Sunday, October 30, 2016

Muuse Biixi, George Washington, Charles de Gaulle, Andrew Johnson, Winfield Scott ..........

                                                                                         30/Oct/2016


Markii uu dhamaaday dagaalkii  ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM )  kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland  sannadkii  1991-kii.
Isla-wakhtigaas, waxa ciidamaddii xaq u dirirka ahaa ee (SNM) la kala siiyey Affar Darajo oo kala ahaa, sidan.
Darajadda-koowaad waxa la siiyey Raggii  siidhiga affuufayey ee  ku jiray jiidaha hore ee ciidamaddu ay ka dagaalamayeen,  “Premier to Premier”,  taasoo ahayd , ahmiyaddii koowaad ee ugu muhiimsanayd, uguna sareysay  Madax-da hoggaaminaysa Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Halka iyana la siiyey Darajaddii-Labaad Raggii miiska dushiisa ku qorsheyn jiray nidaamka iyo hawlaha ciidanka, “Premier Lazy” Ahmiyadda labaad ee ku xigeenadda madax-da hoggaamiyayaasha Dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo Darajadda-Saddexaadna la siiyey,  “Stupid Active”  oo ahaa Doqonadda firfircoon ee xukunka ay gooyaana uu ahaa mid aad hooseeyey, isla markaana ay garashaddoodu ay ahayd mid aad u yarreyd, Raggaas oo ahaa kuwo marka uu dagaalku socdo odhan jiray laba-Kaarre ayaa ina weydaartay, halka Darajaddii- Affaraadna la siiyey “ Stupid Crazy”  Doqonadda aan wax-baba hubsanin, Raggaas oo ahaa Saad-hayayaashii marka uu dagaalku socdo ee ay rasaastu kala go’do, iyadoo rasaas loo baahan yahay soo diri jiray shiidaalka ama wax kale oo aan loobaba baahnayn, kuwaas.

Sida aynu wada ogsoonahay, wakhtigaasi waxa la siiyey Darajadda Koowaad ee  “Premier To Premier”,  Mujaahid  Muuse Biixi Cabdi oo lagu tilmaamo in uu yahay  Hoggaamiye leh Dhaqan, Diin  iyo Waayo Arragnimo, kaasoo hadda,  Hoggaamiye  iyo murrashaxa Madax-weyne u ah Xisbiga Nabada, Midnimadda, iyo Horumarka ee tallada dalka haya kulmiye (PUD party).  

Inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu, mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeedba, haddana waxa lagu qiimeeyaa  Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi in uu la mid yahay hoggaamiyayaashii ugu wanaagsanaa ee ka soo taliyey Aduunka, kuwaas oo  lagu qiyaasay  96% inay ahaayeen Askar ka tirsanayd ciidamada  millateriga,  waxaana ka mid ahaa hoggaamiyayaashaasi,  Jamaal Cabdi Naasir, Andrew Johnson,  Xafidul Asad, George Washington, Winfield Scott iyo  Charles de Gaulle oo ahaa saraakiishii ku guulaysatay  difaacidii dalka farancsiiska ee uu damacsanaa in uu qabsado  Jarmalku (Germany) dabaqayaaqadii bishii January 1940-kii.

Charles de Gaulle Wakhtigaas ka dib, waxa uu ka tagey taliskii sare ee ciidamadda, isagoo ku biiray dhinaca siyaasadda, waxaanu murrashax  madax-weyne ka noqday Xisbigii wadaniga shaqaalaha, isla-markaana waxa uu ku hellay si mutadawacnimo ah taageeraddii ugu badneyd difaaciddii dalka Faransiiska, inkastoo,  aanay u lahayn wax-aqoon ah dadkii ku noolaa Dalka Faransiiska iyo Dalka Ingiriisku,  Haddana,  Dadkaas waxa ay rumaysnaayeen in hiigsigiisaas  uu ahaa mid lagu wada qanacsanaa tayadiisa hoggaamiyenimo eek u hoggaamindoono Dalka Faransiiska (France).

Waxa uu ka qalin jabiyey Jamaal Cabdi Naasir Kuliyaddii Ciidamada Dagaalka, Sannadkii 1938-kii,  horaantii bishii June, Sannadkii 1967-kii,  Dadka reer Masar waxa ay u sameeyeen mudaharaad weyn oo ay ku taageersanaayeen in uu ku biiro hoggaaminta Dalka Masar,  iyagoo u arkaayey inuu yahay Nin Hoggaamin karra Dalkooda, ka dibna, waxa uu badelay Sannadku markuu ahaa 1970-kii, Madax-weynihii dalka Masar ee la odhan jiray Anwarul Sadaat.

Halka Muuse Biixi Cabdina uu ka qalin jabiyey Kuliyaddii-Cilmiga Barashadda Duulimaadka Diyaaraddaha Dagaalka  ee kishanpura oo ku taalay dalka Ruushka sannadku markuu ahaa 1973-kii, ka dibna, waxa uu ku biiray jabhaddii xaq u dirirka xornimo doonka ee (SNM),  Sannadkii 1985-kii, isla-wakhtigaasi, waxa uu  noqday Taliyihii Ciidanka dagaalka ee Aaga Bari, waxaanu ka mid ahaa saraakiishii (SNM) ee ku guuleysatay dib u xoreyntii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Billowgii bishii February, Sannadkii 1991-kii, waxa uu ka soo qayb qaatay dhismihii Dowladnimo ee lagu dhisayey Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka soo qabtay xillal kala duwan Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sannadku markuu ahaa 2002,  waxa uu u xuub siibtay dhinaca siyaasadda oo uu ka gaadhay in uu ka noqdo hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye, isla-markaana ahna, Murrashaxa uga tartamaya Jagada Madax-weynaha Xisbigaasi, sidoo kalena, dadka wax  saadaalinayaa waxa ay ku qiimeeyeen, sababta uu sida mutatawacnimo ah ugu hellayo taageeradda ugu badan ay tahay, in la rumeysan yahay Tayadda Hoggaamintiisa oo wanaagsan, isla-markaana lagu wada qanacsan yahay himiladdiisa uu ku hiigsanaayo hoggaaminta taladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa ay taasi ku macneeyeen, iyagoo bud-dhig ugaga dhigay, inuu yahay Hoggaamiye ka soo qayb qaatay halgankii dheeraa ee dib u xoreyntii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo  in uu yahay Nin hoggaamin kara dad badan oo qabiili ah, oo ka badan kuwa cilmiga leh, kana badan kuwa xidhiidhka sarre leh, kana sii badan kuwo aad aad-ula yaabayso macluumaadka ay xanbaarsan yihiin iyo xoggaha ay bixinayaan.
Waxa kale oo ay ku sifeeyeen  farshaxannimadda hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE in uu yahay mid had iyo jeer wax ka baranaayey isbad-badalada cimiladda Aduunka ka jira, mana aha bay yidhaahdeen, mid ku koobnaa akhriska Buuggaagta iyo wararka sida hirarka mowjadaha u qulqulaya oo kaliya, laakiinse, waa Hoggaamiye awood u leh inuu ka tanaasulo fikraddaha duur-joogta ah ee madhan,  ee ay faafiyaan duur-joogtii ka dareertay Xisbigiisa ee ku biirtay Xisbiga WADANI, waxaanu wax u qabtaa sida saxda ah ee ku haboon Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi.

Marka laga hadlaayo Hoggaamiyaha waxa garaadkeenu ina siiyaa wax-yaabo badan, kaasoo, innoo sawira muuqaalo kala duwan oo leh siyaabo badan oo kala gadisan iyo su’aalo badan oo innooga  baahan jawaab sax ah in aynu kaga jawaabno, kuwaas oo ay ka mid yihiin, :-  Aduunka ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor Jillaa ahi,  Boqor War-doon ahi, Boqor Sirdoon ahi, Boqor Xab-xable ahi, Boqor Farsamo-yaqaan ahi, Boqor  Maal-qabeen ahi,  Boqor Tuug ahi, Boqor Macalin ahi,  Boqor Dhakhtar ahi? .

Sida ay taariikhdu sheegtay su;aasha jawaabtaas in aanay aduunka ka dhicin inay noqdaan Hoggaamiyeyaal, inkastoo tiradoodu ay aad u yareyd dhakhaatiir hoggaamiye ka noqday aduunka, balse, waxa ay ku sababeeyeen dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee dhinaca Hoggaamintoodii ay ahayd, kuwaasoo marka ay shaqeynayaan ka horeysiinayey dantooda gaarka ah danta caamka ah ee guud, isla-markaana, ay ahaayeen kuwo ay hageysay xoriyaddoodu oo qiimeynaya qaab-dhismeedka ugu sareeya, laakiise, Hoggaamintu waa mid u shaqeysa dadka kale iyo danta caamka ah ee guud.

Sidoo kalena, waxa haga cilmiga barashadda caafimaadka iyo cuduradda sidii la iskaga difaaci lahaa, iyagoo u isticmaalaya farsamo- xaalladeed iyo jawaabaha maxsuulka ka soo bixi doonta baadhitaanadii lagu sameeyey bukaanka, halka ay Hoggaamintuna u isticmaalsho hab- xeeladdaysan, Abuurid  iyo  muuqaalo sawirkoodu uu aad u wanaagsan yahay.

Waana kuwo xidhiidhkoodu aad u hooseeyo, isla-markaana, ku farxa hal-xidhaalayaasha in ka badan dhibaatadda dadka haysata, taasoo lagu tilmaamo in Hoggaaminta Dhakhaatiirtu la mid tahay, sida dhaqashadda Bissadaha oo kale, sidaa daraadeed, ayey ugu yar tahay Boqortooyo Boqor dhakhtar ahi uu hoggaamiye ka noqdo dunida aynu ku nool nahay, laakiinse, kuwaa kale taariikhdu meelnaba kumay xusin.

Haddaba, si aanay maalin kasta yab-yab, yabooh iyo yagleel cusubi aanay innoogu dhicin, waxa muhiim ah in aynaan sahan la’;aan guurin, maadaama, sahamintu ay tahay aassaass koowaad ee himilladda dadweynaha, sida, dadka reer guuraaga ahiba ay ugu sahamiyaan xoolahooda dhulka biyaha, naqqa iyo dooga leh ee ay dajin lahaayeen.
Dhinaca u sahaminta dalku inuu yeesho hoggaamiye wanaagasan, halbeega sahaminta loo isticmaalo ee lagu qiimeeyo wakhtigan kala xulashada Murrashaxiinta  saddexda xisbi siyaasaddeed ee UCID, WADANI iyo KULMIYE  tartamaya inay ku guuleystaan jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabbir hagaha ugu fiican inaynu ku qiimeeyno sifaha murrashaxiinteena  in ay yihiin kuwo leh arragti-fog, hiigsi, himmilo mustaqbal, daacadnimo, dhiirigalin, fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo, sababeyn karana tallaabo kasta oo uu qaadayo,  oo aan lahayn eex, isla markaana, aynu u arragno inuu si siman dadkiisa u wada-daweyn karro, sameyn karana dhawaaq amar leh oo go’aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay, wakhtiga ku haboona wax-ka-beddeli kara mallihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka, kuna hanweyn inuu dhaxal ugaga tagayo dadkiisa.

Guntii iyo gabagabadii waxaan qormadaydan ku soo gunaanadayaa in aynu xusuusnaano, in aanay  jirin himillo ka wanaagsan himilladda indhaheenu ay arkayaan hoggaamiyaha leh sifooyinkaasi dhamaantood wuu ku sifeysan yahay Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi,  waxaanan u  dhaafayaa bahda illa wadaagta akhriska qormooyinka aan ku baahiyo mareegaha wararka iyo wargeysyadda madaxa-banaan.

Qalinkii :- Maxamed Faarax Qoti


Wednesday, October 19, 2016

Ma Ya’daan (ى) Ogaa Ayuu Laba-Dhibcoodna u Raaciyey


                                                                                                                                          19th/Oct/2016



Wakhtiyo hore ama beri hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay guudkeeda ee masaalka iyo tusaalaha loogu soo qaato habkii uu ugaga gaashaantay duufaanadii ceeryaanta lahayd ee dul-hoganaysay. 


Wakhtigaasi, waxa ay dadka wax hilaadiyaana ku sababeeyeen in ay ahayd mid ka ukantay cugashadii gollaha xukumadda ee Boqorkaasi, waxa kale, oo ay ku tilmaameen in ay ahayd taasi mid aan si fiican looga fiirsan oo aan loo lafagurin, sidoo kalena, waxa ay ku tiraabeen dhaadin la’aanta wakhtigii uu kala xulanaayey gollihiisa, erayaddii duur-xulka ahaa ee ay u sheegeen aqoon-yahannadii ka soo jeeday beelihii ay ka tirsanaayeen gollahaas, kuwaas oo ahaa sidan:-  “ Hebel waa nin aad u fir-fircoon, oo fariid ah, laakiinse,  waxa ku jira in yar oo fudayd ah” ,  Macnaha erayga fudayd ayaa ahaa mid aanu dhaadin macnihiisa boqorkaasi. 

Ka dib, markii ay ku abuureen  khal-khal iyo jahwareer Boqortooyadaas, waxa boqorku go’aan ku gaadhay in uu u kitaab furo,  uguna yeedho sheekh tuf-lahaa oo marka dadka buka dabiibka loogu geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, waxaanu dheeraaday xog-warankii, isagoo sharaxaad dheerna ka bixiyey xanuunkii ku dhacay qaar ka mid ah gollaha xukumaddiisa ayuu u sheegay Sheekhii, sidoo kalena, waxa uu ku tilmaamay  xanuunkan ku dhacay gollihiisa uu yahay xanuunka la yidhaahdo sal-fudaydka, kaasoo inta badana ku dhaca caruurtu marka ay yar yihiin.

Boqorku isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi :- Inkastoo, haddana lagu tilmaamo xanuunkaasi in ay noqdaan dadka uu haleelaa, kuwo marka ay wax qabanayaan aan ka fikirin waxa ay qaban doonaan, natiijadda ka dhalan doontaa waxa ay noqonayso,  taasoo afka- qalaadna loogu yeedho “Attention Deficit Hyperactivity Disorder”.

Ka dib, markii uu fahmay sheekhii tuf-ka lahaa war-bixintii boqorkaasi, waxa uu u dhigay Qar-dhaas Gollihii Xukumaddaas, waxaanu dabiibkaasi uu noqday mid ay kuwada caafimaadeen Gollihii Xukumadda Boqortooyaddaasi.

Muddo dhowr sannadood ah ka dib, markii ay ka soo wareegtay wakhtigaas, waxa mar-labaad ku soo noqday xanuunkii-hore loogaga dabiibay, isla-wakhtigii ay ku celiyeen eheladoodiina,  waxa loo sheegay in uu ku maqan yahay safar-shaqo oo la xidhiidhay dabiibida dadka bukaanka ah ee ku noolaa deegaanada miyiga ee aadka uga durugsanaa, safarkaas oo qaadanaayey muddo aad u dheerayd.

Waxa ay eheladoodiina ay go’aan sadeen in ay dabiib ugaga raadiyaan sheekh kale oo ku dhawaa deegaankii ay degenaayeen, ka dibna,  markii ay u keeneen ee uu sheekhii kale ka dhageystay war-bixinta xaaladda xanuunkoodaas, waxa uu sheekhu ka furay qoortoodii Qar-dhaaso ka laalaaday oo ahaa Qardhaasihii uu u dhigay Sheekhii tufka lahaa.
Isla-markaana, waxa uu sii fur-furay Qardhaasihii, waxaanu hoostooda ugu tagey war-qado ay ku xar-dhanaayeen xarafka  ى  oo lagu qoray khad-madow, ka dibna, waxa uu soo qaatay sheekhii  khad-madow, ka dibna, waxa uu ku qoray oo uu ku dhigay laba-dhibcood  xarafkii Ya’da ahaa  ي hoostoodii, waxaanu warqadihii dib ugu sameeyey Qar-dhaaso kale oo cusub.

Waxaanu sheekhaasi uu ku yidhi:-  waxaad u xidhaan marka aad guryahooda aad geysaan, marka ay dhacdo qoraxduna waa inaad ka furtaan Qardhaasahaas, isla-saacado ka dib, markii ay dib ugu laabteen hoygoodii ee loo galiyey Qar-dhaasihii, waxa ay ka sii qaadeen in uu ku sii siyaado xanuunkii hayey, inkastoo, uu ahaa xanuunkaasi kuwa aan la kala qaadin, laakiinse, haddana waxa dhacday in uu xanuunkaasi ay qaadaan dadka kale oo markii hore caafimaad qabay in ay u jiifsadaan xanuunkaasi, kaasoo, cabsi weyn ku abuuray dhamaan dadkii ku noolaa deegaamadii ay ku noolaayeen shaqsiyaadkaasi.
Mudo dheer ka dib, sheekhii tufka-lahaa markii uu uu ka soo laabtay safarkiisii-shaqo ayey u tageen ehelkoodii, iyagoo gacmaha ku sida qardhaasahii uu u dhigay sheekhii kale, waxa kale oo ay isku arkayeen maadaama ay ahaayeen kuwo khaldamay, in ay ka soo barakeystaan sheekhii tufka-lahaa, isla-markii ay kulmeena, waxa uu sheekhu ka dhageystay ehelkoodii war-bixin dheer oo xanbaarsanayd heerka maanta uu marayo iyo in uu ku faafay xanuunkaasi qaybo ka mid ah dalka.

Dabadeedna, Sheekhii tufka-lahaa waxa uu fur-furay war-qaddiihii ku hoos jirtay Qar-dhaasahaasi, waxaanu ku arkay xarafka Ya’da ي  oo leh laba-dhibcood, waxaanu Sheekhii tuf-ka laahaa uu yidhi:- Ma Ya’dii  ى  aan ogaa, ayuu laba-dhibcoodna uu u raaciyey ي.

Waxa aan dhibic ka mid ah fahamka qormadaydan aan u dhaafayaa dadweynaha akhristayaasha sharafta mudan ee illa wadaaga qormooyinka aan ku baahiyo war-baahinta madax-banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti