Wednesday, November 9, 2022

Boqorkii Dadkiisa u Fasaxay Inay Xaman-karaan..

 


Waa hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii ka soo taliyey dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, Boqorku waxa uu muddo dheer  ku riyoon jiray dadka reer Koongo oo cabbaya biyo nadiif ah oo macaan, hilaadda xilligaas waxay dadka reer Koongo ay ka cabbi jireen biyaha Wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Biyaha ku jira Wabiyadan waxay ahaayeen kuwo  wasakhaysan oo aan nadiif ahayn, dadka reer Koongo markay cabbaan biyahan wasakhaysan waxa ku dhici jiray  cuduradda ay ka mid yihiin, ” Ebola, cagaarshowga (Yellow fever) Kolooraha, shuban-biyoodka, cudurka dabeysha iyo Beer-xannuunka, cuduradaas oo sababi jiray in ay dad badan oo reer Koongo ahi u dhiman jireen.

Boqorku wuxuu juhdi badan galiyey in la sameeyo sahamin biyood oo qaadatay muddo dheer ayaa lagu guuleystay soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, ka dib  muddo sannad ah ayaa la ogaaday in bulshadii degaanka ku noolayd aanay isticmaalin ceelkii biyaha macaannaa ee Boqorkoodu u soo saaray, isla markaana, ay ka cabbayaan biyihii wabiyada Ubangi–uele iyo Kasai.

Waxaannay arrintaas Boqorka ku abuurtay wer-wer iyo walaac badan, ka dib, waxa uu 

magacaabay guddi farsamo oo soo sameysa daraasado iyo baadhitaano lagu ogaanayey sababta keentay in aanay dadku ka cabin ceelkan biyihiisu ay nadiifta yahay.

Muddo dheer ka dib, markii  la soo saaray war-bixintii laga dhur-sugayey ee ahayd qiimeynta iyo xog-ururintii ay sameeyeen guddidaas, taasoo ahayd In boqolkiiba sagaashan iyo saiddeed dhibic sagaal (98.9%) dadkii la wareystay ay ku sababeeyeen in goobta uu ku yaalaa ceelku ay u dhaweyd beer uu deggenaa Boqorku, markii la weydiiyey dhibta ku jirta dhawaanshahaasina, waxay ku jawaabeen, “ Annaga waxa caado iyo dhaqanba noo ah in aannu xamanno Boqorradayada.

Maadaama boqorku tacab badan uu galiyey ceel biyoodkan, isla markaana uu u dhaw yahay beertan uu deggan yahay, waxaannu is nidhi Inta uu xanntiina maqli lahaa, ma’laha waxa ka qurux badan idinkoo kala fogaada xammashadiina, taasina, waa ta gun-dhiga u ahayd sababihii nagu kalifay in aannu ka cabbi weyno ceelkaas biyaha macaan leh, ee nadiifta ah.

Boqorku markii uu dhegaystay warbixintii guddida farsamo ay soo saartay, waxa uu go’aan ku gaadhay in uu soo saaro qarraar ka duwan kii hore u jiri jiray; “Qaarkaas oo dhignaa in maanta laga billaabo, qofkasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in uu xaman karro Boqorkooda, isla markaana, xanntaasi aanay noqon doonin fal-danbiyeedyo lagu ciqaabo muwaadiniinta dadka reer Koongo. 

Waxa go’aankaasi uu xal u noqday soo af-jarida khilaafkii soo jiitamayey ee ay dadka reer Koongo ku diidanaayeen in ay ka cabbaan ceelkii Biyaha macaanaa ee boqorkoodu ku riyoon jiray.  (Fiiro-gaar ah, Akhriste, maaha sheekadan mid aynu ku jideynayno in xantu ay tahay wax fiican, laakiinse, waa sheeko ka mid ah sheekooyinkeenii hallaasiga ahaa).


Qoraa. Maxamed Faarax Qoti