Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda.
Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey.
Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in duuliyuhu garanayo waxa uu sameyn doono, haddii ay wax ku yimaadaan dhinaca farsamada, kamanaanan shakiyin oo waan aaminsanaa duuliyahaas, balse, daqiiqad kasta waxa niyaddayda ku soo dhacayey, iyadoo shidaalkii ka dhamaaday diyaaradda oo aanu cirka ka soo dhacayno.
Marka aynu ka nimaadno werwerkaas, haddana intii aanu ku jirnay duulimaadka, waxa ay ahayd cimiladu mid aad u daran, waxaanna dhacayey duufaanno aad u waaweynaa, markii aanu ku soo dhawaanay gegida diyaaraddaha ee (London City Airport) caasimadda London ee dalka Ingriiska, waxa lagu war-galiyey duuliyaha in aanay soo cago dhigan karayn diyaaraddu, sababo la xidhiidhay dhinaca cimilada awgeed oo ay dul hogonaysay ceeryaan badan gegida diyaaradaha Caasimadda London ee dalka Ingiriiska.
Qof kasta oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraddaas, wuxuu mar walba ku dheygagnaa oo u dhegtaagayey xogaha iyo dhaqdhaqaaqyaddii ka socday qeybta hore ee laga waddo diyaaraddaas, markii aanu saacado kooban hawada duulimaad hoose ku wareegnaba, waxa ku guuleystay, oo si nabad-galyo ah u soo cago-dhigay hagayaashii gegida diyaaradaha (London City Airport) ee Caasimadda London ee Dalka Ingriiska.
Dharaar waliba waayo leh, waxaan ku soo galay furfurnaan iyo farxad gegada diyaaraduhu ka haadaan, ka dib, markii aan ogaaday duuliyuhu inuu yahay bare duuliye, waxaan isku kala bixiyey kursigii aan ku fadhiyey, waxaan markiiba dheggaha gashaday sameecaddii dheggaha oo aan ku dheggaysanaayey cilmiga barashada shimbiraha.
May jirin wax lagu qoslo oo ku saabsanaa Duulimaadkaas oo ahaa socdaalkaygii labaad, waxaanse maqlay dhawaaq qosol leh oo igaga yimid dhankayga danbe, waxaan dareemay in duuliye diyaaraddeed uu saaran yahay kuraasta iga danbeysa ee diyaaradda, haddii aanu qosolkaasi ahayn qosol-gariirka keen naxdinta kadiska ah, sababtoo ah, waxay ahayd goob dadku ay ku sugnaayeen cabsi iyo murugo badan.
Muddo yar ka dib, waxaan maqlay dhawaaq cod naxariis leh oo cod-baahiya qeybta isgaadhsiinta diyaaraddu nagu war-galiyey xilli ay diyaaraddu ku haadaysay duulimaad qiyaastiisu dhameyd shan iyo koton-kun oo dhundhunka hawada sare ah, uu si lama filaan ah duuliyihii (Pilot) diyaaraddii uu u geeriyooday (AHUN), isla markaana, uu la wareegay kaaliyihii duuliyihii labaad (Co-pilot) diyaaradaas, dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas qaarkood waxa ku dhacay miyir-beel, kuwo anfariirsan iyo kuwo naxdintii la kurbanayey.
Ka dib, markii waddihii labaad la wareegay duulimaadkii diyaaraddaas, waxa uu markiiba codsi ogolaansho degdeg ah u weydiiyey in uu soo fadhiisin karo iyo in kale, hagayaasha gegida diyaaradaha (O. R. Tambo International Airport) ee caasimada Kempton ee dalka South Africa.
Nasiib darro'se, waxay ahayd degitaankii ugu khatar badnaa, ka dib, markii luguhu ay u soo bixi waayeen diyaaraddu, waxaanna nalagu war-galiyey in ay cilad farsamo ku timid markii ay u soo dhawaatay gegedii diyaaraddaha, waxaanna markii danbe ku guulaystay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka South Afrika, kuwaasoo hab xirfadeysan u hagayey samoto-bixinta diyaaraddaas, kuna ku dhiiri-galinayey in uu ku soo fadhiisiiyo taayir la'aan gegeda, ka dib, markii ay soo cago dhigatayna waxa u soo baxay taayiradii laabnaa, duuliyahaas waxa uu ka faa'ideystay dhageysigii tallooyinkii ay siinayeen khabiiraddii hagayey diyaaradda.
Xilli danbe ayaan ogaaday sababta loogu sameyn waayey dib u socoshada gaadiidka hawada sare aada iyo Duuliyayaasha qaarkood in loo layliyo hawl-gallo gaarka ah, kuwo loo tababaro maaweelada ciyaaraha iyo madadaalada, kuwo kalena loo tababaro tababaraayasha duuliyayaasha.
Inkastoo duuliyayaasha gaadiidka ganacsigu ay mas'uul ka yihiin qaadista rakaabka iyo xamuulka, haddana, duuliyayaasha sahanka, duuliyayaasha sawir qaadayaasha, iyo duuliyayaasha dagaalka ciidamada cirku waxay mas'uul ka yihiin xilliga colaadduhu ay jiraan inay ka difaacaan cadowga iyo khataraha hawada kaga iman lahaa dalkooda.
Xilliyada aanay jirin hawl-galaduna waxa la siiyaa tababar iyo aqoon dheeraad ah, sababtoo ah waajibaadka duuliyayaasha ciidamada cirka waa mid aad u kakan oo khatar badanni ku gadaaman tahay, sidaa awgeed ayaa waajib loogaga dhigay in xirfaddooda aqooneed iyo waayo-aragnimaddooda kor loogu qaado.
Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, aniga oo dareensan kurbo yar ayaan diyaarad u raacay caasimadda Paris ee dalka Faransiiska, socdaalkaas oo ahaa socdaalkaygii saddexaad, taasoo goor caweysnimo ah aanu ka haadnay gegida diyaaraddaha (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa.
Saacaddo kooban markay hawadda ku jirtay ee ay u gudubtay jooga hawadda sare, waxa walaac nagu abuuray markii duuliyuhu nala-wadaagayay xog ku saabsaneyd in cilad farsamo ku timid mid ka mid ah afartii mishiin ee diyaaradda, sidaa awgeedna, farsamo-yaqaanadii diyaaradu ay ku hawlan yihiin hagaajinta matooradaas, taasoo ku qaadatay helitaanka ciladdii ku timid matooraddaasi muddo 15-daqiiqadood gaadhaysay.
Waxa mar labaad, haddana nalagu war-galiyey war-dhiilo xambaarsanaa, kaasoo ahaa, “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow, suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii, ka dib, markii ay nala soo deristay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn,
Waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee iska ashahaata oo tukada.
Waxaannu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradu (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaraddaha ee Charles de Gaulle International Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska, dhammaantayo markii aanu ka soo dhaadhacnay diyaaradda, degdeg-baanu u dhaafnay tagaasidii gegada diyaaraddaha taagnayd.
Inkastoo socdaalkaygii Afaraad ay cimiladu ahayd jawi aad u degan, haddana dadka waxay ku sugnaayeen wer-wer iyo walaac weyn oo ay ka qabeen hab-dhaqanka duuliyaha diyaaradda, kaasoo si lama filaan ah hoos u dejiyey, marna uu kor u kiciyey diyaaraddii aanu saarneyn oo markii hore ku socotay hab-quman oo deganaansho badan laga dareemayey.
Xaaladdu may ahayn wax la suureyn karo, waxaannay arrintaasi sababtay in dad-badan uu u go'ay suumankii kuraasta ee ay dhexda ku xidhnaayeen, kuwo qabay wadne-roorna waxay galeen xaalad miyir-doorsoon ah, kuwo khalkhalay iyo kuwo guux iyo gariirba laga waayey.
Intaas waxa noo sii dheeraa dhawaaqa qaylada naxdinta leh ee ka soo yeedhayey haweenka iyo caruurtii saarneyd diyaaraddaas, balse, markiiba waxaan isweydiiyey in duuliyuhu uu yahay wadayaashii gaadiidka ciidamada cirka oo u haysta diyaaradan uu wadaa inay leedahay baarashuud uu markuu doono ka goosan karo, laakiinse, ma'oga in aanay lahayn baarashuud, waxa kale oo aan niyadda galiyey wax badan oo aanay dadka kale ka filan karin duuliyaha, xiligaas waxa ay ahayd mar aan socdaalkaygii afaraad u raacay mid ka mid ah gaadiidka qaada dadweynaha ee hawada sare haada oo ku jihaysneyd Caasimadda Jurisalaam ee dalka Israaiil...... la soco socdaalkaygan, socdaalkayga kale ee ku xiggi doona hadduu alle yidhaa ....
Author Mohamed Farah Qoti