin ciidanka asluubta iyo ciidanka amniga, afarta kalena, ay ahaayeen shaqaale ka tirsan wasaaradda, ayaa markii ay la kulmeen wasiirkii, waxa uu ku yidhi”, “ Dhageysta annigu halkan uma fadhiyo dadka naafada ah, wax la iigu dhiibayna ma jirto, iskaba daaya taasoo, waxa aan la yaabanahay buu yidhi, sidii aad u soo qaadeen ee aad xafiiskayga hortiisa u soo dhigteen ruuxan dumarka ah, hadda laga bilaabana, shaqadii waan idinka joojiyey.” shaqaalahaas oo muddo shan iyo caanamaal, ka dib, lagu soo celiyey shaqadoodii.

Wasiirka waxa lagu xasuustaa in uu ka saaray bisinkii iyo takbiirtii ku xardhanaa dusha sare astaanta qaranka, kuna kordhiyey halaq laba carab leh oo ku maran shay dhumuc yar oo eegaaya Astaantii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo, lagu tilmaamo in uu yareeyey musuqmaasuqii baahsanaa ee ka jiray wasaaradda, haddana waxa ku maqnaa afar-gaadiidka loo yaqaano ambulance ee gargaarka degdega ah.

Waxa xilkii kala wareegay oo loo soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane, Cumar Cali Cabdilaahi Bade. taariikhdu markay ahayd 14-kii bishii seerma-weydo sannadkii 2019-kii. ?

Wasiirkan oo ku soo beegmay wakhti aanay jirin qorshe caafimaad oo loo dajisan shanta sanadood ee 2017-2022-ka oo ku eegtahay muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse Biixi Cabdi.  

Haddaba, Jidkii shalay, maanta waxay ku tusinaysaa, khasaaraha bari wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, haddii aanay ka taxadirin Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Soomaliland cida ay u soo wakiilanayaan masuuliyada wasaarada horumarinta caafimaadka.
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti