17/August/2013
"In
dublamaasiyada caalamku tahay mid runta ku naqanta oo hadalka aan la qaawin" (Don’t put the dots on the figures)
Qofka bini’aadamka ahi waxa uu baahiyo ama qalin ha ku gudbiyo ama
hadal ha ku gudbiyee waxay naftiisa iyo dalkiisaba ku keentaa ama ay horseedaa saameyn
togan ama mid taban.
sidaa-daraadeed waxaynu milicsanaynaa weedho Madax-weynihii labaad
ee Somaliland ee geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal uu kaga hadlay saameynta ay ku yeelatay xukumaddii uu hogaaminayey
wakhtigaas eedaymaha kaga imanayey war-baahinta iyo siyaasiyiintii markaas ka
soo horjeeday.
Weedhahaas oo ku jiray khudbad 12nd bishii Novenber
Sannadkii 1997-kii uu kaga waramayo, xaaladda siyaasadeed ee dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa oo ka jeediyey Gurriga Mudanayaasha labada Golle
(Guurtida iyo Wakiilada) taasoo ahayd xaf-ladii xidhitaanka kal-fadhigii labaad
(2, aad) Golayaasha oo lagu qabtay xarunta maxkamada sarre (Ex-Goodirka)
Waxaanu ku bilaabay Madax-weyne Cigaal,”Sawirka maanta Somaliland
laga haystaa waa laba, midi waa ka gudaha & midina waa ka Dibada.”
Madaxweyne Cigaal gunaanadkii xog-warankiisa ka Gudaha ka bacdi, waxa uu ku
dheeraaday sharaxaada mab’da shuuciga, kaasoo uu ku ladhay in hab-dhaqankiisii
iyo caadeysigiisu ay raad ku yeesheen siyaasadda Somaliland.
Wuxuunu yidhi; “Nidaamka shuuciga la yidhaahdaa waxa u mab’da ah
in meeshii xorriyadi taalo ay xorriyada isticmaalaan, si ay mansab ugu
gaadhaan, oo wixii xor looga dhigaba ay u isticmaalaan sida khaladka ah. Lana
dumiyo wixii dhisan, si wixii ay rabeen u dhismaan, xorriyadda shaqsigu
leeyahayna loo isticmaalo, in nidaamka lagu dumiyo. Mabda’aa ninka aaminsan,
waxa uu u isticmaalaa sidii uu u dumin lahaa, nidaamkii uu xoriyadda uu ku
helay, Mab’da shuuciga la yidhaahdaa kaa weeye.”
Alle ha u naxariistee madax-weyne Cigaal isagoo mawduucaasi qaadaa
dhigaya, waxa uu yidhi:- “maanta waxa aynu arkaynaa dad soomaali ah, oo waxay
wadaan tahay wax dumin oo aanay dantoodii iyaga aanay ahayn, oo aanay mid
dalkan qabata ahayn, oo aad leedahay haddii ay wax inaga qaloocdeen, Rayiga
adna halkaa kaaga muuqda, annigana halkaa iiga muuqda, kaygii-baa loo
yara batayee dee aan wado, adna igu caarid, oo waar ma hagaagsana,
walee-kaasaan lagu meel gaadhin xaq-baad u leedahay, laakiin haddii kayga la diiday,
waxba yey jirin, waar-dee ma gasho dadka.”
“Waxaasi waxa weeye wax innagaga soo duxaya dalkii, waana
dhadhasanaysaan wax-qoran hadday tahay iyo wax-af laga yidhi hadday tahayba,
waxa jira wax yaab badan oo garashadeeda, lagu buuxinayo, oo ay xariifyo ku
yihiin. Qabaa’ilkeenii wada dhaqanaan jiray, waxay ku wada dhaqanaan jireen,
isu burin, cun iyo cun, waxaad moodaa inta tii laga bay-dhay in ay innagu soo
biirayaan, lavov iyo Lamumba oo ay moodayaan in ay siyaasadu sidaa tahay, oo
haddii arrinkaaga meel marsan, waa inaad maroojisataa ah, maaha mab’da, maaha
mab’da dhaqan soomaaliyeed, maaha mid caalamku ku wada dhaqan yahay.”
Madaxweyne Cigaal waxa kale oo uu khudbadaa kaga hadlay, arrin ku
saabsan, sida indhaha caalamku u arkaan xiligan Somaliland, isagoo mudanayaasha
u muujinaya day’mo siyaasadeed oo somaliland kaga timid dhinac kasta, Waxaanu
yidhi; “Mid-weeyee, wax innaga baxay, innaga oo mab’da aan ka soo sheekeeyey
iyagoo u jeedin, ka baxay oo wax xumee wax ka weyni meeshii joogay, doqoni
marka la kaftamayo, in lagu kala-tagay moodaaye, kala tag gaadhsiiyey.”
“Sawirka la siinayaa dibadiina uu yahay, sida ay leeyihiin ee la
xayeysiinayo meeshii (Somaliland) in ay jiraan wax caaqiladii dagaalka la mid
ah, oo Digtaatooriyad ah, dowladda iyo dadkana afku duuban yahay oo gacanta la
haysto, oo meel loo jiidanayo, wax aanay doonayna la’la hortaagan yahay. Taasi
innaga ayey innaga baxday, halkan bay ka tagatay, ninkii tagey ee
sheekeeyey ee caalamka tagayey oo la akhristo, oo qiimo aynaan
lahayn, halkan innaynu innagu, weynu is wada og’nahay oo waxaa
ninkii qoray hebel iyo hebel baynu u garanaynaa oo halkan bay iiga
muuqdaan qaarkood, wuxuu qorayna isaga ayeynu ku miisaamaynaa.”
“Laakiin, marka Maraykan la geeyo lama yaqaano, jariiradii dalka
ugu weynayd, ee Eithopia la geeyo, ee dibada lageeyo lama yaqaano, innanka innagu
naqaano ee jarriirada dalka ugu weyneyd, ayaa waxaa tidhi, ayaa la leeyahay,
ninkii madaxda ahaa baa yidhi, ayaa la leeyahay, iyaguna maxay caalamka
geenayaan.
Madax-weynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata mar kale waxa uu
yidhi: – Baarlamaaku markuu ansixiyey miisaaniyadii, Balaqoo-balaqoo baa la
yidhi, cad baa loo tuuray.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ciigaal.
Waxaanu intaa raaciyey; “Halkan, waxa loo duulay intii aynu
dal-dalooladeena qarsan lahayn ama haddeynu sheegayno inteeda ku sheegi lahayn,
ayaa wax khatar loo qaato, loo sheegayaa markaa lagala soo dhex-baxo sawirka
Somaliland laga qaadanayaa maxay tahay? Iska daa kii ajanabiga ahaayoo
Somaligii Finland joogay, Holland, Canada, England & Mareykanka joogay telle-phone
kooda ayaan khaatiyaan ka joogaa. Sawirka Ihdisaa’iga ah ee Axmed Siilaanyo
markuu Mareykan tagay la kulmay ee raggii Carabta tegay la kulmeen, waa kaa
lagala soo baxayo, ninka safarka tagaa waxa uu yidhi, Jaraa’idkaa la turjumaa
wixii ka soo baxa.”
Mar kale Isagoo hadalkii sii wata waxa uu yidhi:- “In
dublamaasiyadda caalamku tahay mid runta ku dhaqanta oo hadalka aan la qaawin,
oo xarakada laga dhaafo (Don’t put the dots on the fingers) Taqaaliida
caalamku, wallow aanay taayadii ahayn, waan la soconaa laakiin waxaan leeyahay,
labada xaraf dhexdooda wax-baan ka urinayaa.”
In kastoo weedhahan madax-weyne Cigaal dadka qaarkood iyo
siyaasiyiintii ka soo horjeeday ula muuqday Madax-weyne hogaamintiisa difaacaya
haddana waxaynu odhan karnaa dhaliilaha, Eedaymaha, iyo wax-yaabaha sida
khaldan loo dhigaa waa kuwo dal ahaa iyo dad ahaan inagu yeelan kara saameyn
wanaagsaneyn.
Sidaa-daraadeed, waxaan u soo jeedin lahaa siyaasiyiinta iyo
war-baahinta lafteedaba in laga dheeraado isla markaana laga dheeraado, wax
kasta oo dhib inagu keeni kara qaran ahaan, wax kastoo aynu u aragno khalad ama
dhaliil dowladu leedahay aynu sida ugu haboon u saxno ama u toosino.
Qalinka Maxamed Faarax Axmed
Madaxa Caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex
0634426743
Hargeysa/Somaliland.
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid