Sunday, October 25, 2015

RIYADII SAC-MAALLADA : Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Sabti: 24th/Oct/2015

RIYADII SAC-MAALLADA Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta.  Qor/ Maxamed Faarax Qoti.  Sabti: 24th/Oct/2015

Waxay sheekadan ku aroortaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay, waxa kale oo ay la xidhiidhaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka.




Beri hore ama wakhtiyo hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa.

Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnayd saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu  ka soo bixi jiray  musharax  u lay-lisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada,  isla-markaana waxa lagu kala saari jiray hadba ka buuxiya  10-qodob oo u ahayd astaan, laguna qiimeeyn jiray hoggaamiyenimada.

Habkan kala xulashada waxay  lahayd  xil-wakhtiyeed leh gu’yaal cayiman, oo  ahayd  hab-dunida ku cusubbaa  kagana  soocnaayeen boqortooyooyinkii  kale ee  jiray, boqortooyadaas waxay lahayd kumanaan kun oo xoolaha gees-layda Lo’da oo ay dhaqan jireen kuna tiirsanaayeen dhinaca noloshana  dhaqaalaha ka soo baxa ka ganacsiga suuq-geynta caanaha lo’daas.

Inkastoo boqorkaasi uu lahaa fikrado horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, haddana, waxa sabab u ahayd guul-daradiisii fikrad ka mid ahayd fikradihiisii, taasoo ahayd inuu raali-galiyo qof kasta.

Waxaynu halkan ku iftiimin doonaa in hoggaamintu ay tahay khariidad lagu gaadho guusha ay u baahan yihiin koox ama ururba, waana himilada iyo isbedelka fikradaha cusub ee loo haraadan yahay, taasoo caawisa kuwa qabanaya waxa saxda ah, ka dibna waxay ku jiheysaa dhisitaanka hiigsiga aragtida himilada iyo abuurid cusub.

Hoggaaminta aassaasskeedu waa dhaqan iyo waayo aragnimo, mana’aha  aqoon keliya, waxayna ku nooshahay himiladeena mana aha waxa ay inala tahay sida malaheena ah.

Waxa hoggaamiyayaasha intooda badan u isticmaalaan xirfadda maareynta jihadii ay doonayeen dadkoodu inay ku gaadhaan hiigsigooda, oo ah mid loo siman yahay oo xaq ah, waxa kale oo  khariidadu  ina siisaa jiheyn u kala dajisan sida ay u kala mudan yihiin iyo astaamo muujinaya in la gaadhay wixii la doonayay oo uu bartilmaameedku ahaa.

Inkastoo, haddana lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeed, haddana garaadkeenu wuxuu bixiyaa muuqaalo kala duwan, sida:-

Hoggaamiye Siyaasadeed: oo ah mid raad-ceeya  xiisaha ay keento qofnimadiisu.
Sahamiye:  kaasoo ah mid kasii gooya wadadii uu maray dhirtii ay ku sii nasan lahaayeen kooxdii la socotay ee taageersanayd.
Iyo Fuliye:  Waana Horumariyaha xeeladda shirkadu ay kula dagaalanto tartanka.

Qaabkii hoggaamineed  iyo casharadii laga bartay,  Habkii geedi socodka ee boqorkaasi oo ahayd nooc ka mid ah hoggaaminta la yidhaahdo: “Hoggaaminta isbedel-doonka”   oo loogu magac daray  “ Gubashada ka dib horumarka”.

Sac-maalladaasi waxa ay wada badeleen dhammaan qaabkii loogu tallo-galay hab u socodka maareynta iyo tixraaca wax-qabaddadii ka sii socday xafiisyadii loo magacaabay, taasina waa sababtii keentay inay bur-buraan dhamaan adeegyadii bulshadu ay ku tiirsanaayeen iyo inuu hoos u dhac ku yimaado hab-nololeedkii bulshadu ay hiigsanaysay, taasoo dadka indheer-garadka ahina ay hoosta ka xariiqeen in isbedelka la illaaliyo qaababkii loogu talagay hab u socodkii maareynta iyo sidoo kale in la hagaajiyo tixraacyadii wax-qabad kastoo soo socday.

Boqorku isagoo isha ku haya sidii ay u sii jiri-lahayd awoodda xukumadiisaasi, wuxuu isticmaalay inuu sameysto meelo uu wax ku sii qarsado, waxaanu magacaabay shan- xamaal oo awood-badan, kana mid ahaa Gollihii Sac-maalladaasi, kuwaas oo xariifiin ku ahaa dhinaca siyaasadda ganacsiga bulshada ee farsamada casriga ah, loona isticmaalo suuq-geynta ganacsiga caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho” PEST Analysis (political economic social and technological analysis).

Sac-maalladaas waxa ay is-weydiintoodii ahayd in ay ka fikiraan, sidii ay faa’iido ugaga heli-lahaayeen adeegyadda ganacsiga kala duwan reerkoodu, lana siiyo mudnaanta koowaad ee ugu fiican, lagana horeysiiyo cid kasta oo kari karta ollolaha suuq-geynta waxkasta oo adke ah iyo Subaga saafiga ee laga saaro burcadka laga lulo caanaha lo’da ee afka qalaad loogu yeedho “USP Analysis (unique selling proposition analysis).

Waxay iskaashi la yeesheen sac-maalladaasi, iyagoo wax-u qabanaya shaqsiyaad ka mid ahaa heerarka kala duwan ee bulshadaasi-siiyaan qaar ka mid ah gaadiid iyo lacag, taasoo ahayd, waa siduu malahoodu uu ahaaye, in ay ku gaadhi karaan tar-tanka musharaxnimada mansabka ugu sareeya ee tallada dalka, isla-markaana ay dadka garaadkooda ugaga iibsan lahaayeeen lacag, si ay u gaadhaan awoodda jagada hoggaaminta.


Sac-maalladaasi waxay jecleysanayeen oo ay inta badan ka fikiri jireen, sidii ay u dhex-galin lahaayeen ganacsigoodda, uguna tar-tami lahaayeen tar-tamayaashoodu guusha iyo inay sidoo kale ay raadiyaan habkii ay ku gaadhi lahaayeen dib u cusboonaysiinta guusha (Innovate successful) 

Noocan waa nooc u eeg qaab ganacsi oo kale, waana habkii geedi socodka mustaq-balkoodaasi uu ahaa, laakiinse, waxa tijaabiya, isla-markaana ku guuleysta arragtiyahoodaasi, goobaha suuq-geynta ganacsiga, kuwaasoo ah kuwa ugu haboon uguna xeelka-dheer baadhida suuqyadda.

Haddaba, waxa la qiimeeyaa lana baadhaa xaaladdaha ka taagan deegaanka, ganacsiga iyo shaqsiyaadkaba, ee la yidhaahdo; Habka barashada baadhidda heerarka aqoonsiga awooddaha wax-qabad ee gudaha, awooddaha uu ka liitay iyo fursadihii xasaasiga ahaa ee uu ku lumiyey arrimaha dibadda, taasoo iyana afka-qalaad loogu yeedho;-  SWOT  (Strengths, Weaknesses, Opportunities and Threats )

Casharo horaa wax laga bartaaye, waxay noqotay furaha qiimeynta hoggaaminta Boqorkaasina tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo.

Waxa haboonaan lahayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, unna dareensan yihiin ee ay u fahamsan yihiin, gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hoggaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.

Waxay kale oo ay ahaayeen Sac-maalladaas kuwo aad u tix-galiya boqorka markay horjoogaan oo kaliya,  laakiinse, marka ay ka maqan yihiina, waxay aahaayeen kuwo hoos u dhigi jiray, waxa suuragal ah taasi inay sabab u ahayd xirfaddahooda shaqo iyo xirfaddahooda dabiiciga ah ee ay lahaayeen oo aad u liidatay, inkastoo haddana taasi aan la odhan karin waa  tixgalin dhab ah, balse tix-galinta dhabta ahi ay tahay ta marka ay ka maqan yihiin ay siiyaan, waana ta’kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku uu mudan yahay.

Boqortooyadaas waxay lahayd arragti, awood maamul iyo ujeeddo siyaasaddeed oo dhinaca nolosha dadweynaha ah, taasoo dadka rayidka ahi ay dhammaantood u wada hoggaansanaayeen, ku dhaqanka siyaasadda maamulkaas.
Waxa kale, oo loo qaabeeyey sac-maalladaas inay dhaqan galiyaan siyaasadda arrimaha muwaadiniinta, iyagoo raacaya farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, taasoo ahayd habka barashada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira boqortooyadaasi, kuna shaqeeyaana xirfadda maareynta, wax-qabad toosan oo  wax ku ool ah.
Ka dibna, waxay Sac-maalladaas ay u isticmaaleen siyaasaddii arrimaha muwaadiniinta siffo khaldan oo ka duwan siffihii iyo milgihii ay lahayd qorshihiii nidaamka maamulka boqortooyadaasi, una dhigteen hab far-shaxan illaaq ah, musuq-maasuq, danno ay u eekeysiiyeen inay ku tar-tamayaan mabaadi iyo hoggaamin ay doonayeen innay ugaga  faa’ideystaan danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud.
Sidoo kalena, waxay sac-maalladaas ay lunsadeen in ka badan malaayiin lacaga taasoo ay ka musuq-maasuqeen dhaqaalihii ka soo bixi jiray iib-geynta subaga laga sameeyo burcadka caanaha lo’da laga lulo.
Boqorku markii uu ogaadey inay jirto wax-yaabo badan oo laf-jab ku ahaa boqortooyadaas iyo in loo soo dhex-maray sac-maalladiisa, salaana u noqdeen sidii ay wax-yeelooyin iyo khataro badan u soo gaadhsiin lahaayeen boqortooyooyinkii cadow ku ahaa, isla-markaana ay doonayeen inay ka fuliyaan gudaha boqortooyadaasi.
Ka dib, markiii ay ka war-heleen in la fahmay shirqoolkii iyo haddimooyinkii ay u maleegayeen, ayey go’aansadeen, kuna dhaqaaqeen in mar-qudhaata koox ka mid ah sac-maalladaasi ay ka dareereen shaqadii loo igmadey, taasoo ay is lahaayeen in ay tahay, habka kaliyaata ee ay ku wiiqi karayeen geedi socodkii boqortooyaddaas.
Waxaana arrintaasi lagu sababeeyey inay ahayd guul ka mid ah guulihii uu ku gaadhay guusha boqorkaasi, ka dib, markii uu dhigay farshaxan–xeeladeysan, oo uu kaga wareejiyey subagii ay ka sameyn jireen burcadka laga lulo caanaha lo’da, ee ay sida qarsoodi ah ugu iib-geyn jireen suuqa-madow, taasoo ahayd, isha ugu-weyn ee  dhaqaalaha ay musuq-maasuqaan, uu ka soo gali jiray.
Boqortooyooyinkii  kale ee xidhiidhka dhow la’lahaa ayaa wakhtiyo badan ka soo saaray war-bixino, digniino iyo sawiro muuqaalo fool-xun oo ay ku suureyn jireen dibin-daabyada iyo shirqoolada ay sac-maaladaasi ka wadeen gudaha boqortooyadaasi iyo boqortooyooyinkii kale ee ay jaarka ahaayeen.

Muddo ka dib, wuxuu boqorkaasi soo saaray guddiyo badan oo kala duwanaa, waxaynu halkan ku eegidoonaa guddidii khubarada dhakhaatiir ahayd ee uu u xilsaaray in ay ku sameeyaan baadhitaan xaaladda caafimaad, kooxdii sac-maalladda ee shaqooyinkii ay hayeen uga tagey khilaafkii boqorka ee habka maamulka iyo hoggaaminta.

Waxay taariikhdu sheegtay in guddidaa caafimaad ay soo saareen war-bixino kala duwan oo ku saabsanaa natiijooyinka xoggaha ka soo baxay baadhitaanadii Khubaraddii caafimaadku wakhtigaasi ku sameeyeen sac-maalladaas, taasoo ahay in dhamaan xubnaha sac-maallada laga hellay xannuunadda xumada badan ee ay sababto, hab-dhaqanka dabeecadaha qofku uu leeyahay, kuwaasoo inta badana ku dhaca  siyaasiyiinta.

War-bixin xanbaarsan natiijaddii xogta-caafimaadka ee ka soo baxday baadhitaanka lagu sameeyey sac-maallada, waxay ahayd, sidan:- 

-In ay rumeysnaayeen, wax-aanay ahayn, oo ahayd sawir-buunbuun ah ee ay lahaayeen dhinaca nolosha iyo awoodda, waxaanay ahaayeen kuwa dadka ku qanciya been, had iyo jeerna iska dhiga  inay daacad yihiin marka ay wax dal-banayaan, ka dibna marka loo dhiibana wixii ay dal-badeena aan sameeynin, isla-markaana aannu ka soo noqonin go’aan wanaagsan, kaasoo af-ka qalaad loogu yeedho, (Narcissist Personality Disorders)

-Halka kuwa kalena ay laahaayeen caadeysiga isla-weynida ee sibiibixashada baddan, marka ay khaldamaanna mar-marsiiyadda badan iyo in ay raadinayaan taxadir naftooda ah, kaasoo la yidhaahdo, (Narcissistic Personality Disorders)

-Iyo inay  lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shinbiraha lab ee kooxda isku raacda marna wada ciya, doqonniimada la arko qaaciidadooda, taasoo inta badan ku taxa-luqda nooc diimeed (manipulativeness),  danneystayaal  lahaa  awoodo badan iyo ujeedooyin qarsoon, waxayna isticmaali jireen habka shaqada farshaxanka masuuliyiinta qorayaasha, si aan loo ogaan ujeedooyinkooda qarsoon iyo inay markasta jecel-yihiin inay ka soo baxaan  muuqaalada muraarayadaha aan waxtarka lahayn (vanity-a love of mirrors) xannuunkaasoo afka qalaad loo yaqaano (Narcissism Personal Disorders).

-Waxa kaloo war-bixintaas caafimaad sheegtay inay ahaayeen kuwo awoodooda xirfadeed ay qurxinaysay shaqsiyadooda,  xaqiiqdiina go’aan qaadashadoodu waxay ahayd jaceyl kakan oo aan caadi ahayn una wanaagsanayn go’aan qaadashada siyaasadda, taasoo horseeda dhibaato iyo kacdoonka, xannuunkan oo lagu magacaabo, (Obsessive Compulsive personality disorders)

-Sida lagu sheegay war-bixinta caafimaad, waxay kooxda sac-maallada ay  ahaayeen kuwo ka xakameeya faa’iidada dadku wada heli-laahaayeen kuwaasoo u isticmaala Cadaalad-darro iyo Eex, waxaanay Sac-maalladaasi ay ahaayeen kuwo marka ay qolka dhexdiisa sii socdaan isla-markiiba bilaaba iyagoo cabiraaya qiyaasta xogta baahida dadka iyo shaqsiyaadka awoodahoodu dhinaca ay ka liidato, ka dibna u isticmaala qofnimadooda inay ku gaadhaan siyaasadda, waana kuwa isha ku haya ciyaarta, in ka badan wixii soo gali-lahaa, noocyadan qabow malaha culeys badan qaacidada xisaabteedu, waana shaki ay ku doonayaan soo dhawaansho dadka ay kaga doonayaan inay kaga hellaan ixtiraam, xannuunkaas oo la yidhaahdo (Machiavellian Personality Disorders)

Laakiinse, war-biximihii natiijooyinkii caafimaad ee ay soo saareen Khubaradii baadhay xaaladdaha caafimaad ee sac-maallada, laguma sheegin dabiibka iyo daaweynta xannuunada war-bixintu iftiimisay in laga hellay sac-maalladii khal-khaliyey boqortooyadaas.

Khilaafku wuxuu ka dhashaa ama lagu tilmaamaa inuu yahay Fursad marka loo geeyo khatar, ay tahay wadarteeda guud khilaaf, balse dhammaan sac-maalladaas waxa qudhaata ee u muuqdayna waxay ahayd Fursada, nasiib-darrose umay muuqanin Khatarta.

Wax-yaabaha hodday ee horseedka u ahaa hungowgii ku dhacay sac-maalladaas, waxay ku qiimeeyeen dadka dhinaca dhaqanka bulshada iyo arrimaha siyaasaddaha ku xeelka dheer in ay ahaayeen kuwo aan lahayn awooda lagu ogaado khaladaadka, xirfada la dhaqanka dadka, masuuliyad darro, manaanay ahayn kuwa abuuri kara fikrado kala duwan iyo kuwo cusub midnaba, isla-markaa waxay ku tilmaameen inay lahaayeen hab-dhaqanka iyo dabeecadaha hogaamiye-kooxeedyo dagaal oogayaasha ah.

Boqorku muu ahayn Kaligii-Taliye, waligii laguma tilmaamin wax u eeg muuqaalkaasi, talladana kaligii muu goosan  jirin ee wuxuu jeclaa habka nidaamka xukunka tallo-wadaaga taasoo ay ku dhisnayd boqortooyaddaasi.

Go’aan kasta iyo talaabo kasta oo dhinaca wax-qabaka hawlaha shaqo ee awoodaha xukumadiisa ee uu qaadayana, wuxuu u soo ban-dhigi jiray, kalana tashan jiray gollihiisa Sac-maalada, halkaasoo uu kaga go’aan qaadan jiray hadba tallada aqlabiyadda Sac-maalladiisaasi ay u bataan, iskuna raacaan.


(Hoggaamiyuhu wuxuu ka fikiraa oo uu ka hadlaa xalka, taageerayaashuna waxay ka fikiraan oo ay ka hadlaan dhibaatada.)

Boqorkaas iskumuu dayi jirin inuu ku abuuro niyad jab ama inuu tuurro oo ay ka siibtaan saaxiibaddii meeshay doonaanba ha hakala joogeene, laakiinse wuxuu isku dayi jiray inuu dhiiri-galiyo, waxa kale oo inta badan uu ku hamiyi jiray sidii uu u abuurilahaa fursado baddan oo uu ku soo kala saarayey ka leh xirfaddaha qarsoon ee dabiiciga ah.

Hoggaamiye kastaaba lagama yaabo inuu fahmi karo qiyamka xirfaddaha dabiiciga ah iyo xirfadda caadiga ah ee uu qofku leeyahay, balse ta   kaliyaata ee uu ku ogaan karaana waxay tahay isagoo hantiya oo ku xidhnaada  kuwo leh xirfadda dabiiciga ah iyo tayo-xirfaddeed oo gaar u ah.

Gollaha sac-maalladaas fikraddihii ay qabeen waxay ahayd in aannay marnaba suura-gal noqon Karin, isla-markaana wax dhici karra ahayn  xaajo aanay ogeyn ama aannay gooynin mooyaane aanu boqorkaasi kaligii go’aan ku gaadhin karin.
Waxaana arrintaas  lagu qiimeeyey  inay ka mid ahayd wax-yaabihii hoday ee horseedka u ahaa hungowgoodaas oo ahaa jaceyl kakan oo watay hamuun baddan oo ay ku doonayeen sidii ay mar uun iskugu dayi lahaayeen innay ku sameeyaan af-ganbi boqortooyadaas,  taasoo markii danbe loogu magac darray Riyadii Sac-maallada  iyo “ Isku-daygii  Af-ganbigii-Dhicisoobay”
Sababo baddan  oo jiray awgeed, haddana waxay ku masaaleen arrimihii dhacay iyo habkii ay sac-maalladaas  isticmaaleen ay ahay nooc ka mid ah af-ganbiga, waayo?  waxaanay ku sababeeyeen, soona qaateen sida uu dhigayey Dastuurka qaranka ee boqortooyadaas.

Taasoo ahay in xeer ka mid ah dastuurkaasi uu xaq u siiyey boqorku inuu  gaadhi karo go’aan, isla-markaana uu u soo jeedin karro gollahiisa sac-maallada go’aankii uu gaadhay.
Waxaanaay taariikhdu ku dartay in haddii go’aankii uu boqorku uu qaatay ay gollahiisa sac-maalladu kala horyimaadeen diidmo qayaxan oo ay ku diidayaan go’aankiisii, diidmadaas waxa lala xidhiidhiyaa in ay tahay habka diidmada qayaxan ee la yidhaahdo  “Veto” da’,  taasoo lagu tilmaamo mid ka mid ah Afarta qaybood ee ay ka kooban yihiin Af-ganbigu.

Dadka rayiyaddooda cabbira, kuwa wax saadaaliya, kuwa wax-qeexa iyo  qorayaashuba waxay ku sifeeyeen dhacdadaasi innuu boqorkaas la mid ahaa heesaagii caanka ahaa ee la odhan jiray “ Mofra” ,  isagoo ninkaas heesaaga ahaa ka heesaayo goob fagaare ah, kana mid ahayd goobaha habeenkii lagu caweeyo ka qaadaya hees aad u macaaneyd, isla-markaana isagoo badhtanka kaga jira heestaas, ayuu ka go’ay xadhig ka mid ahaa afartii xadhig ee uu lahaa Kabankii uu tumayey, ka dibna wuxuu ku dhameystiray heestii macaaneyd saddexdii xadhig ee soo hadhay, nasiib-wanaag mar-naba lagamana dareemin wax dhantaal ah intii ay socotay  heestii macaaneyd ee uu qaadayey heesaagaas.

Muddo ka dib markii ay soo dhawaatay muddo xilleedkii boqorkaas xubintii uu ka soo baxay waxay qabteen shir-guud oo ay ku kala dooranayey musharaxii ugaga qayb gali lahaa tar-tanka doorashada jagada hoggaamiyaha  boqortooyadaas.

Waxa kale oo loo eegi jiray, laguna qiimeyn jiray 10-shuruudood inay leeyihiin musharaxiinta saddexda xubnood ugaga sharaxan jagada hoggaamiyaha boqortooyadaas, shuruudahaas oo ahaa sidan:-

Inuu yahay mid daacad ah, oo sababeyn kara tallaabo kasta oo uu qaadayo, laguna sifeyn karro inuu yahay mid leh arragti-fog, himilo iyo hiigsi mustaqbal, oo ah mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra,  raadin karra waxa khaldan si uu u saxo, isla-markaana ay u arkaan inuu si siman dadkiisa u wada daaweyn karro, oo aan lahayn eex, kuna han-weyn inuu yahay mid dadkiisa ugaga tagaya dhaxal,  sameyn karana amar go;aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay, wakhtiga ku haboona wax-ka baddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee dhibaatooyinka lagu xaliyo, kuna kalsoon wax kasta oo uu qabanayo maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba, oo ah mid leh dhiiri-galin.

Qodobadaa aynu kor  ku soo sheegnay Ka sokow, waxa kale oo ay dadkaasi intooda baddan ay  iibsan jireen hoggaamiyaha ka hor inta aanay iibsanin aragtiiisa, iyagoo ku raaci jiray hoggaamiyahaas si mutadawcnimo ah, xitaa haddii aanu lahayn ciwaan ama aannu haynin wax xil ah, sidoo kalena waxay ku tilmaami jireen hoggaamiyaha dhabta ah inuu yahay ka isku kalsoon ee kaligii meel istaagi kara, mana aha bay odhan jireen furaha guusha lagu gaadhaa inay tahay awood, waxa kale oo ay ku tilmaami jireen inay danbiilayaal yihiin kuwa ku hoggaamiya sidii dadku madaxa ay iskula dhici lahaayeen.

Dhamaadka riyadii sac-maalladu waxay soo gabo-gabowday ka dib markii loo doortay murrashax ugu tar-tamaya jagada boqornimada ee u taagan xubintii uu ka soo baxay boqorkii wakhtigaasi hayey tallada boqortooyadaas.

Murrashaxaas oo lagu tilmaamo inuu ahaa halyeyadda raaciga ah ee inta baddan dunidan guudkeeda ku noollaada mar-mar iyo dhif mooyaane ay addag tahay in lagu arko.



“FG- Akhristayaasha sharaf mudanow waxaan ka cudur daaranayaa in aanay wali dhamaanin sheekadan oo ahayd saadaalin,  balse gororka dhibic ka mid ah gebagebaa sheekadan aan la sugayo, xilliga doorashadda Somaliland soo dhawaato, waa haddii uu Alle yidhaa, oo aynu ku gaadhno nabad iyo caafimaad qab.



Dr. Maxamed Faarax Qoti

Astrologist. PHO. Author 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid