Posts

Xaaboolihii Dhakhtarka Noqday (The firewood collector, who became a doctor)

Image
Nin xaaboole ahaan jiray oo dhawaaqa codka shimbiraha ka faashan jiray, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo xaabaysanaya maqlay dhawaaq ciy shimbiro saarnaa dhirtii ka ag'dhawayd goobtii uu xaabada ka guranayey, shimbirahaas oo codad kala jaada oo cudoon ku luuqeynaya, sida, Odayga idaha caanaha uga'lis, ma'oodweynaad ka timid, Ido waa dawo, ido waa dawo, naagaa u diiday, naagaa u diiday, soo daf, soo daf, qaw haan qaw haan qaw, qaw haan qaw haan qaw iyo widhidhii, widhidhii, ka dibna, inta uu aad u qoslay, ayuu fahmay widhidhii, widhidhiidaas danbe in suuqa xaabadu maanta uu yahay widhidhii, widhidhii, ka dibna xaabo badan ayuu u iib geeyey, si fiicannna waa looga iibsaday. Maalinkii labaad xaaboolihii oo ku luuqeynaaya midhaha heestan macaan ee tidhaahda, Shimbir yahay lalaysaa, Adna laydha guudkaad leexaysanaysaa, Ragna laba diblaa geed, Gudub loogu loodshoo, Luguhuu Ka xidhan yahay, Sida aad u looshiyo, Liirtaanyadaan qabo, Laba kala fog weeyee, Lurka weli ma'kul...

Ma'ogolin Xadhiga Daba-galiska ah

Image
  Awrka hayinka ah wuxuu adkeysi iyo dulqaad u leeyahay rarka xajmiga culus ee gurada laga saaro Awrka gurgurshaaga ah ama ratiga, rarkaas wuxuu u baahdaa hab-farshaxannimo oo ay ku ladhan yihiin aqoon iyo xisaab sugan, waa siday ay awowyaasheen ugaga fikiri jireen culeyska, isu dheelitirka rarka iyo ilaalinta xooluhu si ay ugu adkeystaan xilliga lagu jiro hayaanka dheer ee geedi-socodka baadiyaha, taasi waxay ka turjumaysaa dulqaadka, isku-tashiga iyo adkaysiga ay bulshada Somaliland u lahaan jireen xaaladaha adag ee ku saabsan noloshood iyo waayahooda nololeed. Haddaba inagoo taas ku dabaqayna maanta wacyiga iyo xaaladda taagan, ma,ogolin xadhigaa daba-galiska, waxaannu ku diida ahay, waxaynu ka ogolaanay inay inagu xidhaan xadhig- hogaan ah oo ay inagu hogaamiyaan, haddana, waxaynu ka ogolaanay xadhigii faruur xidhka inay inagu xidhaan, waxaynu ka ogolaanay tu'intii iyo duu inay inagu yudhaahdaan, markaasaynu maqalnay, waynu maqalnay, waynu u soo joogsanay, waynu u hogaansanay...

Dhacdo

Image
Hooyaday waxay xabsiga ku jirtaa muddo lix-sanno ah, iyadoo lagu eedeeyey dilkii aabahay, illaa iyo hadda qofna muu rumaysnayn in aanay waxba galabsan.  Shan daqiiqo ka hor dilkii Aabahay, walaalkayga iga yar ayaa ku tiirsaday, "Ha ii ooyin," hooyaday ayaa ku tidhi, iyadoo gacmaheeda lagu xidhay katiinad, balse, codkeedu wuxuu ahaa mid ay ka muuqdo degganaansho, Todoba iyo toban jir baan ahaa markii xukunkeeda lagu dhawaaqay.  Aabahay meydkiisa ayaa laga helay jikada gurigayaga, isagoo ay jidhkiisa ku yaalo hal-mindi ah oo lagu dhuftay, hubkii lagu dilay Aabahay oo dhiig leh ayaa laga helay sariirta hooyaday ay ku jiiftay hoosteeda, mindidaas faraheedii ayaa ku yaalay oo laga helay, maradii ay xidhnayd dhiig baa ku yaalay, waa wax iska cad, waligay kor umaan odhan hooyaday ayaa falkaa samaysay, haddana, anigoo rumeysan taas,, ayaa Hooyaday Caroline Hayes waraaq iiga soo dirtay xabsiga, fariintaas oo ahayd maan sameyn hooyo danbigaas, waligayna yeeli maayo in aan aabbahaa d...

Mulacii liqay subxaanyada

Image
Waa wax aad loola yaabo dharaarahan in aynu maqalno sheekadan aadka u xiisaha badan, waxay ahayd Xilli ay amintu ku beegnayd gabal dhac gol-cas, qoraxdu liiqa sii dhigaysay, jawiga cirkuna uu huwannaa daruuro riman iyo kuwo irmaan, oo ay dhacaysay yalalaxo khafiifa, neecow qabow oo xanbaarsanayd saxan-saxo udgoon oo uu socday duleedka caasimadda Hargeysa ayuu maqlay dhawaaq wadareed-shimbiro ah oo mashxaradaya oo geed fuushan, wuxuu u soo cago-duwaday dhankii uu ka maqlayey codka shimbiraha, wuxuu arkay mulac iyo subxaanyo is dilaya, mulacu inta uu hunguriga ka qaniinay subxaanyadii ayuu dabada ku martay geed yar, si aanay subxaanyadu ula cararin, waa dagaal kala bedbaadin tooduna ay ahayd mid aad u khatar badan. Mustafe kamuu tegin oo iskamuu dhaafin, wuxuu is yidhi kala bedbaadi oo kala qabo, ka dibna, aad u garnaqdid, wuxuu soo qaatay ul-dheer oo uu ku kala fur-furo mulaca iyo subxaanyada, wuxuu galiyey tacab badan ugu danbeyntiina wuu ku guulaystay in mulicii uu sii daayo subxaany...

Badda Haanta

Image
Naayaa dhig-dhigo dhabar yar  Geelii dhabada qaad  Kuraygii dhaqaaq joogsay  Naylihii dhawaaq daa  Waagii dharaarow'ye  Sow ma'ba dhanaannaatid  Ma fayoobid oo ogi  Faro’na kuguma yaal  Ma’furkaa lagaa nuugay  Haantu iyadoo doora  Oo doobir weyn la’lisa  Ayey doob gocorra aragtay  Dabadeed laga quusa  Qoraa Maxamed Faarax Qot

Nabi Shuceyb

Image
 Nabi Shucayb (CS) waxaa loo diray qoomkii reer Maduuna (Madyan) oo ku noolaa deegaanka degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, kuwaasoo loo yaqaanay dadkii Keynta, ama dadkii Ayga (Asxaabul-Aykah), waa dadkii ku noolaa dhulkii qanniga ku ahaa dhirta, Ayga iyo keynta dabiiciga ah ee ku teedsanaa buuraha dhereran ee Golis, Guban iyo Oogada Jamhuuriyada Somaliland. Y Nabi Shucayb wuxuu ahaa Nabigii 12-aad ee lagu soo dejiyo waxyiga, waxaannu ka soo jeeday faracii Nabi Ibraahim (cs), inkastoo Quraanka Kariimka ah lagu xusay 11-jeer, haddana, wuxuu ku magac dheeraa Af-hayeenkii Anbiyada, waxaannu dedaal naxariis ku dheehan tahay iyo joogteyn juhdi badan galiyey, sidii uu u tirtiri lahaa musuq-maasuqa, sanab caabudka, iyo dhaqamada ganacsi ee aan daacadda ahayn. Nabi Shuceyb wuxuu baaqiisii ugu horeeyey u jeediyey dadka reer Medyan, isagoo faahfaahin dheer ka bixiyay, si caddaalad ah inay dadka ula dhaqmaan, si sax ahna Alle u caabudaan, waxaannu ku booriyey inay iska joojiyaan miisaan...

Shaxda

Image
Ciyaaruhu waxay faaiido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka iyo caafimaadka maskaxda baniaadamka, Ciyaar dhaqameedka Shaxda, shantaradka iyo ciyaarta Jestu waxay u baahdaan maskax, fikir iyo xeelad ku fadhida xisaab qoto-dheer, waxaannay kobciyaan Maskaxda bani'aadamka, kuwaasoo kaalin weyn ka qaataan dhinaca, hagaajinta iyo horumarinta waxbarashada, xusuusta feejignaanta, kalsoonida, dhiiri-galinta, himmilada iyo go’aan qaadashada, kuwaasoo laga dhaxlo hab-dhaqannada wanaagsan, sida, habka-wada-shaqaynta, tix-galinta iyo dulqaadka, waxaannay yareeyaan walbahaarka iyo niyad-jabka. Ciyaar dhaqameeddada kale ee cadaloolka, leelada, luufka, jagida, roodhi kowda, faadfaadka, riyo ka dhalista, jabadaanta, kubadda cagta, gacanta iyo Kolaygu, waxay faa’iido weyn u leeyihiin caafimaadka jidhka oo ka hela tamar, adkeysi, awood, dabacsanaan iyo hurdo fiican, waxaannay jidhka ka caawiyaan xubnaha hab-dhiska wareega dhiigga iyo hab-dhiska neefsashada, isla markaana waxay ka hortagaan cayilk...

Ruwaayaddii Ilmadii yaxaaska

Image
  Siyaasiga Taban wuxuu rumeysan yahay in aan la bilaabi karin ruwaayadda, haddiiba aanu isagu goob joog ka ahayn fagaaraha bandhiga ruwaayadda, isagoo awood xirfaddeed, faham iyo garasho taama ah u lahayn dulucda ruwaayadda, haddana, wuxuu faraha la galaa hawlo aan isaga khuseyn, isagoo iska dhigaya kii hagaajinayey goobta lagu qabanayo fagaaraha bandhig-fanneedka ruwaayadda. Siyaasiga toggan ee jilaaya ruwaayadda maadda iyo qosolka badan, marka uu fahmo in laga dhabqinayo habka iyo hannaanka toolmoon ee ay u socoto ruwaayaddu, Jilaagaasi wuxuu ugu jawaabaa siyaasiga taban ee ruwaayadda dhabqinaya, badheedh, xinniinyo yeelo, u sheeg dadweynaha inaad ka soo hor-jeedo ruwaayaddan dadweynuhu daawanayaan.  Dadweynuhu waxay hore u soo daawadeen ruwaayaddo badan oo lahaa qosol iyo maad badan, waxay ka war'hayaan, in Aragtida quman ee jihada hilinka siyaasaddeed ee Somaliland uu ka gudbay siyaasaddii ku saleysneyd yowyowtanka iyo fikradaha madhan ee lala yaacayo, waxay og'soon yihi...